Sign in to follow this  
General Duke

Puntland is a safe haven for sanity: election 2009 beyond

Recommended Posts

Garoowe: Madaxweyne Kuxigeenka Puntlad oo furay Ciyaaraha Gobolada dalka kana furmay magaalada Garoowe

21. November 2008

 

Garoowe(AllPuntland)-Ka hor inta aysan si rasmi ah u furmin ciyaaraha K/Cagta gobolada dalka gaar ahaan Puntland ayaa waxaa shalay hoolka shirarka PDRC ee magaalada Garoowe ka dhacday xaflad si weyn loo soo agaasimay taasoo maamulkeeda uu lahaa Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeybgalay mas'uuliyiin ka socotay Dowlad Goboleedka Puntland, qeybaha ururada Bulshada iyo bahda ciyaaraha.

 

C/Qani Saciid Carab oo ah Xoghayaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dib loo soo nooleeyo ciyaarihii is reeb reebka Gobolada dalka Soomaaliya oo wejigiisa koowaad lagu qabtay Gobolka Sh/Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar, qeybtii labaadna uu sheegay in ay tahay tan ka furantay magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen kooxaha madalaya gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag iyo Karkaar, kuwaasi oo u tartami doona ciyaaraha 18-aad ee gobolada.

 

Wuxuu sheegay C/qani in iyadoo xili adag lagu guda jiro ay isu taageen dardar gelinta ciyaaraha gobolada, ujeedada loo abaabulayo tartamadana ay xambaarsan tahay isdhexgal bulsho, helitaan ciyaartoy tayo leh oo ka qeybgala ciyaaraha caalamiga ee xulka Qaranka Soomaaliyeed aadayo, waxaa kaloo uu sheegay in ay mudan tahay in la xuso horumarinta dhalinyarada ku nool gobolada dalka.

 

Xoghayaha ayaa intaasi hadalkiisa sii raaciyay in ciyaarahan kooxdii ku guuleysata ay heli doonto abaal marino qaali ah, isagoo carabka ku dhuftay in uusan jirin wax Koob ah oo yaala balse kooxdii ku soo baxda ay ku biiri doonto kooxaha kale ee ka soo baxa gobolada kale ee dalka, waana ciyaro is reeb reeb ayuu sii raaciyay C/qani Carab.dhanka kale waxaa uu mas'uulkan ka socday X.K.C.S sheegay in ay jiraan tababaro qiimo leh oo garsoorka iyo macalimiinta heli doonaan si aqoontooda kor loogu qaado.

 

Dhanka kale waxaa shalay galabta tartanka ciyaaraha gobolada ee ka furmay Garoonka Mira Awaare ee magaalada Garoowe furay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud (Af-Qurac) oo laaday Kubaddii ugu horeysay, isagoo halkaasi khudbad gaaban ka soo jeediyay Madaxweyne Kuxigeenka oo u mahad celiyay soo qaban qaabiyeyaashii ciyaaraha is reeb reebka Gobolada, isagoo sheegay in ciyaaraha ay yihiin waxa kaliya ee looga gudbi karo dhibaatada jahliga iyo qabiilka, wuxuuna sheegay in ciyaaraha aysan laheyn qabiil, is dhex gal mooyee.

 

Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furay Kooxaha ka socday Gobolada Sanaag iyo Nugaal, waxayna ciyaarta aheyd mid xiiso badan laheyd, dadkii ka soo qeybgalayna ay sacab iyo sawaxan garoonka qabadsiiyeen.

 

Kooxaha Sanaag iyo Nugaal ayaa waxay muujiyeen dadaal iyo ciyaar wanaag ay ku qanceen dad badan, hase ahaatee waxaa galabta nasiibka raacay kooxda ku ciyaareysay magaca Nugaal oo ku badiyay Sagaal Gool, halka kooxda kale ee Sanaag oo marti aheyd ay keensatay Labo Rikoore kadib markii afka hore ee goosha ciyaartoyda Nugaal lagu jiiray labo ciyaartooy oo ka tirsaneyd Sanaag sidaasina ay ku heleen Goolasha labada ah.

