Sign in to follow this  
AYOUB

Pirateland: Emergency Meeting Drama

Recommended Posts

AYOUB   

(Garoowe) 25.1-10 Kulan xaasaasi ah ayaa maanta ka dhacay madaxtooyada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland kulankan oo dhex maray xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo xildhibaano ka soo jeeda SSC ayaa waxa lagu soo qaaday laba qodob oo xaasaasi ah, labadan qodob oo kala ah ,

kulan shalay dhexmaray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Puntland iyo taliyayaasha malayshiyada Hargeysa oo ka dhacay Tukaraq, iyo su,aal ku saabsan dhulka cusub ee laga qabsaday Puntland.

Kulankan oo ay goob jooge ka ahaayeen xubnaha kala ah madaxweyne ku xigeenla Puntland C/samad Cali Shire, Wasiirka garoomada Axmed Garaash, Wasiirka hawlaha guud Daahir Xaaji Khaliif, wasiir ku xigeenka waxbarashada C/raxmaan Diiriye Carab, wasiirku xigeenka Maaliyada Cabdi Qawdhan Warsame(Cabdi Halas), Maxmed Faarax Wasiirka kaluumaysiga , waxaa iyaguna ka socday dhinaca Xildhibaanada Guddoomiye ku xigenka labaad ee golaha wakiilada Xaaji Waalwaal, Faarax Sulub Jaamac, Cali Dhagacade , Ismaaciil Abtiile, Cali Axmed Cismaan. Ibraahim Maxmuud Guure, Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil, Xariir Gaas Guutaale, *****ar Jaamac Saleebaan, Saleebaan Yuusuf Dhigane, Maxmuud Jaamac Banaf, Saadiq Abshir Garaad, Abshir Cabdi Shiikh iyo xubno kale oo badan.

Xildhibaanada ayaa waxa ay ugu horayn madaxweyne ku xigeenka weydiiyeen laba Su,aalood oo kala ah wax ilaa hada maamulka Puntland dhulka la qabsaday iyo madax dhaqameedka la duljoogo uu maamulku uga hadli waayey iyada oo xaalad dagaal lagu jiro, waxa kale oo ay waydiiyeen madaxweyne ku xigeenka waxa uu kala socdo kulan Tukaraq ku dhex maray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Puntland iyo xubno ka socda maamulka Hargeysa, labadan xubnood oo ay ku sheegeen in ay kala yihiin Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Qawdhan Warsame(Cabdi Halas) Iyo Xildhibaan Cali Dhagacade.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka jawaabaya qabsashada dhulka Puntland laga qabsaday ayaa waxa uu yidhi "ugu horayn annagu waanu taageersanahay shirka madax dhaqameedka hasa yeeshee dhulkan ay soo galeen ciidamadani waxay u yimaadeen shirka Holhol ka socda wayna noqon doonaan marka hawlahay u socdeen dhamaadaan, tan kale annagu haddii ciidan kaa xoogweyni jiro in aad dagaal ku qaado maaha waa in aad siyaasad isticmaashaa, maadaama xaalku sidaas yahay annagu waxaanu ku hawlanahay dagaal kale oo ah argagixiso, waxaanuna ciidan ku haynaa sided goobood oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo Garoowe, markaa ciidankaas meel kale u dirimayno, ciidamadan Somalilandna way noqonayaan".

Intaas markuu kaga jawaabay Su,aashii hore ayaa waxaa soo galay xafiiska shirku ka socday Wasiir ku xigeenka maaliyada Cabdi Halas iyo xildhibaan Cali Dhagacade waxayna xildhibaanadu mar kale ku celiyeen waxa uu kala socdo Madaxweyne ku xigeenku kulanka ku dhex maray magaalada Tukaraq madaxda Puntland iyo Ciidamada hargeysa, intii aanu madaxweyne ku xigeenku u Hollan ka jawaabida su,aashaasi ayaa waxa ka codsaday in uu jawaabo Xildhibaan Cali Dhagacade maadaama ay iyagu kulankan la soo qaateen xubnaha ka socday maamulka Hargeysa ,Xildhibaan Cali Dhagacade waxa uu qiray in kulankaasi jiro oo ay waliba dhaafeen Tukaraq, lana soo kulmeen xubno ay ka mid yihiin, Cali Afdheere , Aftax Diiriye Madoobe, Faysal oo isagu ah nin ka soo jeeda Bariga Burco, wuxuuna sheegay in ay halkaa ugu tageen sidii ay uga codsan lahaayeen ragga ay la kulmeen in aysan qabsan magaalada Tukaraq oo ay baryo badan ka dib ka ogolaadeen in aysan Tukaraq qabsan oo dib uga noqdaan, ayna badbaadiyeen Magaalada" .

