Sign in to follow this  
Sayyid

A change of heart?

Recommended Posts

Sayyid   

When I checked the news today, I came about something I found really surprising.

 

Here was Dayniile.com reporting about a new 'alliance' in Moqadishu, which has been set up today in Dayniile by the likes of Qanyare, Yalaxow, Finish and Bashir Raage et al.

 

This 'new' alliance was set up in order to fight terrorism and 'terrorists' hiding in Moqadishu!

 

We all knew about the special relationship that existed between the Islamic courts in Moqdishu and the Warlords, however lately I have been following a pattern in where Qanyare and the rest of the pack where threatened by the Americans if they objected to this new government.

 

I also believe that Qanyare has got the necessary insurance and capital from the Americans in order to fight 'terrorism' and terrorists hiding in the capital!

 

Somehow they have been convinced that there is a bigger 'enemy' than Abdullahi Yusuf, namely the terrorists and Islamic courts!

 

Already wars are underway to undermine the islamic courts and alliances in Moqadishu, it is also said that Mr. Indhocadde made a deal witht the Americans in order to fight terrorism in Somalia!

 

What can we expect from this new alliance, who have sworn to reopen the national institutions and fight the 'Wahhabis' until they eracdicate them from the 'soil' of Somalia!

 

Very interesting indeed, we will await the future inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Isbaheyisga la dagaalanka argagixisada oo Muqdisho lagaga dhawaaqay

 

Mogadishu 18 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Kulan maanta ka dhacay xarunta wasiirka amniga qaranka Degmada Deyniille ee magaalada Muqdisho ayaa lagaga dhawaaqay isbahaysi loogu magac daray la dagaalanka Argagaxisada..

 

Kulanka oo socday saacado ayaa waxaa ka qaybgaly wasiiro ka tirsan dowlada fedraalka iyo xubno ganaacsato ah oo magac ku leh magaalada Muqdisho.

 

 

Gababada Kulankaasi ayaa laga soo saaaray 9 qodob oo ku saabsan heshiiska dhismaha isbhaysiga la dagaalanka Argagaxisadda.

 

Kulankaasi maanta ka dhacay Degmada Deyniille ayaa xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiirka Amniga qaranka Maxamed qanyare afrax oo sheegay iney la dagaalami doonaan wadaadada maxkamadaha islaamiga Muqdisho iyo Kooxaha kale ee argagaxisada ee ku dhuumaneysa magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Qanyare ayaa ku tilmaamay ujeeadda loo dhisay isbahaysigan inuu yahy sidii loo burburin lahaa wado uu ugu yeeray Wahaabiyo Afka iyo madaxa duuban uuna ku edeeyay Dilalkii gudaha Muqdisho loogu geysaty dad kala duwan.

 

Ganaacsade Bashiir Raage shirare oo sidoo kale ka hadlay Kulnkaasi ayaa sheegay in in Dagaaldii ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho ay ku lug lahaayeen waxa uu ugu yeeray wadaado mayal adag.

 

Xubnihii saxiixay qodobadda 9ka ah ee la dagaalanka Argagaxisada maanta looga dhawaaqay Deyniille waxa ay kala yihiin.:-

 

1-Wasiirka Ganaacsiga Muuse Suudi Yalaxow.

 

2-wasiirka Amniga Qaranka Maxamed qanyare Afrax.

 

3-wasiirka Hub ka dhigista maleeshiyadda Bootaan Ciise.

 

4-Ganacsade C/rashiid shire Ilqeynte.

 

5-Ganaacsade bashiir raage shiiraar.

 

6-Taliye Kooxeedka Cabdi waal.

 

7-Cabdi shukri Cali Xirsi,iyo Xubno kale oo magac ku leh magaalada Muqdisho.

 

 

Ku dhawaaqista isbaheyisgaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maanta magaalada Muqdisho dagaal culus uu ku dhex marayo midowga Maxkamadaha iyo Maleeshiyooyin daacad u ah nin ku jira Isbaheyisgaan oo la yiraahdo Cabdi Waal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

War deg deg ah Isbaheysi la magac baxay Nabadda & La-dagaalanka argagixisada oo ay ku dhawaaqeen Wasiirada hubeysan, Ganacsato & Saraakiil

 

Kulan ay isugu yimaadeen xubno isugu jiray wasiirada hubeysan ee Muqdisho, ganacsato, siyaasiyiin, iyo saraakiil ayaa maanta looga dhawaaqay isbaheysi cusub oo loogu magac-daray Isbaheysiga nabadda & la-dagaalanka argagixisada, waxaana xubnihii kulankaasi ka qeybgalay ka mid ah Wasiirada Ganacsiga, Amniga Qaran-ka, Diinta & Awqaafta, Dhaqancelinta maleeshiyooyinka, Muuse Suudi Yalaxow, Max'ed Qanyare Afrax, Cumar Max'uud Max'ed (Cumar Filish), Bootaan Ciise Caalin & ganacsato ay ka mid yihiin Bashiir Raage Shiiraar, C/rashiid Shire Ilqeyte & saraakiil uu ku jiro Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

