Sign in to follow this  
General Duke

UN: Yusuf Inda Cade DRUG trade in Lower Shabele...

Recommended Posts

the website HORSEEDNET.COM

 

 

Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday in Shiikh Yusuf Indhacade ka ganacsado Daroogada (Warbixintii UN-ka)

 

Muqdisho:- Ayadoo ay weli taagan tahay buuqa ka dhashay warbixinta UN-ka ee la xariira xogta hubka Soomaaliya soo galaya, waxaa hadana soo baxay xogta Qabqablayaasha dagaalka.

 

Warbixintan la shaaciyey 7dii bishan Oktoober, ayey ku jiraan xog badan oo laga soo aruuriyey qaab ay u shaqeystaan Qabqalayaasha dagaalka ayaa waxaa kamid ah xogta banaanka loo soo saaray:

 

*Taageerada ay DFKMG ka heshay dalal Shisheeye

 

*Taageerada Mucaarad Dowlada ay ka heleen dowlado shisheeye

 

* Tirada hubka lagu kala iibsaday Soomaaliya iyo dadka iibsaday.

 

*Xaalada Gobalada dalka Soomaaliya

 

* Dakhliga soo gala Qabqablayaasha dagaalka (hogaamiye kooxeedka) iwm.

 

Warbixintan oo loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa looga codsaday golaha inuu Cunaqabtayn toos ah saaro hogaamiye kooxeedka Soomaaliyeed.

 

Warbixintan waxaa markii ugu horeysay uu Guddiga u Qaabilsan Soomaaliya si tafaftiran uga hadlay BEERAH DAROOGADA lagu beero ee koonfurta Soomaaliya.

 

Warbixintan ayaa ah tii ugu horeysay oo si toos ah u sheegaysa in Shiikh Yusuf Indhocade oo ah ninka maamulka gobalka Shabeelada Hoose, ee Soomaaliya si joogta ah dalka uga dhoofiyo DAROOGADa loo yaqaan MARIWANA nooceeda HASHISHka.

 

Warbixintan oo si tafaftiran u soo qaadatay Gobal walba oo Soomaaliya kamid ah iyo Qabqablayaasha ka taliya ayaan maqaalkan ugu horeeya uga hadleynaa wixii laga yiri Shiikh Yusuf Indhocade oo sheegta Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose.

 

Warbixinta ayadoo aan la tarjumin waxaa ka akhrisan kartaa hoos, balse aanu bal soo qaadano qodobadii ugu muhiimsanaa ee warbixintan ku jira.

 

Warbixinta Qaramada Midoobaya ayaa lagu sheegay in Shiikh Yusuf Indhocade uu leeyahay Beero gaaraya illaa iyo 10 beerood oo lagu abuuro Daroogada Xashiishka loo yaqaan.

 

Shiikh Yusuf Indhocade oo asagu hada kahor beeniyey wararkan, ayaa warbixinta sanadkan 2005 lagu sheegay in lacagta soo gasha hogaamiyahaasi ay ka timaado meel kala gedisan oo ay kamid yihiin:

 

Ganacsiga magaalooyinka Barawe iyo Marka oo uu ka qaato canshuur, lacagta uu ka qaato Hay'adaha caalamiga ah, beeraha Daroogada, Kaluumeysiga iyo meelo kale.

 

Qoraalka UN-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shiikh Yusuf uu si joogto ah dadka ku dhaqan deegaanada Marka uga qaado Canshuur.

 

 

Canshuurta

Canshuurtan ayaa la sheegay in la qaado TODOBAAD ama asbuuc walba.

 

Canshuurtan ayaa bil walba waxaa loo qeybiyaa maleeshiyooyinkiisa iyo xubnaha ku dhow dhow.

 

Lacagtaasi loo qeybiyo maleeshiyooyinka ayaa lagu sii gadaa Hubka.