Intaasi markii uu Xildhibaan Cali Dhagacade sheegay ayaa isna waxaa hadalka u baxay Cabdi Halas Qawdhan wuxuuna yidhi " Annaga ayaa la kulanay Ragaas , waxaanuna badbaadinay dhul , ninkii aan la kulmi Karin ragaasoow annagaa hadaba kuu sheegayna oo la soo kulanay , manta Tukaraq waanu badbaadinay, laakiin dhul badan ayaa la qabsanayaa, ee hadaad wax isla haysaan badbaadiya hadeerba".

Intaas markii uu Cabdi Halas ku soo koobay hadalkiisa ayaa waxa ay xildhibaanadaii ku celiyeen madaxweyne ku xigeenka in uu isaguna kula socday iyo in kale , kana war hayey hawshan ay ku talaabsanadeen labadan mas,uul.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa waxa uu yidhi " Anigu lama ogayn kulankan laakiin hadaad leedihiin ilmaadeer ayaad tihiin waxba kama qabo" kulankii ayaa waxa uu ku dhamaaday far isku fiiq fiiq iyada oo xildhibaanadu ay ka soo baxeen kulankii ay la galeen madaxweyne ku xigeenka iyo xubnihii golaha wasiirada.

Kulankan ay la qaateen madax Puntland , Ciidanka maamulka Hargeysa ayaa waxa uu soo shaacbaxay ka dib markii ay shaaca ka qaadeen qaar ka tirsan ilaalada madaxweyne ku xigeenka oo loo sii kaxaystay ilaalo ahaan , markii ay arkeen sida wax u socdaana ay ka xanaaqeen iyaga oo saxaafada u sheegay in uu ka dhacay magaalada Tukaraq kulan shaki badan xanbaarsan, sidoo kale waxa waraysi uu bixiyey Garaad Jaamac Garaad Cali uu ku sheegay in Cabdi Halas kula kulmay Tuulada Godqaboobo isaga oo u sheegay in aan Tukaraq la joogin oo an cidi haysan ka dib markii uu war ku helay in Tukaraq la qabsaday , tan oo su,aalo badan ka soo baxeen waxa ku kalifay Cabdi Halas iyo Xildhibaan Cali Dhagacade magaalo ay kula soo kulmeen Ciidamada hargeysa in ay u qariyaan Garaadka , taas oo u muuqta qorshe lagu doonayey in loogu gacan galiyo maamulka Hargeysa Garaad Jaamac.

Dhinaca Kale waxaa aad laysu weydiinayaa talaabada uu qaadi doono Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire , maadaama ay labadan mas,uul ka qirteen hortiisa iyada oo ay maqlayaan toban xildhibaan oo ka soo jeeda SSC, iyo wasiiro badan Isaga oo Madaxweyne ku xigeenku hore xildhibaano ugu soo oogay in ay la kulmeen cadowga Puntland kuwaas oo la horkeenay Golaha wakiilada Puntland ka dib markii uu C/samad Cali Shire ku soo oogay danbi xilka looga xayuubinayo lana horkeenay golaha wakiilada loogana codeeyey.

Waxaa la sugaaba waa talaabada uu qaado C/samad Cali Shire , Wasiir Ku xigeenka Macasili doonaa? Xildhibaankan danbi ma ku soo oogi doonaa sidii kuwii hore?, waxa la sugaaba waa talaabada uu qaado Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire.

Xamse Maxamed Cabdi

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Ayup

 

sxb buntland iyo Sl heshiis ayaa imika ka dhexeeya markay laga hadlaayo sool.

 

but you have to understand waa inay filim dhigaan kolba marka sual la weydiiyo ilay ma odhan karaan somaliland heshiish baanu ku nahau arimaha sool.

 

somaliland and puntland officials actually meet in tukarag somaliland millitary officials assured the puntland minister in tukarag that somaliland was not making millitary offensive but simply exercise agains the hol-hol crew.

