Sign in to follow this  
Gordon Gekko

TFG advances: Fagax, Ex kontrol, Jamhuriya, X Xisbiga, Istadio Muqdisho under control

Recommended Posts

The TFG is in control of the situation hence all the noises for ceasefire.

Even the anti-governemnt sites have been touched, including Ayamaha, HornAfrik and so on.

 

Hotel Ramadan has been nationalised. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFS oo kaashanay ciidamada Ethopia oo la wareegay gacan ku heynta Hotel Ramadaan iyo goobo kale

 

Muqdisho - Daqiiqada kahor ayaa waxaa u suura gashay ciidamada DFS oo kaashanay kuwa Ethopianka in ay la wareegaan gacan ku heynta fagax iyo Hotel Ramadaan ayadoo sidoo kale lagu soo waramayo ciidama Ethopian hor leh in ay soo gaareen goobaha dirurtu ay sida ba'an uga socoto

 

source

 

This is reported from an anti-governemnt site..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dawladda federaalka oo horumar ka samaysay dagaalladii ay kula jireen haraagii maxkamadaha.

21. april 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wiiqday awooddii haraagii maxkamadaha , isla markaana kala wareegtay fariismo hor leh.

 

Xuseen Maxamed Maxamuud oo ah afhayeenka madaxtooyada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay la wareegtay deegaannada Jamhuuriya, Ex-Kantarool iyo dhowr deegaan oo ay xabbado kasoo ridayeen.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in dawladda federaalka ay dalka xasiloonidii iyo qaranimadiisii kusoo celin doonto, dadkuna ay kusoo laaban doonaan.

 

Xilli rasmi ah ma uusan qaban afhayeenka oo dagaallada lagu soo afjarayo wuxuuse sheegay in kooxaha haaragii maxkamadaha awooddooda la wiiqay.

 

Wuxuu gaashaanka ku dhuftay inay jiri doonto wax wada xaajood ah oo lala galayo kooxaha haraagii maxkamadaha,asagoo sheegay in dawladdu ay dhineceeda ka waddo qorshayaal kale oo nabadda Muqdisho lagu wajahayo.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in si tartiib tartiib ah dalku uu usoo hagaagayo.

 

C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay in dawladdu ay waddada nabadda lagu raadinayo in badan ku taagnayd , walina ay ku taagnaan doonto.

 

Dhinaca kale Xuseen Maxamed Caydiid oo katirsan dawladda federaalka , kuna sugan Ereteria ayaa ugu baaqay inay Itoobiya dhaqso uga baxdo Soomaaliya.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Muqdisho oo saakay galey maalintii afaraad kana socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii Shaley lagu dagaalamay.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dhamaan goobihii shaley lagu dagaalamey, dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Towfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha qarandiidka ah oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho.

 

Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed.

 

Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha qarandiidka ah iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay qarandiidka.

 

dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siweyn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha qarandiidka ah aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada qarandiidka ah ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya oo aan kala go'lahayn.

 

Warar xog-ogaal ah ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan isugu tagayaan.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Muqdisho oo saaka ka socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii horay loogu dagaalamay.

 

Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo meelihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Fowfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha dawlada ka soo horjeeda oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho.

 

Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed.

 

Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha waxrabsha iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay maxkamadaha.

 

dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siwayn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha wax rabsha aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada dawlada ka soo horjeedaa ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya ooo aan kala go'lahayn.

 

Warar si hoose ay ku heshay shabakadda allmudug.org ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan kawada hawl galidoonaan.

Webmasterka shabakadda Allmudug.org Abdinuur Mohamed seeraar(Galkacyo)

 

(Please contact us)

webmaster@allmudug.org,qalay2005@allmudug.org,qalay2005@hotmail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka Ugu Dambeeya ee Dagaallada Muqdisho:

 

04/22/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho DMC Axad 22.04.2007.

 

Maalintii Afraad ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socda dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda oo iskaashanaya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda. Dagaalka ayaa waxaa loo adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan kuwa culus iyo kuwa fudud haba ugu darnaatee qoryaha BM loo yiqaanno, Mootarro, M30, RT5, D30 iwm.

