Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale In UAE

Recommended Posts

Abu dabay(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta galinkii danbe soo gaadhay magaalada Abudabay ee dalka Isku taga Imaaradka Carabta, madaxweynaha iyo waftigiisa oo si heersare ah xagaasi loogu qaabilay markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Abudabay ayaa waxa loo qaaday Hotel-kii loogu talogalay oo ka mid ah Hotel-ada ugu waawaeyn dalkaasi.

 

Madaxweynaha oo socdaal rasmi ah ku jooga hada dalka Isu taga Imaaraadka Carabta waxa lagu wadaa in uu u sii dhaafo dalka Sucuudiga xagaasi oo uu madaxweynaha iyo waftigiisuba ay ka heleen martiqaad rasmi ah.

 

Wararka ay qarannews ka heshay ilo mihiim ah ayaa xaqiijinaaya in madaxweynahu uu sidoo kale booqasho rasmi ah uu ku tagi doono dalka Masar halkaasi oo uu casuumad ka helay xukumada Xusni Mubaarik, ilaa hada ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay socdaalka madaxweynaha oo ka soo baxay xukumada Somaliland, hase ahaatee waxa la filayaa in warsaxaafdeed ku saabsan socdaalka madaxweynaha uu ka soo baxo xukumada madaxweynaha.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee socdaalkan uu madaxweyne Rayaale ku maraayo wadamada Carabta waa guul u soo hoyatay siyaasda arimaha dibada ee xukumada Somaliland iyo guud ahaan shicib weynaha reer Somaliland, iyada oo madaxweynaha iyo waftigiisu ay hadaku socdaalayaan basaaboorka Jamhuuriyada Somaliland oo hore ay ugu isticmaaleen wadamada qaarada Afrika ,Yurub America.

 

Waxa hubaal ah socdaalkan balaadhan ee uu madaxweyne Rayaale ku maraayo dalalka Carabta in uu ku qancin doono dalakaasi in ayna ka hadhin Somaliland ee ay aqoonsadaan iyada oo caalmku uu hada u soo jeedo aqoonsiga Somaliland, madaxweyne Rayaale ayaa hore fariin ugu diray Jamacada Carabta una sheegay in Somaliland ayna ahayn dal ka go'aaya Jamacada Carabta ee ay yihiin uun dal ku soo biiraaya Jamacda Carabta oo ay haboontahay in Somaliland la siiyo kursiga ay ku yeelan doonto Jamacada Carabta.

 

Dhanka kalena socdaalkan Rayaale uu ku maraayo dalalka Carabta ayaa aha socdaalkii noociisa ah ee madax heerkaas lehi ay ku tagaan dalalka Carabta, iayada oo dalalka Carabtu ay hore uga soo hor jeedeen gooni isu taaga Somaliland ayaa hada waxa aad u soo hagaagaaya oo uu socdaalka madaxweyne Rayaale uu soo afjari doonaa is fahmlaan aan meelna ku salysnayn oo dhex taalay dalalka Carabta iyo Somaliland, madaxweyne Rayaale ayaa hore u booqday dalka Yemen kadib markii uu marti qaad ka helay madaxweynaha dalka Yemen, markana waa markii labaad ee madaxweyne Ryaale uu safar shaqo ugu soo bax dalal ka mid ah dalalka Carabta oo uu ku dhex mushaaxaayo basaaboorka Somaliland, taasi oo uu hore dalka Yemen ugu isticmaalay.

 

Si kastaba ha ahaatee xidhiidhka Somaliland iyo dalalka Carabta oo hagaaga waxa aad u soo dhawaynaaya kumanaanka kun ee reer Somaliland ee qaarna ku noolyihiin dalaka Carabta qaarkooda ay ganacsi u tagaan, siiba dhoofinta xoolaha nool iyo keenista alaabooyinka kala gadisan ee laga soo iibsado dalalka Carabta, taasi oo labada dhanba ay dan aad u weyni ugu jirto

 

 

 

 

 

 

 

Source Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

This guy travels too much, he is needed inside the country right now and off he goes galivanting to some next country? the sooner we get rid of this bozo the better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A.J.:

This guy travels too much, he is needed inside the country right now and off he goes galivanting to some next country? the sooner we get rid of this bozo the better.

lol@ these critics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ABU DHABI, (Qaran)-Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayaale Kaahin iyo weftiga la socda oo shalay socdaal aan rasmi ahayn ku yimid Abu Dhabi, Caasimadda Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta qado sharaf la wadaagay Sheikh Xamadaan bin Zaayid Al Nahyaan oo ah ku-xigeenka Raysul Wasaaraha isla markaana ah Guddoomiyaha Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta.