 

so puntand has given up sool ghost while ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB:

quote:

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka jawaabaya qabsashada dhulka Puntland laga qabsaday ayaa waxa uu yidhi "ugu horayn annagu waanu taageersanahay shirka madax dhaqameedka hasa yeeshee dhulkan ay soo galeen ciidamadani waxay u yimaadeen shirka Holhol ka socda wayna noqon doonaan marka hawlahay u socdeen dhamaadaan,
tan kale annagu haddii ciidan kaa xoogweyni jiro in aad dagaal ku qaado maaha waa in aad siyaasad isticmaashaa, maadaama xaalku sidaas yahay
annagu waxaanu ku hawlanahay dagaal kale oo ah argagixiso, waxaanuna ciidan ku haynaa sided goobood oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo Garoowe, markaa ciidankaas meel kale u dirimayno, ciidamadan Somalilandna way noqonayaan".

^^ :D

A reality-check for some of the posters on this Forum. Welcome to the reality of the Horn of Africa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka jawaabaya qabsashada dhulka Puntland laga qabsaday ayaa waxa uu yidhi "ugu horayn annagu waanu taageersanahay shirka madax dhaqameedka hasa yeeshee dhulkan ay soo galeen ciidamadani waxay u yimaadeen shirka Holhol ka socda wayna noqon doonaan marka hawlahay u socdeen dhamaadaan, tan kale annagu haddii ciidan kaa xoogweyni jiro in aad dagaal ku qaado maaha waa in aad siyaasad isticmaashaa, maadaama xaalku sidaas yahay annagu waxaanu ku hawlanahay dagaal kale oo ah argagixiso, waxaanuna ciidan ku haynaa sided goobood oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo Garoowe, markaa ciidankaas meel kale u dirimayno, ciidamadan Somalilandna way noqonayaan".

I lost hope in Puntland so long ago. So, whoever had doubts where puntland stands in the picture hopefully understood it now. Otherwise, you must have one thick skull...tough luck!

 

You expect them to defend laascaanod, when they can't even defend holhol....

 

wixi caqli ku hadhay wa in ay ogadaan SSC puntland uma maqna ....somalilandna waxba kama rabto ka aheen in ay dantooda kugu gadhaan.

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

25.1-10 Waxaanu khadka telphone-ka kula xidhiidhnay annaga oo joogna magaalada Laascaanood, wasiir ku-xogeenka wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Mudane Yuusuf Axmed Khayr, waxa uu wasiir ku-xigeenku hayaa xilkii Wasaarada Arrimaha Gudaha, maadaama uu wasiirkuu wasaaradu dalka ka maqan yahay.

Wasiir ku-xigeenka ayaanu waydiinay su’aal ku saabsan siyaasada Puntland ee shirka Holhol, wuxuuna ku jawaabay “ Annagu xukuumad ahaan iyo maamul ahaanba waanu taageersanahay shirk Holhol, waxaanuna u aragnaa in lagaga arrinsanyo danaha Puntland. Waad ogtihiin in gobolo ka maqan yihiin Puntland, kuwaas oo si gaar ah u khuseeya shirka, waxaanuna u aragnaa in arrintaas ay tahay mid waajib ah in la teegeero. Sidaas awgeed xukuumad ahaan waanu taageeraynaa annagu”.

Waxaanu kaloo waydiinay, mar haddii mawqifka xukuumadu sidaas tahay, waa maxay arrinka uu ka turjumayaa socdaalka Wasiir ku-xieegnka maaliyada Cabdi halas oo kula kulmay maamulka Somaliland magaalada Tukaraq. Arrinkaasi miyaanu ahayn khiyaamo qaran, in cadawga Puntland lala shiray, iyada oo aad adigu mawqifka xukuumada iyo ka wasaarada arrimaha gudaha aad leedahay waa gobolo cadaw haysto oo astaysan si xaq-daro ahna ku maqan.

“ Arrinkaas ma hayo kulanka isaga ayaad waydiinaysaan, waxaana qabbaa in aanay sax ahayn in maamulka Somaliland cid naga mid ahi la shirto, inta ay gacanta ku hayaan maamulka Somaliland dhulka Puntland ee Laascaanood”.

Waxaanu kaloo waydiinay, arrinka ku saabsan Garaadka Guud ee *********** iyo Mu’aamarada uu kula kacay Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Puntland ee Garaadku ka hadlay, sida uu u arko wasaarada arrimo gudo ahaan, wuxuu ku jawaabay Wasiirku ku –xigeenka Arrimaha Guduhu.

“Arrinkaas waxba kama jiraan, wax aanu ka ognahayna ma jirto, waxaana qabbaa in aanu jirin”.

Markaas ayaanu waydiinay, ma Garaadka ayaa been sheegaya ayaad leedahay. “

 

Waar, I maqal, hadalka qofka laguma qasbo, arrinkaas annigu waxba kama ogi, waydii ninka lagu thumayo, kamana jawaabayo”.

