Sign in to follow this  
Emperor

Puntland to initiate and host an inclusive Somali peace conference

Recommended Posts

Emperor   

Garowe: Aqri Bayaankii ka soo baxay dawladda Puntland oo uqaran sidii uga soo baxay Xukuumada Puntland.

3. december 2008

 

 

Garowe(AllPuntland)- Xukuumada Puntland ayaa soo saartay qoraal ay uga hadleyso Shirkii ugu dambeeyey ee lugu gaaray Magaalada Jabuuti, kaasoo ay ka qeybgaleen Nuur Xasan Xuseen & Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Bayaankan ama Warsaxaafadeedkan ayaa uqornaa Sidan.

 

DAWLAD GOBALEEDKA SOOMAALIYEED EE PUNTLAND,

WARSAXAAFADEED.

 

Heshiiska ay Saxiixeen Axmed C/Salaan Aaden iyo Wakiilka Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya 26-kii November,2008, luguna saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu abuuray su’aalo hor leh oo xiisad kiciyey intii laga filayay jawaab waafi ah.

 

Heshiiskaas oo uu dhexdhaxaadinayay gacana ka geystay Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada Soomaaliya ee (UNPOS), meesha kamay saarin kaalintii aqlabiyada Soomaalidu ku lahayd balse, wuxuu shakigalinayaa dowrka QM kaga jiraan xaalada dalka Soomaaliya.

 

Heshiiskii Jabuuti waxaa qabanqaabiyey Koox yar iyo taageerayaashooda.

 

Dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Shacabkeeduba waxa ay layaabeen waxa ku khasbay QM, xaafiiskeeda Siyaasada Soomaaliya, in uu dabamaryeeyo dibu-uheshiisiinta Soomaaliya, si ay koox yari uga faa’iidaysato, luguna dulmiyo Umada inteeda kale.

 

Taageerada uu xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Soomaaliya heshiiskaasi ma aha oo kaliya mid xoojineysa ujeedada kooxdaasi ku curyaamineyso Xukuumada Federaaliga ah KMG ee Soomaaliyeed, balse waxa ay Mustaqbalka sii xoojineysaa Xasilooni darada dalka Soomaaliya.

 

Kooxdan yari waxay ka mideysan tahay diidmada Axdiga dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya (TFG), kaasoo ah isku xiraha Dawladda Faderaaliga ah Iyo Xukuumad gobaleedyada ay ka kooban tahay dawlad gobaleedka Puntland ee Madax banaan.

 

 

Heshiiskan Djabuti mahan oo kaliya mid ku qaldan sida loo abaabulay oo kaliya, balse Hadii aan laga hortagin qodobadii shirkaasi Xaqiiqo ahaan waa mid dalka uhorseedaya bur-bur hor leh, isla markaasna circa ku shareeri doona Siyaasada dalka oo horeyba ucakirneyd.

 

Saxiixayaasha Heshiiskaasi waa kuwa aan cidna kalsooni ka heysan una lahayn awood ay ku qabtaan talaabo noocas ah, iyagoo aan horey ugala tashan dawladii Puntland oo ka talisa Dhul baaxadiisu dhan tahay Sadex meelood meel ka mid ah dalka Soomaaliya (1/3), ayna ku nool yihiin dad dhan 3 Milyan oo qof.

 

Dawladda Puntland ayadoo ka duuleysa waxyaabaha ay kor ku xusan waxa ay go’aansatay.

 

1.Heshiiska dhexmaray 26,11,2008 labada qeybood oola yiri waxa ay ka kala socdeen Xukuumada Faderaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dibu-xoreynta ma aha mid ku fadhiya Sharciyad, Masuliyad & Xaq soor.

 

2.Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada dalka Soomaaliya ma ahan mid ku dhexdhaxaadiyey niyad sami qaybaha kala gedisan ee isku haye Siyaasada dalka Soomaaliya, balse waa mid si bareer gacan usiiyey koox masuul ka ah qalalaasaha dalka Soomaaliya ka socda.

 

Sidaas Awgeed Puntland ayaa gaartay qodobadan.

 

1.Dawladda Puntland waxa ay si buuxda uga soo horjeedaa heshiis ku sheegii Jabuuti ee gaarka ahaa luguna saxiixay dalka Jabuti 26,Nov,2008.

 

2.DGPL waxa ay ku baaqeysaa in lays kugu yimaado shir cusub ee dibu heshiisiineed kaas oo ay ka soo qeybgalayaan wakiilo rasmi ah oo ka imaanaya Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

3.DGPL waxa ay ka fiirsaneysaa talaabada kaga haboon oo ay ka qaadi lahayd go’aamadii shirkii dalka Jabuuti iyo shirqool kasta oo lugu mijo xaabinayo Nidaamka Faderaaliga ah.

 

NABADGALYO

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

2.DGPL waxa ay ku baaqeysaa in lays kugu yimaado shir cusub ee dibu heshiisiineed kaas oo ay ka soo qeybgalayaan wakiilo rasmi ah oo ka imaanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

^^^^^^

I disagree I think an all inclusive peace talk in puntland would occur before you have a one night stand with Ms. Kiera Knightley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Oodweyne:

Dear Mr. Resistance
,

 

Bones with meat is what I have it on a daily basis, particularly, with the wifey back at home. Consequently, it just so happens, that to so sampled the opposite of what one has in home, seemed to take an alluring case of a magnetic attraction, at least, from time to time,...
my dear lad
,...
:D

lol. war odeyga waaba dayuus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this