 

Filo saacado kadib sawirada & warbixintii oo dhammeystiran oo ay ku jiraan khudbooyinkii halkaasi laga jeediyey

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Well Quttubi, Remember, any wadaad oo Muqdisho ku nool dad buu ka dhashay, and not only that, all other somalis who belong to different clan members oo islaanimada dhab ka tahay wey u gargaari doonaan ciddii lagula diriro diintooda ee magaalada ku nool. Waxaa laga yaabaa munaafiqiinta iyo Khuraafiyiinta adigoo kale ah ee qabiilka dulleystey, siday rabaan si ka duwan inuu ilaahay meesha kasoo saaro. Waxaa kaloo laga yaabaa in labo saf la noqdo oo Atto dhiigya cab iyo Suudi Doqon oo aa maanta doorbidey adoo qabiil ku necbaa shalay, iney waayaan wax ugu hiilliyo yaa reer hebel ah oo meel cidlo ah looga dhaqaaqo. Ilaah wuu na tusi karaa in arrintaan noqoto mid xaqa loogu gargaaray oo waa cusub Xamar ka dillaaco.

 

Inshallah, waxaan rajeyneynaa in la baab'iyo nimankaan isku caqliga aa tihiin oo ciddii muslim ahna usoo harto magaalada.

 

Muslinaa isku sheegeesaa waxaadna ku faraxsan tahay dad loogu tashanaayo sidii dhiiggooda daadintiisa loogu qaraaban lahaa oo loogu lacag cuni lahaa.

 

Qof hadduu towxiidka ka maran yahay DIIN MA HEYSTO WALLAHI.

 

PS: I wish I knew how to describe my contempt for the likes of you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Isbahaysi Cusub oo loogu magacdaray la dagaalanka Argagaxisada oo looga dhawaaqay Muqdisho

Posted to the Web Feb 18, 13:06

 

 

Muqdisho (PP) – Isbahaysi cusub oo loogu magacdaray la dagaallanka Argagaxisada ayaa maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana isbahaysigaas looga dhawaaqay Dayniile oo ah xarunta Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

 

Isbahaysigaan ayaa waxaa ku dhawaaqay xubno ka kooban 9-xubnood oo ay ka mid yihiin: Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax, Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Cumar Max’ed Max’ud (Cumar Filish), Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan-celinta malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Ganacsade C/rashiid Shire Il-qeyte, Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar iyo xubno kale, waxaana kulankii ay kaga dhawaaqeen isbahaysigaan ku sheegeen inay kula dagaallamayaan wadaada diinta oo ay sheegeen inay ka dambeeyaan dilalkii ka dhici jiray Muqdisho ee lagu fuliyay Aqoonyahannada iyo Saraakiisha Ciidammada.

 

“Waxaan dagaal xooggan la galaynaa kuwa lagu magacaabo Wahaabiyada, kuwaasoo afka xirta, waxaana la galaynaa dagaal xooggan, waxaana sidoo kale la dagaalamayna argagaxida oo ay salka ku haystaan Wahaabiyiintu, dagaalka aan la galaynana waa mid aan ka gaarayno guul†ayay yiraahdeen xubnahaas oo sheegay inay ka dambeeyaan Wahaabiyiinta dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay dalka.

 

Sidoo kale waxay sheegeen xubnahaas ku dhawaaqay isbahaysigaan cusub in dagaallada ka socda gudaha Soomaaliya oo dhan ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan wadaadada ay ku magacaabeen Wahaabiyiinta oo ay sheegeen inay xiriir toos ah oo aan qarsoodi lahayn la leeyihiin argagaxisada caalamka.

 

Xubanahaan ayaa intooda badan waxay ahaayeen kuwo ay dhowr jeer oo hore isku dhaceen Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira Muqdisho, waxaana ragga ay sida weyn isugu dhaceen ka mid ah: C/rashiid Shir Il-qeyte oo ah milkiilaha Hotel Saxafi iyo Bashiir Raage Shiiraar oo ah milkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Camel, waxaana ku dhawaaqiydda isbahaysigaan ay ku soo beegeen xilli uu Muqdisho ka socdo dagaal u dhexeeya kooxo ka amarqaata Wasiirka Amniga Qaranka iyo kuwo ka amarqaata Maxkamadaha Islaamiga ah, dagaalkaas oo weli socda.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Dagaal Culus oo ka qarxey Magaalada Muqdisho

Last Updated::2006-02-18 09:26:24 E. Africa Standard Time

 

Muqdisho:- Dadka muqdisho ayaa saaka ku waaberiistey daryanka hubka darandooriga u dhaca

iyada oo dagaalkan u dhexeeya laba maleeshiyo oo isku haysta dhul.