 

Lacagta inta kasoo harta oo lagu qiyaaso $50.000 oo dollarka Maraykanka ah waxaa qaata Shiikh Yusuf Indhocade.

 

 

NGO-yada

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in hogaamiyahan lacag joogto ah ka qaato Hay'adaha caalamiga ah ee ka hawl gala deegaanka uu xukumo.

 

Waxaa taa usii dheer Shiikh Yusuf indhocade waxaa la siiyaa 15% (shan iyo toban percent) lacagta ay hay'adaha caalamiga ah siiyaan shacabka ku dhaqan deegaanka uu xukumo.

 

Sidoo kale lacagta Kirada ah oo ay bixiyaan hay'ada Caalamiga ah ee ku sugan Marka kala badh (50%) waxaa qaata Shiikh Yusuf Indhocade, halka badh ka kalena la siiyo dadka guriga leh.

 

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqaalaha ka shaqeeya hay'adaha caalamiga ah uu Soo xulo Shiikh Yusuf Indhocade laf ahaantiisa.

 

Wuxuuna leeyahay xubno gaar ah oo si joogta ah ulla socda dhaq dhaqaaqa hay'ada caalamiga ah si markaasi uu ugaado in aan la khiyaameyn.

 

Hadii ay hay'ad kasoo horjeesato sharcigan, Shiikh Yusuf Indhocade wuxuu ku amraa in ay isaga baxaan deegaanka uu ka taliyo.

 

 

Daroogada

Sida ku cad warbixinta Qaramada Midoobay guddigeeda u qaabilsan xog aruurinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay sanadkan 2005 in Shiikh Yusuf indhocade uu leeyahay Beero ay kasoo baxaan daroogada Xashiishka loo yaqaan.

 

Beerahan ayaa la sheegay in ay ku kala yaaliin deegaanka Janaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamarer iyo Kurtun Waarey.

 

Tirada dhabta ah ee beerahan ayey guddigan sheegeen in ay aan weli si kama danbeys ah loo xaqiijin balse lagu qiyaasay 10 beerood oo kala gedisan.

 

Dhamaan beerahan ayaa ku yaal dhul si xoog ah looga qaatay dadka deegaankaasi ku dhaqan.

 

Beeraha daroogada ay kasoo baxaan ayaa lagu tilmaamay in ay ka shaqeeyaan dad xirfad ulleh oo la socda qaabka loo abuuro, sida loo nadiifiyo iyo waliba dhanka dhoofinta.

 

Dhamaan dadka ka shaqeeya beerahan ayaa la sheegay in ay qaataan mushahar joogto ah oo ku filan.

 

Xashiishka beerahan kasoo baxa noocooda xumaada, waxaa loo diraa magaalada Muqdisho iyo dalalka jaarka la ah Soomaaliya, waa sida lagu sheegay qoraalkanee.

 

Halka Xashiishka qaaliga ah ee soo go'a loo diro dalal shisheeye.

 

Xashiishkan ama daroogada ayaa la sheegay inta aan la dhoofin in la la qalajiyo isla markaana si wanaagsan loo xidh xidho si aan markaa loo ogaan.

 

Waxaana la sheegay in daroogada laga dhoofiyo Airporka Magaalada Marka, halka xashiishka kale gawaari xamuul ah loogu qaado dalalka deriska ah iyo magaalada Muqdisho.

 

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 6 goor ay xashiishada kasoo go'ado beeraha uu leeyahay Shiikh Yusuf Indhocade, sanad walba.

 

Warbixintan ayaa qoreysa in Shiikh Yusuf Indhocade uu wado hawlo uu ku balaarinayo tirada xashiiskha soo go'a ama beeraha lagu abuuro.

 

Lacagta kasoo gasha Daroogada sanadkiiba marka la isku geeyo 10 beerood waxay gaareysaa $100.000 oo dollarka Maraykanka markiiba.