Dagaalka ayaa wuxuu saameeyey deegaan aad u ballaaran oo uusan horey dagaalku u gaarin. Dagaallada ugu adagi waxay ka dhaceeen Fagax, Ramallaan,Jamhuuriya, Hotel Toowfiiq, Hurwaa gaar ahaan Ex. Kontorool Balcad iyo Waxar Cadde. Dagaalka ayaa ahaa mid aad u kulul waxaana halka dagaalku ka socdey madaafiicda loogu garaacaayey sida roobka oo kale kaas oo qasaare aan la qiyaasi karin gaarsiiyey dadka rayidka, guryaha iyo ciidamada dagaallamayey.

 

Sidoo kale dagaalka madaaafiicda la isweydaarsanaayey ayuu wuxuu maalintii 2aad ka socdaa Tarabuunka, Warshadda Caanaha, Xerada Ruushka, Isgoyska Al-Baaraka iyo isgoyaska Cali Suufi waxaana halkaas madaafiic isku weydaarsanaya labada dhinac ee diriritu u dhaxeeyso waxaana nawaaxigaas inta la ogyahay ku dhintey kuna dhaawacmey dad gaaraya 50 qofood.

Iyadoo aysan sahlaneyn in lagu dhowaado halka ay diriritu ka socdoto ayaa misana qasaaraha labada dhianac soo gaarey aan kala caddeyn madaafiicda dhinac koonfurta ay isku weydaarsanayaan ayaa labada dhinac kala gaarsiyey qasaare, inkasta oo qasaaraha ugu badani uu soo gaarayo dadka rayidka ah.

 

Inkasta oo warar kala duwani ka soo baxayaan halka dagaallada la kala joogo ayaa dad ka soo caararey xaafadaha Juungal iyo Jamhuuriya waxay sheegayeen inay halkaas qabsadeen Ciidamada Huwanta, halka qeybo aan ka fogeynna ay kooxaha ku kacsan Dowlladda ay dagaal kulul kala soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda.

 

Dhinaca kale Mas’uuliyiinta Xukuumadda Kumeelgaarka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maalinimada shaley waxay sheegeen in la furey dhammaan Goroomada Dalka si gargaar loogu fidiyo dadka ku taabaaloobey dagaallada Muqdisho. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xaabsade ayaa sheegey inay Diyaaradaha gargaarku ka soo degi karaan Goroomada Kismaanyo, Baydhaba, Waajid, Xuddur, Lambar Konton, Beledweyn iyo goroomada Puntland.

 

Sidoo kale Wasiirka Koowaad Cali Maxamed Geeddi ayaa gaashaanka ku dhuftey inay hay’adaha gargaarka goroomada u diideen, wuxuuna Geeddi hay’adaha gargaarka ku eedeeyey inay u barteen dalka oo Dowlladda la’aan ahaa 16 sano islamarkaasna ay sameyn jireen wax ay doonaan.

 

Waxaa Bakhaarada hay’adahaas aan ku aragney buu yiri raashiimo dhacey oo aan ku habooneyn in dadka la siiyo, markaas ka dibna ay ku andacoodeen inaaan u diidney in dadka raashiin la siiyo, wuxuuna ku martiqaadey haya’adaha Qaramada Midoobey Caafimaadka u qaabilsan inay yimaadaan oo ay baaraan raashiinkaas.

 

Cali Geeddi ayaa hay’adaha u sheegey inay si toos ah ay hos yimaadaan Dowlladda Kumeelgaarka ah hay’addii aan taas diyaar u ahaynna ay dalka iskaga baxdo. Dhinaca kale Geeddi ayaa ka hadley dagaallada ka socda magaalada Muqdisho asagoo ku eedeeyey in waxa dagaalka ka wada magaalada Muqdisho ay yihiin kooxo uu ku sheegey argagixiso ka harey Golihii Maxkamadaha Islaamiga illaa kuwaas laga safeeyaana uusan dagaalku joogsan doonin.