 

war_somalia.jpg

 

Dagaalka ayaa weli ka soconaaya Wershadii hore ee kabka ee xaafada Hodan, dagaalkan ayaa geeystey khasaare balaaran inkasta oo aan la ogeyn tirada dhabta ah oo ku dhimatey.

 

Sidoo kale malayshiyadan ayaa isu adeegsadey madaafiicda hoobiyaha kaas oo gaarey meel ka baxsan goobta dagaalka.

 

Wixii war ah ee ku soo kordha Horseed kala soco

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Dagaal culus oo xalay ka dhacey magaalada Muqdisho

 

 

 

 

La soo galiyay: 2006 Feb 18 - 07:24

• Dagaal culus oo la isku adegsaday hubka nocyadiisa kala duwan ayaa xalay abarihii 9:00 fiidnimo ka bilowday agagaarka Kuliyadda...

 

Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo socday ilaa saakay ayaa waxaa uu u dhaxeeyay maliishiyo beeleed halkaasi fariisin u ah iyo maliishiyooyin ka tirsan Midowga Maxkamaddaha Islaamiga.

 

Dirirtaan ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac iyada oo tirada dhimashada ay gaareyso 5 ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana soo baxaya khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah oo guryahooda ay madaafiicda la isku adeegsanayey ay guryahooda ugu tagay.

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya dagaalkan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in taageerayaasha Maxamed Qanyare.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

News Update: Dagaaladii ka dhacey Muqdisho oo wali sii socda!

 

tikniko.jpg

 

Muqdisho- 18.February.2006 Dagaal xoog leh ayaa lagu soo waramayaa in saaka hiirtii waaberi uu ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasiamda wadanka Soomaaliya.

 

Iska horimaadkan ayaa la sheegay in uu ka socda agagaarka Warshidii hore ee Kabka iyo waliba deegaanada u dhaw dhaw Xaruntii hore ee War laliska ee Radio Muqdisho oo ku taal xaafada Dayniile ee Muqdisho, waxaana uu u dhaxeeyo laba kooxood maleehiyo oo isku haysta sida la sheegay dhul ku yaal deegaankaasi.

 

Dagaalkan oo la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka ayaa waxaa ka qayb qaadanaya gaadiidka dagaalka iyo waliba maleeshiyo ku hubaysan hubka darandooriga u dhaca.

 

Dagaalkan ayaa lagu sheegay ay ku lug leeyihiin ciidamada Maxkmadaha Islaamiga iyo waliba maleeshiyo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Cabdi Waal oo ay xulafo yihiin Max'ed Qanyer Afrax.

 

Dagaalkan ayaa khasaaraha uu geystey ayaa la sheegay in dhimashadu ay gaartey ugu yaraam 7 qof iyadoo dhaawacuna intaasi ka sii badan yahay.

 

Madfac hoobiye ah oo ku dhacay guri ku yaal xaafada Al-Baraka ayaa la sheegay in uu geystey dhaawaca 3 qof, iyadoo sidoo kale la sheegayo in xaafadaha ku dhaw dhaw meelaha lagu dagaalamayo ay dad rayid ah wax ku noqdeen kuwaasi oo ay haleeshay rasaas wiifto ah iyo madaafiic habow ah.

 

C/laahi Soomaali

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

GOLE AY HORMUUD KA YIHIIN HOGGAAMIYE KOOXEEDYADA MUQDISHO OO DHOWAAN LOOGA DHAAWAQAYO GOBOLKA BANAADIR

 

Hoggaamiye kooxeedyada Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax Cabdi Qeybdiid iyo Bashiir Raage ayaa ka mid ah Gole cusub oo Gobolka Banaadir laga dhisay, kaasoo qaabilsan difaaca iyo la dagaalanka argagixisada.

 

Warkan oo saakay ku soo baxay wargeyska Maalinlaha ah ee Codka Xoriyadda kana soo baxa magaalada Muqdisho waxa uu intaasi ku darayaa in Golahan loo sameeyay kadib markii ay gacansaar ka heleen Hay’ado Mareykan ah oo qaabilsan la dagaalanka argagixisada.

 

Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in qabanqaabada dhismaha golahaasi oo soo socotay in muddo ah la filayo in dhowaan looga dhawaaqo Gobolka Banaadir, waxaana shirar arrintaasi looga hadlayo oo xubnahan ay hormuud u yihiin dhowr jeer ay ku yeesheen W/Muqdisho.