 

Maadaama ay beerahaasi soo go'aan sanadkii 6 goor, waxay noqoneysaa lacagtaasi $600.000 oo dollarka Maraykanka ah sanad walba, lacagtaasi oo ah midda sida tooska ah loo siiyo Yusuf Indhocade.

 

Maleeshiyooyinka Shiikh Yusuf indhocade ayaa la sheegay in ay si adag u illaaliyaan beeraha lagu abuuro xashiishka.

 

Hadaba warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si toos ah uga hadasha daroogada lagu abuuro dalka Soomaaliya.

 

Waxaana horey u jiray eedaymo noocaan ah oo loo jeediyey hogaamiye kooxeed kale oo Soomaali ah kuwaasi oo aan markaa aysan soo hadal qaadin beesha caalamka.

 

Dalalka ay dagaalada ka dhacaan ee Dunnida ayaa si weyn loogu yaqaan in ay kasoo dhex baxaan dad ka faa'iideysta maamul la'aanta iyo waliba sharci la'aanta.

 

Wuxuuna Adduunweynaha xasuusta ururkii Taliban ee ka talin jiray dalka Afghaanistaan oo ayagu ka ganacsan jiray Daroogada, ayagoo og in ay Diintooda kasoo horjeedo.

 

Mar wax laga weydiiyey madaxda sar sare ee Ururkii Talibanka sababta ay daroogada u dhoofiyaan, maadaama ay tahay ficil diinta Islaamka aad uga fog:

 

Waxay ku jawaabeen,.. Anaga Daroogada ma isticmaalno ee waanu dhoofinaa, dadka Adeegsada ayey u taal arrinkaasi...iyo Nin gaajeysan waxaas kama fakaro. Iyo erayo kale oo lamid ah.

 

 

Hadaba akhristoow waatan Warbixintii la xariirta Shabeelada Hoose ayadoo ku qoron Af-ingiriis:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Local administration of Lower Shabelle

 

Sheik Yusuf Indohaadde is in charge of the local administration of Lower Shabelle; he assumes the role of governor.

 

Indohaadde’s headquarters and state house are located at Buulamarer, situated on a large, active banana farm north-west of Marka.

 

The geographical area under his control includes the seaports of Marka and Baraawe — he has his own fishing fleet — and an airport at Marka.

 

The local administration also includes prime agricultural lands — including numerous “drug farms†on lands that were taken from the local farmers.

 

In order to exercise control over his geographical area, Indohaadde has his own militia, made up of men from his clan, and other militias from the same clan group, ****** .

 

Indohaadde also has a large number of personal bodyguards, individuals who are most trusted from his own clan.

 

 

Tax revenue

 

Revenue for Indohaadde’s arms purchases comes from traders, businessmen, the Marka and Baraawe seaports, the airports, checkpoints, farms, NGOs, the fishing fleet and other sources.

 

Indohaadde’s representatives collect taxes on a weekly basis. Every month, from the moneys collected, he pays militia members, his “inner circle†(advisers and closest associates) and the elders of the clan and makes purchases of arms.

 

After those payments are made, the remainder, which is approximately equivalent to $50,000, reverts to Indohaadde himself.

 

Indohaadde collects revenue from NGOs that want to operate in the area under his control; they must obtain Indohaadde’s permission and must pay him a sum of money to conduct their activities.

 

He receives at least 15 per cent of any NGO benefits that are offered to the local population. The fees paid by an NGO for the buildings they use are split between the owner and Indohaadde.

 

He has a say in the question of which Somalis work for NGOs — members of his own clan — and gets part of an employee’s salary.

 

He also has a network of people that monitor the activities of NGOs to ensure their compliance with his financial interests.

 

If an NGO does not comply with his requirements, he forces it to leave his area.

 

Indohaadde also owns drug farms in the area under his control, including at Janaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamarer and Kurtun Waarey; the exact number of farms is unknown, but Monitoring Group sources estimated that as many as 10 may be spread throughout his area. He is alleged to be dealing in marijuana (probably in the form of hashish).

