Sign in to follow this  
Jalaato

Muuse Suudi: Nimanka isbaarooyinka dhigtay xaq ayey u leeyihiin

Recommended Posts

Jalaato   

Burtinle-Online

Arbaco, April 06 2005

 

Hogaamiye-kooxeedka magaalada Muqdisho Muuse Suudi Yalaxow ayaa difaacay kooxaha burcada ah ee isbaarooyinka ku haysta gudaha magaalada Muqdisho iyo debadeedaba.

 

Muuse Suudi oo wareysi siiyay idaacada Horn Afrik ayaa sheegay in kooxaha isbaarooyinka ku haysta Muqdisho ay xaq u leeyihiin in ay isbaaro dhigtaan, isagoo intaa ku daray in maadaama canshuurtii dowlada aan dadweynaha laga qaadin ay markaa maliishiyooyinku xaq u leeyihiin in ay isbaarooyin dadka u dhigtaan.

 

Muuse Suudi oo wasiirka ganacsiga ka ah dowlada debed jooga ah ee Cabdullaahi iyo Geeddi ayey maleeshiyooyinkiisu isbaarooyin labaatan gaaraya u yaalaan gudaha magaalada Muqdisho.

 

Muuse ayaa dhanka kale ku celiyay in caasimada Soomaaliya ay Muqdisho tahay, Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddina looga baahan yahay in ay Muqdisho yimaadaan.

 

Hogaamiye-kooxeedka ayaa muujiyay sida uusan raaliga uga aheyn safarka dheer ee ay Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi ugu maqan yihiin dibada, wuxuuna sheegay in ay wadamada ay booqanayaan ay ka heleen nolol wanaagsan sidaasna ay ugu soo laaban la'yihiin Nairobi.

 

Muuse Suudi ayaa sheegay in marka ay yimaadaan Cabdullaahi Yusuf iyo Geeddi uu markaa u ambabixi doono magaalada Muqdisho.

 

Muuse Suudi oo hogaamiye u ah garab kamid ah labada garab ee Dowlada Hogaamiye-Kooxeedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafayba weeraro ba'an oo xaga saxaafada ah ku hayey garabka kasoo horjeeda ay hogaamiyaan Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this