Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf PM Geedi recieve a warm welcome in Egypt

Recommended Posts

So much for Egypt dont like Yusuf Yey ;)

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah iyo wefti uu horkacayo oo berito u kicitimi doona dalka Masar

Posted to the Web Mar 13, 14:58

 

 

Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliyeed Md.Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa wefti uu horkacyo waxay berito u kitimi doonaan Caasumadda dalka Masar ee Qaahira,iyadoo socdaalkaas ku wehelin doono Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Md.Cali Maxamed Geedi,Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimha Gudaha Xuseen Caydiid,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliyeed.

 

Socdaalka madaxweynaha ee uu ku aadayo Masar ayaa ka dambeeyey sida wararka hoose sheegayaan martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas,iyagoo muddo saddex cisho ah ku maqnaan doonaan Qaahira,iyadoo warar kalena tilmaamayaan in laga yaabo inuu u gudbo dalal kale oo aan la magacaabin.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha DFKMG ah ayaa waxa uu safarkoodu ku soo beegmay xili xasaasi ah oo ay socdaan u ololaynta labo arrimood oo iska soo horjeeda,taasoo mid lagu diidan yahay keenitaanka ciidamo ka socda dalalka safka hore dalka,halka tan kalena lagu taageerayo sidii dalka loo keeni lahaa ciidamao nabad ilaalineed oo aan lakala qaadin,waxayna Xukuummadda FKMG ah si rasmi ah ugu gudbisay baarlamaanka barnaamijkii dalka lagu keeno lahaa ciidamadaas ee ay horey u ansixyeen Golaha wasiirada si markooda Xildhibaanaduna uga dhiibtaan fikirkooda ku aadan arrintaas,iyadoo marka weftigaas kenya ku soo laabto baarlamaanku guda gali doono u coddeynta barnaamijka dawladda.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNAHA DOWLADDA FEDERAALKA

OO CAAWA AADAYA MASAR

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane. C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu la socda Ra’iisul Wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geedi iyagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in mudad uu joogayo dalka Masar uu kulamo la yeelan doono dhigiisa dalka Masar Xusni Mubaarak, Madax ka tirsan Dowladdaas iyo kuwa Jaamacadda Carabta isagoo kala hadli doona sidii ay gacan u siin lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf ayaa horay u dhaliilay kaalmadii Hal Malyanka iyo barka aheyd ee Jaamacadda Carabta ku yaboohday Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynaha sheegay in shirweynaha Jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Al-Jeeriya uu ka dalban doono Yabooh lacageed oo kasii ballaaran intaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Caydiid oo ka mid ah wafdiga Madaxwaynaha.

Posted on Sunday, March 13 @ 20:27:00 CET by editor

 

wafdi uu hogaaminaayo Cabddulaahi Yuusuf Axmad oo ay ka mid yihiin Geedi,Xuseen Caydiid,Saalim Caliyoow Ibroow iyo Cali cosoble siyaad ayaa tagaya magaalada Qaahira ee Masar.

 

Sida ay sheegayaan illo muhiim ah oo ku dhow xukuumada kumeelgaarka ah, Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DKMG Cabdullaahi yuusuf Axmed ayaa maalinta beri waxay u ambabaxayaan magaalada qaahiro ee caasimada dalka masar, wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah ra'iisal wasaarihiisa Cali maxamed Geedi iyo wasiirka Arrimaha Gudaha xuseen Maxamed ceydiid, iyo rag kale oo iskugu jira xildhibaano iyo wasiiro dowlada katirsan.

Sida ay sheegayaan xubnaha dowlada ka tirsan ee wafdiga kamidka ah waxaa madaxweynaha casumaad ufidisay dowlada masar waxayna joogidoonaan magaalada qaahiro mudo sedex beri ah, waxaa lafilayaa in uu fawdigaan lakulmo ma'uuliyiin sare oo katirsan dalka masar iyo xoghayaha guud ee jaamacadda carabta caamir muusa.

 

waxaa kaloo lasheegayaa in uu madaxweyne cabdullaahi yuusuf uu dowlada masar ka codsan doono in ay ciidamo soomaaliya usoodirto si ay uga mid noqdaan dalalka soomaaliya ciidamada udiraaya, sidoo kale cabdullaahi yuusuf waxa uu kacodsan doonaa masaarida in ay wadamada kale ee carabta ayka dhaadhiciso in ay soomaaliya ciidan usoo diraan.