 

Sida aan ka helay ilo-xogogaal ah waxa la filayaa in uu Madaxweynuhu maalinta Salaasada 20 Feb. 2008 la kulmo madaxda Ururka Bisha Cas oo la filayo in ay Somaliland ka caawiyaan mashaariic dhawr ah oo ka mid yihiin dibu-dhiska waddooyinka dalka.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu furay xidhiidhkii go’anaa ee Carabta iyo Somaliland.

 

Inta badan Carabta oo ay hor kacayaan Masar iyo Sucuudiga ayaa ka hor jeeday in la soo dhaweeyo Somaliland, laakiinse socdaalkan oo ka dambeeyey safarkii Madaxweyne Rayaale ku tegay Maraykan iyo booqashadii ay Jendayi Frazer ku timid Hargaysa ayaa tilmaamaya in Maraykanku lug ku leeyahay.

 

Madaxweynuhu waxa la filayaa in uu dadka Reer Somaliland la kulmo maalmaha soo socda, waxana laga yaabaa in uu Imaaraadka u dhaafo dalal Carbeed oo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ABU DHABI (QARAN)- The President of Somaliland, Mudane Dahir Rayale Kahin and his delegation have arrived on an a visit to Abu Dhabi, United Arab Emirates.

 

The President and his delegation today attended a luncheon given by the Sheikh Hamdan bin Zayid Al Nahayan, the UAE deputy Prime Minister and the chair of the UAE Red Crescent, according to sources close to the delegation.

 

The President and his delegation are expected to meet with the Red Crescent Society on Tuesday, February, 19th, to engage in discussions on several projects in Somaliland, including major rehabilitation of the roads in Somaliland.

 

The President's visit to the region, whilst low profile, appears to be opening areas of engagements between the Arab nations and Somaliland.

 

Several Arab countries, in particular Egypt and Saudi Arabia, have been reluctant to consider the Somaliland issue, however, as a result of the recent visit by President Rayale to the United States and the reciprocal visit by the United States by Assistant Secretary of State, Dr. Jendayi Frazer, there appears to more flexible approach towards the Republic of Somaliland in the Arab world.

 

President Rayale and his delegation are also expected to meet with the large Somaliland community in the United Arab Emirates in the next few days, before heading for visits to other countries in the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

(Dubai17/02/2008) Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa xalay 2:30 habeenimo soo gaadhay magaalada Dubai, isaga oo isla markiibana u gudbay caasimadda UAE ee Abu-Dhabi. Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa ayaa la dejiyey Hotelka Intercontinental ee Abu-Dhabi waxana la filayaa in ay caawa is arkaan mas'uulyiin ka tirsan xukuumada imaaraadka. Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisa oo hore u soo maray dalka Ethiopia ayaa la filayaa in ay uga sii gudbaan UAE dalalka Qatar iyo Kuweyt.

 

 

Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport ee Hargeysa 16/02/08 iyagoo booqasho ku tegaya dalka khaliijka. Weftigan ayaa la sheegayaa inay ku beeganayahiin dalka Qatar maalinta arbacada ah ee 20ka February 2008.

 

Dadka siyaasada odorosa ayaa dareeno kala gedisan ka bixiyey socdaalkan aan hore loo sii shaacin ee uu madaxweyne Rayaale ugu baxay isagoo mudo bil ka yar uun dalka ku sugnaa markii uu ka soo laabtay booqashooyinkiisii uu horaantii sanadkan ku tegay dalalka UK iyo USA. Booqashadan uu ku tegay madaxweynahu gobolka khaliijka waa markii u horeysay ee madaxweyne Somaliland ah uu tago dhulkaas khaliijka, iyadoo la saadaalinayo inuu kulano gaara la yeesho madaxweynayaasha dalalka Qatar, UAE iyo Kuwait.