Markaas miyaad la noqotay beenintii hore ee aad addiga oo aan u fiirsan qofka aanu wax kaa waydiinaynaa in uu yahay madaxii guud ee beesha *********** aad hadalkiisii ku dedefaysay, adiga oo ku sheegay in aanu waxba hadalkaas ka jirin. “
Arrinkaas ka jawaabi mayo, cidii loo tuhmayo idinka oo iga raali ah wax ka waydiiya.

 

Waxa ay ku tusaysaa sida aanay Puntland u eegayn dhaqanka, cimaamada iyo birmagayda beesha ee loogu tumanayo. Waxaa ah wax laga naxo in wasiir ku-xieenka laftiisu hadalkii Garaadka beeeniyo, isaga oo tilmaamay in aanu waxba kala socon markii danbe. Waxaa haddaba is waydiin leh, muxuu beeniyey, haddaanu warba haynin.

Waxaa kaloo aad aanu ula yaabnay, muxuu taageeray, waa maxay Garaadada uu taageeray, haddii aanu hab-dhaqankii Wasiir ku-xigeenka ee Garaadkii guud ee Shirka Furaha u ahaa mu’aamaradeeyey aanu canbaarayn, weli garaadkiina lagu hor –joogo Saxdheer.

Waxaanu leenahay Puntland Waa in maamulka Puntland ogaadaa in laga gudbay xilligii duur xulka, beenta iyo is jaahwareerinta ee reer SSC ay 0gaadeen danaha dabta ah ee ay la wadaagaan maamulka Puntland.

La soco warar iyo warbixino joogto ah. Radiowidhwidh online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Holhol is a town in Sool between Las Anod and Garowe, if you are interested to know where are your snm boys!

 

Holhol is located approximately 68 km North-east of Las Anod, or approximately 103 km North-west of Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Mid ka mida masuuliyiinta Ilaallada madaxtooyada oo codsadey in aan magaciisa la shaacin ilaa ay haboonaato ayaa nooga waramey in uu ilaalo ahaan u raacey Wasiir ku xigeenka.

 

 

“….. waxaanu gaadhney Tukaraq waxaana jirtey xiisad iyo dhaq dhaqaaq milatari oo ay wadeen ciidamada Soomaliland waxaana Wasiir ku xigeenku noo sheegey in aanu duleedka magaalada Tuka raq ka soo qaadi doono nin odey ah, waxaan saarnaa gaadhi Mark 2 ah oo uu watey Xisaabiyaha gobolka Sool. aniga iyo rag kale oo ilaalada ka mida, cabaar ka dib waxaa ii muuqdey askar iyo baabuur ciidan waxaan amrey in darawalku joojiyo gaadhiga maadaama aan dareen sanaa in xaalad iyo dhaq dhaqaaq jirey……” Sidaasi waxa yidhi mid ka mida ilaalada gaar ah ee madaxtooyada Puntland isagoo hadlkiisa sii watana wax uu yidhi.

 

 

“……gaadhigii waa joogasadey waxaanan u diyaar garoobey is difaac anoo darwalka ku amrey in uu dib u noqdo si aan gaadhiga Wasiirka oo naga danbeeyay uusan ugu gacan galin cadowga, balse waxaa si xowliya nagu dhaafey gaadhigii Wasiirka oo istaagey meel wax yar noo jirta oo ay tag taagnaayeen rag dhawra oo ciidan ku wareegsanyahey, waan soo degney anigoo aan wali waxba fahmin laakiin aan qanacsaneyn…..”

 

 

Waxa kaloo uu intaasi ku darey masuulkani wali waan yaabanahey dareenkeyguna ma dagana isagoo hadlkiisii sii watana waxaa uu yidhi.

 

 

“……Wax yar ka dibna waxaa aqoonsadey muuqaalka gaadhi waddada ag yaala oo nooca dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada Somaliland, dhanka wadada ayaa hadana eegay waxaan arkey Wasiir ku xigeenkii oo soo degey oo ay is gacan qaadayaan niman tuute xidhan, hadaan u kuur galey oo aan aan ku soo dhawaadeyna waa Taliye cali Afdheere iyo faysal oo aha Taliyihii lagu badaley sarkaalkii dhawaanta lagu diley laascaanood ee qeybta 12 ee ciidanka soomaliland …..” sidaasi waxaa mar kale sheegey sarkaal ka tirsan ilaallda madaxtooyada Puntland.

