Liqaye

HAMADA BEENTA AH EE COL. C/LAAHI YUSUF By FEISAL ALI WARABE

Recommended Posts

Liqaye   

Waxa Qoray Eng. Faisal Cali Waraabe (Gudoomiyaha Xisbiga UCID).

Maqaalkan waxaan u qoray in ummadda Soomaliyeed ee ku nool Geeska Afrika iyo

inta wax ma garatada ah ee Xamar joogtaa ay ogaato cidda xumaysay

Soomalinimadii iyo Cidda baabiisay himiladii Soomaliweyn iyo sidii loo

khiyaameeyay dadkii reer Soomaliland ee qaarnimadoodii dhaafsaday midnimada

oo ah sida ay xaqiiqadu tahay.

 

Waxa kale oo qoralalkan aan ugu sheegayaa siyaasiyiinta ********* inay

ogaadaan in dadkan maanta jooga ee Soomaliyeed aanay ahayn kii 60kii, oo

maanta aanay khiyaamayn karin xitaa Mawliid Macaane.

Waxaad moodaa in beyahan dambe intii u hanaqaday shirkan sannad jirka ah ee

dalka Kenya , in Cabdillaahi Yuusuf uu isku dhigay madaxweynaha dowlada

faderaalka ah ee ee Soomaliweyn- Somaliland iyo Somaliya. Cabdilalahi wuxuu

uu muuqdaa nin ku guulaystay in uu soo celiyo dowladii lixdankii ee Governo

******* ee uu ku taamayay ilaa 1979 kii markii u ka dhicisoobay

Afgembigii 9kii Apriil 1978kii iyo burburkii iyo isa soo dhiibkii jabhadii

SSDF ee 1982. Cabdillahi wuxuu hoos u eegayaa macalimintiisii soo celin

kariweyday dowladii *******, kuwaas oo ah Cabdirizaaq Xaaji

Xuseen, marxuum Bardacad iyo Maxamed Abshir iyo yarkii firfircoona ee ka soo

qalan jabiyay dugsigii Afweyne ee Daaroodaynta Soomaliya - Xassan Abshir.

 

Cabdillaahi Yuusuf hadda wuxuu isku haystaa qofkii isku dhararin laha

madaxdii Adduunka ee caanka noqotay siiba qarniikii 20naad. Cabdillaahi

wuxuu isku haystaa in uu iska dhigi karo General Diigool ama Marshaal Tito.

Labadaa hoggaamiyaba wuxuu isleeyahay waxbaad la wadagtaa .

 

General Diigool waxuu ku guulaystay in uu sameeyo Jamhuuriyada 5aad ee

Faransiska, halka uu Cabdillaahina is leeyahay waxaad ku guulaysatay in aad

samayso Jamhuuriyadii 2aad ee ******.

 

Marshal Tito wuxuu ku guulaystay in u abuuro dawladii Fadaraalka ahayd ee

Yuguslaafiya oo ka kobnayd 8-d qowmiyodood oo kala jaad jaad ah. Cabdillaahi

waxuu is leeyahay waxaad ku guulaysatay in aad ka adkaatay qabqablayaasha

dagaal ee Soomaliya is la markaan aad ku guulaysatay in aad burburiso

dawlada Somliland.

 

Waxaynu eegi doonaa waxa ku kalifay in uu Cabdillaahi Yuusuf, hawadan beenta

ah iyo hamadan aan suurtagalka ahayn isku laab raaciyay.

 

Waxa lama huraan ah in aynu dib u raacno taariikhda siyaasadeed ee dalkii la

odhan jiray Italy Somalia iyo Jamhuuriyadda Soomaliya ee 1960-1969. Waxaynu

garan karnaa waxa ku kalifay in uu Cabdillaahi Yuusuf uu had iyo jeer u

gashado kabo ka waaweyn, dhul aanu lahayna oo aanu xiitaa haysan awood uu ku

qabsado uu mar kasta u sheegto sida Gobalada Mudug, Kismayo Sanaag iyo Sool

markay noqoto arrimaha siyaasadeed ee Soomalida.

 

Dowladii gumaysika ee Talyaanigu markay qabsanaysay Koonfuurta Soomaliya

waxay heshiis la gashay Boqortooyadii ****** ee Gobalkii *********

ee Jamhuuriyadda Soomaliya . Hishiiskaasi waxa ka mid ahaa in ay

********** gacan ka siiyaan Talyaaniga in ay gacanta ku dhigaan

qabaaa’ilka Soomaliyeed ee kale, ka dhibna ay abaal marin u siin doonto

awooda hoose ee hoggaanka dhulka.

