Sign in to follow this  
General Duke

Allsanaag editorial..the desertion of Attam begins in ernest...

Recommended Posts

Nabada Puntland waa mid lagu caanao maalay

Laga soo bilaabo bur burkii dawladii Soomaaliya sanadkii 1991 ilaa maanta 2010 ,Bulshada ku nool Puntland waxay gaareen horumar dhinac walba ah, haday noqon lahayd waxbarashada,caafimaadka,isgaarsiinta ,ganacsiga ,iyo hantida gaarka loo leeyahay.

 

Gobolada Puntland ayaa ahaa kuwa aad uga hooseeya gobolada kale ee Soomaaliya xiliyadii dawladihii hore ee Soomaaliya,hase haatee sanadihii danbe nabada ka jirta degaanada Puntland iyo isku duubnaanta Bulshadeeda ayaa waxay gaareen horumar la taaban karo oo uu ogyahay qof walba oo ka soo jeeda Degaanadan haday noqon lahayd Degmo ama Tuulo.

 

Horaantii Sanadihii sideetamaadkii sideeda Gobol ee Puntland waxa ku yaalay wax ka yar Shan dugsi oo sare ,maantana 50 KM oo la socdaba waxa ku yaala dugsi sare oo arday wax ka baranayaan iyaga oo haysta Macalimiin tayo leh,Tuulo kasta oo caruur 50 ah gaaraysa ku nool yihiina waxa ku yaala dugsi Hoose dhexe sidoo kale gobolada Puntland ma lahayn Jaamacad ama Kuliyad maantana 150 KM oo la socdoba waxaad helaysaa ama gaysan kartaa cunugaaga jaamacad ama kuliyad waxa intaa sii dheer nabada ka jirta degaanada in Dad badan oo ganacsato ay suurto gelisay in ay caruurtooda u diraan waxbarasho dibadeed oo ah waxbarasho sare qaarkoodna sanado ka dib ay ku soo laabteen degaanata Puntland iyaga oo halkaa ka bilaabay in ay Bulshadii ay ka tageen uga faaiideeyan aqoonta ay soo barteen.

 

Nabada ka jirta Puntland ayaa sare u qaaday hantiilayaasha ama jeeblayaasha Per capita haysashada hanti gaar haaneed.iyada oo sababaha ugu weyni tahay dhiiranaanta maalgashiga oo ay sabab u tahay nabadu.

 

Gobolada Puntland guud ahaan Ma lahyn Cisbitaalo shaqeeya sidi kuwii xamar Madiina iyo Dikfeer ,hase ahaatee maanta waxa jira Cisbitaalo badan oo lagu daweeyo cudarada kal duwan iyada oo daryeel siyaado ah ay heleen hooyada iyo dhalaanku oo ahaa dhibanayaasha ku noolaa degaanka xiliyadii hore,waxaadna wadooyinka ku arkaya Gawarida Gurmadka oo dad ula cararaya Cisbitaalada

 

Nabada ka jirta Puntland ayaa dhiiri gelisay in dad badan hanti gashadaan degaanadaas ama ka sameeyaan ganacsi ,kuwaas oo u abuuray Boqolaal shaqo ah Dadkii danyarta ahaa o ku noolaa degaanda.

 

Ugu danbayntii horumarkan ka jira Tuulo iyo degmo kasta oo ka mid ah Puntland waxa keenay nabada iyo isku duubnaantii Beelaha walaalaha ah, waxaana qayb weyn ka qaatay Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso oo hadii nabadeedu xumaato ay noqonayso mid saamaysa guud ahaan Soomaaliya iyo Puntlandba sidaas awgeed waxa muhiim ah in qof walba oo caruurtiisu Dugsi tagaan, mid ehelkiisa la jooga cisbitaal mid sugaya doon Bagaash uga soo qaaday Dubai mid Muruq maal ah iyo dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay in si wada jir ah ay uga shaqeeyaan nabadan ay ku caano maaleen sanadaha danbe.

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, this article talks about Puntland's development in general terms, and says nothing about Atom.

 

Mise maxay tahay obsessionka with Atom adeer?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ maya wuxu ina tusaya in maakhriyinta qaar ay webstiyadooda ku qoran mar mar hormarkay mamuulka budhcad badeedku gaadhay. Iyo in anay qorin hormarku attam gaadhsiyey Mamuulka budhcadbadeedka

Share this post


Link to post
Share on other sites

No one likes defeat, this site was one of the staunchest supporters of the agent of Al Shabaab, and those that attacked and insulted the state since the begging of the offensive. However it seems to now be celebrating the greatest success of Puntland, its peace and development over the past 12 years…

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugu danbayntii horumarkan ka jira Tuulo iyo degmo kasta oo ka mid ah Puntland waxa keenay nabada iyo
isku duubnaantii Beelaha walaalaha
ah, waxaana qayb weyn ka qaatay Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso oo hadii nabadeedu xumaato ay noqonayso mid saamaysa guud ahaan Soomaaliya iyo Puntlandba sidaas awgeed waxa muhiim ah in qof walba oo caruurtiisu Dugsi tagaan, mid ehelkiisa la jooga cisbitaal mid sugaya doon Bagaash uga soo qaaday Dubai mid Muruq maal ah iyo dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay in si wada jir ah ay uga shaqeeyaan nabadan ay ku caano maaleen sanadaha danbe.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, this editorial is interesting in the change of tone, this site at one point denied the existence of Puntland and even insulted the State.

 

The change is both welcome and quite remarkable. Also Puntlands progress and its existance as State go hand in hand, and the various admins who made this possible need to be comended..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this