 

Golahan cusub oo ay hormuudka u yihiin hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa haddiiba ay dhacdo ku dhawaaqistiisa waxaa la filayaa inuu wax ka qabto isla markaana xaqiijiyo in magaalada Muqdisho aanay ka jirin amaba joogin kooxaha argagixisada ah oo iminka ku dhuumaaleysanaya goobo ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Halka laga cabsi qabo in howlgaladooda ugu horeysa ay isku dhacaan maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ah oo iyagu tan iyo mudadii ay dhisnaayeen in ka badan afar sanadood aan wax weyn oo la taaban karo ka qabanin xaaladda sii xumaaneysa ee magaalada Muqdisho, tiiyoo ay huwan yihiin inay fulinayaan Shareecada Islaamka, oo haddii sida ay tahay loogu dhaqmi lahaa ay wax weyn iska bedeli lahaayeen xaaladda ay iminka ku sugan tahay magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Warbixin dheer oo ku saabsan Isbaheysi cusub oo Muqdisho lagaga dhawaaqay & Khudbooyinkii ay ka jeediyeen wasiirada hubeysan & ganacsato

(Sawiradii laga soo qaaday kulanka)

 

Day6.gif

 

Waxaa maanta kulan ballaaran isugu yimid xarunta Wasiirka Amniga Qaran-ka ee degmada Dayniile xubno ka tirsan Wasiirada xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysan ayna ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed (Cumar Filish), xubno ka mid ah ganacsatada Muqdisho oo ay ku jiraan Bashiir Raage Shiiraar , C/rashiid Ilqeyte, & Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xersi & Ciise Cusmaan Cali, waxaana xubnahan geba-gebadii shirkooda ay soo saareen warsaxaafadeed u qornaa sidatan:

 

 

day1.gif

 

1) Anagoo ka kooban madaxda magacyadooda hoos ku qoran yihiin, waxaan nahay Isbaheysi Soomaali ah oo ku bahoobay soo celinta nabadgelyada & la-dagaalanka argagixisada caalamiga ah (Counter terrorisim) ee wadankeena joogat & kuwa u kaalmeynaya dembiilayaasha ajnebiga ah.

 

Waxaan balanqaadeynaa in aan wax ka qaban doono dib u dhiska wadanka, sida iskuulada, isbitaalada, masaajida & taakuleynta culumaa'udiinka, waddooyinka, siinta biyo nadiif ah & wixii la mid ah, iyadoo la tixgelinayo talada shacabka oo hadba meesha ku haboon la hormarinayo.

 

Day3.gif

 

 

2) Annagu ajende siyaasadeed ma lihin, qabiil, jufo ama qoys kama soo horjeedno, mana metelno reer gaar ah, waxaan ka koobanahay qabaa'ilo badan oo ku bahoobay la dagaalanka argagixisada & sharci darrada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho si dhabaha loogu xaaro mustaqbal nabadgelyo leh wadankeeda & caruurteena, howshaana dowladda KMG ah nooma aysan xilsaarin hase yeeshee waa waajib annaga na saaran.

 

 

day5.gif

 

3) Waxaan dooneynaa in aan horay u socono oo aanu u wadajirno sidii looga shaqeyn lahaa danaha ummaddeena, oo aan u dhisi laheyn mustaqbalka qoysaskeena.

 

4) Waxaan soo marnay dhibaato gaamurtay markaan waa in aan u midoownaa sidii aan dalkeena hooyo uga caawin laheyn ajnabigaasi dalalkooda laga soo nacay, fakad-kana ah, kuwaasoo raadinaya in ay na burburiyaan, xorriyadeeniina lumiyaan.

 

 

day2.gif

 

5) Waxaan nahay dad ku dhashay diinta Islaamka, kuna dhimanaya hadduu ALLE Idmo oo aaminsan ALLE & Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ee uu noogu soo dhiibay nebigeena Muxamad Nabadgelyo & Naxariis korkiisa ha ahaateen, mana aqbaleyno in iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo lagu waxyeeleeyo dalkeena & dadkeena si guracan.

 

6) Waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaadkaasi ay bulshada muddooyinkan dambe ka dhex-muuqdeen iyagoo isku muujinaya in ay shacabka nabadgelyadiisa ka shaqeynayaan, ayna ku dhex wataan dilalka shaqsiyaadka ay doonayaan in ay tir-tiraan iyo ilaalinta mujrimiinta dalalkooda dembiyada ka soo galay.

