Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu 10 dead in renewd clashes

Recommended Posts

10 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho - 07.May.2006 Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacantay

 

 

dagaal xoog badan oo galabta ka qarxay magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo laysu adeegsaday hubka cul culus iyo midka fududba waxaa uu dhex maray maleeshiyooyin kala taabacsan Midowga maxkamadaha Islaamiga iyo Isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada.

 

Dagaalkan oo ka dhacay deegaanka Sii Sii ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu sababy barakac hor leh oo saamayey dadkii lagu dul dagaallamay.

 

Ciidamada dhinaca Isbahaysiga argagixisada waxaa hogaaminayay nin lagu magacaabo Nuur Dhakli, halka kuwo kalena ay ka amar qaataan gudoomiyaha midowga Maxkamada Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin.

 

Iyadoo wdarar hore ee soo baxay ay sheegayeen in tacshiirad la hubiyay baabuur ay saarnaayeen gudoomiyeyaasha midowga Maxkamadaha Islaamiga ee magaalada Muqdsiho oo uu ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Muxyidiin.

 

Waxaana la sheegayaa in Shariifku uusan waxba ku noqon weerarkaasi.

 

Dagaalka ayaa iskiis u joogsaday ka dib markii ay cadceedu dhacday.

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ah, el DUKIE -

 

This is the hypocrisy I can't stand. While you are by far SOL Politics' most adamant supporter of anything-Puntland, you seem eager to post every firefight in Muqdisho, hundreds of KM from Puntland while conveniently overlooking the firefight in Boosaaso, Puntland's money-maker.

 

Let me do the equation in your mind:

 

1. Boosaaso + firefight = bad image for Puntland [DO NOT PUBLISH]

2. Muqdisho + firefight = bad image for Muqdisho [PUBLISH]

 

The reasons:

 

Boosaaso can't afford a bad image, especially since the Puntland president wants to convince potential investors that Puntland is "safe" for investment (natural resources issue). Conversely, reporting every bullet in Muqdisho advances Cabdullahi Yusuf's argument that Muqdisho is a no-go area not suitable for government HQ.

 

p.s. The same SBC website reported today's fighting in Boosaaso. Can you kindly explain why you pick-and-choose which news items are worthy of being posted numerous times by you and which ones should be overlooked? Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I came a cross this news item on Dayniile, double checked it on Shabbele and found SBC was the latest update of it. This information from Mogadishu is just the lastest incident in the conflict between the alliance of warlords and courts and hence the use of the word "renewd". It is a very important news item, and as I did not create/ fabricate it. I dont much see your problem.

 

If you have relevent information on the firefight in Bossaso, why not forward it. Why contest this thread in terms of my political position or outlook. How does that affect the news, have I exagerated it, or made it up?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xoogleh oo ka socda Nawaaxiga SiiSii ee Muqdisho

Last Updated::2006-05-07 16:24:18

 

Muqdisho:- Wararka kasoo baxaya deegaanka Siisii ee Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo iska horimaad xoogleh.

 

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay maleeshiyooyin deegaankaasi jooga ay rasaas ooda uga qaadeen Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta ee Shiikh Shariif Ahmed

 

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen maleeshiyo saarneyd gaarigaasi la xabadeeyey.

 

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay maleeshiyooyinka maxkamadaha dagaal aargoosi ah ay ku qaadeen maleeshiyooyinkii xabada furay.

 

Maleeshiyooyinka deegaankasi ku sugan ayaa la sheegay in ay gacansaar la leeyihiin Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada.

 

Illaa iyo hada lama sheegi karo inta uu la eg yahay khasaaraha dheeraadka ah ee ka dhashay iska horimaadkan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal la isku habeensaday oo ka dhacay deegaanka Siisii ee W/Muqdisho

 

Mogadishu 07 May. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal culus oo la isku habaeensaday ayaa maanta ku dhex maray deegaanka Siisii ee W/magaalada Muqdisho labo maleeshiyo oo kala taabacsan isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo Miow Maxkamadaha , iyadoo dagaaladaasi ay goordhoweyd iskood u istaageen, inkastoo ay jirto rasaas goos goos ah oo labada dhinaca ay isweydaarsanayaan.

