Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Arrest Pirates

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay koox ka mid ah Budhcad-baddeeda Maraakiibta iyo Doonyaha shisheeye ka qafaasha Xeebaha Puntland.

 

Sida uu xalay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali, Ciidanka ilaalada Xeebuhu waxay shalay meel u dhow degmada Lughaya ee xeebta gobolka Awdal ka qabteen 11 nin oo Budhcad-baddeed ah iyo Laash ay wateen. “Waa 11 Budhcad-badeed ah iyo Laashkoodii, waana Budhcad-baddeedii Puntland, waxaana qabtay Ciidanka ilaalada Xeebta Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku. “Dabcan, hawlgal Ciidanku sameeyeen baa lagu soo qabtay,” ayuu raaciyay.

 

Wasiirka oo la waydiiyay in kooxdaa Bad-jiifka Xeebaha Puntland ee Ciidanku qabteen, ay wax ka geysteen deegaankaa ay soo galeen ee lagu qabtay, waxa uu sheegay in aanay wax falal afduub ah ka geysan deegaankaas.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), waxa uu sheegay in kooxdaa qaarkood isku dayeen inay baxsadaan, balse ay Ciidanka ilaalada Xeebuhu ku guulaysteen inay gacanta ku wada dhigaan, kana soo qabteen inta u dhexaysa Lughayaha iyo Ceel Sheekh. “Waxba may geysan…Horta runta marka laga hadlo, sida muuqata dabaylo ayaa keenay,” ayuu yidhi.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu jirin cid ka mid ah kooxo ay dhawr jeer oo kala duwan Budhcad-baddeed ahaan u qabteen oo gar-sugayaal ku ah Jeelasha Somaliland, taas bedelkeedana waxa uu tilmaamay inay hore xukuno ugu rideen.

 

Mar Wasiirka la waydiiyay waxa ay tahay caddaynta ay u hayaan in kooxdaa uu qabashadooda sheegay ay ka tirsan yihiin Budhcad-baddeeda xeebaha maamul-gobolleedka Puntland ee Waqooyi/bari Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Kuwan imika la hayo abtirsiimadooda ayaa lagu caddaynayaa oo waa Budhcad-badeed u dhalatay deegaankaa (Puntland), wixii faahfaahin ahna dib baanu ka sheegi doonaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Waa 11 Budhcad-badeed ah iyo Laashkoodii, waana Budhcad-baddeedii Puntland, waxaana qabtay Ciidanka ilaalada Xeebta Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku. “Dabcan, hawlgal Ciidanku sameeyeen baa lagu soo qabtay,” ayuu raaciyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

NWSomali.com

 

 

 

Try and make up your fake news, just like you use to claim that you were catching "terrorists" now it's pirates. But, a neutral observer named Jurgen Kantner the German man who went back to Bebera to fix his boat said it best when he saw the NW Somali navy:

 

 

Now Kantner has returned successfully to Somaliland, travelled to Berbera, and spends his days rebuilding his yacht, on the other side of the pier from the Somaliland coastguard base, seemingly safe from pirate attack.
He has, however, little belief in the effectiveness of the coastguards. ‘They put on a Mickey Mouse show,’ he said, dismissing them with a wave of the hand. ‘They will never catch a thing.’

The Pirates try and stay clear of that area because of the military bases in Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this