 

******teenku wuxuu gacan ka siiyay Talyaaniga sidii ay u qabsan lahayd

qabaa’ilka Soomaalida. Talyaanigu markii uu ku guulaystay taladii iyo

awoodii Soomaliya wuxuu ******teenka ugu abaal guday in uu ka dhiga Qabiilka

ugu sareeya qabaa’ilka Soomaaliya isaga oo u dhiibay xilalka markaa ugu

badnaa ee ay in ay Somalidu qabato.

 

Mar kaliya ayay ****** noqdeen awooda labaad ee Soomaliya Italy ee ku

xigta dadka Talyaaniga. Mamulkii hoose ee Soomaliya ayaa gacanta u galay

dadkii ********** ee ka soo haajiray gobolka ********* ugu nolasha liitay

dalka iyo gobalka mudug.

 

Hogaankii siyaasadeed ee ********** waxuu ku guulaystay in uu gacanta ku

dhigu maamulki talyaaniga ee Qaramadda Midoobay u igmadeen in ay Soomaliya

gobanimo garsiiyaan muddo 10 sanadood ah. Waxa kale u ay gacanta ku dhigeen

Wakiilki Q.M. kamaal-Diin oo aha nin Masriya. Kamaal-Diin waxay ka raarideen

in ay ka soo jeedaan carab oo ay ka duwanyihiin ****** iyo dad kale ee

Soomalida uu ka soo jeeda Bantuu.

 

U diyaar galowgii gobanimada 60ka , waxa Kamaal-Diin ka dhisay dhaaman

tuulooyinka ****** iyo Mudugta ****** Madarasado Af Carabi ah,

waxaanu Xamar ka dhisay dugsigii sare ee Allaahiga, oo sida la wada ogayahay

khaas uu aha dadka ******.

 

Dhinaca kalana Talyaanigu wuxuu ku caweeyay ****** in uu tuula kasta

oo ay dagaan, amba ha ahaato gobalka ****** amba ha ahaato Wagooyiga

Mudug in ay ka degaan degmo si ay u yeeshaan xubno Baarlamaan marka

dowladnimo la helo. Taliskii Talyaanigu waxuu u diyaariyay ****** in

ay la wareegaan talada Soomaliya 1960.

 

****** waxuu gacanta ku dhigay awooda dalka 70% tallada iyo hogaanka

Booliska 80%. Waxay la wareegiin dhul beeraadkii iyo magaalada Kismaayo oo

ay dhismaheeda yeesheen 90%. Waxa ay aad uga faa'idaysteen Baankii Credito

De Somaliya oo ganacsatadoodu kaligood ay aamaahda ka heli jiriin.

 

Waxaa u fududaatay ****** in ay la wareegaan dhismayaashii iyo

Beerihii asandooyinka ee shabiga Talyaangu iska ibinayeen markii xornimaddu

soo dhawaaty. Mar kaliya ayey ********** isla heleen awood dhaqaale iyo

awood xukun.

 

Waxay isticmaleen habkii gumaysiga ee ahaa (Qaybi oo Xukun). Waxay aad u

kala qaybiyeen Beelaha ****** iyaga oo is aamin dara wayn ku kala dhex riday

Beelaha ****** iyo taas u ilaa maanta taagan.

 

****** iyagan qaar bay u sheegeen in ay ka soo jeedaan ******* marka

ay ku guulaysteen in ay hogaanka u hayaan sida Suube.

 

Markii 60kii la gaadhay, hogaankii siyaasaadda ee ********** waxuu ahaa

quwada kaliya ee isku duuban ee qorsha siyaasadeed oo danatooda ah lahaa.

Waxay qorsheeyeen siidi ay awooda dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen iyo

sidii ayna uga bixi lahayn waligeed.

 

waxay qorasheeyeen kuna guulaysteen in maamulka dalka 50% ay qayb u qataan

50% kalaana in ay ka shaqeeyaan siidi ay wax u ga helilahaayeen.

 

Baarlamaankii konfuurta ee 60kii waxay degmooyinkii yar yaraa ee Talyaanko u

qorshay in ay ku helaan kurasii u guyeen 33%. kuraasida guud ee Soomaliya oo

ka kobnaa 60 markii danbana ay ka dhigeen 90 kursi. Kursiga xubin Baarlamaan

ee ********** waxuu joogay 70-100 cod halka u kursiga dadka kale joogay

1000-2000 oo cod. Waxaa kale oo ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan

ciidanka Booliiska, markaa ma jirin ciidan mililatari oo konfuurtu amba

Somaliya lahayd.