 

 

day4.gif

 

Ajnebiga ku dhuumaaleysana wadankeeda waxaa gacanta ku haya shaqsiyaad Soomaali ah oo ay maalgeliyeen argagixisada si ay hoy ugu noqoto dalkeena maadaama aysan ku noolaan karin dal uu sharci ka jiro oo dalalkoodiina ay ka soo carareen.

 

Diinteena Islaamka waa ka weyn tahay wax loo isticmaalo qarbudaad & in lagu fuliyo afkaaro aan waafaqsaneyn wada-noolaanta & tacaamulka bini'aadamka ee nabadgelyada ku dhisan.

 

Waxaa sanadahaan dambe batay dilal qorsheysan aadna u fool xun oo lagula kacayo ciddii loo aqoonsado qunyar socod aan waafaqsaneyn fikradaha kulul ee argagixiso-nimo, dilalkaas waxaa geysta kooxaha madaxa & afka duubta waana qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye jireen aan la aqoon, ciddii wax disha waa la aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo laga xalai jiray, hase yeeshee inkastoo ay is qariyaan, haddana waa la ogyahay oo maalin maalaha ka mid ah waxaa la hor keeni doonaa sharciga haddii ALLE Idmo.

 

 

Dadka la leynaayaa waa maskaxdii bulshada oo isugu jira culumaa'udiin aan aaminsaneyn in dil & burburin Islaamku wax ku wado, aqoonyahano, saraakiil & waxgarad haddii aqoontii & maskaxdii la leeyo waa loo jeedaa waxa lala damacsan yahay wadankeena, waana in kala dambeynu jirin, hubka aan la xareyn, fowdadu sii jirto, kadibna na loo aqoonsado hoy argagixisadu ku noolaan karto, sidaasna wadankeeda dhib uusan xambaari karin la kulmo, sida annagoo xorriyadeena ku weyna.

 

Fikirka kale ee isna la soo dhoofiyey ee weligeen horay wadankeena looga arag waa in meel aan dagaal ka jirin oo bartamaha magaalada ah lagu aaso miinooyin, si nolosha dadka loo argagax geliyo, waxaa iyadana la arko bambooyin mootooyiin ama gawaari lagu soo xiray lagu qarxinayo magaalada dhexdeeda iyadoo la doonayo in la laayo shacabka aan waxba galabsan taasoo ah arrin ugub u ah oo la soo safriyey, waxaa kaloo calaamadooda ka mid ah in ay bambooyin ku tuuraan meelaha bulshadu isugu yimaadaan iyagoo sheeganaya anshax toosin, hase yeeshee waxaa la wada ogsoon yahay in aan ciddina baneysan karin dhiiga bini'aadamka oo aysan xukun ku soo ridin maxkamad la wada aqoonsan yahay.

 

 

Waxaa ujeedooyinkeena ka mid ah

 

1) In aan dalkeena ka nadiifino dembiilayaasha xag jirka ah ee ku been abuuranaya magaca diinteena Islaamka ah ee muqadaska ah

2) In laga sifeeyo magaala madaxda & guud ahaan Soomaaliya oo dhan kuwa biira-qaatayaasha ah oo taageera dembiilayaasha ajnebiga ah iyagoo siinaya meel ay ku dhuumaaleystaan iyaga & waxyaabaha wax lagu qarxiyo

 

3) Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wada muslim ah, diintoodana aan cid kale wax ugu dhimin, iyagana wax isugu dhimin, waayo diinta Islaamka ayaa ah diin la isugu kaalmeeyo wanaaga ee ma ahan mid la isku waxyeeleeyo ama la isku dilo, laakiin sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya soo gaaray rag afkaaro xag jira xambaarsan kuna gambanaya diinta Islaamka.

 

4) Waxaa si baahsan loo shaaciyey, kuna caanbaxay in dalka Soomaaliya ay joogaan argagixisada caalamiga ah (Al-Qaacida) oo dhibaatooyin kala duwan oo dhimasho keenay ka soo sameeyey meelo badan oo dunidda ka mid ah.

 

5) Kadib markaan tira-koobnay baaritaan dheer & dabagalna ku sameynay aragnayna sida macna darrada ah & sida sahalka ah loogu leynayo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida culumaa'udiinka, saraakiisha aqoonta sare lahaa, aqoonyahanadii & indheer-garatadii in inta hartay la daba-qabto, kana badbaadino damiir-laawayaasha xambaarsan afkaarta dhoofiska ah.

