Sign in to follow this  
ANWAR

Tirakoob Ka Bilaamaya Berito Mag. Muqdisho

Recommended Posts

ANWAR   

Waxaa maalinta berito ah lagu wadaa in ey ka bilaamaan caasimadda Somaliya ee Muqdisho tirakoob balaaran oo guri-guri ah kaasoo ey fulinayaan ilaa 200 oo dhalinyaro ah kuwaasoo loosoo xulay howshan una soo gabagaboobmay tababar ey ku jireen maalmihii ugu danbeeyay.

 

Dhalinyaradan oo uu shalay ugu qabtay xaflad dhameystirka tababarkooda hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xameeb (Maxamed Dheere) ayaa uga mahadceliyay sida sharafta leh oo ey ugu dhiiran yihiin u adeegida shacabkooda iyo dalkaba.

 

Ka Dhageyso Halkan Gud. G/Banadir Maxamed Dheere

 

Howlahan tirakoobka ayaa ah howlo lagu diiwaan gelinayo tirada shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir oo aan la tirin cadadooda tan iyo sidii ey uga qarxeen dalka Somaliya dagaaladii sokeeye ee bilaamay 1991.

 

Tirada dadka ku dhaqan caasimadda Somaliya amaba gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 2-malyan oo qof, inkastoo eynan jirin cid si dhab ah tiradaa u xaqiijin karta ilaa iyo iminka.

 

Waa markii ugu horeysay oo tirakoob caalami ah laga sameeyo gobolka Banaadir gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxaana dhalinyaradan loosoo xulay hoshan garab taagan oo ula diyaar ah wax walba oo ey u baahdaan dowladda hoose gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

 

Dhinaca kale waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho howlaha nadaafadda iyo burburinta guryaha ama sandaqadaha sharci darada lagu dhistay mudadii 16-ka sanadood ee dowlad la`aanta ka jirtay dalka Somaliya, waxaana intaa dheer in shacabka Muqdisho ey si buuxda ula shaqeynayaan maamulka gobolka Banaadir eyna wax weyn ka badaleen bilicda caasimadda.

 

Waxaa sidoo kale banaanka looga saarayaa maalmaha soo socda sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ey lawareegi doonaan howshooda ciidamo boolis ah oo suga amaanka magaalada.

 

 

Calanka.com

 

FUTURE

Mogadishu%20view2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Xabashis gathering intelligence? sizing up the enemy? the people shouldnt cooporate with this tirakoob.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Desperate people. Mohamed Dheere is securing the capital as he did Jowhar. Thus keep crying words are your last weapon.

 

Mogadishu roads have been cleared.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Bolis Ah Oo La Wareegay Xamar

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho(Calanka.com) 25-May-2007

 

Taliye xigeenka gobolka Banadir, ahna madaxa howl-galinta ciidamada booliska G/sare C/qaadir Beebe ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada boliska ey la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

 

Ciidamadan boliska ayuu Beebe sheegay in ey si buuxda ula wareegeen lix iyo tobanka degmo ee gobolka Banaadir eyna ku sugan yihiin saldhig kasta oo bolisku ku lahaa degmooyinkan.

 

Beebe ayaa ka codsaday shacabka gobolka Banaadir in ey la shaqeeyaan ciidamadan boliska uguna baaqay in wixii hadeer laga bilaabo ey tagi karaan ruuxii qaba dacwad shidhigyada ku dhowdhow si wax looga qabto cabashadooda.

 

Arinkan ayaa kusoo beegmay xilli maalintii shalay eheyd ka dhawaajiyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb in ciidamada maleretiga banaanka looga saarayo Muqdisho lana geyn doono goobo loo cayimay.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this