Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland cabinet sworn in: PICS + Audio

Recommended Posts

dhaar.jpg

 

Golihii Cusbaa ee Xukuumada Puntland oo la Dhaariyey iyo Madaxweyne Faroole oo ka Hadlay Wasiiradii is casiley

Monday, January 19th, 2009 at 10:09 am

Cabdalle Muumin

 

HR Media Monitoring

 

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in xarunta madaxtooyada lagu dhaariyey goor dhoweyd xubnihii golaha wasiirada ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland.

 

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ee habenimadii Axada uu soo magacaabay mdaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka qeybgaley dhaarinta iyadoo uu joogay munaasabada dhaarta madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaase dhaartaasi kka maqnaa labo xubnood oo ka mid ahaa wasiiradii la magacaabay oo iyagu sheegay inay ka cudurdaarteen xilalka loo magacaabay.

 

Labada wasiir ee ka tanaasushay xilalkooda wasaaradood waxay ahaayeen Nurradiin Aadan Diiriye oo loo magacaabay wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga iyo Saleebaan Ciise`Axmed (Xagla toosiye) oo isaguna loo magacaabay wasaarada Kalluumeysiga.

 

Mdxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole oo munaasabada dhaarinta wasiirada ka hadlay ayaa sheegay in uu wada tashiyo badan ka magacaabay wsiirada isagoo ilaalinaya sidii loo heli lahaa gole xukuumadeed oo tayo leh, waxaana uu ka hadlay wasiirada is casiley isagoo muujiyey sida uu u doonayo inuu bedelkood u magcaabo wasiirada iscasiley.

 

Warar kale oo isla munaasabadas ku saabsan oo ay ku jiraan sawirada iyo muuqaalka dhaarinta goor dhow ayaan idin soo gudbin doonaa Insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Cusub Ee Puntland Oo maanta badi lagu dhaariyay Garoowe

 

Xafklad balaaran oo ka dhacday Xarunta madaxtooy DGPL ayaa lagu dhaariyay Golihii wasiirada Cusbaa Ee uu soo magacaabay madaxweynaha DGPL C/raxmaan Max’ed Faroole .

 

Dhaartaasi ayaa waxaa inta badan ka soo qeyb galay wasiiradii la soio bagacaabay ayadoo aysan goob jog ka ahyen qaar kamid ah wasiiwadii uu soo magacaabay Madaxweyne Faroole oo ay ka mid ahaayee wasiirka Haweenka PL wasiirka Arimaha Gudaha wasiirka Dowladaha hoose iyo reermiga iyo wasiirka Kaluumeysiga Bada iyo weliba tiro yar oo wasiiro ku xigeen ah kuwaas oo lagu micneeyay in ay ka maran yihiin Caasimada Puntland .

 

Madaxweyanaha Puntland Dr C/raxmaan Fraroole iyo Ku xigeenkiisa Gen C/samad Cali Shire aya Goobjoog ka ahaa Xafladani iyo weliba qaar ka tirsan Xildhibaanada DGPL .

 

Ugu horeyn dhaarta ka din ayaa halkaasi waxaa ka hadalo ka soo jeediyay islamarkaana quseysay wasiirada uu soo magacaabay ee goobta ka maqnaa iyo kuwii istaqaaladooda dhiibay madaxweyanah Haatan Ee Puntland C/raxman Faroole asagoo ugu horeyn tibaaxay in ay muhiin lamailaabaan ah tahay in laga qeyb qaato si wada jir ah xukuumad loo dhan yahay , waxaana uu madaxweynuhu ka hadlay Habdhismaha Xukuumada iyo meelaha ay ka eegeen , waxuuna madaxweyanuhu sheegay in ay ka aqbaleen wasiirada uu soo magacaabay ee soo gudbiyay istaqaladoodii .

 

Gabagabadii Xafladan dhaarinta ah ayaa waxaa ay ku soo gaba gabowday sidii loogu talagalay .