 

Geeddi ayaa mar kale wuxuu shacabka magaalada Muqdisho ku sii harey ugu baaqey inay ka baxaan wax uu ku sheegey argagixasada goobaha ay ku dhuumanayaan illa laga safeeyana ay u baxaan meelaha nabddoon. Mar la weyddiiyey cidda ka mas’uuul ah dhaibaatada soo gaarta dadka rayidka ayuu ku eedeeyey in ay yihiin argagixisada.

 

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka xiran dhammaan waddooyinka isku xira Waqooyiga, Koonfurta iyo Bartamaha; xitaa waxaa marna la xiraa wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta.

Muqdisho weli waa goob dagaal mana la qiyaasi karo waqtiga uu joogsan doono.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xoogagga xaq u dirirka oo la wareegay gacan ku haynta Hotel Ramadaan

Posted to the Web Apr 22, 08:33

 

 

Aayaha.com, Axad, 22 April 2007 - Wararka laga helayo goobaha ay dagaalladu ka socdeen afartii casho ee lasoo dhaafay ayaa sheegaya in maanta khasaare xooggan la gaarsiiyay ciidamada naf la caariga ah ee Itoobiya.

 

Ciidama Itoobiyaanka oo shalay galab looga baxay Hotel Ramadaan ayaa waxaa maanta dib looga qabsaday Hotelka, iyadoo khasaare aan lasoo koobi karin la gaarsiiyay ciidankii halkaa ku jiray.

 

Sidoo kale ciidamada Itoobiyaanka ayaa jab xooggan kala kulmay duulaan ay kusoo qaadeen Hotel Towfiiq.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ee ka dagaalamaya degaanada uu afarta casho dagaalku ka socday ayaa la sheegay in ay yihiin ciidan aad u tiro badan, isla markaana aad u hubeysan, balse ciidankaas oo ku talo jiray in ay isku furaan degaanadaas illaa Stadio Muqdisho ayaa horumar ay sameeyaan iska daaye waxaa laga qabsaday degaanno ay markii hore iyagu gacanta ku hayeen.

 

Bakhtiga askarta Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay daadsan yihiin waddooyinka, iyadoo laga cabsi qabo in ay cuduro ka dhashaan haddii aan deg deg loo aasin.

 

Hotel Lafweyn oo todobaadkii hore xarun u ahaa dagaal oogayaasha kooxda Mbagathi ayaa haatan isu bedelay aag dagaal, iyadoo ay ciidamada cadowga ah ee Itoobiya ka dagaalamayaan hotelka gadaashiisa. Arinkan oo keliya ayaa tusaale ugu filan khasaaraha gaaray ciidamada cadowga iyo dagaal oogayaasha kooxda Mbagathi.

 

Aayaha.com

Editor@aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

I think we need to be clear on one thing as far as this clashes in Mogadishu is concerned. There is nothing as per se a TFG troops who are involved in the fighting - they are more like a side-lined cheerleaders - same as those who print this rubbish in here. TFG captured this and that and controls this and that is pure fabrication and fantasy.

Yes there is a war but it is solely between Ethiopian troops and gallant Somali resistance militias.

Hence it will be appropriate if (I would have said my compatriots - but I doubt whether thy are) are happy at what the Ethiopians are achieving in Xamar, though it is not existant at best and at worst disputable, to give credit to where it is due...to the Axmaros not the TFG - oo sidi haweenki uun geeska ka baranbureyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Originally posted by TheSomaliEconomist:

This is a war and at the end of the day it's all about who's winning what and where. The history of Somalia for the last decades has always been survival of the fittest and the civilian death toll has always been high so in this context, the actual value of civilian deaths is really just marginal. It's certainly sad to hear this but 16 years of carnage has depreciated the value Somalia and the somali man to rock-bottom levels. This is the only chance to raise it again and reconstruct Somalia to it's past glory. Extreme problems ask for extreme solutions

 

Now you might see me as a wretched, inhuman and straight forward dumb TFG supporter, but all I can tell you is that we can
Agree to disagree.

You have to be really careful on these statements. Because clear as it is. People have died and been killed. The country is under occupation and the killers are not Somali. Now, I have tried to be rational with you, but statements like that have no place in a just democractic state, which is what, I think you are trying to see emerge.

