Sign in to follow this  
Juje

YAA KA QAYB GALAY XASUUQII KA DHACAY XAMAR?.

Recommended Posts

Juje   

Ninam sharciyo ama deggenaasho ku leh wadamada Reer Galbeedka oo ka qayb gelay xasuuqa Xamar.

 

Xasuuqida ka dhacday magaalada Xamar waa arrin aad iyo aad looga naxo lagana xumaado. Waxaase aad iyo aad nasiib darro ah in qaar ka mid ah dadka isku sheegaaya in ay yihiin hogaamiyaasha ka soo jeeda bah waynta Xamar ee ku jira dowlad ku sheegga ayna fahmin sawirka guud ee Abdullahi Yusuf iyo Qowlaysatada Tigreyga ay wataan iyo sida ay wax u dhacayaan. Waxaase Ilaah mahadii ah in bah waynta reer Xamar ay isku filan tahay ayan iska difaaci karto Tigreyga iyo maxaysatada la socoto sababto ah waxay talada saarteen Ilaah (SWT) oo kaliya waxayna ogyihiin in cid kale oo wax ka tari kartana aysan jirin.

 

Dadka intiisa badan waxay maqlaan ama arkaan oo kaliya kuwa qaylada dheer ee wax magaratada ahna calooshooda u shaqaysato kuna hadla afka dawlad ku sheega sida Salaad Ali Jeelle ama Mohamed Mohamud Gulled “Gacma dheeere” ama Diinaari. Nimankaan wax magaratada ah waxay ku hadaaqaan oo kaliya wixii uu dhiibo hogaamiye hore ee jabhada Puntland iyo qowlaysatada Tigreyga. Waxaase jira koox kale oo aad u fara badan oo ka mid ah dowlad ku sheega kana yimid ama sita sharciyo Wadamada Reer Galbeedka oo ka ciyaaray qayb xoog leh xasuuq ka dhacay Xamar. Kuwa aan ka hadlaayo kuwa dabka ka shida dhinca dambe haddii ay noqon lahayd iyagoo soo diyaariya sharciyada Xukunka Milateri (martial law) oo lagu xiraayo dadka rayadka ah, wargaysyada iyo Telefishanada ama qora qoraal dawlada lagu taageerayo ama, bixiya waraysi idaacadaha dibada iyagoo oo gedaayo dawlada ku sheeg ka jirta Soomaaliya.

 

Raggaan aan dibada ka yimid waxay kale ay ka mid yihiin wasiirada dawlada iyo baarlamaanka waana dambiilayaal sababto ah kama ayna hadlin xasuuqii Xamar ka dhacay taasoo micnaaheedu tahay in raali ka yihiin xasuuqaas. Soomaalida waxay tiraahdaa “Dhurwaaga Qayliya waxaa ka xun kan Aamusan”Ragaan waxay kale masuul ka yihiin keenidda Cidamada Tigreyga oo qayb xoog leh ka qaatay xasuqada, dhaca, kufsiga iyo dilka maatada (caruur, dumar iyo waayeel) ee magaalada Xamar.

 

Hadaba say ku suurto gashay in nimankaan ogolaaday xasuuqa Xamar in ay xaasaskooda iyo caruurta ay ku noolaadaan nabad iyo ayagoo aan ka baqayn xasuuq, kufsi, dhaca, boob iyo dil?. Su’aasha kale iswaydiinta u baahan nimaanka yaa u biila xaasaskooda iyo caruurtooda haddii ayna shaqayn?. Waxaa laga yaabaa in nimankaan xaasaskooda ay qaataan cayrta ama SHAB (Dhaqaalaha). Subuxii caruurtooda inta caloosha loo buuxiyo ayaa waxaa Iskuulada lagu geeya baabuur kala jiidan iyagoo aan cidna ka baqayn. Halka caruurta ku nool Xamar ay subuxu garanayn meesha ay ka heleyaan cunto ama marka ay gurigooda ka badaxaan subixii ay garanayn in ay nabad ugu soo laabaan doonaan iyo in kale.

 

Hadaba si loo helo cadaalad waa in wax laga qaabtaa raggaan naxariista daran ee sida dadban ugu qayb galay xasuuqa Xamar. Waxaa loo sheegaya in ay jiraan koox isku magacaawday “Concern Citizen” ayna uruurinaayaan macluumaad ku saabsan raggaan si ay ugu qayb qaateen xasuuqi ka dhacay Xamar loona gudbindoona meelaha khuseeya. Sidoo kale kuwa kale ee aan ku lahayn degaanka Waqooyiga Ameerika waa in ay ogaadaan in la sugaayo, diyaarna loo yahay talaabona laga qaadi doono marka ay yimaadaan Waqooyiga America (North America).

