Sign in to follow this  
SOO MAAL

The celebrations of the Somali National Week (June 26 - July 1)

Recommended Posts

SOO MAAL   

The celebrations of the Somali National Week (June 26 - July 1)

 

Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta

Maanta maanta maanta Madaxeen banaane maanta..

 

June 26: British Somaliland colony (northwest and northcentral Somalia) took independence from Britain

 

June 26: Somalia's Flag Day; first Somali flag was raised in the city of Hargeisa

 

June 27: Djibouti took independence from France

 

July 1: Italian Somaliland colony (South, and north East Somalia) took independence from Italy

 

July 1: the somali Union Day

 

July 1: the Somali Republican Day

 

 

It is the 46 anniversary of Somalia

1960-2006

 

Congratulations to all Somali people

 

Happy Somali National Week for all Somali people

 

 

Dhamaan Umada Soomaaliyeed Hambalyo Ilaahay haa ka dhigu tobaadka wadanka Soomaalia mid farxad badan amiin

 

waa 46 guuradii ka soo waraagtey maalmihii xuriyada, calanka, midowga, iyo aasaskii jamhuuriyada Somalia

 

Happy Somali independence week

 

VIVA SOMALIA

Heeso Wadani ah

 

Heeso Wadani ah

 

1075.gif

flag1000.jpg

sha3.jpg

camels1.jpg

 

syl_1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

flag_so.gif

 

mainmap.gif

 

ture_somali_map.jpg Bahda Shabakada wararka Afnugaal.com oo hambalyo ku aadan 26 june u direysa umada soomaaliyeed

Warkii 25-Jun-2006 iyo Qormadii: c/lahi bookh

hadii aanu nahay Bahda shabakada wararka ee Afnugaal.com waxaanu umada soomaaliyeed meel ay joogtaba u direynaa hambalyo aadan maalinta 26ka june oo ah maalintii xornimada gobolada waqooyi ee

 

 

soomaaliya maalintan oo ah maalintii ugu horeysey ee calan soomaaliyeed laga taago ciida soomaaliya waa ,maalin qadarin mudan waa maalin ciid ah waa maalintii aduunku inoo aqoonsadey dowlad ka mid ah dowlada aduunka , waa maalintii aynu guraney midhihii kasoo baxay 21 sano oo aynu xoriyada u dagaalameyney , maalintii uu c/lahi timacade uu lahaa (sareeyow ma nusqaamow kana siib kana saar)

 

hadaba hadii aanu nahay , dhamaan howl wadeenada shabakada afnugaal waxaanu umada soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogto u direynaa hambalyo ku saabsan maalinta 26 june anagoo idiin balan qaadeynaa inaanu idiin soo gudbino xafladaha lagu maamuusayo maalintaas weyn ee ka kala dhacaya dhamaan dacalada aduunka iyo waliba taariikhda jamhuuriyada soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Munaasabadda calan saarka Soomaaliya oo la qaban qaabinayo

Baydhabo - 25.June.2006 Xaflado kala duwan oo loogu diyaar garoobayo munaasabadda xuska 46-aad ee markii ugu horreysey ee calan Soomaaliyeed oo xor ah

laga taago Soomaaliya ayaa ka socota magaalooyin kala duwan oo ku yaal gudaha dalka.

 

Munaasabadahaas midda ugu weyn ayaa habeenka caawa ah lagu qabanayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo oo fariirin kumeel gaar ah u ah dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Munaasabaddan ayaa waxaa qaban qaabadeeda mas’uul looga dhigay kusimaha wasiirka arrimaha gudaha ahna wasiirka beeraha dawladda federaalka Soomaaliya Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud).

 

Toddobaadka Qaranimada Soomaaliya (Somali National Week) ayaa sannadkan bilaabanaya iyada oo ay dalka ka socdaan isbeddello isla markaasna ay dhowaan dhaceen dagaallo ay dad badan ku dhinteen kuwaas oo gobollo kala duwan ka dhacay.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Soomaaliay Ha Noolaato!!!

 

I will celebrate this day with my family and my SOL family.

 

The end of the occupation of the Eastern and Northern Somali territories did not come for free.

It was the result of a bitter struggle that has lasted for 75 years.

 

It is worth remmembering and honouring all those brave souls that have foughtand died for our liberty.

 

We shall not be the ones that betray the rightious cause.