 

Dhinaca Qatar ayaa la sheegayaa waxyaabaha lagaga wadahalidoonana inay tahay sidii ay Qatar u taageerilahayd qadiyada Somaliland miiskana u soo saarilahayd shirka jaamacada carabta.

 

Dareeno kalana waxa ay muujinayaan iyadoo ay horey Qatar ugu dhawaaqaday badhatamahii sanadkii la soo dhaafay inay dalkeed ku qabanadoonto shir weyne balaadhan oo somalida lagu heshiisiindoono, casuumadan madaxweynaha lagu soo casuumayna tahay, in Somaliland la weedyiiyo siday suurtogal u tahay inay shirkaas ka soo qaybgalaan, dhinaca kalana booqashadan ayaa ku soo beegantay xili ay qaahira ku suganyahiin oo la iskugu keenay kooxaha la baxay kooxda Asmara ee dibu xoreynta Somaliya.

 

Dhinaca dareeno kale oo kuwaas ka soo horjeeda ayaa sheegaya in booqashadani ku timid xidhiidh dowlada maraynkanku la samaysay Qatar oo ay saaxiib dhowyahiin, somalilandna ay kula talisay Jendayi Frazer fariin garaarana u siday madaxweyne Rayaale inuu si dhakhso ah u bilaabo booqasho uu ku tago dalalka khaliijka, Qatar iyo UAE, kana dhexbilaabo ololaha gooni iskutaaga Somaliland dalalka jaamacada carabta sida midowga Afrika oo ay meel fiican ka marayso qadiyada Somaliland.

 

Dareeno kalana waxa ay sheegayaan inay booqashadani tahay tu ay kula kulmayaan shirkado waaweeyn oo maraykan ah oo shidaalka ka soo saara dalalka carabta oo ay horkacayso shirkado la sheegay inuu saamiweyn ku leeyahay Madaxweyne ku xigeenka Maraykanku Dick Cheney. Iyadoo horey loo sheegay inuu Madaxweyne ku xigeenku soo jeediyay in la aqoonsado Somaliland intaan la gaadhin xagaagan soo socda.

 

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehilaya, Wasiirka Arimaha dibada, Cabdilahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Howlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Madaxtooyada Nuux Amiin Ismaaciil iyo Xoghaynta Madaxwenaha Dahir Cali Iid. Waxaan doorkan la socon Marwada Madaxweynaha maadma aan madaxda carabtu kaxaysan dumarkooda markay booqoshooyinka u baxayaan sida madaxda reer galbeedka oo kale.

 

Dhinaca kale dalka kosofo oo ka go,ay dhulweynahii la isku odhanjiray Serbia ayaa maanta Axad 17/2/08 saacada geeska afriki markay tahay 5 galbnimo ku dhawaaqaya gooni isutaagii ay mudada dhawr iyo tobanka sano ah sugayeen, dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iyagu sheegay inay isla markiiba aqoonsandoonan dalkan cusub ee dunida ku soo biiray, iyadoo labadan dal ee uk iyo usa la filayo inay aqoonsiga kosofo ku dhawaaqaan maalintaa isniinta ah ee 18ka February 2008. Iyadoo midowga yurub iyo qaramada midoobayna la filayo inay si dhakhso ah u aqoonsandoonaan xornimada dalka Kosofo. Dhinaca kale dalalka Serbia iyo Ruushka ayaa iyagu ku dhawaaqay inaanay weligood aqoonsandoonin gooni isutaaga Kosofo.

 

Dadweynaha somaliland iyo taageerayashood ayaa indho gaara ku eegaya aqoonsiga Kosofo oo ay somaliland isku maqaam ahaayeen oo dhib ta somaliland oo kale ah ay soo martay sida, xasuuq, ragga oo inta la ururiyo wadarwadar loo laayey, diyaarado lagu bom gareeyo, baabiinta magaalooyinka waayeeyn & baro kicin.

