Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Mog hysteria report (watch)...

Recommended Posts

Mog owned media such as the press and broadcast went ballistic in the last days. The hysteria is quite unbareable to read, listen and watch.

 

All I've to say is:

 

"Can't a Moryaan get a little peace

"it's war in the streets (of Mog),"

" like in the middle east"!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalmaha soo socdo oo ciidamada qaranka DFKMG u daacada ah Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo kala bar magalada Muqdisho gacanta ku dhigi doono!!!

 

 

Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helaayo ilo muhiim ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada qaranka DFKMG u daacada ah Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ay si dhib la´´aan ku imaan doonaan kala bar magaalada Muqdisho ayadoon dhiig ku daadan ,masuulkaan oo sheegay in ay intabadan hogaamiyasha Muqdisho ay wax la wadaan dhaq dhaqaaqa ciidan ee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu wado asagoona sheegay in mucarad nimada ay sheeganayaan ay tahay mid lagu qaldayo taagerayashooda si loogu arag kuwa wax la wado .

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo ah nin in uu wax xukuma ka go´´antahay ayaa marnaba ka weecan hadafkiisa siyaasadeed ee uu ku doonaayo in uu dalka ku qabsado halka Hogaamiyaasha Muqdisho yihiin kuwa si weyn ugu qanacsan in ay isbaarada uu dhigtaan shacabkooda marna aan dooneyn in uu xukumo wax ka badan inta uu hadda xukumo asagoona u arko in ay ku filintahay in mar walba la yiraahdo hogaamiayaasha xukumo intaasi.

 

Shacabka Muqdisho oo ay dan ugu jirta xukun hal qof ah ayaa intabdan shacabka xooga lagu heysto ay taageersan yihiin dhaq dhaqaaqa ciidan uu wado Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf si uu gacanta ugu dhigo caasimada Soomaaliyeed si loogu soo celiyo nidaamka iyo kala danbeenta .

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo hadda taageero caalami ay heshay dowladiisa ku sugan Jowhar ayaa la rajeenayaa markuu gacanta ku dhigo Muqdisho in uu helo taageero ka badan inta uu hada heysto

 

Source Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyin kale oo reer Puntland oo soo gaaray gobolka Sh/dhexe

Jowhar

 

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyin kale oo ciidamada Puntland ah ay soo gaareen xerada Kong oo 7 Km dhinaca Koofureed ka xigta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

 

Maleeshoyooyinka reer Puntland ee soo gaaray maanta magaalada Jowhar ayaa ku hubeysan 18 gawaradi dagaalka oo isugu jiro yar yar iyo waaweyn iyo waliba 30 Baabuur oo ah kuwa xamuulka oo siday sanada Militariga loogu tala galay ciidanka

 

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh.dhexe oo fariisin u ah garab ka mid ah dowladda FS ayaa waxaa shalay soo gaarey maleeshiyooyin reer Puntland ah oo ka soo baqoolay degaanada Qurac Joome ee gooblka Bakool iyo degmada Mustaxiil ee wadanka Ethiopia.

 

Ciidamadan oo bilaaw u ah ciidan qaran oo loogu tala galay in ay amaanka ku soo celiyaan magaalada Muqdisho oo 15 sano ee la soo dhafay aheyd meel leysku goowraco dadka tabarta yarna aysan wax xaquuq ah ku laheyn

 

Source Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyadda Puntland ee Jowhar ku sugan oo Muqdisho ku soo jeedo si ay fariisin kaga dhigtaan Villa Somalia.

 

Waaga Cusub News Online, Jowhar

 

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil lagu kalsoon yahay oo ku sugan Muqdisho waxaa socda diyaar garoow lagu soo dhaweeynayo Maleeshiyadda Puntland ee Jowhar ku sugan oo Muqdisho ku soo fool leh.

 

Maleeshiyadaas oo wata 46 gawaaridda dagaalka ah ayaa xarun ka dhigan doono Villa Somalia iyo Degmadda Shibis oo ay ka arrimiyaan Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Maxamed dheere.

 

Wararku waxay sheegayaan inay ku imaan doonaan dhinaca Xeebta ee Warshiikh.

 

Degmadda Jowhar ayaa xalay bandoow ahayd waxaana saqdii dhexe soo gaaray 56 Gawaarida dagaalka Itoobiya oo ay la socdeen Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyinka kilinka Shanaad ee Itoobiya.

 

Taarwalayaasha Jowhar ayaa dhamaantood xabsigga la dhigay waxaana aad u adag sida war looga helo xaaladda dhabtaa ee Jowhar.

 

Qaar ka tirsan fooneyayaasha Fiidoow iyo Buuloburde ayaa sheegayo in wadada ay ku xayiran yahiin Gaadiid fara badan oo Muqdisho uga gudbi lahaa dhanka wadada Jowhar dhexmarta.

 

Ilaa saakay waabarigii waxaa jarnaa Isgaarsiimaha telefoonadda ee goboladda Galgaduud,Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe oo hawadda ka baxay kadib markii la damiyay switch-ka weyn ee Jowhar yiil.

 

Qaar ka tirsan telefoonadda beledweyne ayaa goordhaweeyd hawadda ku soo laabtay waloow maqalkoodu liito.