 

Indohaadde’s drug farms are a sophisticated operation involving irrigation systems, fertilizers and herbicides.

 

The workers on the farms are experienced in the drug-growing business and receive a good salary to maintain the high quality of the drugs.

 

The drugs undergo a drying process and are packaged and concealed to avoid attracting attention.

 

The product is graded: poorer-quality product is sent to Mogadishu and neighbouring countries for local consumption, while the higherquality product is put into trucks and transported to airstrips or the Marka seaport for further transport to the international market.

 

There are about six harvests per year. Indohaadde is expanding his drugfarming operation, by increasing either the number of farms or production per farm.

 

He allegedly receives a total of approximately $100,000 per harvest for all of the farms.

 

Indohaadde has a “special representative†who handles drug-farm operations on his behalf and uses his militia to guard his drug farms.

 

Warbixinta UN-ka oo dhameystiran halkan ka daalaco

 

Hussein Farah Keynaan

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is what the government is facing. Fake religious courts now associated with DRUGS.

The lower grade stuff they sell in the streets of Mogadishu for local consumption. That pisses me of real bad. Our farmland being turned into a narco traffickers heaven.

 

So if Inda Cade is a drug merchant what about his allies, te courts, JVA and so on. What about the meeting in Barava??? Its dusgusting I tell ya..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fyr   

If you demonstrated this mush compassion towards Puntlands dirty laundry as you do with the south, I might just think you care a bite. So until that day comes please stop with the fake concern for lower shabelle natives.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Foolish as ever my brother. Nothing is worse than this. Look how many men claim to be a Shiekh and sell drugs to the kids of Somalia?

 

For those who support the TFG, it focuses us that we are on the right side. Against the bullies and drug barons such as Inda Cade and Co.

 

As for you, dont be bitter that there was no elections in SOOL, SANAG and CAYN. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indohaadde also owns drug farms in the area under his control, including at Janaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamarer and Kurtun Waarey; the exact number of farms is unknown, but Monitoring Group sources estimated that as many as 10 may be spread throughout his area. He is alleged to be dealing in marijuana (probably in the form of hashish).

UN monitoring group

 

Now why are the supporters of the warlords so quite>>>>>???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiye Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu ka ganacsado Daroogada Mariwana

Posted to the Web Oct 10, 23:26

 

 

PP:-Warbixin loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si toos ah looga codsaday in cuna-qabateyn lagu soo rogo hogaamiye kooxeed ku sugan Koonfurta Soomaaliya oo la ogaaday in uu ka ganacsado Daroogada loo yaqaan Mariwana.

 

Hogaamiye kooxeedkan ayaa la sheegay in uu leeyahay 10-Beerood oo lagu beero xashiishada,waxayna ku kala yaaliin sida ay warbaxintu cadeyneynso magaalooyinka kala ah:

1-Marka.

2-Baraawe.

3-Kunturwaareey.

4-Qoryooleey.

5-Buulo-mareer.

6-Janaale.

 

Daroogada ka soo baxda beeraha ayaa lagu sheegay inay ka shaqeeyaan dad xirfad u leh qaabka loo abuuro iyo qaabka loo nadiifiyo daroogada,Xashiishna ka soo baxa Beeraha qeybtii xumaata waxaa loo diraa Magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya waa sida warxbinta lagu cadeeyay.

 

Daroogada qaaliga ah ayaa la sheegay in loo diro dalal shisheeye iyadoo laga dhoofinayo garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Magaalada Marka,warbixintaan ayaa lagu sheegay in 6-jeer ay Xashiishada ka soo go,do Beeraha uu leeyahay Sheekh Yuusuf Indha-cade oo isagu sheegta gudoomiyaha degmada Marka.