 

Hogaanka adag ee ********* waxay ka shaqayeen in dalku qaato habka

dowladnimo ee dalka Talyaaniga oo ah habka (Parliamentary System), habkaas

oo ay fulita dowladu leeday Madaxweyne maamuus iyo Raa'isal wasaare

fulineed. Marka waxay qorshayeen siidi ay u qaadan lahayeen Raa'isal

wasaaraha awood leh, waanay ku guulaysteen Waxay noqdeen Beesha kaliya ee

leh aqlabiyad balaadhan ee baarlamaanka ah, Raa'isal wasaare iyo talladi

ciidanka Booliiska, waa quwad aan la horjoogsan karin.

 

Markii Soomaaliland keentay fikradii isku darka labada dal, ********** ma

filayn in ay arintaasi suurtagal noqonayso, waxay arkayeen in Soomaliland la

imaan doonto shuroodo kuwaas oo isbel ku keenidoon qorshahoodii iyo

samigoodi awooda, marka waxay u diyaar ahaayeen in ay gaashanka ku dhuftaan

isku darkii laba dal, mar hadduu wax yeelayo dantoodii Beelnimo.

 

Markii reer Soomaliland yidhahdeen midnimo bilaa shuuruud ah, *********

farxad iyo filanshawaa ayay ka noqotay. Siyaasiyiin reer konfuurid ah oo

waxa jiray damiir leh oo danaynayay niyaad waanaga reer Soomaliland ee ku

fakaray in si xaq ah loo qaybiyo awooda dalka mar haddii ay reer Soomaliland

xilkii dusha ka saareen reer Soomaliya, oo soo jeediyay in wax loo qaybsaado

siidi laba dal, oo uu midna qato madaxwynaha midna qaato RaaisaL wasaaraha

dalka. Markiiba waxa ka howlgalay siyaasiyiintii ********** si aanay

arintaasi u dhacdeen.

 

Iyaga oo isticmaalaya habkii guumaysiga ee (Qaybi oo Xukun) ayay hogaankii

reer soomaliland oo marka ay hayso jibadii Somaliweyn( greater Somalia) oo

aan qabiil maskaxda ku haynin ku bilaabeen in ay reer u kala saaraan, si ay

meesha uga saaran figrada laba dal- Somaliya iyo Soomaliland oo ay ka

dhigaan Qabaa'il ku soo biiray qabaa'iilkoodda kale , awood qaybsigana loo

daayo siidii ay qabaa'ilka Soomaliya hore ugu qaybsadeen.

 

Hoggaanka reer Somaliland wax dan ah oo uga sokeeya danta soomaliweyn ma

jirin, shacbigu aad ayay uga baqayeen haddii ay diidaan qaybta la siiyo.

Khiyaamo ********** ayay ku timid in dalkii Somaliland loola macamilo

shakhsiyaad lana siiyo 3 saddex Wasiir iyo guddomiyaha Baarlamaanka-(

Khiyaamadii qarnigii 20aad iyo Masiibadii reer Soomaliland dheh)

 

Jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960-1969

 

Muddadii 1960- 1969, waxaynu odhan karnaa in ay ahayd wakhtigii dahabiga

ahaa ee beesha ********** (Golden Time), waana ta uu ku hamiyayo maanta

Cabdillaahi Yuusuf in uu soo celiyo. Wakhtigaasi waa markii ********** si

rasmi ah u mulkiyeen awooddii Soomaliya iyo Somaliland. Waxay ku guulaysteen

in xataa Madaxweynenimadii aan awooda distuuri aan lahayn ee lagu

khiyameenayay beesha ****** ee magac u yaalka ahaa in aanu ka baxsan ee ay

mariyeen in la doorto Aadan Cabdillaahi Xasan, oo ahaa nin la xidid ah oo

qabay Taliyaha Ciidaanka Booliiska Gen. Maxamed Abshir Edadii. Sannadihii i

1960- 67, waxay lahaayeen Shan Wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha

gudaha iyo Taliyaha ciidanka Boliiska iyo Raysal Wasaaraha. Sanbadihii

1967-69, waxay lahayeen 5 Wasiir oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha

iyo Madaxweynaha.

 

Siyaasiinta ********** waxay awoodeen in ay labadii Beelood ee gobalada

Somaliland iyo Soomaliya ee lahaa labada Raysal Wasaare in ay khiyaameeyaan

oo ay ku caameeyaan laba jago oo aan awood Dastuuri ah lahayn, kuwaas oo

kala ahaa Madaxweyne iyo gudomiyaha Baarlamaanka.