 

Soomaaliya Ha Noolaato!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Thee day itself is historical and should be aleways honoured and remembered, but what is trajic is the events that followed it five days after. We should have never made that diversion and just may be things would have been different....!

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Xarago

 

In reality, the Somali civil war era, that caused the collapse of Somali republic, the rise of warlords in the south and clan feithdoms in the north is the most tragic events in history of Somalia

Endless clan and sub-clan wars of Borame, hergeysa, burco, Galkacyo, Baydhabo ’92, shabelle region, Kismayo and Juba region, Mogadisho, and the one still raging in Aricadeeye in Sool region.

 

The brightest events in Somali history took place June 26-July 1, 1960, the independence of former British and Italian Somali colonies, and founding of Somali republic. The reunion of Somali territories was a blessing for all Somali people

 

The point of this thread is not only to honor and remember these days but also to commemorate in special way and celebrate the liberation of territories from Europeans, the reunion of Somali people, and the founding of Somali rebuplic, waayo maalmahani waa maalmaha qaranka soomaaliyeed

 

 

Anyways this thread is not intended to discuss any politics. But with the aim of nomads to exchange congratulations

 

In may 18, I said to northwest Somalis have a great day

 

Please walashiis don’t spoil our celebrations

 

 

Peace

 

SOO MAAL

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta

Maanta maanta maanta madaxeen bannaane maanta

 

Hanbalyo, Hanbalyo, Hanbalyo.

 

Maalmaha qaranka Soomaaliyeed

 

 

mudahraad2.jpg

GARAADCALI2.gif

Ururka Mideynta & Horumarinta Dhalinyarada G/Sool oo u hambalyo u diraysa ku aadan 26 June maalinta xoriyadda Soomaalida..

 

Sida uu shabakadda warbaahinta Somaliweyn.com u u sheegay afhayeenka ururka Subeer Idiris. Ururka mideynta & horumarinta dhalinyarada G/sool ayaa hambalyo u diraysa umadda soomaaliyeed maalinta xoriyadda 26 june,

 

maalintaas oo ah maalin ku weyn shacbweynaha soomaalida maadaama ay tahay maalintii heeryadii gumaysiga laga tuuray shacbi weynihi Soomaaliyeed ee Goboladii la oran jiray British Somaliland Protectorate, taasoo aan soo xasuusanayna gabaygii uu ka tiriyay goobtii calankii gumaysiga lagu siibay laguna saaray kii shacbi weynaha gabyaagii caanka ahaa Cabdilaahi Suldaan Timacadde ee ahaa (( Saaxirkii kala guurraye kana siib kana saar)) iyadoo umadda soomaalida ay ugu fadhido qiime aad u balaadhan ahna maalin qaran, waxaa maanta sidoo kale lagu xasuusta weftigii ka tegey gobolada waqooyi (Somaliland) ee Garaaad Cali iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland ka mid ahaa ee heshiiskii xornimada ku saxeexay magaalada London ee cariga ingiriiska.

 

Sidaas awgeed, hadaanu nahay ururka mideynta & horumarinta dhalinyarada G/Sool (SYUDO) waxaaannu shacbiga ugu hambalyaynaynaa maalintan qiimaha & maamuuska leh waxaanuna u rajaynaynaa umadda guul & barwaaqo.

Allaa Mahad Leh,

Afhayneenka Ururka Mideynta & Horumarinta Dhalinyarada G/Sool

 

Subeyr Idiris

subeyr_2@hotmail.com

Lasanod,Sool

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

26-ka June oo si weyn looga xusay magaalada Baydhabo oo haatan ay fariisin ka dhigatay DFKMG

 

Muqdisho, June 26, 2006 (WDN) - Munaasabad ballaaran oo lagu xusay 46 sanad guuradii kasoo wareegatay markii ay gumeysiga Ingiriiska ka xuroobeen gobolada woqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa xalay lagu qabtay aqalka madaxtooyada DFKMG ee magaalada Baydhabo.

 

 

Munaasabadan xalay waxaa kasoo qeyb galay madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore iyo xubnaha labada gole ee magaaladaasi ku sugan.

 

 

Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyada maalintan ay leedahay, isagoo sheegay in 26-ka June ay tahay maalin qiime iyo qaaye ku leh shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxa uuna hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan gobolada woqooyi ee dalka.Madaxweynuhu waxa uu xusay in Soomaalida ay waajib ku tahay in ay ilaashato xurnimadan ay ku naalooneyso isla markaana ka fogaato wax walba oo keeni kara tafaraaruq.