 

Maleeshiyada Indha-Cadde ayaa la sheegay in sidoo kale ay canshuur xad-dhaaf ah ka qaataan dadka u dhashay deegaamada ay daroogada ka beertaan,waa markii ugu horeysay oo Xarunta qaramada Midoobay ee New-York laga soo saaro warbixin dheer oo ku saabsan Daroogada laga abuuro Soomaaliya iyo shaqsiyaadka ka ganacsadaba.

 

Halkan ka daalaco Warbixintii UN-ka ay ka qortay arrimahaas

 

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkiiba ka helo $600,000, Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday Dadkii Lahaan jirey...

 

Beerhaas daroogada oo lagu qiyaasay 10 Beerood waxay ku yaalaan dhul beeraadka Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey... Daroogada Tayada Xun ee aagaas ka soo baxda waxaa loo diraa Muqdisho iyo dalalka deriska ah, halka daroogada tayada leh loo diro dalal shisheeya....

 

Isha: Qaramada Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 11, 2005

Warbixin Dheer oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey markii ugu horeysey si faahfahsan uga hadashay waxyaabaha sababta u ah dhibka xalka loo waayey ee Soomaaliya in ay sal u tahay lacagta ay sida joogtada ah ee dhiig miiradka ah u helayaan qabqablayaasha dagaalka iyo ganacsadada Daroogada, dhuxul gurayaasha, Qaadka, iwm.

 

Qoraalka UN-ku waxa uu si gaar ah u xusay beeraha daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde uu ku leeyahay shabeelada hoose. Qoraalku markii uu arrintaas ka hadlayey waxa uu ku bilowday sidan:

 

Sheikh Yuusuf Indhocadde waxa uu ka arrimayaa gobolka Shabeelada Hoose; waa sidii governor (Guddomiyha gobolka). Xarrunta Indhocadde madaxtooyada u ah waa Buulamareer, oo ku taal aagga baaxad weyn oo uu ka baxo Moosku oo woqooyi galbeed ka xigta magaalada Marka.

 

Jograafi ahaan aagga uu ka arrimiyo waxaa kamid ah marsooyinka badda ee Marka iyo Baraawe - waxana uu leeyahay doonyo kalluumaysi - iyo garoonka diyaaradaha ee Marka.. Aggaas maxalliga ah ee uu ka taliyo waxaa kamid ah dhul beeraad - ay ku jiraan in badan beeraha daroogada ah, beerahaas oo laga qaaday dadkii lahaan jirey.

 

Si uu aaggaas u xakumo waxa uu leeyahay maleeshiyo u gaar ah oo uu isagu leeyahay, kuwaas oo ka kooban rag ka yimid beeshiisa hoose iyo qabiilkiisa (waxana qoraalku xusay qabiilkiisa). Waxa kale oo uu Indhacadde leeyahay waardiyaalaal tiro badan kuwaas oo ah kuwa uu ugu kalsoonida badan yahay oo ah beeshiisa hoose.

 

Miisaaniyada Sheikh Indhocadde uu ku iibsado hubka waxa ay ka timaadaa ganacsada, dekedaha Marka iyo Baraawe, garoonada diyaaradaha, isbaarooyinka, beeraha, NGO-yada, doonyaha kalluumaysiga, iyo ilo kale. Sheikh Indhacadde dad ka socda ayaa cashuurta ururiya Toddobaad kasta. Bilkastana lacagtii la ururiyey waxa uu ku bixiyaa ama siiyaa xubnaha maleyshiyadiisa, kuwa u dhowdhow ama ku xeeran ee jaalka la ah ama lataliyayaashiisa ah iyo cuqaasha qabiilka, waxana uu iibsadaa hub. Marka uu lacagahaas bixiyo, wixii soo hara, oo lagu qiyaasay $50,000 oo doolar waxaa qaata Sheikh Indhacadde qudhiisa.