 

Intaa waxa ka darnaa iyagaoo la soo baxay labada nin ee ay labadaa jago la

rabeen. Waxaad odhan kartaa wakhtigaa wax qaan gaadh siyaasadeed lahaa ma

jirin oo aan ********** ahayn.

Beryahaa waxa soo baxay hadal badan oo sheegaya awoodaha qayral caadiga ah

ee ********** dadka ******ku wuxuu ku shirbiyay ( Marna Rashiid marna

Risaaq, inta kale ma Rootibaa). waxay la yaabeen markii la badalay 1964

Raysal Wasaarihii Cabdirashiid , ********* ayaa la magacabay

Cabdirisaaq **********.

 

Wakhtigaa maagaalada Kismaayo waxa loo bixiyey Alabaama state, iyada oo aan

qof aan ********** ahayni guri ka dhisan karin shaqana ka qabsan karin,

Kismaayo awoodeeda 100% ********** ayaa gacanta ku hayay ilaa uu Shire Suudi

oo ahaa guddoomiyihii Jubadda Hoose xukunkii Siyaad Bare iyo Cascasay oo la

dhashay Siyaad Barre ay ka xoreeyeen.

 

Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay kula baxday Governo. waxa mudan in aynu weedhan layaabka xanbaarsan darisno. , ***** waa laf ka soo jeeda reerka ********** , waxay u

gaybsamaan saddex jilib:

 

· *****

· *****

· *****.

 

Markaa waxa muuqata in weedhani ka turjimayso saamiiga saddexdan jilib oo

aan midkoodna lahayn magaalo micno leh amba ay ku noolyihiin 1000 qof, marka

laga reebo ****** oo dhinac ka daga GAalkacayo, oo u ahayd ta ugu

dadka yar marka laga reebo Boosaasso siddeedii magaalo madax gobaleed ee

Jamhuuriyaddii Soomaliya ka kobnayd intii ka horaysay taliskii Afweyne.

 

Markaa aynu eegno waxay ka heleen jagooyinka sarsare ee Jamhuuriyaddii

Soomaliya waa sidan.

· *******- Raysal Wassaare iyo hal Wasiir 1960-64, iyo Xoghaye

Guud ee xisbigii SYL oo awood buuxda lahaa 1967-69, Madaxweyne iyo Wasiirka

arrimaha gudaha.

· ****** - Waasiir, Taliyaha Booliiska , iyo Madaxweynaha oo

seediigii ahaa.

· ***** iyana waxay heleen Raysal Wasaare iyo Wasiir

 

****** kumay ekaan in ay hantiyaan dawladii iyo Baarlamaanka oo keliya

ee waxay gacanta ku dhigeen xisbiyadii siyaasada, xisbigii SYL, oo markii

danbe u xub siibtay hay’ad ********** lahaa. waxay qabsadeen jagadii

Xoghayihii Guud oo u dhigmaysay jagada Raysal Wasaaraha, Yaasiin Nuur Bide

ayaa jagadaa hayay, marka waxay marayeen in aanay kuraasida ********** ee

baarlamaanku ku ekaan dhulka gaar ahaan ay u degaan ee ay awood u yeeshaan

in ay ka soo baxaan gobalada Koonfuur oo dhan.

 

Waxa Yaasiin u suurto gashay in uu xubno ********** ah ka soo sharaxo

magalooyinka Jawhar, Xamar, Marka, Jilib, Kismayo iyo Xudun,oo inta badan ay

ku guulaysteen.

 

Dhinaca kale xisbigii ugu adkaa xagga mucaaradka ee siyaasada bidixda

raacsanaa SDU-( Calan Cas) oo taageero laxaad leh ka heli jirtay dawladihii

Shuuciga waxay tala ahaan gacanta u galiyeen madaxna uga dhigeen *********

Bardacad oo ahaa nin ****** ku gaamurtay hase ahaatee Soomaali u

xidhay shaadh guduudan. Bardacad magac xisgiga SDU wuxuu sannadkii ku helii

jiray deeq waxbarasho oo dalalkii shuuciga ahaa ay bixin jireen, deeqdaas oo

dhammayd ilaa 300 oo arday, ha u badato dalkii Midawga Soofiyeti oo kaligii

bixin jiray ilaa 120 arday. 300 ee arday boqolkii 80% waxay ahaayeen

********** 20% kalena waxa ay ahaayeen waxay cagaha ku qataan sida ***** , *****, ***** iyo ******.

 