 

Casumaadaan ay hada u fidisay dowlada masar cabdullaahi yuusuf, ayaa waxay u tahay fursad weyn oo uu mudo raadinaayey illaa iyo intii ladoortay, iyadoo uu cabdullaahi yuusuf uu tagay masar markii jinaasada lagu dukanaayey madaxweynihii hore ee falastiin yasir carafaad Balse uu fursad u waayey uu dowlada masar kula hadlo iyadoo ay dowlada masar waqtigaas ayna wax casumaad ah ayna ufidin balse uu u tagay arrinkusaabsaneyd carafaad allaha u naxariistee.

 

Cali Afrikaan.

 

Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyay Dalka Masar

 

March 14, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo Wafdi uu horkacayey oo saaka hiirtii waaberi ka ambabaxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa waxay saaka ka dageen Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Qaahira.

 

Diyaaradii sidey wafdiga C/laahi Yuusuf ayaa waxay ka degtey Garoonka Dayuuradaha ee Qaahira saaka saacadu markii ay ahayd 9:30 xiliga Afrikaca bari.

 

Wafdiga Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf oo ay ka mid ahaayeen Ra'salwasaaraha DFKMG ah Cali Maxamed Geedi, ku xigeenka Ra'salwasaraha ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid, Ku xigeenka Ra'salwasaaraha ahna Wasiirka Maaliyada Saalim Caliow Ibrow, Wasiirka Arimaha Dibada C/laahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/risaaq Jurille iyo Wasiirka Waxbarashada Cali C/laahi Cosoble,

 

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Qaahira waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Baarlamanka Dalka Masar iyo waliba Masuuliyiin ka socdey Ururka Jaamacada Carabta,waxaana wafdiga Madaxweynaha markiiba la dajiyey Qasriga Madaxtooyada ee Masar.

 

Madaxweynaha Wadanka Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyo Ra'isalwasaarihiisa Axmed Nadiif waxay si wada jir ah ugu qaabileen Xarunta Madaxtooyada dhigooda Wadanka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Prof.Cali Maxamed Geedi, shirkaasi ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubnihii kale ee Wafdiga Madaxweynaha iyo waliba Wasiiro iyo Xubno Baarlamanka Wadanka Masar.

 

Shirkaas ayaa waxaa looga hadley amuuro ku aadan xaalada Soomaaliya iyadoo si gaar ah looga hadley laba qodob oo kala ahaa

1.Dib u dhiska iyo Taageerida DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Xukuumada Masaarida oo si gaar ah ugu dhaw Soomaalida inay Wadamada Carabta ka raarido sidii loo taageeri lahaa Xukuumada cusub ee Soomaalida, iyadoo kulanka Madaxda Wadamada Carabtu ay ku yeelan doonaan Magaalada Al-Jaris ee Wadanka Al-Jeeriya la hor dhigo qorshe taageero balaaran oo ay ka mid tahay mid dhaqaale loogu fidin lahaa DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale qodobada kale ee laga wadahadley ayaa waxaa ka mid ahaa Ciidamada shisheeye ee la doonayo in la keeno Soomaaliya.

 

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya iyo wafdiga kale ee la socda ayaa lagu wadaa inay caawa kulan kula yeeshaan Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira Madaxda Ururkaas oo ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa.

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Sorry bro, you have to do with the text..

 

Madaxweyniyaasha Masar iyo Soomaaliya oo ka wada

hadlay arrimaha hub ka dhigista soomaaliya

 

Madaxweynaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saacadu ka hor waxay gaareen Magaalada Qaahira ee Xaruunta dalka Masar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Dowladda Masar.

 

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay gaareen Magaalada Qaahira waxaa si toos ah loo geeyay Xaruunta Madaxtooyada Masar halkaas oo ku qaabilay Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak, waxayna ka wada hadaleen arrimaha dalka soomaaliya iyo kaalinta dowladda Masar ka qaadan karto dib u dhiska dalka soomaaliya.

 

Labada madaxweyne ayaa waxay wadahadalkooda ka mid ahaa Ciidamada la keeni doona dalka soomaaliya, in kastoo war cad laga soo saarin kulankaas haddana waxaa muuqata in Masar weli si rasmi ah uga hadlin arrimaha dalka soomaaliya.

 

Wafdiga Madexwynaha waxa ka mid ah Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xaasaska Madexweynaha iyo Ra'iisalwasaaraha, laba Ra'isalwasaare ku-xigeen iyo dhowr wasiir oo muhiin ka ah dowladda cusub.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha soomaaliya oo Caawa Xaruunta Jaamacadda Carabta kula kulmi doona Xoghayaha Guud ee Carabta.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi caawa Xaruunta Jaamacadda Carabta kulan gaar ah kula yeelan doonan Xoghayaha Guud ee Carabta Caamir Muuse.