 

6) Haddaba waxaa is-weydiin muddan wadankeena Soomaaliya maanta oo uu ku sugan yahay marxalado qalafsan kuwo rabbaani ah oo ay ka mid yihiin abaaraha & macluusha & kuwo bini'aadamku sababo sida dagaalada & nabadgelyo darrida, miyuu dalkeenu qaadi karaa argagixiso ajnebi ah oo dalalkooda ama wadamo kale dembiyo ka soo galay, kuna dhuumaaleysana dalkeena, Jawaabtu waa maya,

 

7) Soomaaliya iyadaa beesha caalamka ka dooneysa taageero & in gacan laga siiyo sidii sharcigii & kala dambeyntii & nabadgelyadii luntay loo soo celin lahaa ee uma baahna in aan dakano gaar ah ka galno caalamka intiisa kale oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

 

 

Haddana si looga badbaado dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaan soo jeedineynaa

 

1) In shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga meel looga soo wada jeesato, lagana foojignaado waxyeeladooda

2) In ciddii aragta dad afka ama madaxa soo duubtay ay soo wargeliyaan Isbaheysiga meesha ugu dhow

3) In kuwa afafka duubta ay iska qabtaan iyagoo waxyeelo geysanaya haddii ay arkaan

4) In ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed ka hadlaan in Islaamka ay ka xaaraan tahay in uu wax argagixiyo ama iska dilo dad aan maxkamad sharci ah aysan xukumin

5) In dhalinyarada ay marin habaabiyeen ay dib uga fikiraan waxyaabaha loo sheegay oo ay ka mid tahay in ay dilaan shaqsi bini'aadam ah oo idinla mid ah oo aysan garaneyn waxa uu ka haleeyey Islaamka

 

6) In dhalinyarada loo tababarayo qaabka argagixisada ee sida qof loogu dhaco gurigiisa laguna dilo ama dariiqa dhexdiisa ay gartaan in howshaasu tahay ALLE ka dheeri laguna cadaab mudanayo.

7) In shaqsiyaadka hogaaminaya argagixisada wadankeena ay ka tanaasulaan nidaamkan qatarta ah, haddii kale ay dhaxal-siin karto dhibaatooyin ka culeys badan waxa ay maleysan karaan.

 

 

Marka saxaafadda loo aqriyey qoraalka ay soo saareen xubnahaasi ayaa waxaa su'aalo ay saxaafadu weydiiyeen xubnahaasi Jawaabihii ay ka bixiyeen ay u dhaceen sidatan:

 

Max'ed Qanyare wuxuu yiri

 

"Waxaa la yiri dhulkeey miino geliyeen, waxaa la yiri aqoonyahanadeey dileen, shaqsiyaadkaasina waa la yaqaan, waana la soo sheegayaa, horayna waxey u sheegeen in dowlad Islaami ah aya ku soo rogayaan dalka oo la mid ah Iiraan & Daalibaan oo kale, waana wax jiro cid is-moogeysiin kara ma lahan, waxey furteen maxkamado, afkeeyo duubteen, dadkeey dilaan, xabsiyaal ayey suubsadeen, waa la yaqaan cid aanan aqoon ma jirto, fikirkaan annaga ayaa iska leh, balse fikirka ay ku shaqeeyaan iyagu waa mid dibedda laga keenay sida bariiskii & baasatadii, waxaana la doonayaa in ay is cadeeyaan oo ay yiraahdaan argagixiso annaga ayaa na la yiraa sida ay Osama Bin Ladin, Al-Zawaahiri, Zaqraawi ay isku cadeeyeen iyaguna waa in ay is cadeeyaan, annaga dowlad noo xilsaartay shaqadeena ma jirto, damiirkeena & shacabka Soomaaliyeed rabitaankiisa oo la aamusiyey ayaa noo xilsaaray, Muqdisho & agagaarkeeda waxaa saaran xaalad la mid ah "Zone 5" adduunka oo dhan & hay'adihii wax caawinayey Muqdisho waa ka carareen gobolada Soomaaliya waa la caawiyaa laakiin Muqdisho waxaa loo caawiyey argagixiso darteed, Annagu dadka ma dilno, habeenkiina ma mirano"

 

 

Muuse Suudi wuxuu yiri

 

"Annaga falalka dilka & dhaca diinta lagu daboolanaayo , muslim ayaan nahay, Islaamka in wax lagu argagixiyo ma ogola, waxaa na dhibay nimanka saraakiisha & aqoonyahanada inta guryahooda looguy dhaco la dilayo, G/sare, Janano & aqoonyahano ayaa la dilay, Marxuum C/qaadir Yaxye ayaa gurigiisa loogu dhacay, waxaan ku midownay in aan falkaas ka hor tagno, waxaan aragnay in nin kasta oo wax wanaagsan qabanaya madaxa laga goynayo, annaga nimankii hubeysnaa ayaan nahay waxaan jirineynaa nimanka kale ee naga maqal, idinka saxaafadda ah waxaan ognahay in aydnaan sheegi karin kuwa falkaasi geysanaya annaga waad na caysaan, waad na xogatiin, ma jiraa weriyeyaashiina hal nin oo inta aan la soo hadalnay aad niri hadaad warkaas naga sheegtid waan dagaaleynaa aan niri maan leenahay, dhibaatada ay argagixisadu na gaarsiisay ma yara, annaga xittaa waxaan haynaa wiilal tababaran oo guryaha dadka ugu dhici kara oo tababar buuxa dhaca xittaa C/llaahi Yuusuf inta gurigiisa uga dhaca soo dili kara, waxaa la waayey qaxootigii & dhibaatadii dalka ka dhacday cid u soo gurmata ayaa la weynayaa, ciddii iyaga ka mid ah oo ka towbad keenta waan soo dhoweyneynaa,