Markaa waxa u suurtagashay ****** in ay wixi kuuraasi Baarlamaan ka

soo baxa SDU-na ay gcanta ku dhigaan, taas oo marka lagu daro magaalooyinka

kale ee konfuurta kuurasdii Baarlamanka ee ********** kor u kaceen 25%,

tusaale ahaan waxa suurtgal noqotay in Xamar ay ka soo baxaan dhinac SDU-da

Bardacad iyo Cabdi Casiis Nuur Xersi, *****, oo ahaa shoodhe **********

. Marka halkas ayay ka timi naanaystan GOVERNO *******.

 

Waxay siyaasiinta ********** qorsheeyeen xitaa haddii uu mucaaradtku ka

guulaystaan doraashooyinka in qofka Raysal Wasaaraha ahi noqdo qof

********** ah. Mar qudha ayuu ********* noqday Qoyskii Soomaliya xukumayay (

The Ruling Family of Somalia).

 

Awoodaa badani dhibaato iyo nabcaansho fara badan ayay u keentay Beesha. Waa

mar’e qabaa’ilkii Soomaliyeed oo dhan ayaa cadaawad u qaaday xitaa kuwii ay

ku lahayeen dan ******* baanu wadnaa, waa taa labaade iyago sii laxaad leh

dhulkoodii kaga soo haajiray, dhul aanay lahayna degay oo ay maal gashadeen.

 

Dhibaatadadaasi waxay si xoog leh u dareemeen markii ay ****** ka saareen

koonfuur sannadkii 1992 oo dhan, oo ay xitaa daafici kari waayeen magaalada

kismaayo . Mahad waxa leh Siyaad Barre oo dabayaaqadii xukunkiisii u

sameeyay Dekedda yar ee Tuulada Boosaaso.

 

Taariikhda Soomaliyeed lama sheegin meel ay dagaaladii qabaa’ilka ay

********** guul ku keenin, hase ahaatee waxaad moodaa in ay siyaasadii

Qarnigii 20aad ay Soomali kaga badiyeen in kasta oo ay cidhib iyo cawaaqib

xun ku yeelatay.

 

Waxa isweydiin leh halkuu kaga jiray Col. Cabdillaahi Yuusuf, Sannadahaa

Barwaaqada. Kornaylku wuxuu ahaa AMIIR ka tirsan ciidankii xoogga

Soomaaliya, wuxuu ahaa hoggaamiye aan muran ku jirin isaga oo isku

diyaarinaya hoggaanka siyaasada ee jiilka dambe, wuxuu qaabilsana

waxbarashada saraakiisha xoogga dalka , halkaas oo boqolkiiba 50% uu ka

dhigii jiray ********** saraakiisha dibaada waxbaraashada u tagaysa.

Arrintaas waxay wax ugu tartay markii u 1978-79 uu maleegayay afgambigii

dhicisoobay iyo markii uu sameeyay Jabhadii la jabiyay ee SSDF Laakiin

Kornayka iyo Siyaasiinta ********** waxay garan waayeen in ay qortaan askar

ka soo jeeda Beelaha ay kabaha ku qataan si ay u difaacaan dawladooda, sidii

Siyaad Barre sameeyay.

 

Cabdillahi wuu ka awood badnaa Gen. Daa’uud waad iska garan karntaa kornayl

yar oo qoyskoodu awoodda dalka haystaan inaanay cidna is hortaagi karin.

 

Markii Gen. Siyaad uu qabtay hoggaanka xoogii Soomaliyeed, waxay noqotay

jagadaasi tii kaliya ee gacanta ********** amba ciyaal ********** ka maqnayd

dalka oo dhan, ka bacdi ********** waxaynu odhan karnaa waxay si buuxda u

mulkiyeen awoodihii Baarlamaanka, Xukuumada, Asxaabta , Booliiska iyo xooga

dalka. Waagaa lama maqli jirin Beelaha **** ee Konfurtii Jamhuuriyadda

Soomaaliya, Beesha ********a, ********* waxay ka raarideen dadka in ay

dhammantood degaan Itoobiyana ay qaxooti ku yihiin.

 

Tuulada Afmadow ee jubada hoos ayay u ogaladeen.