 

more

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

It seems the somali community have no support either from puntland or somaliland thus they have to remain part of somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

........Xildhibaan Cali Dhagacade waxa uu qiray in kulankaasi jiro oo ay waliba dhaafeen Tukaraq, lana soo kulmeen xubno ay ka mid yihiin, Cali Afdheere , Aftax Diiriye Madoobe, Faysal oo isagu ah nin ka soo jeeda Bariga Burco, wuxuuna sheegay in ay halkaa ugu tageen sidii ay uga codsan lahaayeen ragga ay la kulmeen in aysan qabsan magaalada Tukaraq oo ay baryo badan ka dib ka ogolaadeen in aysan Tukaraq qabsan oo dib uga noqdaan, ayna badbaadiyeen Magaalada" .

 

 

............. " Annaga ayaa la kulanay Ragaas , waxaanuna badbaadinay dhul , ninkii aan la kulmi Karin ragaasoow annagaa hadaba kuu sheegayna oo la soo kulanay , manta Tukaraq waanu badbaadinay, laakiin dhul badan ayaa la qabsanayaa, ee hadaad wax isla haysaan badbaadiya hadeerba".

 

Intaas markii uu Cabdi Halas ku soo koobay hadalkiisa ayaa waxa ay xildhibaanadaii ku celiyeen madaxweyne ku xigeenka in uu isaguna kula socday iyo in kale , kana war hayey hawshan ay ku talaabsanadeen labadan mas,uul.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa waxa uu yidhi " Anigu lama ogayn kulankan laakiin hadaad leedihiin ilmaadeer ayaad tihiin waxba kama qabo" kulankii ayaa waxa uu ku dhamaaday far isku fiiq fiiq iyada oo xildhibaanadu ay ka soo baxeen kulankii ay la galeen madaxweyne ku xigeenka iyo xubnihii golaha wasiirada.

 

Kulankan ay la qaateen madax Puntland , Ciidanka maamulka Hargeysa ayaa waxa uu soo shaacbaxay ka dib markii ay shaaca ka qaadeen qaar ka tirsan ilaalada madaxweyne ku xigeenka oo loo sii kaxaystay ilaalo ahaan ,

 

 

dib markii uu war ku helay in Tukaraq la qabsaday , tan oo su,aalo badan ka soo baxeen waxa ku kalifay Cabdi Halas iyo Xildhibaan Cali Dhagacade magaalo ay kula soo kulmeen Ciidamada hargeysa in ay u qariyaan Garaadka ,

 

 

taas oo u muuqta qorshe lagu doonayey in loogu gacan galiyo maamulka Hargeysa Garaad Jaamac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Canjeelo   

Originally posted by GAAROODI:

the agreement is, you aint nothing so before i take bosaso and garowe stay away.

 

looool.

You can't take anything. You barely control Laascaanood. We both know that.

 

You don't even control Awdal. Actually, what do you control?

You were the ones who wanted the peace deal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TAKBIR!!!! Allaahu akbar, TAKBIR!!!! Allaahu akbar, TAKBIR!!!! Allaahu akbar

 

don't run, don't run we are just here to conquer Puntland,somaliland and farther

 

Soon we shall all be under the shade of the black flag

 

TAKBIR!!!! Allaahu akbar, TAKBIR!!!! Allaahu akbar, TAKBIR!!!! Allaahu akbar

 

ilaahow jabi gaalada iyo kuwa lasocdo guulee na mujaahidiinta Al Shabaab

 

TAKBIR!!!! Allaahu akbar, TAKBIR!!!! Allaahu akbar, TAKBIR!!!! Allaahu akbar

Share this post


Link to post
Share on other sites

tan kale annagu haddii ciidan kaa xoogweyni jiro in aad dagaal ku qaado maaha waa in aad siyaasad isticmaashaa, maadaama xaalku sidaas yahay annagu waxaanu ku hawlanahay dagaal kale oo ah argagixiso, waxaanuna ciidan ku haynaa sided goobood oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo Garoowe, markaa ciidankaas meel kale u dirimayno, ciidamadan Somalilandna way noqonayaan".

 

This is pure fiction and what some confused secessionst would like to believe. You are forgetting how Riyaale was chased out of Laascaano and almost get killed and it took the secessiont enclave more than five years to capture Laascaano with the help of Xaabsade, a deposted interior minister of Puntland.

 

The only reason Puntland is not rushing to war is to make sure there is unity among SSC and not bloodbath between brothers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this