 

Ciyaarahan ka furmay Garoowe xarunta caasimada Puntland ayaa waxay socon doonaan ilaa iyo 30-ka bisha oo la soo gabagabeyn doono, waxaana kooxihii ka soo baxa ay u gudbi doonaan wareega kale ee gobolada kale oo ay is arki doonaan.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

gabadhii u Horeysey oo isu soo sharaxda jagada Gudoomiya Nimada Baarlamaanka DGPL

 

Waxa la ogeysiinayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee degan gobalka Minnesota in ay ka soo qayb galaan xaflad weyn oo lagu taageerayo gabadhii ugu horeysey ee isku sharaxda jagada gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland. Xafladaas oo lagu qaban doono magaalada Minneapolis sabtida galinka danbe hadii Alla idmo, xaruntaas oo magaceeda la yiraah 'Taj Mahal Mall' ee ku taala Cedar iyo Lake street meesha ay iska gooyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciyarihii Gobollada oo ka furmay Garowe

20 Nov 20, 2008 - 7:05:44 PM

 

Waxaa galabta garoonka Kubada Cagta Mire Awaare ee Magaalada Garoowe ka furmay ciyaaraha Gobolada ee ay soo qaban qaabisay Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo la kaashaneyso Wasaaradda Isboortiga Puntland, waxaana furitaankii ciyaaraha Gobolada ka soo qeybgalay marti sharaf ka kala socday qeybaha bulshada iyo xukuumadda Puntland.

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi lagu soo bandhigay gaardi ka ciyaar ay sameynayeen ciidamada Baambeyda Puntland Waxaana Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurac oo xafladda ka soo qeybgalay uu Salaan sharaf ka qaatay ciidamada Bambeyda, sidoo kale waxaa halkaasi socod wareeg ah ku maray Lixda Gobol ee Puntland ciyaaraha ka qeybgalaya.

 

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa furay ciyaaraha Gobolada dalka oo Lixda Gobol ee Puntland wareegooda ka bilowday Garoonka Mire Awaare, waxaaa ciyaartii ugu horeysay ay maanta dhex martay Kooxaha ka socda Gobolka Nugaal oo marti loo yahay iyo Kooxda kale ee ka socoto gobolka Sanaag.

 

Madaxweye Kuxigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ciyaaraha Gobolada ee maanta ka bilowday Garoowe, isagoo sheegay in Sportiga uu yahay mid dadka isku soo dhoweynayo isla markaana Puntland ay soo dhoweyneyso, wuxuuna ugu mahad celiyay Xiriirka Kubadda Cagta oo soo qaban qaabiyay ciyaarahan oo ah kuwo wajigoodii labaad ka dhacaya Puntland.

 

Kooxaha Nugaal iyo Sanaag oo maanta dadweynihii u soo daawasho tegay ay ahaayeen kuwo ku faraxsan oo ay ka muuqatay soo dhoweyn ayaa waxaa halkaasi labada koox ay ku soo badhigeen ciyaaro kulul, waxaana wajigii hore ee ciyaarta ay ku dhamaatay Sadax Gool oo ay lahaayeen Kooxda Nugaal, qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Nugaal ay dar dar la soo baxday waxaana u suuragashay in ay dhaliyaan ilaa iyo Labo Gool, ugu danbeyntiina kooxda Sanaag ayaa heshay labo Rikoore oo ay dhalisay, waxayna ciyaarta markii danbe ku dhamaatay Sagaal iyo Gool iyo Labo Rigoore oo ay heshay Gobolka Sanaag.

 

Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Mid ka mid ah Musharaxiinta ka soo jeeda Gobolka Sool oo soo gaaray Caasimadda Puntland

21. November 2008

 

Garoowe(AllPuntland)-Mid ka mid ah Musharaxiinta ka soo jeeda Gobolka Sool oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu magaalada ka bilaaway ololahiisa ku aadan doorashada xilka Madaxtinimada Puntland.

 

Saleebaan Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Waji Xaad kana yimid dalka Mareykanka ayaa waxaa uu maanta salaan dhiirigelin ah uu ugu tegay Ciyaartoyda Xulka Gobolka Sool oo magaalada Garoowe ugu qeybgalaya tartanka ciyaaraha Gobolada, wuxuuna musharaxa uu ku booriyay ciyaartoyda in ay hantaan sidii Horyaalkii Nabadda ee ay soo qaban qaabisay Hey'adda PDRC ay u qaadeen tartankan ka bilowday Garoowe.