 

Ugu dambaynta waxaa loo baahan yahay in bah weynta Xamar isku meel uga soo wada jeesto cadowga ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qawlaysatada Tigreyga iyo maxaystada la socto iskana ilaaaliso wixii abuuri kara tafaraaruq. Haddii aan isku meel looga wada soo jeesan cadow Tigreyga iyo maxaysatada la socoto waxaa dhici doonta sidii sheekadii Libaaxa iyo Seddex Dibi.

 

By: Abukar Macallin

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was listening to this guy who represents the Odayaasha that are meeting with Ethio officers. One of his contention was that Yeey came back for revenge. Me thinks maxaad galab satoo laa aarowyaa.

 

I doubt he never asked himself that, I doubt any Somali ever asks him/herself. Massacres always happen in Somalia from Hargeysa, Xamar 91, Baydhabo to todays Xamar without any Somali except the victims ever protesting against these crimes.

 

The point being we would never move forward so long as we don't confess our own sins,and come to the aid of our brothers when they actually need us.

 

It looks Qabiil kasta qabiilka kale marka labaabinayo waa iska fiirsadaan kuna farxaan. It is sad legacy we all share, and one that unlikely to change if the good ones continue to stay silent.

 

The article below speaks to the need to move forward or sadly we will be in the same debacle, except this time around, it might be Galkacayo, and Bosaso being blown to bits, while Xamar silently enjoys the sad predicament. And who knows who will get the same treatment tomorow or the day after while the rest of Somalia silently looks on.

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

YAA KA QAYB GALAY XASUUQII KA DHACAY XAMAR

Here are the list of people who participated Mogadisho genocide:

Caydiid.

Ali mahdi

Xuseen Bood

Qaybdiid

Shabeel

These guys and more actively participated the displacement and killing of so many innocent poeple in Mogadishu. Is this the Genocide poster is asking? redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ you included Ceydiid junior, this guy now saying there is a genocide in Xamar, maybe he is a jaajuus sent to meet Maxkamadaha in Eritrea, who knows, he lost his position, he joined the opposition, maba xishoonayaan dadka qaarkood, and now he is talking about genocide.

 

 

wallaahi ibtilo socoto weeyaan dadkan, xaggee loo raaci, maalinba mid baa iska afuufmi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Abaadir:

Is this the Genocide poster is asking?

No I'm asking about the current war waged on innocent civilians in Mogadishu by Ethiopian forces backed by the TFG. And that is what World is talking about. And yes the individuals you listed are part of the culprits, so is President Yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

25 Qof oo lagu xasuuqay halmee oo keentay in dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya DFKG loo gudbiya heyadaha u dooda Xaquuqda insaanka

 

Muqdisho

 

Dagaalkii Banaa ee ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo xoogag xureynta Beelaha ****** magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay ayaa galaafsaday dad gaaraayo 1500 o qof kuwaas oo u badnaa dad aan waxba galbasan iyadoona tira intaa kabadana l xoog looga gubay hooygoodi kadibna laga barakiciyey.

 

Wali kama dhicin Soomaaliya masiibo intaa la'eg iyadoo la hugsanyahay teytal dowladeed, arinta ugu yaabka badneyd ayaa aheyd kadib markii 25 qof oo meyd ah laga helo hal guri oo ku yaalo xaafada Calikamiin kuwaas oo lagu xasuuqay meeshaasi .

 

25qof oo aysan ka muuqan wax rasaas ah korkooda ayaa sida la sheegay lagu dal dalay hoy ay uga ganbanayeen rasaastawaaweyn ee leysweydarsanayey , dilka 25ka qof oo keenay muran badan ayaa hadda loo gubiyey heyadaha ka dhanka ah xaquuqda aadanaha iagoona looga fadhyo in ay dacwad ka dhan ah DFKMG iyo dowlada Itoobiyo soo bandhigi doono maalmaha Soo socda .

 

Sidoo kale waxa isagana gurigiisa lagu dilay milkilihii iska lahaa garshaanka weyn ee ku yaalo isgooska Cali Kamiin isagoona la lahaa mudo ayaa waxaa laga helay isagoo meyd ah Garshaakiisa oo xiligaa u dhawaa koobta dagaalka .

 

Dhanka kale Dowlada Mareykanka ayaa u muuqato in ay ku fashilantay siyasadeedii arimaha gudaha Soomalaiya iyadoona hadda cadasi ku saareyso dowlada Itoobiya siday ciidmadeeda ugala bixi laheyd dalka Soomalaiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this