 

 

Cumar Filish, wuxuu yiri

 

"Waxaan ognahay bahda saxaafadda in ay tebiyeen dad badan oo la dilay, balse nasiib darro cidda dishay ma aydnaan sheegin, marka haddii aan is-warsanay waxaan isku sheegnay dilalka dhacay waa kuwo ka duwan wixii horay dalka uga dhici jiray Muqdisho & Soomaaliya, waxaana is tusaaleynay in arrinta argagixisada ay tahay mid ugu ah oo ku cusub dalka & dalka, kana timid shisheeye, haddana shisheeyaha & cidda ay gabaadka ka dhiganayaan in aan ka soo horjeesano ayey tahay ujeedadeena annaga oo la kaashaneyna ummadda Soomaaliyeed, waxaana uga digeynaa dadka arrintaasi ku lugta leh"

 

Ganacsade Bashiir Raage wuxuu yiri

 

"Waxaan ka damqanay dhibaatada dalka gudihiisa ka soconeysa, waxaanan la hureyn in la sheego runta, runtuna waa mida loo aayayo ee la isugu tegayo berri, mushkiladu halka ay ka socoto waa nimanka cusub ee Wahaabiyada ah ee manhajkan aan la aqaan soo geliyey dalka, mushkiladuna waa nimankaas, annagu waxaan nahay dad Muslim ah ku dhashay Muslinimada kuna dhaqmaya madbahadtooduna Shaaficiyadu tahay, mana dooneyno nimankaan cusub ee howsha soo galay ee loo yaqaan Wahaabiyo ama adduunku u yaqaan argagixiso, waxaana aaminsanahay dariiqada suufiyada, iyagana uma aqoonsanin waddaado ee waxaan u aqoonsanahay in ay yihiin dilayaal, waxaan u midoobeynana aan iyaga iska dhicinaa, huno huno hadal ma ahan arrintu waa in ay labada berjo mid u dhaqaaqdaa, dagaalku wuxuu u socdaa oo aan laga baaqsaneyn nimankaan Wahaabiyada la yiraa & annaga oo Shaaficiyo ah culumana waxaan u naqaan culimadaan suufiyada ah, waxaan ka soo horjeednana waa Wahaabiyada, Xamar na waa lagu kala bixi doonaa ama labo jaanib buu noqon doonaa, marka ciddii rabta ALLAAHU maa balaqto in ay xoog wax nagu geliso ha la soo safato Wahaabiyada ciddii dariiqu suufiyaadka ahna dhabarkeenaan ka fiirineynaa"

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Midowga maxkamadaha oo ku adkaaday dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho

 

Mogadishu 18 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gacan ku heynta goobihii maanta dagaalka uu ka dhacay ee magaalada Muqdisho, ka dib dagaal qaraar oo ay isaga hor yimaadeen maleeshiyooyin daacad ah u ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee maanta lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkaan oo sii xoogeeystay maanta maqribnimadii ayaa wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo aynu ka soo xiganay saraakiisha sar sare ee maxkamadaha Islaamiga waxa ay sheegayaan in ay ka adkaadeen dhinaca Maleeshiyooyinka daacadda u ah isbaheysiga cusub ee la dagaalanka argagixisada oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho.

 

Saraakiishaan oo ka gaabsaday in la shaaciyo Magacyadooda ayaa Waxa ay intaasi ku dareen in ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyin daacad u ah Wasiirka Ganacsiga dowladda FS Muuse Suudi Yalaxow iyo Ganacsade Bashiir Raage, oo ay ku qabteen maxaabiis ahaan, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen dagaalka.

 

Mas'uul u hadlay maxkamadaha islaamiga waxa uu sheegay in uu faro Cijo leh kaga baxsaday Baabuurtii dagaalka ee ay wateen maleeshiyooyinka hogaamiye kooxeedyada.

 

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyinkii la jabiyay ay iminka ku sugan yihiin Aaagga Cakaaro ee nawaaxiga Isbitaal Banadir oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Cismaan Caato wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta.