 

Saleebaan Waji Xaad ayaa ciyaartoyda Sool u sheegay in ay taageero weyn u hayaan guud ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Sool dibad iyo gudaba, wuxuuna carabka ku dhuftay in ciyaarihii hore ee ka dhacay Garoonka Mira Awaare ay dadka dibadaha ula socdeen sida ciyaaraha Yurub oo kale, haatana ay indhaha ku hayaan tartanka ka bilowday Garoowe.

 

Musharax Saleebaan ayaa ugu mahad celiyay ciyaartoyda dadaalka ay u galeen sidii ay gobolkooda qeyb libaax leh ugu qaadan lahaayeen ciyaaraha ka dhaca Puntland xili magaaladooda la heysta.

 

Ugu danbeyntii Saleebaan Waji Xaad ayaa ku booriyay ciyaartoyda in ay la yimaadaan karti iyo dhaqan wanaagsan oo ay kaga duwanaadaan gobolada kale ee tartanka kula jira, isagoo u mahad celiyay ciyaartoyda kale ee ka socota gobolada kale ee Puntland.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUSHARAX SICIID MAXAMED RAAGE AYAA BOSAASO LOOGU SOO DHAWEEYAY SI AAN CAADI AHAYN[DAAWO SAWIRO]

 

 

Bosaaso:- Musharax Siciid Maxamed Raage oo ah Musharax Oloolamaya Xilka Madaxtinmo ee Puntland ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay isaga oo dhawaanahan Olale Balaadhan ka waday dibada Dalka Somaliya, Eng Siciid Maxamed Raage waxa uu sheegay safarkiisa ka dib kulan wareed uu qabtay inuu Puntland ka dhalinayo Is Bedel hadii la doorto.

 

 

 

 

 

Eng Siciid Maxamed Raage waxa Garoonka Bosaaso ku soo dhaweeyay Boqolaal Kun oo Ruux kuwaasi oo ku dhawaaqayay hadalo ay ka mid Yihiin"Waxaan doonaynaa Is Bedel............................. Waxaan doonaynaa Nabad......... Waxaan doonaynaa Cadaalad. ayay inta badan dadku Lahaayeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Eng Siciid Maxamed Raage

 

 

Musharax Siciid Maxamed Raage oo ah siyaasi Rugcaad ah ayaa mar Noqday Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dekedaha Puntland in kastoo uu markii danbe xilkaasi is Casilay ka dib wada shaqayn La"aan soo kala dhex Gashay isaga iyo Gen- Cade Muuse.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Musharaxa Siciid Maxamed Raage

 

 

Siciid Maxamed Raage si aad u Wanaagsan ayaa Gudaha Bosaaso loogu soo dhaweeyay iyada oo aad dadka wajiyadooda ka Garanayso sida ay uga daaleen Maamulka Fashilmay ee haataan soo dhamaanayana.

 

 

 

 

 

 

 

Siciid Maxamed Raage oo dadka Salaamaya

 

 

Siciid Maxamed Raage ayaa wakhtigan safar kaga Yimi Magaalada Dubai isaga oo Horay Kulamo Ugu qabtay Caasimada UK ee London waxana uu inta badan Khudbadihiisa ku soo qaadanayay inuu ka shaqaynayo Nabada.

 

 

 

 

 

 

 

Guurti Gacan Qaaday Mr Raage

 

 

Dadka ayaa Gacan qaadayay Musharaxa iyaga oo Faraxsan.

 

 

 

 

 

 

 

Isimo Reer Puntland

 

 

 

 

 

 

 

Haween ku Labisan Hidaha Iyo Dhaqanka Somaliyeed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haween Kale

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saciid Maxamed Raage oo Puntland loogu soo dhoweeyay si aan caadi ahayn, Halkan ka daawo sawiradoo:

http://www.boocame.com/page_view.php?articleid=300 0

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsaxafadeed: Siciid Maxamad Raage

26 Oct 26, 2008 - 4:53:24 AM

 

 

 

Ku: M/weynaha dowlad goboleedka Puntland iyo Xukuumadiisa.

 

Ku: Isimida iyo Wax garadka Puntland.

 

 

 

Ku: Culima awdiinka iyo Ganacsatada Puntland.

 

 

 

Ku: Bulshada rayadka iyo Jaaliyadaha Puntland.

 

 

 

Ku: Saxaafada Xorta ah.

 

 

Ujeedo: Baaq ku wajahan Shacabka reer Puntland iyo Xukuumadiisa.