Cabdillahi kama haybadaysan jirin Gen. Siyaad oo markaa ay tol la'aaani

haysatay oo ********* magan u ahaa. Waagaa marka la waydiiyo qof **********

ah haybta Siyaad Barre waxay ku Jawabi jireen " Waa Ciyaalo ********** "

Hoggaanka siyaassada ee ********* kumay guulaysan khiyaamaynta iyo boobkii

taladii dawaladii J. Soomaliya ee sanaadadii 1960kii ee waxay sii fiicaan

ugu guulaysteen been ka sheega taariikhda Soomalida, sida ay dhulka u kala

degaan iyo tirada Beelaha Soomaalida. Haddii aad akhrisatid Buugaagta J.

Somalia laga qoray waxaad arkaysa in ay been ********* iyo Afweyne ka

buuxaan.

 

Cabdillaahi Yusuf wuxuu qabaa in ay Soomalida ku nool dalkii J.Soomaliya ay

u qaybsanto **** iyo ****, Daaroodna ka kooban yahay ********** iyo in yar

oo soo raacda, sidaa awgeed ay lama huraantahay in ********** yeesho 40%

markay timaado awood qaybsi Soomaliyeed.

 

Afganbigii Siyaad Barre ee 1969 , waxuu ahaa inqillaab ******* . Markii la

arkay sida ********* awoodii dalka ay u boobeen iyaga oo afka ka leh waa

qaybtii ******* .

Markii la arkay Beelihi Soomaliyeed ee kale oo aad isugu abaabulay, sidii

samayntii Xisbigi SNC iyo kalmada ***** oo israaciisay beelaha ***** , ***** ,

********** , ****** iyo *** oo dhan dadka Soomaliyeed ee J.somaliya 80%.

Markii la arkay in jagadi dalka ugu awooda badnayd gacanta u gashay reer

Somaliland .

 

Cabdillahi Yusuf iyo Afganbigi 1969.

 

Ayaa Siyaad ku fakaray in afganbi la saameeyo, si loo sii wado xukunka

Darood ee Soomaliya oo ay khatar galinayso hunguri weynaanta awoodeed iyo

xirfad xumida siyaasadeed ee ********** . Siyaad barre wuxu isticmaalay

saraakiil badan oo Soomaliyeed oo dhallinaryo ah.

 

Maslan markuu qoranayay saraakiishii ***** oo door weyn ka qaadatay

afganbigi siyaad, wuxuu odhanjiray," waa in aynu dalka ka badbaadina

musuqmaasuq iyo qabyaalada." Markuu Saraakiisha reer konfurta la hadlayaana

waxuu odhan jiray" sidee waaye awoodii dalku- Raysal Wasaaruhu waxay gacanta

u gashay reer Waqooyi". Marka uu la hadlayo saraakiisha ***** ayuu sheegi

jiray runta, waxaanu odhan jiray" awoodii dalku gacanta ********* way ka sii

baxaysaa , waayo ********* ****** wax uma ogola, Isna kaligii ma hayn

karo".

 

Col. Cabdillhi yusuf, waxuuu ahaa saraakiishii ********** ee ugu horayntii

loo soo bandhigay. Waxa loo mariyay arintaa saraakiil ***** ah. waxa la

sheegay in ay saraakiishaasi ay Kornelka ku casumeen Baar lambar konto

(no.50) , oo ku yaalay wadada u dhaxaysa Afgoye iyo Marka.

 

Waxaa la sheegay markay u soo bandhigeen in ay haboontahay in ay sameeyaan

afganbi ***** sii loo soo eiliyo awoodii dawalada oo hadda gacanta u gashay

***** , danihi ****** ay khatar ku jiraan. Cabdillhi waxuu waydiistay

saraakiishii in ay siiyaan saddex malmood in uu arinta kaga soo fakaro.

Waxaa la sheegay in saddexdii malmood ka bacdi ay isla meeshi ku kulmeen,

Cabdillhai waxuu yidhi" Markan eegay sida tolkay yahay maanta iyo sida u

noqonayo afganbiga ka bacdii, waxaan door biday siida u maanta yahay".

 

Cabdillahi siidas ayu afgnbigi ***** u diiday, isaga oo u muujiyay in aanu

wax ***** ah danaynayn. Sidaas ayaana loogu badalay gobalada Wagooyi,

markii afganibigi guulaystayna loo xidhay. Sida ayuu afganibigi u noqay,

Kacaan : ********* , ******* iyo *****,( M.O.D.) bilaa ********* .

