Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hargeisa Airport - The First Night Flight

Recommended Posts

Diyaaradii u horaysay oo caawa Xili Habeen ah Ka Duushay Madaarka Hargeysa

 

 

Diyaarada Ethiopia Airline Oo Markii U Horeysay Xili Habeen ah Ka Duushay Madaarka Hargeysa

Hargeysa(Qaran)-duulimaadyada Diyaaradaha ayaa Habeenkii adeegsan kara madaarka Magaalada Hargeysa,waxana caawa dhabada Diyaaradaha ka duushay diyaaradii u horeysay ee xili habeen ah ka kacda oo ahayd EThiapian Airline.

Xaflad loo sameeyay in habeenkii uu shaqeeyo madaarku ayaa waxa ka soo qebgalay Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Qaasim Sh.Yuusuf IIbrrahim,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Idiris Ibraahim Cabdi,Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi Iyo Wasiirka Arrimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali [C/Laahi Cirro] iyo madaxda iyo hawl-wadeenada Dhabada diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka Duulista Hawada Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay kaga waramay dedaalkii ay usoo galeen sidii loo balaadhin lahaa adeega korantada ee Madaarka,waxana uu yidhi.

 

“Waxa aan aad ugu faraxsan nahay in caawa laga bilaabo ay diyaaraduhu iman karaan kana duuli karaan madaarka xiliga Habeenkii,waxa aan dedaal u soo galay sidii aanu hawshan uga midho dhalin lahayn”ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay balaadhiyeen nalalka Garoonka Diyaaradaha isla markaana todobaadyadii la soo dhaafay ay soo tijaabiyeen.

Diyaarada Ethiopian Airline ayaa ahayd diyaaradii u horeysay ee caawa ka duusha Madaarka oo Sabtida si rasmi ah u bilaabaya adeegyada Habeenkii.

Wasiirku waxa uu dhawaan sheegay in kor loo qaadayo qalabaynta madaarka oo la keenayo qalab Nabad-gelyada wax ka taraya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-08-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):Waxa habeenkii xalay abaaro 7:00 fiidnimo markii ugu horeysay dhabada diyaaraduhu ka haadaan ee Magaalada Hargeysa ka duushay diyaarad nooceedu yahay Fokar oo ay leedahay Shirkada Ethiopian Airline, taas oo rakaab ka qaaday Magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo gadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-cadde ayaa xalay munaasibad uu ka qeybgalay ka sheegay inay ku guuleysteen inay xalay Diyaaradii ugu horeysay goor habeenimo ah ka duushay Madaarka Egal International ee Magaalada Hargeysa, taas oo aan Waligeed lagu arag taariikhda Madaarka Hargeysa diyaarad xili habeenimo ah ka duuleysa aa ku dageysa Madaarka Hargeysa.

 

Mr. Waran cadde oo muddo sanad ah hayey xilka Wasiirka Duulista iyo hawada ayaa dedaal ugu jiraa sidii uu u horumarin lahaa Madaarka Caasimada, waxaanu intii uu joogay u suurta gashay inuu wax badan ka qabto dayac fara badan oo ka muuqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this