 

Sheikh indhocadde waxa kale oo uu dakhli ka urursadaa NGO-yada oo la'aantiis aan aagaas ka hawl geli karin, waxaa shardi ah in ay lacag siyaan isaga si ay u helaan ogolaansho ay ku hawl galaan. Waxa la siiyaa boqolkiiba 15% waxa loogu talo galay dadka aaggaas deggan. NGO-gu guryaha ay deggan yihiin lacagta ay ka bixiyaan waxaa loo kala baraa Sheikh Indhocadde iyo qofka leh guriga (ama mulkiilaha guriga). Isga ayaana leh kelmeda ugu dambaysa ee ku saabsan Soomaalida ka hawl geleysa NGO yada - kuwaas oo ah beeshiisa - waxana uu helaa qayb kamid ah shaqaalahaas mushaharkooda. Waxana uu leeyahay dad isku xiriirsan oo dusha kala socda waxa ay NGO-gu qabanayaan. NGO-ga aqbali waaya waa laga eryaa aaggaas.

 

Sheikh Indhocadde waxa kale oo uu leeyahay Beeraha Daroogada oo ku yaal aagga uu xakumo, oo ay kamid yihiin Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey. Tirada rasmiga ah ee beeraha lama oga, laakiin Kooxda Qaramada Midoobey ee baaritaanka samaysay dad xog siiyey waxay ku qiyaaseen ilaa 10 beerood oo ku baahsan aagga uu Sheikh Idhocadde Xakumo. Waxaa lagu eedeeyey in daroogada uu waarido ay tahay Marijuana (qiyaastaa noca loo yaqaan XASHIISH-ka*).

 

Beeraha Daroogada Sheikh Indhocadde waa kuwo aad u xirfadaysan oo looga shaqeeyo hab ama nidaam waraabineed, bacrimin iyo kala dagaalanka cayayaanka. Shaqaalaha beerahaas ka shaqeeya waa kuwo khibrad u leh beerista daroogada ganacsigeeda, waxaana la siiyaa mushahar wanaagsan si loo helo darooga "Tayo ahaan Heerkeedu sareeyo**". Daroogadaas waxaa la mariyan nidaam lagu qalajinayo, waana la cabeeyaa, waana la qariyaa si aan loo arag. Wixii ka soo baxa waa la qiimeeyaa: qaybta tayo ahaan hooseysa waxaa loo diraa Muqdisho iyo wadamada deriska ah si meelahaas loogu isticmaalo. Halka qaybta tayo ahaan wanaagsana lagu raro gawaari, lagana dhoofiyo garoomada ama Dekada Marka si loogu suug geeyo suuqyada caalamiga ah.

 

::: WARBIXINTA UN :::

 

Warbixintii Qaramada midoobey ay ka qortay Soomaaliya Oct 5, 2005, oo ka kooban 60 bog oo ku qoran Af Ingiriisi.. [PDF]

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Tarjumaada qoraaladan waa soo dhoweyneynaa..

::: WARBIXINTII I.C.G:::

 

Warbixintii Ururka "Crisis Group" ay 11kii July 2005 ka qoreen Soomaaliya oo ka kooban 28 bog oo ku qoran Af Ingriisi [PDF]

 

 

Qiyaastii sannadkii lix jeer ayaa la beeraa (Lix Dalag Qodaal oo la soo goynayo Daroogo). Sheikh Indhacadde waxa uu ballaarimayaa beerihiisa Daroogada, si uu taas u sameeyo waxa uu badinayaa tirada beeraha ama waxa uu kor dhinayaa xaddiga beertiiba ka soo baxda. Waxaa lagu eedeeyey in uu halkii mar oo la beeroba (Dalag qodaal daroogo) uu ka helo $100,000 oo ah beeraha oo dhan (waxaana la beeraa lix jeer sannadkii, 6x$100,000 = $600,000 sannadkii).

 

Sheikh Indhocadde waxa uu leeyahay "qof khaas ah" oo u kala wada hawl galkiisa beeraha daroogada, waxana uu adeegsadaa malayshiyadiisa si ay u waardiyeeyaan beeraha daroogada. Ayey tiri warbixinta Qaramada Midoobey [Eeg halkan..]