 

Cabdillahi yusuf waxuu forsadiisi uriyay markii dagalkii J.S. Soomaliya iyo

Itoobia sannadkii 1977, markaas oo Cabdillahi u dhowr sano maareeye ka ahaa

wakalad, markii xabsiga laga sii daayay, ayaa dagaaladii loogu yeedhay isaga

iyo wax alaale iyo waxii militari ah ee shaqo raa'yid hayay , sida Xasan

Kayd, Caydiid , Cawil, Cabdillahi waxaa taliye looga dhigay qaybta dagaalka

ee SIDAAMO, IYO BAALI., waxuu gacant ku dhigay ciidankii qaybti 60aad ee

gobalka Bay iyo dhoor gaas u fadhiyay gobalda Gedo iyo Xudun iyo ciidamo

badan iyo sannad laga kaxiiyay gobalka Banaadir.

 

Dhinaca Waqooyina waxa taliyaha dagaalka laga dhigay Kornel Cirro. Markaa si

yar ayay awoodii xooga dalku gacanta u gashay ********* , laakiin dadku waxuu

ku jeeday dagaalka iyo xoreynta Soomali galbeed , taas oo ahayd fursad kale

oo soo martay, tiiyo markaa Itoobiya dhexdooda ay ka socotay dagal sokeeye.

 

Cabdillahi iyo Cirro, waxay ka shaqeeyeen in dagaalka Soomaliya lagu jabiyo,

intaan xitaa Ruushka iyo xulafadoodo aanay gacanta siinin Itoobia. Cirro

waxuu bilaabay in uu curyaamiyo dagalka, isaga oo marka la soo weydiisto

Nafto diri jiray Bensiin, marka rassaas la weydiistan diri jiray mid qalad

ah. Dhinaca kalana Cabdillahi wax dagaal ah ma qaadin, ujeedaasina waxay

ahayd nabad ilaa markii dagaalkii dhamanayay.

 

Labada kornel waxay qorsheeyeen sidii Soomaali dagalkan ugu jabi lahayd ka

bacadina dadka iyo ciidamada oo cadhaysan ay afgani ********* u sameen

lahaayeen.

 

Cirro waxuu sameeyey wax alaale iyo wixii uu is yidhi ciidaamado ha ka

gadoodeen. Markuu Sabataajkii dhamayay ayuu bilaabay inuu laayo saraakiil

iyo ciidamo ka badan 200 oo saraakil xigeena ahaa. Taariikhdaa taas

markhaati iiga ah, haddaanad warkeeda haynin bal adiguba dabagal ku samee.

 

Cabdillahi waxuu sii ficaan fursad ugu helay markii Soomalida laga soo

saaray Itoobia, ee ciidamadii oo dhan la fadhiisiyay soohdinta. Markaas

magaalooyinka oo dhan ciidama ma joogaan, oo xitaa Xamar waxay ahayd

baylah.

 

Sidii lagu yaqaanay Cabdillahi Iyo Ciro , afganbigii waxay ku koobeen

********** , markaas ayey dadka kuwaali jireen shookooyin iyo naxdintii

guuldaradii dagaalka iyo jabkii lama filaanka aha ee Soomaliya, 9kii April

1978 ayay afganbigi ka dhucisoobay ku kaceen.

 

Markii u ka fashilmay Xamar waxaa la ga baqaayay inuu Cabdillahi soo

dhaqaajo ciidamadiisii fadhiyay gobalka Gedo. Markaa Baydhabana way madhneyd

Xamarna cidla ayay ahayd. 10 malmood ayuu hal madfac oo kaliya oo yaalay

Xamar kantaroolka loga baxo Xamar- Afgoye.

 

Taageerayasha afganbiguna ay naawilayeen oo ay lahaayeen Cabdillahi Buur

Xakaba ayuu oo socdaa. Waxaa noqotay wax la qaadan waayay in Cabdillahi

yuusuf ka cararay wixii oo ciidan ahaa, markuu ka war helay Inqilaabkii wuu

dhicisoobay. Cabdillahi ma dagaal galin ciidamadiisa, qorshahaa sarakiisha

********* ayaa ahaa in la burburiyo ciidamada waqooyiga , ciidamadda

Cabdillahina ay qabtaan Xamar.

 

Markuu Cabdillahi helay telegraamka waxa la yidhi waxuu la joogay ciidamad

Geedweyn ee Luuq iyo Doolow u dhexeeya. Waxa la yidhi kalmad ma uu odhan ee

intuu gadhigiisii ku dhacay ayuu xadka Ethiopia ka talaabay oo uu Axmaaro

isku dhiibay. Waxa la isku raacay Wakhtigaas inuu Cabdillahi si hawl yar uu

xamar u qabsan lahaa, maadaama aanay wax ciidani joogin Xamar. Halkaa waxa

laga qiyaasi karaa isku halyn la'aanta Cabdillahi Yuusuf iyo awoodiisa

Hogaaminta Ciidan dagaalba.