 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha soomaaliya oo la socota Xaaskiisa iyo Cali Maxamed Geeddi oo garab taagan xaaskiisa marka ay la kulmaan Xoghayaha Guud ee Carabta u gudbin doonan qorshaha Dowladda KMG ah ee ku aadan dhismaha dalka soomaaliya.

 

Kulanka dhex marayo madaxda soomaaliya iyo Carabta kadib ayaa la filayaa in Wafdiga Soomaalida la kulmaan Jaaliyadda soomaalida ee Masar sida uu ii sheegay wariye jooga Qaahira.

 

Wadahadalkii dhex maray Madaxweynaha Masar iyo Wafdiga soomaalida ayaa waxaa goojoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Masar iyo Afhayeenka Baarlamaanka Masar.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/wayne C/laahi Yuusuf, oo Hantiyay Muruqa Diblomaasiyadda Carabta iyo Kan Afrik

 

{Qahira} M/waynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa Saaka ka degay Gegida Dayuuradaha Ee Magaalada Qaahira.......... {C/qaadir Jilbis}

 

Weftiga M/waynaha oo ay ka mid ahaayeen, Ra"isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Prf Cali Max,ed Gaadi, Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xuseen Caydiid, Wasiirka Arimaha Debeda Prf C/laahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Maaliyada Prf Saalim Caliyow Ibrow ayaa Si aan la Qiyaasi karin Loogu Soo dhaweeyay Magaalada Qaahira.

 

Markii ay Weftigu ka soo degeen Garoonka ayaa waxaa halkaa ku Soo dhaweeyay Wasiirka Dawlada Masar u Qaabilsan Dhinaca Cilaaqaadka Dawladaha, iyo Madax ka Socota Jaamacadda Carabta, waxaana markiiba loo Gelbiyay Qasriga Madaxtooyada Dalka masar.

 

Waxaa halkaa Diyaar ugu ahaa M/waynaha Dalka Masar Max,ed Xusni Mubaarag, Ra"isal Wasaaraha Dalka Masar Dr Axmed Badiiq iyo Xoghayaha Guud Ee Jaamacadda Carabta Camar Muusa, waxaana halkaa ku Dhexmaray wadahal dheer oo kafool kafool ah iyaga oo ay labada Madax wayne Isdhinac taagnaayeen.

 

Waxaa ka mid ah waxyaalaha ay kawada hadleen Labo qodob oo Dawladda Soomaalida muhiim u ah, waa sidii ay Dawladda Masar uga qayb qaadan lahayd Dib u Dhiska Dalka oo u baahan dhaqaalo xoog badan, iyo weliba Dhiiri gelin dhinaca Siyaasadda oo ay ka hesho Dawladda Masar Marka Dhawaan ay Madaxda Carabtu ku kulmaan Magaalada Aljeris Ee Dalka Aljeeriya, Maadaama Dawladda Masar lagu Tilmaamo Muruqa Diblomaasiyada Carabta.

 

Waxaa xusid mudan sida la yaabka leh Ee ay Masuuliyiinta Masar u Soo dhaweeyeen Weftiga Soomaalida, iyadoo ay Dad badani qabeen in aanu wanaagsanayn Xidhiidhka Masar iyo C/laahi yuusuf, Tan iyo markii uu C/laahi Yuusuf ka baxay Shirkii Qaahira 1996 iyo Weliba Xidhiidhka dhaw ee uu M/Yuusuf la leeyahay Dalka Ethiopia, oo ay Dawlada Masar isku hayaan dano Dhaqaale oo ay ugu horayso Biyaha Webiga Naylka oo iyagu ka soo Butaaca Buuraleyda Ethiopia, Biyaha Webiga Naylka ayaa iyagu Dalka Masar u ah Halbawle ay Naftu ka baxayso hadii la"iska hortaago.

 

Hadaba Soo dhwayntan Miisaanka leh ee aan loo samayn xataa M/waynayaasha Dalalka Awoodda badan ayaa lagu Tilmaami karaa Bog Cusub oo u Furmay C/laahi Yuusuf iyo Xusni Mubaariga Masar, waxaa kale oo Muuqata in Siyaasadda Arimaha Debeda ee Dawlada Ku meelgaarka ahi ay marayso Meeshii ugu saraysay, Maadaama oo ay gacanta ku dhigtay Muruqa Diblomaasiyada Carabta oo lagu tilmaamo Dalka Masar.

