Sign in to follow this  
Sharmakee

courts stop dhuxuul selling

Recommended Posts

Madaxa Dacwada iyo warfaafinta maxaakiimta Islaamiga ah Sh. C/raxiim Muudeey ayaa shaaca ka qaaday in ay dhamaatay xiligii loo qabtay ganacsatada dhuxusha dhoofisa.

 

Sh. Muudeey ayaa sheegay in aanan la dhoofin karin wixii hada ka danbeeya dhuxusha iyo waliba ugaarta intaa sii raaciyay in dhamaan goobaha ay maxaakiimtu ka taliyaan ay ka dhaqan galayso wareegtadaan lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha.

 

Waxay aheed kol hore markii Maxaakiimta islaamiga ah ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha iyadoo isla markiiba hadana shaaciyay in ay waqti siinayaan ganacsadata ka shaqeysata dhuxusha, waxaana haatan muuqanayso in xiligii loogu tala galay uu dhamaaday sida laga garan karo wareegtadan hada ka soo baxday xafiiska warfaafinta ee maxaakiimta taa oo lagu mamnuucayo in gabi ahaanba aan la dhoof geyn karin dhuxusha.

 

Tani ayaa ku soo beegmaysa xili dad fara badan ay isweydiinayaan waxa u dhaxeeya dhuxusha iyo jaadka maadaama jaadkii la mamnuucay dhuxushiina ay wali socoto dhoofinteedii taasoo dhibaato ku ah deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa maanta daboolka ka qaaday iney dhamaatay mudadii labada bilood aheyd ee ay u qabteen ganacsatada dhoofisa dhuxusha oo ay sheegeen iney ku ekeyd maalintii shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-ka Novembar.

 

Madaxa warfaafinta iyo dacwada ee maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxiim Cali Muudey oo maanta shir jaraa'id oo uu arintaasi kaga hadlayey ku qabtay xarunta maxkamadaha ee magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray inaan la aqbali doonin dhuxul dambe oo laga dhoofiyo goobaha ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamka, isagoo xusay in ganacsadihii lagu qabto ay ciidamada maxkamaduhu talaabo sharci ah ka qaadi doonaan, isagoo tilmaamay in lagu wargeliyey mas'uuliyiinta dekedaha macmalka iyo kuwa kale maxaakiimtu ka taliyaan iney dhaqan geliyaan go'aankaas.

 

Bishii Sebtembar 21-keedii ee sanadkan ayey aheyd markii maxkamadaha islaamiga ah ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, hase ahaatee markii qaar ka tirsan ganacsatada dhuxusha dhoofisa ay ka codsadeen in la siiyo muddo ay ku bixiyaan dhuxul badan oo qarash lixaad leh uu ka galay ayaa maxkamadaha islaamiga ah ay siiyeen muddo labo bilood ah iney ku dhameystaan dhuxusha u taala oo wixii markaa ka dambeeyana ay mamnuuc tahay taasoo ku ekeyd shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-ka Novembar.

 

Go'aankan lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha ayaa saameynaya dekedaha Ceel-macaan, Kismaayo iyo Baraawe oo ah goobaha ugu badan ee laga dhoofin jiray dhuxusha oo loo iib geyn jiray dalalka ka tirsan Khaliijka carabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in ay dhamaatay mudadii labada bil ahayd ee loo fasaxay ganacsatada dhuxusha dhoofisa,laga bilaabo 22-ka bishan aanu ku jirno la joojiyay dhoofinta dhuxusha.

 

Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa wareegto ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, ugaarta iyo biraha duuga ah,inkastoo muddo 2 bil ah la siiyay ganacsatada dhuxusha si ay u dhoofsadaan dhuxul uga xayirantay dekadaha macmalka ah ee dalka.

 

Madaxa waaxda warfaafinta golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh C/raxiim Cali Muudey ayaa sheegay in shalay ay ku ekeyd mudadii loogu daray ganacsatada dhoofisa dhuxusha,isagoo xusay in haatan wixii ka danbeeya ay mamnuuc tahay in la dhoofiyo dhuxusha.

 

Sheekh Muudeey ayaa sheegay in ciidamada amniga ay u xil saaran yihiin meel marinta xanibaada lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha mar la weydiiyay maraakiibta taagan dekadaha macmalka ah ee lagu rarayo dhuxusha.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay mamnuucista lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha oo dhibaato dhinaca deegaanka ah ku haya dalka,ayadoo ganacsatada dhuxusha ay xaalufiyeen keynta,taasoo sababi karta musiibo dhinaca deegaanka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i agree to rabshid but this is more than the

khad because our country had no ban rule on

this lucrative but wrong dealing . I would say this is the begining for both

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this