Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Dhahar City/District elects a new Mayor, Deputy Mayor and Local District council

Recommended Posts

Dhahar oo yeelatey Gole iyo Shimbiraale oo ay ciidamo isku hor fariisteen .

 

Dhahar:- Loolankii hanashada gobolka Sanaag ayaa wali meeshiisii kasii socda iyadoo ay Gobolka Ciidamo Badan oo ka yimi Puntland iyo Somaliland ay wali kusoo qul qulayaan iyadoo ay hada ay gacan sareyso Ciidamada Puntland oo kaashanaya dadka deegaanka.

 

 

Labo maalmood ka hor ayaa ciidamada Somaliland laga baacsday magaalada Dhahar ciidamadaas oo markii danbe soo galey Magaalada Ceerigaabo oo maalmahanba ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Somaliland.

 

 

Habeen hore ayaa ciidamo badan oo kale oo kayimi Togdheer ay soo gaareen Ceerigaabo kadibna ciidamadaas laga saarey magaalada iyagoo fariisin ka dhigtey duleedka magaalada Shimbiraale oo ku taala Galbeedka Gobolka Sanaag oo Ceerigaabo masaafo yar u jirta, deegaan ahaanna ay degaan beesha Warsangeli.

 

 

Ciidamadan Somaliland ayaa waxay ceyrsheen masuuliyiin u dhashey deegaanka Dhahar iyadoo ciidanka hada uu hogaaminayo nin u dhashey Togdheer oo magaciisa lagu sheegey Hol hol ama John hol, Ciimada hada ku sugan Hawdka Shimbiraale dhamaantood waa ciidan aan u dhalan Deegaanka Warsangeli.

 

 

Ciidamada fariisinka ka dhigtey Shimbiraale ayaa waxaa maalintii shaleyto hortooda soo fariistey ciidamada Daraawiishta oo ka yimi Magaalooyinka Xingalool iyo Badhan waxaana maanta ay masuuliyiin ku sugan Boosaaso noo sheegeen in ciidamo kale oo ka yimi Garoowe oo tikniko badan wata ay gaari doonaan goobahaas.

 

 

Waxaa intaa dheer in Magaalada Boosaaso ay kasoo baxayaan Sariikiil u dhalatey deegaanka oo u hogaaminayo Goraya Cawl iyadoo laga yaabo inuu si toos ah sarkaalkaasi ula wareego Ciidamada Aaga Shimbiraale.

 

 

Dhinaca kale Magaalada Dhahar ayaa yeelatey Gole Deegaan iyo Duqa Degmada oo xaley gelinkii Danbe ay dhameystireen Masuuliyiinta ku sugan Dhahar. Wali magaalada Dhahar waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Madaxtooyada.

 

 

Dad weynaha u dhashey Mandiqadaas ayaa aad uga soo horjeeda inay Deegaankooda isku herdiyaan ciidamada iyadoo ay inta badan dadka deegaanka mabda'a ahaan ay taageersan yihiin Maamulka Puntland iyo ineysan Somalia kala go'i karin.

 

 

Ugu Danbeyn waxaa intaa dheer in cabsi laga qabo in magaalada Shimbiraale uu dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo kaashanaya kuwa deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa intaa dheer in Magaalada Boosaaso ay kasoo baxayaan Sariikiil u dhalatey deegaanka oo u hogaaminayo Goraya Cawl iyadoo laga yaabo inuu si toos ah sarkaalkaasi ula wareego Ciidamada Aaga Shimbiraale.

 

 

Dhinaca kale Magaalada Dhahar ayaa yeelatey Gole Deegaan iyo Duqa Degmada oo xaley gelinkii Danbe ay dhameystireen Masuuliyiinta ku sugan Dhahar. Wali magaalada Dhahar waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Madaxtooyada.

 

 

Dad weynaha u dhashey Mandiqadaas ayaa aad uga soo horjeeda inay Deegaankooda isku herdiyaan ciidamada iyadoo ay inta badan dadka deegaanka mabda'a ahaan ay taageersan yihiin Maamulka Puntland iyo ineysan Somalia kala go'i karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Correction from allsanaag.com, Salaad Ahmad Indhayare was elected as the deputy Mayor of Dhahar City with 22 votes. It was reported earlier that Said Muse Ahmad was elected as the Deputy but it is Salaad Ahmad Indhayare.

 

Nevertheless I wish the two Salaads the best of luck and success inshallah.