 

 

Gaari uu saaran yahay qori dhashiike ah

Dagaalkaan oo sii kulululaaday galinkii dambe ee maanta ayaa geeystay qasaaro dhimsho, dhaawac iyo Barkac intaba, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee wax ku noqotey dagaalkaasi.

 

Dagaalkaan oo ka bilowday rasaas lala beegsaday Gaari Mark2 ah oo ay leedahay Maxkamadda Islaamiga ee Sii ayaa markii hore u dhaxeeyay maleeshiyooyin uu horkacayo Ganacsade Nuur Dakhli oo gacansaar la leh Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo C/kariim Cali Xasan oo isna xiriir la leh Midowga Maxkamadaha, iyadoo iska horimaadkaasi galabta uu sii xoogeeystay, ka dib labada dhinac gurmad ay ka heleen dhinacyadii ay kala taageersanaayeen sida uu sheegay C/laahi Xuseen oo ah goobjooge ku sugan xaafadaasi.

 

Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Shabelle ay la xiriirtey ayaa ku eedeeyay dagaalkii maanta in ay ku soo qaadeen maleeshiyooyin uu hogaaminayo Nuur Dakhli oo sida uu sheegay gacan saar la leh isbaheysiga ka dibna gurmad ay u soo direen isbaheysiga.

 

Dhinaca Nuur Dakhli oo Shabelle ay la xiriirtey ayaa beeniyay in maleeshiyooyin taabacsan isaga ay dagaal ku qaadeen maxakamadda Siisii, inkastoo uu ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaasi dhaafsiisan.

 

Ma jiraan warar ka madax banaan is eedeynta labada dhinac oo ka soo baxay goobta dagaalka uu ka dhacay.

 

Madaxa caafimaadka ee isbitalka Madiina Daahir dheere ayaa sheegay in isbitalkooda la gaarsiiyay wiil hal sano jir ah oo feeraha ay ka haleeshay rasaas habow ah iyo Haweeneey uur leh oo ku soo dhaawacantay dagaalka.

 

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka jirey isku hub urursi ay wadeen dhinacyada isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo Midowga Maxkamada Muqdisho oo horey dhowr jeer dagaalo qaraar ku dhex maray magaalada Muqdisho.

 

 

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

The reality is any gunfire in baasooso will effect Boosaaso security. While what ever happen moqdisho is not even news any more. Honestly it will not help anyone, only civilian are dying. Those who fights there will be stronger both military and economically. Cabdilaahi yusuf goverment will not benifit with continue sporodic gunfire in moqdisho. with continue sporodic gunfire in moqdisho, the moqdisho news will dominate the news coming from Somalia and the control and capacity of TNG will be questioning around the world. this will undermind the TNG effort to get international help. This is why Abdilaahi yusuf critices the U.S support of Moqdisho warlods, taking the political risk involved. The only benifit could be, few days of absent propaganda, from powerfull moqdisho media with reporters in Baydhabo now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ On the contrary, the international cmmunity will be able to clearly see that there is no one in control in Mogadishu. The warlords who used to bargain on their perceived strength have lately become holed up in their localn neighbourhoods.

Their capacity to affect other areas has greatly diminisehd.

The courts are in no better position.

 

The government needs to continue to build up its troops in the areas it has greatest support in the south, i.e. Bay and Bakool, Gedo, Juba's. Avoiding the issue of confrontation with armed groups untill a time of its choosing and when all other avenues have been exauhsted.

 

One must never be rash when it comes to security issue concerning the city of Mogadishu.

..................

The Bossaso clashes, while tragic is neither political nor about clans. A criminal act has led to these deaths..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this