 

 

C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in Soomaalida aysan kala maarmi karin isla markaana aysan kala go' karin. Waxa uuna shacabka ku dhaqan woqooyiga Soomaaliya ka codsaday in ay ilaaliyaan midnimada ay la wadaagaan walaalahooda koonfurta ku dhaqan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad haatan ka baxaya mushkilad sokeeye oo 16 sano ay kusoo jireen.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Cisman Cilmi Boqore oo isna munaasabadii xalay Baydhabo ka dhacday hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan uu u hambalyeynayo isla markaana uu ku boorinayo in ay ilaashadaan xurnimada, kana fogaadaan wax kasta oo ku keeni kara in ay kala tagaan.

 

 

Munaasabadii ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in ay ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin aad u fara badan. Inkastoo ay ka maqnaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'isalwasaare Cali Maxamed Geedi.

 

 

Si kastaba ha ahaatee munaasabada 26-ka June ayaa sanadkan waxa ay kusoo aaday xili isbadal weyn uu ka jiro degaanada koonfurta Soomaaliay, ka dib markii la jabiyay qabqablayaashii shacabka xoogga ku heystay 16-kii sano ee lasoo dhaafay.

 

 

Inkastoo koonfurta Soomaaliya si weyn looga xusay munaasabada 26-ka June hadana waxaa munaasabadaasi aan si weyn looga xusin ama looga dareemin gobolada woqooyi ee dalka. Waxaana goboladan ay iminka sheeganayaan in ay ka go'een Soomaaliye inteeda kale, inkastoo aysan caalamka ka helin aqoonsi caalami ah. Sidoo Kale magaalada Muqdishu ayaan siddii dhici jartay xiliyadii hore aan maamuuska xuska 26-ka looga agaasimin.

 

 

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Guud ahaanba gobolka sool oo maanta laga xusay 26ka juun

 

Laascaanood 26 Juun 2006 Waxaa maanta si weyn looga xusay magaalada laasacaanood sanad guuradii 46aad ee kazoo wareegtay xilgii ay gobolada waqooyi xornimadooda ka qaateen wadanka ingiriiska oo ahaa gumaystihii sida xaqdarada aha ku xukumayey gobalada waqooyi ee dalka Somalia ,

 

waxaana magaalada laascaanood ay dadwenuhu maanta si aada u hadal hayeen halgankii dheeraa ee loo soo maray xoriyada maanta lagu naaloonayo,taasoo ay hormuud ka ahaayeen dadwaynaha ka soo jeeda Gobolada SSC oo iyagu saldhig u ahaa gobanimada Somalia,

 

sidoo kale waxaa maanta si hagar laâ€aana uga qayb qaatay fantasiyahayn idaacada radio laascaanood oo hawada ku jirtay in kabadan 10 saacadood,

 

iyagoo bulshada ku dhaqan magaalada laascaanood u soo tabinayey barnaamijyo taariikhiyaysan iyo weliba suugaan wadani ah oo ku taxaluqda maalinta 26ka juun,waxaana suugaantaasi ka mid ahaa geeraarkii caan baxay ee abwaankii soomaaliyeed cabdilaahi suldaan timacade :"kaana sib kana saar "

 

waxaana ay dadwenaha qaarkood hambalyo iyo salaan u gudbinayeen iyagoo adeegsanaya khadka telefoonka asxaabtooda qaraabadooda iyo eheladooda ku sugan magaalada laascaanood iyo weliba daafaha dunida,

 

Aadan jaamac oogle {aadan xabeeb}

 

Jeelle@radiolaascaanood1.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Guhaad   

Happy 46th birthday Somalia! Ha Noolaato

 

I wonder if the happiness, emotions, aspirations, dreams, and smiles on the minds and faces of those people who celebrated the first year of independence could ever be restored. never say 'never.' hadeer dowlad islaam ah baaba noo soo socota. Gabareey xijaabkaaga, Ninow garkaaga :D

 

 

'In sidayda tihiin iyo

In kalaanan saxaynine

Soomaloo calan taagta

Saakay noogu horraysa oo

Saddex wiig iyo maalmo

Haddaan Soor cuni waayo

Safrad laygama yaaboo

Sarina mayso naftayda e

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar'

 

TimaCadde

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this