 

Waxaa kale oo ay Dawladda Ku meelgaarka ahi horay u hanatay Muruqa Diblomaasiyada Afrika oo lagu Tilmaamo Dalka Nayjeeriya, iyada oo M/waynaha Nayjeeriya Olosungea Obasanjo uu ka qaybgalay caleema saarkii M/waynaha, uuna ka dhaadhiciyay shirkii Abuja ee uu isagu Gudoominaayay in ay Dalalka Igad Ciidamo u Diraan Soomaaliya Taas oo uu C/laahi Yuusuf uga Qaalisanayd wax kasta oo kale.

 

Si kasta ha ahaaytee waxaa Muuqata in ay rajo wayni ka Muuqato Hanashada Dawlada Ee Gudaha dalka.

 

C/qaadir Jilbis xoosh2009@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^^^thanks. Those who were looking forwad to pics,i would say,We need able leader rather than one posing for photos with all the leaders in the world, :D

 

 

43198_6m.jpg

الرئيس مبارك ÙÙŠ بداية الأجتماع مع الرئيس الصومالي عبدالله يوسÙ

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

MADAXWEYNAHA SOMALIYA CABDULLAHI YUSY IYO MADAXWEYNAHA MASAR XUSNI MUBARAK OO KULMAY

 

Somaliweyn(BBC/Cairo,March 14,2005)

 

15mars6.htm

 

Madexweyne Cabdullahi Yusuf si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey Qaahira

Markii wafdiga Soomaalidu uu ka degey garoonka Dayuuradaha ee Masar dadkii halkaasc ku soo dhaweeyeryv waxa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo madax kale oo badan.

Islamarkiiba waxa wafdiga loo gudbiyey Qasiriga Madexweyneha ee ku yaal Madrasa Jadiid, halkaas oo Madexweyne Xusni Mudaarak uu ku qaabiley Madexweyne Cabdullahi Yusuf iyo wafdigiisa.

 

Waxyaabaha labada madexweyne ay is-xasuusiyeen waxa ka mid ah xiriirka soo jireenka ajh ee Soomaaliya iyo Masar ay sanooyinka badan wadalahaayeen.

 

Wariyaha BBC-da uga soo waramay Qaahira ayaa sheegey in soo dhaweynta wafdiga Soomaalidu ay ka heleen Qaahira ay markhaati ka tahey kalgacalka ay Masar u heyso shicibka Soomaalida.

 

Madexweyne Cabdullahi Yusugf waxa uu markii hore la kulmey Madexweyanaha dalka Masaarida ka dibna galinkiidambe ee Isniinta ayuu la kulmey Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabata, Camar Mussa.

 

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Amr Musa ayaa qado sharaf u sameeyey wafdiga Soomaalida.

 

Kulanka Madexweyne Cabdullahi Yusuf iyo Camar Mussa waxa uu ka dhacey qado sharaf wafdiga Soomaalida loogu sameeyey Hoteelka al-Xayat ee Qaahira. Wararka ka imaanaya Qaahira waxa ay sheegayaan in Jaamacadda Carbtu ay niyad fiican iyo qalbi furan ku soo dhaweysey wafdiga Madexweyne Cabdullahi Yusuf.

 

Wafdida Madexweyne Cabdullahi Yusuf waxa uu Jaamacadda Carabta ooy u sheegeen in Soomaaliya ay u baahantahey dib u dejin iyo dib u dhis, ooy Jaamacadda Carabta ka filayaan iney taageero siiso Soomaaliya, si maleeshiyada dalka joogta hubka looga dhigo, xasiloonina waddanka dib loogu soo celsho.

 

Waxa jirtey in shir heer wasiir ahaa oo Ururka Carbtu uu dhawaan yeeshey uu ku faaqidey arimaha la xiriira kaalmeynta Soomaalida oo laga hadley in Madexweynaha, dowladda iyo baarlamanka Soomaalida ee cusub la gargaaro. Waxa shirlaas laga sheegey in dowladaha Carbeed een weli ku dhawaaqin gargaarista Soomaaliya ay shirka la iskugu imaan doono Algeria ku soo diyaariyaan waxa ay Soomaaliya ugu talagaleen.

 

Waxa kale oo wafdiga Soomaalida iyo madaxda Masar isku soo qaadeen maadaam ay Masar iyo Soomaaliya xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan leh ay lahaayeen in Masra ay dardar galiso arimaha lagu kaalmeenayo Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col Yeey has been posing plenty of photo-ops since his Oct 10, 2004, parliamentary (s)election. If photos resolved conflicts, he'd be a Nobel Peace Prize winner by now.