 

Dagaalkii maanta dhex maray labada dhinaca ayaa waxa uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

 

 

 

Waxii ku soo kordha kala soco www.Shabellenews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Isbaheysiga La Dagaalanka Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho

isbaheysiga.jpg

 

Wasiirada Cumar Finish, Muuse Suudi, Qanyare iyo Bootaan Ciise

isbaheysiga1.jpg

C/rashiid Ilqeynte Bashiir Raage iyo Axmed Shukri

 

(Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Ilqeynte iyo xubno kale ayaa ka mid ah Isbaheysigan)

 

Isbaheysi lagu sheegay inuu yahay mid la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho,iyadoo Isbaheysigan ay ka buuxaan qaar ka mid ah Wasiirada hubeysan ee Magaalada Muqdisho iyo Ganacsato caan ah oo ay ka mid yihiin Milkiilaha Hotelka saxafi C/rashiid Ilqeynte iyo Bashiir Raage.

 

Ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa waxaa uu yimid shirar wadatashi ah oo u socday raggan,iyadoo ku dhawaaqista Isbaheysigan lagu sheegay inuu bartimaameed u yahay Wadadaada Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha Isbaheysigan la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Ganacsiga, Muuse Suudi Yalaxow, Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare, Dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim, arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamed Maxamud (Finish), Ganacsate Bashiir Raage,Ganacsadaha kale C/rashiid Shire Ilqeynte iyo xubno kale.

 

Bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen inay la dagaalimi doonaan kooxaha wejiyada soo xirta ee xambaarsan fikiro laga keenay Dibadda,waxayna sheegeen in kooxahan ay ka dambeeyaan dilalka loo geysto Saraakiisha iyo shaqsiyaadka Aqoonta leh ee Somaaliyed.

 

Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare ayaa Sheegay in wixii ka dambeeyo maanta aan loo dul qaadan doonin kuwa sheeganaya Maxkamadaha Islaamiga.

 

Iyadoo maanta lagu dhawaaqay Isbaheysigan ayaa haddana waxaa isbaheysigan ku jira nin Maanta dagaal kula jira Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho kaas oo lagu eedeyay inuu dilay bishii July ee sanadkii hore Taliyihii Maxkamada Islaamiga Ifka Xalane, kaas oo lagu Magacabo Cabdi Nuure Siyaad Cali (Cabdi Waal),inuu ninkan uu ahaa Maskaxdii dishay Taliyihii Maxkamadda Ifka Xalane waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho.

 

Ganacsade Bashiir Raage ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka Galgalato oo u dhaxeeyay Maleeshiyadiisa iyo kuwa Xaaji Abuukar Cumar( Caddan) uu ahaa mid ay ka dambeeyan wadado xiriir la leh Dibadda.

 

Hadaba marka loo eego shaqsiyaadka Isbaheysigan ku jira qaar ka mid ayaa la filayaa inay khatar ugu timaado ku jiritaanka Isbaheysigan sida Milkiilaha Hotel Saxafi C/rashiid Shire Ilqeynte, waxaana dhici karta in Hotelkiisu Bartimaamed u noqdo kooxaha Islaamiga.

 

Muuse Suudi oo ahaa hogaamiye kooxeed ka madax banana weerarada lagu haayo Wadaadada ayaa hadda waxaa uu noqday ragga fikir ahaan ka soo horjeeda wadaadada, horey waxaa loo ogaa in Wadaado badan laga dhoofiyay Magaalada Muqdisho,iyadoo howlgalkaas ay fuliyeen Maxamed Qanyare iyo Bashiir Raage.

 

Laakiin arrinta ugu yaabka badan ayaa waxay tahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Finish oo Isbaheysigan ka dhex muuqda, taasina waxaa ay Qatar ku tahay sumacddiisa iyo xiriirka uu la yeelan karo dalalka Carabta.

 

Walow xubnahan ay u badan yihiin dowladda Federaalka haddana lama oga in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka war qabaan dhismaha Isbaheysiga, sidoo kale lama oga kaalinta uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku leeyahay dhismaha Isbaheysiga, in kastoo Guddoomiyaha Baarlamaanka xiriir Wanaagsan kala dhaxeeyo Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare oo ah Maskaxda ka dambeysa dhismaha Isbaheysigan.

 

Ilaa iyo hadda Jawaab kama soo bixin Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa la filaynin in laga soo dhaweeyo magaalada Muqdisho,iyadoo dadka Nacayb mareykanka iyo Reer galbeedka ay soo badanayaan wixii ka dambeeyay Markii Wargeys ka soo baxa Danmark uu wax ka sheegay Rasuulkeena Suuban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this