 

C/naasir Yaasiin

SBCInternational- Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta hoolalka shirarka ee Xarunta Madaxtooyada DGPL ee Garowe lagu qabtay xafladii dhaarta golaha wasiiradda ee xukuumadda Cusub,Xafladdan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPl iyo ku xigeenkiisa,Maxkamadda sare oo uu goob joog ka ahaa guddoomiyaha Garsoorka,sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah guddiga joogtada ee golaha wakiilada DGPL.

 

Hadaba furitaankii xafladaasi ayaa waxa lagu bilaabay dhaartii wasiiradda oo loo dhaariyey afar afar xubnood.

 

Dhaarta ka dib aya waxa hadal kooban xafladaasi ka jeediyey Madaxweynaha DGPl Mudane Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud (Faroole)wuxuuna ugu horrayn sheegay in xukuumadda cusub ay taageereen shacabka reer Puntland intooda Badnayn raalina laga yahay,wasiirada is casilyna waxaan idiin sheegayna in aan ka aqbalnay iscasilaadooda,hadaba waxaa la rabaa haddii aad tihiin golaha cusub in wasiir kasta uu ka shaqeeyo arrimaha nabadgelyada,Dhaqaalaha iyo Horumarka nin kastana waxaa waajib ku ah in uu wax ka qabto arrimaha nabadgelyada,waayo waad aragtaa sida uu amnigu yahay,sidaa la socotaana waxaan dhowaan magacownay guddi soo tirakoobta Ciidamada iyo diinwaagelintooda si aynu u helno ciidanka saxda ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukumada PL oo la dhariyey, wafti yimid Garowe

19 Jan 19, 2009 - 12:06:00 PM

 

Madaxweynaha oo la kulmaya waftiga QM

Munaasabad ballaaran ayaa maanta 18-01-2009 ka dhacday xarunta Madaxtooyadda ee MGPL, taasoo lagu dhaarinayey Golaha Wasiiradda cusub ee Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqey dhowaan.,

 

Madaxweynaha PL oo ka hadley goobtaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhaarinta Golaha Xukuumadda unua ku boorinayo Wasiiradda cusub iney si daacad ah xilalkooda u gutaan. .

 

"Waxaan caddeynayaa in dadka reer Puntland ay aqbalen Dowladdii iyo xukuumaddii la soo dhisay, wey iska jiri kartaa dad saluugsan, ama beelo ka maqan wey iska jiri karaan, waxaanse idiin leeyahay tirada Wasiirada & ku-xigeenadooda anigu-na aan qabo iney ka badan tahay wax yar tiradii xukumaddii hore, waxana kalifay waa darufta maanta dalka ka jirta ee burburka ah, oo loogu jeedo in la helo taageerada deeganada iyo beelaha Dowlad Goboleedka Puntland ka kooban tahay oo dhan, iyadoo ay jiraan daruufo nabadgelyo taasoo loo bahan yahay in laga wada qeyb qaato si wada jir ah.

 

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in qeyb ka mid ah Musharaxiintii Puntland uu ku soo daray xukuumadda uu dhisay, taasoo sheegay in uu ula jeeday in dalka isbadalka uu ka hirgalo, balse nasiib daro murashax kamid ah cududaar keeney kaasoo laga aqabley.

 

Madaxweynaha dhowana la doortey ayaa sheegey in Xukumadda cusub laga sugayo howl badan, loogana baahan yahay yahay Mas'uliyiinta la magacaabay in dadka heerka ay hada fadhiyaan in kor looga qaado iyadoo laga eegayo dhinac kasta amni iyo dhaqaale intaba.

 

"Wasaaraddo qaarkood ayaan kala qaadnay waxaana u sababeynay dhowr meelood oo Wasaaradaha qaarkood isugu yimaadeen, taasoo oo aan ula jeednaa inaan fursad u siino rag aqoon u leh shaqadaas iney ka howlgalaan oo meelaha dalku ugu baahan yahay horumarku ama adduunyadu ay u dooneyso in lagala qeyb qaato" ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo ka hadlayey tayada Golahiisa Wasiiradda,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabad maanta lagu dhaarinayey Wasiiradda uu soo magacaabay

19. Januar 2009

 

Garoowe(AllPuntland)- Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa saakay lagu qabtay xaflad lagu dhaarinayey Wasiiradda cusub ee uu Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole soo dhisay Axadii, taasoo uu ka soo qeybgalay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Madaxweyne Kuxigeenka Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada .

 

Xafladaan dhaarta ayaa waxaa ka maqnaa Nuuraddiin Aadan Diiriye oo ka tanaasulay jagadii Wasiirnimo ee aheyd Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, Saleebaan Ciise Axmed oo isna loo magacaabay Wasaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, halka Wasaaraddaha Haweenka iyo arrimaha Qoyska, Arimaha Gudaha iyo tiro wasiiro Kuxigeeno ah ay ka maqnaayeen goobta dhaarinta, kuwaasi oo lagu sheegay iney ku maqan yihiin howlo shaqo, iyo labo wasiir kale oo uu Madaxweynaha sheegay iney ku maqan yihiin dalka dibadiisa.

 

Madxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbad ka jeediyay isagoo ka hadlay Magacaabista Wasiiradda, kuwa is casilay iyo kuwo ka maqnaa goobta, wuxuuna Madaxweynaha uu sheegay in looga baahan yahay Wasiiradda dhaarta maray iney si daacadnimo ku jirto ay xilkooda u gutaan waajibaadka ka saaran Shacabka ee ah u adeegida dalka iyo dadka Puntland, wuxuuna ku booriyay in Wasiir walba shaqada hortaala sida ugu dhaqsiyaha badan uu u bilaabo, maadaama buu yiri ay na hortaal howl baaxad weyn.

 

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in sababta tirada Wasaaraddaha ee gaaraya 16-ka iyo Wasiir Kuxigeenada intaasi ka badan u magcaabay ayaa ku macneeyay inuu ula jeeday qancinta beelaha Puntland iyo in la helo taageerada deegaanada Puntland, isla markaana wuxuu carabka ku adkeeyay in ay jiraan baahiyo nabadgelyo xumo iyo kala daadsanaan jira awgeed, sidaasi darteedna in si wada jir ah looga wada qeyb qaato xukuumadda loo dhan yahay oo dadka taageersan yihiin.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aqbalay codsiyo ka yimid xubno ka tirsanaa Musharaxiinta oo loo magcaabay Wasaaraddo muhiim ah, kuwaasi oo uu tilmaamay uu ku qancay codsigooda, booskoodana la gelin doono shaqsiyaad kale.

 

Md. Faroole ayaa sheegay in kalsooni uu ku qabo Golaha uu soo dhisay, kana soo bixi doonaan howsha loo xil saaray, isagoo sheegay in uu ku soo xulay karti iyo aqoon ay u leeyihiin xilalka mid walba uu qabanayo.

 

Munaasabadaasi ayaa waxay ku soo gabagabowday jawi deganaan iyo isu hambalyeyn Wasiiradda cusub ee Madaxweynaha soo magacaabay, waxaana horyaala Wasaarad kasta howl adag, maadaama Wasaaraddihii ka horeeyay lagu eedeyn jiray waxqabad la'aan.

 

Dadka Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayo magacaabista uu Madaxweynaha magacaabay Xukuumadiisa cusub, iyadoo ay dadka dhowrayaan bilooyinka ugu horeeya qaabka shaqo ee Wasaaraddaha iyo isbadalka ay soo kordhinayaan heerka uu gaarsiisan yahay.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

May Allah(SWT) help them fulfill ALL their duties and to the best of their abilities....Ameen!

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

 

P.S

Horta meesha ma kutub la'aan baa kajirta? Waa maxay, halka kitaabka ah oo safka loogu jiro? Qof walba muu hal kitaab ah gurigiisa kala yimaado, waa yaab ee? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

Xaafadee kahadleysaa? Baryahaanah cantarabaqashkaagii meeshaan waa laga la'yahay ee yaa naga ducaystay oo ku kaxaystay?

 

Meeshaan, is not fun, maalin walba hadii la karbaasho mo'oryaan garley iyo the resident marfish dwellers of SOL...Once in a while, waxaa fiican, ina-adeerkay A&T ina madaxa lagala koro :D

 

Marka, ii waran saaxiib!

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this