 

He's lost plenty of momentum in the past five months of inaction. I wonder how much longer he'll be a sitting, exiled El Presidente.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Wafdi uu hogaaminaya Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf

oo si wayn loogu soo dhaweeyey dalka masar

 

Madaxwayne c/laahi iyo yusuf axmed iyo wafdigisii aayaa saaka si habsami leh logu soo dhoweyey gegeda dayuuradaha qaahira wafdiga madaxwaynaha oo uu wehlinayey Raysulwasaare Prof Gedi,iyo xubno katirsan baarlamaanka,wafigaan waxaa si aad ah usoo dhoweyey madaxwaynaha maser iyo wasiirka difaaca dadlka maser iyo ururka jaamacada carabta waxaa kaloo soo dhowayntaas qaby lixaad leh kaqaatay safarada somalida ee dalka maser.iyo dhamaan jaaliyada soomaaliyed ee degan masar iyo ururka ardayda soomaaliyeed ee masar. Oo hoostaga safaarada.

 

Madaxwaynaha Waxaa safarka ku weheliyay Raysulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waana Markii Labaad oo ay si wada Jira wafdi uhogaamiyaan tan iyo intii la dhisay Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Ujeedada Safarka Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed & Raysulwasaare Geedi waxaa ugu wayn in ay Wadamada Carbeed ee Soomaalidu ka jirto laga dhaadhiciyo dhibaatada Haraysay Soomaalida 14 Sanadood ee la soo dhaafay

 

Soo dhoweyntan madaxwaynaha lasoo dhoweyey ayaa ah tii ugu balaarneed ina ta la og yahay,safar noo can oo kale ah oo uu madaxwaynuhu kutago dalcarbeed,iyadii dowlada masarna ay balan qaaday sidii ay wax uga qaban laheed xalada soomaliya dowladana cusub,dowlada masar waxay sheegtay in ay intii karaankeed ah la shaqayndoonto.caawa ayey mar kale madaxwaynaha iyo wafdigiisa iyo madaxwaynaha masar iyo jamacada carabtuba ay balan san yihiin.iyadoo berina lagayaabo inmadaxwaynuhu ulaabto dadka Kenya waa sida wararkii ugu danbeyey ay sheegayaaan

 

Madaxwaynaha Waxaa safarka ku weheliyay Raysulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waana Markii Labaad oo ay si wada Jira wafdi uhogaamiyaan tan iyo intii la dhisay Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Ujeedada Safarka Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed & Raysulwasaare Geedi waxaa ugu wayn in ay Wadamada Carbeed ee Soomaalidu ka jirto laga dhaadhiciyo dhibaatada Haraysay Soomaalida 14 Sanadood ee la soo dhaafay.

 

Soo dhoweyntan madaxwaynaha lasoo dhoweyey ayaa ah tii ugu balaarneed ina ta la og yahay,safar noo can oo kale ah oo uu madaxwaynuhu kutago dalcarbeed,iyadii dowlada masarna ay balan qaaday sidii ay wax uga qaban laheed xalada soomaliya dowladana cusub,dowlada masar waxay sheegtay in ay intii karaankeed ah la shaqayndoonto.caawa ayey mar kale madaxwaynaha iyo wafdigiisa iyo madaxwaynaha masar iyo jamacada carabtuba ay balan san yihiin.iyadoo berina lagayaabo inmadaxwaynuhu ulaabto dadka Kenya waa sida wararkii ugu danbeyey ay sheegayaaan.

 

Iyadoo ajandaha ugu balaaran ee Safarkoodu yahay Bal in wadamada Carabtu ku deeqaan Ciidamo soo celiya Nabadii iyo Xasiloonida Luntay ee Soomaaliya waloow Amuurta keenista Ciidamo shisheeye si aada la iskugu khilafay oo ay diidmo xoogan ka muujiyeen Xubno ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Yusuf.

 

Waxaa ka mid ahaa Wafdiga Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha Xubno ay ka mid ahaayen Rasulwasaare Ku Xigeen Ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xussen Maxamed Faarax Caydiid, Raysulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyada Saalim Caliyoow Ibroow, Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil, Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdulaahi Cosoble, Wasiirka Iskaashiga& Horumarinta Caalamiga Dr C/saaq Jurulle, Xidhibaan Cali Fiqi iyo Xubno kalle.

 

Wafdiga waxaa goroonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Xubno ka Tirsan Labada Gole ee Xukuumada Hase yeeshee Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Xasan Sh Adan iyo Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho kuma Jirin Xubnihii Sagootiyay Madaxda Xukuumada Federaalka ah.

 

Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaruhu waxa ay hore ubooqdeen Wadamada Itoobiya, Jabuuti, Ugaandha, Imaaraadka, Saciidiga, Qadar, Naajeriya, iyo Yaman waxa kaloo ay Safar ku Tageen Magaalooyin ka

 

c/risaq Ader ali kaneec

 

qaahira masar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this