 

Cabdillahi Yusuf iyo SSDF.

 

Cabdillahi wuxuu u abuuray SSDF in ay Soomaali ka daba timaado, si uu dalka

ugu qabsado markaana uu ka sameeyo dawlad ***** oo aan ku

dhisneyn qaybi oo xukun, laakiin ku dhisan xoog iyo caabudis tii Siyaad

Barre la mid ah. Dhinaca kale sameyntii jabada SSDF Beela badan ayay ku soo

dhaweysay xukuumadii Siyaad Barre. Cabdillahi iyo SSDF wax ay yeeleen ma

jirin taliskii Siyaad Barre laakiin wuxuu wax yeelay ********* oo uu ka

dilay nin doorkii ka horyimi taladiisii sida Dr. Cabdillahi Faash iyo Kornel

ILGiir iyo qaar kale o badan.

 

Waxaa isna u wiiqay jilibka reer ***** oo ku sameeyay dil

fara badan. Waxay u muuqataa in *********ku ka dhaqan duwan yahay soomalida

kale. Dhaqanka Soomalida kama suurta gasho in ay Beeli Beel xoog ku

maquuniso oo ay ku amar ku taagleyso si ay ugu ogalaato beesha la ga xoog

roonaada talada iyo maamulka Beesha kale.

 

Markaad aragtid sida **** aanay ugu aarin dadkoodii Cabdillahi Yusuf

dilay sida Soomaalidu yeeli jirtay.

Markaad aragtid sida Cabdillahi u qabsaday dekada Boosaassa 1995 ee ka

bacdina uu yidhi waxaan sameenayaa dawalad goboleed la yidha Puntland ee u

xarun uga dhigtay Garoowe.Markad aragktid dagaalkii sokeeyey ee ka dhex

dhacay Cabdillahi yusuf iyo Xasan Abshir iyo Jamac Ali jamc oo isku dhinac

ahaa, u micnu ahaa **** oo la dagaalamay ***** sida uu xoog ugu muqooniyay ee xitaa Generaalkii ******* ee

ka soo gurmaday dalka Canada uu qasab kaga dhigay in uu ogaalaado

xukunkiisa. Isku soo xooriyoo ma jirto beel kale oo Soomaliyeed oo isku

dawladaysa.

 

Halgankii hubaysna ee SNM, USC, SPM iyo SDA.

 

Halgamadii huubaysana ee ay ku kaceen jabhadahaasi waxay ka midaysnaayeen in

ay ridaan xukunki Siyaad Barre iyo dafoorqiiq jabhaadii SSDF oo la soo

saftay 1983, taliskii Afweyne, haase ahaatii Jabhad kasta waxay lahayd

qorsha u gaar ah. Waxaa mudan in la ogeeysiiyo shacbiga reer Soomaliland in

80% xasuuqii ka dhacay dalkeena iyo xabaalaha tuulan ee sannadkii 1988 ay

gaysteen Morgan iyo askartiisi Dafoorqiiq ee ex. SSDF.

 

SNM waxaa halgankeeda u saldhig ahaa in ay soo ceshaato qarnimadii

Somaliland .

USC. Waxaa saldhig u ahaa inaanay madaxnimada J. Soomaliya cid kale qaadan.

SPM. waxaa saldig u ahaa inaan mar dambe lagu odhan qaxooti, tuulada

Afmadowna la qoondeen.

SDA. waxaa saldhig u ahaa in aanay ogalan wax aan aheen dawlad Fadraali ah,

Afkoodina soo ceshadaan iyo gobaladii Afweyne ka qaaday.

 

Cabdillahi yusuf waxuu raba inuu intaas o qorshe iyo himilo oo ay wataan 95%

soomalidii ku noolid dalkii J. Soomaliya inuu burburiyo oo uu suurtagaliyo

inuu saacadda lixdankii (60kii) ku ciliyo. Markaa shirka Kenya ee sannadka

iyo dheeradka socday waxaa weeye ( Cabdillahi ayaa raba inuu surtgal ka

dhigo waxaan suurtoobeynin) sida kale ( ********** VS the rest of Somalis)

 

Qormaddii,

Eng.Faisal CAli Waraabe.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID.

 

 

Soo DIray: siciid33@hotmail.com

 

 

;)

 

[ January 22, 2004, 11:15 AM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.