Sign in to follow this  
Deep Blue

Faahfaahin wararkii ugu danbeeyey ee lagaga awood batay Calooshooda ushaqey

Recommended Posts

Waxaa maanta uu dagaal ku dhexmaray Magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag Ciidamo maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada ka Tirasan Jabhadii SNM dagaalkaas oo ay sababta ka dib markii ay magaalada Dhahar soo gaareen ciidamo ka socda maamulka Jabhada SNM oo uu hogaaminaayo Max’ud siciid wasiirka Sports ee Somaliland oo ah Nin Warsangeli ah.

 

 

War madax banaan oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa waxa noo sheegeen in hal Askari lagaga diley ciidamada Somaliland halka laba kaleeto lagaga dhaawacay waxaa kaloo naloo sheegey in Wasiir ah ***** uu dhawac yahay iyo weliba Baar Siciid Xaaji oo ah hawenay u dhaxda beelaha *****.

 

 

Markii ugu danbaysay waxaa lagu sheegey Jabhadii SNM in ay sii cararayeen Qoyan oo ah meel wax yar u jirta Degmada Xingalool waxayna ku sii socdeen meeshii ay awal ka yimaadeen.

 

 

Dhinaca Puntland mar aanu laxiriiray Taliye ku xigeenka Ciidanka Police ka Punland Cabdi Casiis Siciid Gacameey ayaa noo sheegay in aaney jirin wax khasaaro ah oo soo gaarey dhiniicisa ayna diyaar u yihiin in difaacaan dalka cidkasta oo ku soo duushana ay u dhigayaan cashar lama ilaawaana waa siduu hadalka u dhigaye,Taliyuhu wuxuu sheegey in ay gacanta ku hayaan guud ahaan degmada oo dhan.

 

 

Warku waxay intaas ku darayaan in hada magaladu degan tahay ayna ku sugan yihiin mas’uuliyiin badan ka tirsan maamul goboleedka Puntland xaalada magaaladuna ay tahay mid aad u xasiloon.

 

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Cor C/laahi Cumar Cashuur ayaa wuxu bilaabay in uu dhamaan ciidamada heegan geliyo.

 

 

Bahda allsanaag.com

 

 

Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

:D

 

Waxaa laga yaabaa in qashar xabada la ridin ba, dadku dagaal jecelaa mr. Paragon....bal waad sida aad sheegtay bal xaga kelena aynu ka war sugno, laga yaabaa in ay iyaguna yidhahdaan waxbaan xasuuqnay.

 

loool@SNM jabhad..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Lol, Mj I like the:

 

Markii ugu danbaysay waxaa lagu sheegey Jabhadii SNM in ay sii cararayeen Qoyan oo ah meel wax yar u jirta Degmada Xingalool waxayna ku sii socdeen meeshii ay awal ka yimaadeen.

:D So hyperbolic and so dramatic dagaallada Soomaalida. 'Mar aan la xidhiidhnay Dhahar waxaa laynoo sheegey in ciidamada dowlad goboleedka Puntland ay Boosaaso meel u dhow sii cararayeen' :D This, we should expect very soon. But at the same time, we might get the news that 'in Ciidamada daraawista ee Puntland ay kulaalayaan' Ceerigaabo, ka dib markii ay soo eryadeen ciidanka SNMta' smile.gif .

 

Soomaali news reports are exciting to read... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

:D That is it. Kaalay miyaad ushaqayn jirtay? :D

 

So unproffesional saaxib wallahi, waa anoo hada web page yar iska soo daysta, kabacdina hawada ku asqeeya what I want you to hear( the you applies to Tolkay). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Adeer, beribaan interview u galay shaqadu. Markaaseey igu yiraahdeen, we want to see how good you are at dramatization. I tried few techniques but at last wiil iga khatarsan ayaan shaqadii ku guuleystey smile.gif .

 

Lol@Tolkay... Scroll up abti, and you will see a fine work of my Tolkay producing news that I would want to read smile.gif . Waa war dhagaha uroon oo indhuhu ku riyaaqqaan, akhriskiisana carrabka u macaan lol. Now hadaad furatid, ThePatriotofBurco.com, you will sure have a large audience, so how would you keep them tuned in? Entertainment, abti, madaadaalo. Hadii kale wey kugu caajisi oo waxay oran, war kani warba ma yaqaan lol. As if news reporting requires a 'Xawaashayn' (as folks there would called it) skills :D .

 

This aint about starting a webpage and posting - its about many other factors which you (and I) currently dont possess.

 

PS: Read Idamaale.com, reading material to becoming a successful Tolka mouthpiece, to the level of the president's spokesman.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Dee ninku wuxuu ku murmaa in ay qoraxdu galbeed kasoo baxdo, maxan waydiiye...

 

but you know what the heck is the difference?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this