You cannot pick and choose, where justice applies, it either applies totally, but certainly not selectiviely. If you choose to disregard it in the shelling of Xamar, then you will have to apply that view, when it is your own family who being killed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

clearly the war has become between the insurgents and the ethios now... us state dept has given its permission till tuesday. after that day, probably before next friday, u should hear adis next decision...which basically, will be to to get solution to dig his army out of the studium.

 

today u heard about the ethio general shot himself in the head...them raw meat eater are going thru hell.

 

wait see...! by next weekend new chapter will begin. the end is coming.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

CIIDAMADA TIGREEGA OO DAGAALKII AAGGA RAMADAAN

LAGU JABIYAY.

 

 

 

Muqdisho, 22, April-07 (Qaadisiya.com)

 

wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka cadawga tigreega iyo dabadhilifyadooda lagu jabiyay aagga hotel ramadaan

ciidamada tikreega ayaa shalay gaaray agagaarka hotel ramadaan tasoo uu

u arkaayay guul uu gaaray laakiin taasoo isu badshay maalin cad riyoosho

ka dib markii ciidamada muqaawada shacabku ay ku dheelmadeen iyagoo

u gaystay jab wayn taaoo ku qasabtay inay dibi gurasho sameeyaan ilaa la geeyey halkii ay shalay ka soo duuleen iyadoo wali la sii riixaayo,xiriir shabakada islaamiga ah ee Qaadisiya ay la samaysay safka hore ee dagaalka ayaa logu xaqiijiyay in hadda la isku hor fadhiyo agagaarka isgoyska Fagax, wixii ku soo kordha kala soco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by peacenow:

quote:Originally posted by TheSomaliEconomist:

This is a war and at the end of the day it's all about who's winning what and where. The history of Somalia for the last decades has always been survival of the fittest and the civilian death toll has always been high so in this context, the actual value of civilian deaths is really just marginal. It's certainly sad to hear this but 16 years of carnage has depreciated the value Somalia and the somali man to rock-bottom levels. This is the only chance to raise it again and reconstruct Somalia to it's past glory. Extreme problems ask for extreme solutions

 

Now you might see me as a wretched, inhuman and straight forward dumb TFG supporter, but all I can tell you is that we can
Agree to disagree.

You have to be really careful on these statements. Because clear as it is. People have died and been killed. The country is under occupation and the killers are not Somali. Now, I have tried to be rational with you, but statements like that have no place in a just democractic state, which is what, I think you are trying to see emerge.

You cannot pick and choose, where justice applies, it either applies totally, but certainly not selectiviely. If you choose to disregard it in the shelling of Xamar, then you will have to apply that view, when it is your own family who being killed.
Yes, a democratic state is something I'd like to see emerge but this has nothing to do with the current state of affairs which is Anarchy. Anarchy that is being perpetuated by forces that indulge in anarchy and desires, actually fights, kills and spreads mayhem, to uphold it. The TFG and it's military allies are simply hitting back on these elements after having been patient with their hit-and-run attacks that mostly killed civilians. And now it's not only about hitting back but about fully eliminating their presence so the government can start embarking on the road of development and nation building.

 

Let's get real with each other here and skip the propaganda bullshit for a moment, Yes we know the ethios are doing alot of the military offensives but their are being backed with foot-soldiers from the TFG. However, it is evident that the Shabaabs or remnants from ICU aren't doing the bulk of the fighting from the resistence side as it is the before mentioned anarcho-capitalists that are filling that spot. Just today we hear a "spokesman from the beelaha" uttered: "Property worth 500 million dollars has been destroyed. The Ethiopian and government forces will take ultimate responsibility for all this mess," he added.

 

$500 MUSD? Such audacities can only be viewed as authentic by those who profit from it. Every other sober Faarax can sense that it's pure fabrication like the ones from Waagacusub.com.

 

These same ppl, making these insane property valuations, are the ones who is doing most of the fighting and backing the few number of insurgents left inside. And you bet that I support the total eradication of these forces for the benefit of the future prospects of the Somali nation - By All Means Necessary.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Quote:Yes we know the ethios are doing alot of the military offensives but their are being backed with foot-soldiers from the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Somali economists, Mohamad Dheere, Qeybdiid, Hiraale etc.....are not looters and warlords? Or have they become sudden nationalistic democrats?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this