 

Maxamed dheere ayaa mas’uul ka tirsan shirkadaha u sheegay inuu ka hadli doono 24-ka saac ee soo socoto sababaha uu u xiray Xaruumaha telefoonadda.

 

Dadka qaar ayaa iminka waxay adeegsanayaa telefoonadda guur guura Rumming Phone.

 

Dadka Muqdisho waxaa ay saakay ku waabariisteen weji xiisad colaadeed laga dheehan karay waxayna dhegta ku hayaan Idaacadaha FM –yadda ah.

 

48 Gawaaridda dagaalka ah oo laga saaray Xiradda hiilweyne ayaa la geeyay Garasaale oo 7 KM u jirta halka ay ku sugan yahiin kuwa Puntland iyo Amxaaradda kilinka Shanaad.

 

Garasaale waxaa hore u joogay 35 Gawaaridda dagaalka ah oo uu leeyahay Wasiirka Ganacsigga Xaaji Muussa Suudi Yalaxoow.

 

Maxaakiimta Islaamka ayaa subaxnimadii hore qudhooda bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan waxaana ay shir la leeyahiin Ganacsatadda Muqdisho raga ugu tunka weyn.

 

Waxaa soo baxaya Warar sheegayo inuu duulan xoogan ku wajahan yahay Jowhar hasse ahaatee dhab looma qaadan karo marka dib loo eego hadaladii hore.

 

Cismaan Caato ayaa Idaacadda Hornafrik Hanjabaad kulul ka jeediyay taas oo laga dheehan karay inuu dagaal Iclaamiyay.

 

Inta badan dadka Muqdisho ayaa aaminsan in Maleeshiyadda Puntland iyo kuwa Itobiya hubka u soo qaadeen kuwa Reer Muqdisho.

 

Saraakiil Melleteri oo ka tirsanaa Xukumadii Siyaad Barre ayaa rumeeysan in uu dhici doono dagaal lagu kala baxayo hasse ahaatee waxay walaac wayn ka muujinayaan hadii Xuseen Ceydiid isku dayo inuu Muqdisho ku martigeliyo Maleeshiyadda Puntland .

 

Si kastaba ha aahaatee lama ogga Xaajo halka ay saldhigan doonto waxaase sare kac weyn ka muuqdaa xaaladda Jowhar iyo Muqdisho.

 

Dahir Abdulle Alasow.

 

Muqdisho Somaliya

 

waagacusubonline@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xerada Koongo ee duleedka degmada Jowhar halkaasoo oo ay kusugan yihiin maleeshiyo daacad u ah madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo dhowaantan ka yimid deegaanka Feer Feer ayaa la geeyey mashiino dabka dhaliya, iyadoo la sheegay in xaley xeradaasi light lagu xirey oo teendhooyinku ay ahaayeen kuwa ifaya.

 

Sidoo kale xeradaasi ayaa biyo la geeyey iyadoo booyadaha ay biyaha ka qaadayeen guddaha magaalada Jowhar halka ay halkaasi geynayeen, ciidamada xeradaasi kusugan ayaa iminka la sheegay iney gaarayaan boqol iyo konton “150†qof oo wadata afar iyo toban “14†tiknika ah oo gaadiidka dagaalka ah, iyadoo ay u badan yihiin ciidamo ka yimid deegaanada Puntland sida la sheegay, balse waxaa ku jira waxoogaa kasoo raacey gobolka Hiiraan qeybo kamid ah.

 

Ciidamada halkaasi ayaa wararku xaqiijinayaan iney yihiin dad miina baar ah oo ay baarayeen dhulka keynta ah ee xeradaasi ku wareegsan, iyo sidoo kale wadooyinka ay soo mareen.

 

Xerada Mahadaay oo iyana ku taala magaalada Jowar ayaa lagu soo waramayaa in iyana halkaasi la geeyey teendhooyin aad u fara badan iyo qaar kamid ah matoorada oo ilaa xaley xeradaasi la diyaarinayey.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo kale oo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf daacad u ah oo Puntland kuwaasoo ka yimid deegaanka Feer Feer ay kusoo fool leeyihiin saacadaha soo socda magaalada Jowhar, iyadoo la sheegay in ciidamadaasi ay kasoo gudbeen deegaanka Ceel Cali.

 

Ciidamo daacad u ah guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere†ayaa ciidamadaasi galbiyey kuwaasoo wata saddax iyo toban “13†gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan.

 

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan gaar ah la yeelanaya ergeyga kasocda Midowga Afrika Mr. Batrik kulankaasoo ka dhacaya magaalada Jowhar.

 

Lama shaacin waxyaabaha ay iskula soo qaadayaan qaar kamid ah xubnaha dowlada FKMG Soomaaliya oo kusugan magaalada Jowhar oo ay saaka HornAfrik la xiriirtey ka gaabsadey in kulankaasi wax faah faahin ah ka bixiyaan.

 

Kulankan ayaa dhacaya xili meeshii ugu sareysay uu marayo khilaafkii u dhaxeeya dowlada FKMG Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika shaley halkaasi xafiis rasmi ah uu ka furey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this