 

Amiin.

 

[4/11/2007] Sixid Doorashadii Goalah Deegaan ee Degmada Dhahar oo aan xalay qornay.

 

 

Waxaa shalay galabnimadii ka dhacday Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmada Dhahar doorashadaas oo ay gudoomiyaha golaha isu soo sharaxeen labada musharax oo kala ah Salaad Xassan Shire iyo Axmed Max'ed Aadan (Faruur) iyaga oo wareegii hore is mariywaayey ayaa waxaa

wareegii labaad ku guulaystey Salaad Xassan Shire Cod dhan 12 sidaasna uu ku noqday Gudoomiyaha golaha Deegaan iyo duqa degmada Dhahar.

 

 

Iyada oo dorashadani ay ahayd doorashada keliya oo gashay laba wareeg wixii gole deegaan laga dhisay p/l oo dhan, waxaa sidoo kaleeto Isna loo doortay Gudomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka ee Degmada Dhahar Salaad Axmed Indhayare oo isagu helay cod aqlabiyad ah oo dhan 22.

 

 

Waxaa gudoomiye ku xigeen ah Salaad Ahmed Indhayare lakin xalay waxaan idiin sheegnay in uu yahay Siciid Muuse Axmed.

 

 

Doorashadaas oo ay goob joog ka ahaayeen hadalana ka jeediyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga oo isagu ah Gudoomiya Gudiga dhisida golayaasha Deegaanka waxaa sidoo kaleeto goobjoog ahaa Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Cali Buureed, Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Xaaji Bakiin iyo Xubna Kaleeto oo isugu jira labada gole ee dawlad goboleedka P/l.

 

 

Wafitidan ayaa waxay saaka u anba baxayaan Xingalool si ay halkaasna uga soo dhisaan gole deegaan iyada oo uu sheegay Gudoomiya Baarlamaanku Axmed Cali Xaash in ay booqonayaa dhamaan degmooyinka Gobolka Sanaag.

 

 

Siciid Mahamed Warsame

 

 

allsanaag.com

 

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know that Duke, like the ants they flocked on to this thread, I believe five or six of them replied in succession all expressing their displeasure at the news and vehemently spewing their displeasure and awe of this latest development.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo ku guulaysatay in Golada deegaanka ka hirgaliso Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag kadib dagaal ka dhacay halkaas.

 

Waxaa Maalintii shalay Golaha deegaanka loo sameeyay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Waxaana loo dhaariyay 35 xubnood oo ah golaha shacabka deegaanka degmada dhahar kuwaas oo iska dhex doortey Gudoomiyaha Golaha shacabka deegaanka degmada dhahar iyo gudoomiye ku xigeeen.

 

 

Jagada Gudoomiyanimada ee degmada dhahar ayaa waxaa isku soo taagey labo musharax oo kala ahaa Mudane Axmed Maxamed Adan iyo Salaad Cali Shire labadaan musharax ayaa waxa ay kala heleen codad gaaraya 12 cod oo uu heley Salaad Cali Shire iyo 10 cod oo uu heley musharaxa la tartamayay ee Axmed Maxamed Adan.

 

Waxaa sidoo kale isku soo taagey Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Deegaanka degmada dhahar Mudane Siciid Muuse Ahmed ma jirin cid la tartamaysey mudane siciid oo kula tartamaysey gudoomiye ku xigeen sidaasna waxaa gudoomiye ku xigeen loogu doortey Mudane Siciid Muuse Axmed.

 

Doorashadaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dowlada hoose iyo Horumarinta reer miyiga ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cali Cabdi Awaarey oo ku dhawaaqey gabagabadii nitijadii doorashada waxaa kaloo doorashadaasi goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlaamaanka dowlad goboleedka Puntland Axmmed Cali Xaashi.

 

Degmada dhahar waxa ay ka tirsan tahay gobolka sanaag waxa ayna ku soo biirtey degmooyinta dowlad goboleedka Puntalnd ee soomaaliya, maalin ka hor doorashan ayaa waxaa degmada dhahar ka dhacay dagaal ay iskaga horyimaadeen ciidamada labada maamul ee kala ah Maamulka isku Magacaabey Somalidland iyo Puntland.

Heesta shabakadu idiin soo xushay(Dhagayso)

 

 

Yusuf Max'ed Ismail (Gaduudow)

E-mail yusufgaduudow@hotmail.com

Bososo Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this