 

*NB: Xashiiska waxa laga sameeyaa ubaxa iyo iniinyaha geedka marijuana, waana maan dooriye halis ah - Marijuana waxaa kujira aalad maanka maanka doorisa oo loo yaqaan delta 9-tetrahydrocannabinol, loona soo gaabiyo “THC.â€

 

**"Daroogo Tayo leh" waxaa looga jeedaa waa darooga durbadiiba xiska ama maanka suuleyna, isla mar ahaantasna qofka isticmaalaa uu noqonayo mid markasta noocaas u baahan.

 

Warbixintii Qaramada Midoobey halkan ka akhri... GUJI

{Waa qoraal u bahaan Tarjumaad si shacabku u fahmaan arrinta ka jirta Soomaaliya}

 

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Oct 11, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Sheik Indha Ade labeleld as a druglord by the UN. I hate the UN they know what's going on and they are not doing anything about it so what is the point of talking about it in the first place. UN has been no help to the Somalian Government. This government will take the steps needed for a safe Somalia in any matter. The UN needs to put both of it's hands in Somalia or take both of it's hands out because one hand is no good.

 

This government is not only facing War-lords but also druglords that don't give a **** about the homeland they have turned our farmland to drugland they must be reminded that Somalia is no going to South America.Those that support the war-lors and druglords are no different they don't give a shit about the homeland also so please don't come on somalionline and act like you seem to care.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ This is the reason why these people dont want a national govenrment. The fars, the land the air and seaports are all used to enrich one man and his clan.

 

Also is "Dr" Abdiqasin not implicated in this.

What about Xabsade of Baidoa was Inda cade not the man who invaded the city to prevent the TFG from settling there?

 

So where are you guys now?????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaramada Midoobey oo Shaaca Ka Qaaday Tirada Beeraha Daroogada Sheekh Indhacadde

Posted to the Web Oct 11, 06:59

 

 

Beerhaas daroogada oo lagu qiyaasay 10 Beerood waxay ku yaalaan dhul beeraadka Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey... Daroogada Tayada Xun ee aagaas ka soo baxda waxaa loo diraa Muqdisho iyo dalalka deriska ah, halka daroogada tayada leh loo diro dalal shisheeya....

Share this post


Link to post
Share on other sites

What about the meeting in Barava???

The meeting in Barava had nothing, absolutley nothing to do with you, get off the case.

 

 

Now why are the supporters of the warlords so quite>>>>>???

Cajiib, oo adaaba uu hadlayo warlordka uu weyn.

 

 

It makes me sick to my stomach that such unsaviory characters not only occupy parts of our country but actually have the audacity to call themselves sheiks!!!! disgusting!!!

Using other peoples work as our own eh?

 

http://www.somalinet.com/forum/viewtopic.php?t=34021 icon_razz.gif

 

 

So where are you guys now?????

A field day for the has been deppressed DUKE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fyr   

Foolish as ever my brother. Nothing is worse than this.

I’m not here to say which one is worse than the other unlike some bitter individual such as you. Let me just see if there are some differences or similarities between Marka and Bossasso.

 

This is the day to day activities of Bossasso port, smuggling of small arms, narcotic drugs, charcoal, piracy and the worst of them of all “Human Traffickingâ€. You would think a place like this must be ruled by warlords if I didn’t tell you that it’s an actual state ruled by law and order.

 

Sadly this brutal trading in human suffering has been going on with the full knowledge of Puntland’s administration and Mr Duke here who is very keen on not reporting this to us as he does with southern Somalia's dirty laundry.

 

As for you, dont be bitter that there was no elections in SOOL, SANAG and CAYN.

The funny thing about this statement is that Duke actually thinks that this statement annoys me somehow, but I’m happy to tell you that elections took place in very region in Somaliland but not in every district and please don’t say CAYN is a region when it is in fact a district.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this