 

 

 

Musharaxa M/weyne-nimada Doorashada Puntland Mudane.Saciid Maxamed Raage ayaa soo saaray baaqayo uu u soo jeedinayo Isimada iyo Wax garadka

Puntland.iyo Xukuumada DGPL, Ganacsatada, Culumaaidiinka, Haweenka & Dhalllinyaradda Dawlad Goboleedka Puntland.

 

 

Musharaxa ayaa ku baaqay in lasameeyo gudiyo kala duwan oo wax ka qabta arrimaha doorashada kuwaas saldhig u ah doorasho xor ah oo ka dhacda Puntland.

 

 

 

Musharaxu wuxuu xusay inaan wax doorasho ahi dhici doonin ,hadii aan la helin qodobadan hoos ku oran .

 

 

 

Ø In La dhiso Guddi Doorasho oo Shacabka Reer Puntlaand oo dhan ay Ku qanci Karaan, oo ka madax banaan Xakuumadda hadda jirta.

 

Ø In La dhiso Guddiga Ansaxinta Golaha Wakiiladda Puntland , oo ka madaxbanaan dowlada.

 

Ø In waxgaradka Gobol kasta oo Puntland ay xil gaar ah iska saaraan dhaqaalaha iyo Amniga Guud Waqtiga ka laguurka( Transitional period).

 

Ø Inay Isimadu ay soo Xulaan Beeshooda Dadkooda ugu fiican oo wax u qaban kara Dadka soo dirsaday,tan guudna wax tari kara.

 

Ø In Muddada 70 ka casho ee ka hadhay Doorashadda Dawladda lala Maamulo Dhaqaalaha & Amniga guud ee Dalka,si looga badbaado in xukuumadda hadda jirta ay abuurto wax khalkhal galin karaya doorashooyinka iyo hab socodkood & nabada guud ee Dalka intaba.

 

Ø Waxaan Saaxiibadayda Musharaxiintana kula talinayaan inay iska ilaaliyaan wax walba oo khal khal galin karaya amaanka iyo xasiloonida doorashooyinka, xukuumadana ay kala shaqeeyaan amniga guud ee dalka.si loo helo jawi nabadeed oo guud.

 

 

 

Baaqaan ayuu musharaxu ku sheegay inay laf dhabar u noqon karo Mustaqbalka Doorashooyinka, Siyaasada iyo kan guud ee Puntland hadii loo fuliyo qaabka uu isagu u dhigay.

 

 

Musharaxa ayaa ugu danbeyn sheegay in Puntland ay maanta u baahantahay isbadal muuqda oo dhinac walba ah,maadaama la marayo xilli xasaasi ah,loona baahanyahay in la badbaadsho umadda nabadda jecel ee gobolkaas degta.

 

 

Musharax Mudane, Saciid Maxamed Raage

 

Musharaxa Xilka M/weyne ee Puntland sanadka 2009-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciyaaraha Soomaliya: Karkaar iyo Nugaal oo ay dhexmartay ciyaartii ugu kululeyd (Daawo Sawirada)

 

C/weli Xasan Gooni

Horseed Media

Garowe, Puntland

 

IIyadoo weli ay ka socnayaan Caasimada Puntland ee Garowe Ciyaaraha Kubadda Cagta ee ay isku arkayaan Qaarkamdi ah Gobolada Somaliya ayaa Waxaa Ciyaar aad u xiiso badan ay shalay dhex martay Gobolada Nugaal Iyo Karkaar.

Ciyaartaan oo Durbadiiba ku bilaabtay Dardar xoog leh ayaa waxaa markii ugu horeysay sida ay ii sheegeen Qaar ka mid ah Gudiga Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxa ay aheyd Ciyaartii ugu xiisaha badneyd ee Ciyaarihii mudada soo socday.

 

Waxaa Ciyaartii ay ku dhamaatay iyadoo Gobolka Karkaar ay heleen 7 gool halka Gobolka Nugaalna ay la yimaadeen 3 gool, Halkaas oo ay guushu ku raacday Karkaar.

 

Ciyaartii markii ay dhamaatay ayaa waxa Mar qura garoonka Kubadda cagta ee Mire Aware laga maqlayey Sawaxanka Taageeryaasha Gobolka Karkaar oo mar qura ku soo yaacay kudaha Garoonka iyaga oo ruxayey Marooyin iyo calanka gobalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this