 

SDWO News Desk - Hargeisa iyo

 

Abdirashid A. Hassan

 

Dubai, UAE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

It's it just me or is this guy following President Cade Muse around? Pres Cade was in Addis, Riyaale came, Pres Cade goes to Dubai and he's in Dubai. They accused him of this a few years ago, but i'm starting to believe it. Wasn't he just in American a few weeks ago?

Share this post


Link to post
Share on other sites

(Dubai 19-02-08) Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa shalay galab iyo maanta la kulmay mas'uulyiin ka tirsan xukuumadda Imaaraadka Carabta.

 

 

Madaxda uu la kulmay Madaxweyne Rayaale ayaa waxa ka mid ah ra’iisal wasaare ku xigeenka UAE isla markaana ah madaxa ururka bisha cas Sheekh Hamdan Bi-Zayed Al-Nahyan, waxayna ka wada hadleen sidii ay dawladda imaaraadku uga taageeri lahayd Somaliland xagga arimaha dhaqaalaha, waxana la filayaa in uu beri ku qabto hoteelka uu degen yahay shir jaraa’id oo ku saabsan wixii u qabsoomay intii uu booqashada ku joogey dalkan isutagga imaaraadka carabta

 

Madaxweyne Rayaale iyo wftigiisa ayaa lagu wadaa inuu beri soo gebagebeeyo booqashada ay ku joogaan dalka UAE, halka warar kalena sheegayaan in uu maalin kale sii joogi doono.

 

Warar aanu ka helney ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in uu madaxweyne Rayaale ka heley madaxdii uu la kulmay balanqaadyo la xidhiidha arimaha dhaqaalaha.

Waa markii u horeysay ee madaxweyne somaliland ahi yimaado dalka isu taga imaaraadka carabta ama guud ahaanba dalalka khaliijka.

 

 

Abdirashid A. Hassan

SDWO News Desk - Dubai, UAE

Share this post


Link to post
Share on other sites

ABU DHABI(QARAN)- Somaliland President Dahir Rayale Kahin and his delegation departed from Abu Dhabi after a successful 5-day visit to the United Arab Emirates at the invitation of Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan, United Arabe Emirates Deputy Prime Minister and President of the UAE Red Crescent Society (RCS).

 

The delegation entered the UAE with Somaliland passports and departed for Addis Ababa from Dubai.

 

During his meetings with various groups of the Somaliland community in the UAE, Mudane Rayale expressed his satisfaction with the outcome of the visit and with the warm hospitality accorded the delegation.

 

Somaliland community members have been arriving in large groups over the last few days at the Intercontinental Hotel where the President and his delegation were staying despite protocol restrictions.

 

“The UAE authorities have accepted to assist us in implementing all the projects we presented to them,” said Abdillahi Mohammed Duale, the Somaliland Foreign minister, in a meeting with members of the community, describing the visit as a new opportunity for Somaliland to be heard in the Arab world.

 

Sources close the delegation said that the projects presented by delegation to the UAE Red Crescent Society, included assistance with the rehabilitation of roads, schools, water resources and several other projects.

 

The delegation is expected to stay in Addis Ababa until Saturday before proceeding to Hargeisa.

 

Our sources also stated that President Rayale received calls from Rulers of the northern emirates of the UAE during his stay in Abu Dhabi.

 

Unconfirmed reports also indicate that President Rayale may also pay a visit to the Gulf state of Qatar in May 2008, while a delegation of the U.S. Pentagon are expected to visit Somaliland by the end of February.

 

In another development, Somaliland’s Representative in Nairobi met with U.S. State Secretary Condoloezza Rice.

 

According to a report published in Hadhwanaagnews, Secretary Rice announced that a U.S. Congress delegation would arrive in Somaliland in April, and pledged U.S. support for Somaliland’s elections.

 

 

Awdalnews

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Originally posted by AfricaOwn:

quote:Originally posted by A.J.:

This guy travels too much, he is needed inside the country right now and off he goes galivanting to some next country? the sooner we get rid of this bozo the better.

lol@ these critics.
Sxb, I am a critic of Incompetence and Riyaale is Incompetence Personified

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this