Sign in to follow this  
Emperor

Baydhabo oo haawanaysa, Alshabaab oo haatan ku sugan gudaha magaalada ...

Recommended Posts

Emperor   

Warbixin: Bayshabo oo haawanaysa, Alshabaab oo haatan ku sugan gudaha magaalada Baydhabo iyo xulufooyin siyaasadeed oo laga yaabo inay sameysmaan

Posted to the MOL December 31, 2008, 8:00 am

 

Magaalada Baydhabo oo ahaan jirtay xurunta baarlamaanka KMG ah ayaa hadda haawaneysa ka dib markii ay baneeyeen xubno badan oo ka tirsanaa baarlamaanka KMG ah iyo saraakiil ka tursanaa xukuumada KMG ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in durba lagu arkay suuqa magaalada Baydhabo ururka Alshabaab oo haatan ah cududa ugu awooda badan koonfurta Somaliya ka dib markii burbur ku yimid dowladii KMG ahayd. Soo galida ururka Alshabaab ee magaalada Baydhabo ayaa yimid xili ay iswada casileen maamulkii gobolka Bay amaan xumo awgeed iyagoo sheegay inaysan ku shaqayn karin xaalada hadda taagan.

 

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay sugayaan bixitaanka ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay baxayaan 5-ta bisha wallow shakiyo badan ka soo baxayaan bixitaanka ciidamada Itoobiya.

 

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin gudaha Somalia. Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowlada Itoobiya inay hubaynayaa kooxo diimeedyada suufiyada si dagaalka Somaliya ugu badalaan mid diimeed oo u dhaxeeya Somalida. Si ay iyagu dalaal ugu helaan inay ku sii jiraan gudaha Somaliya si nabad ah.

 

Dhinaca kale, Magaalada Muqdishu ayaa maanta laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan taageerayaashii Gudoomiyihii gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ahaa ninka ugu awooda badan magaalada Muqdishu. Maalintii shalay ayaa ciidamada Itoobiya galeen guriga Maxamed Dheere iyagoo la baxay hub taas oo ka caraysiisay taageerayaasha Maxamed Dheere.

 

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Kooxda Alshabaab sameeyeen balanqaadyo inaysan weerari doonin taageerayaasha Maxamed Dheere hadday iska horyimaadaan ciidamada Itoobiya.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xubno ka tirsanaa Maamulka Degaanka ee Baydhabo oo maanta Is casilay

Posted to the Web Dec 31, 12:35

 

 

Baydhabo:-Waxaa maanta iska casilay xilkii ay ka hayeen Maamulka magaalada Baydhabo ilaa 5 xubnood oo iyagu maanta ku dhawaaqay arinkaas,5 xubnood ayaa mar ay maanta la hadlayeen saxaafada waxaa ay u sheegeen in is casilaa doodu ay ku salaysan tahay iyadoo magaalada Baydhabo aysan ka jirin wax nabadgelyo ah amaanka magaala dana uu ka soo darayo maalinba maalinta ka danbaysa waxaan ay eed dusha uga tureen madaxda sare ee Maamulka Baydhabo.

 

 

Ilaa intii uu is casilay Madaxweynihii hore ee DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa soo if baxaya in amaanka magaalada uusan fiicnayn,iyadoo maanta lagu dilay Suuqa Baydhabo haweenay ,Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Golaha Baarlamaanka DFKM ayaa waxaa xilibaanadu ka cabsi qabaan in amaanku sii xumaado sidaas darteed ayaa waxaa Xilibaanada qaar ay qorshaynayaan in ay u kala safraan Gobollada ay ka soo jeedaan

 

 

Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bay ayaa waxaa ay soo jeediyeen in xilka ay iskaga tago Gudoomiyaha maamulka Baydhabo iyagoo ku eedeeyey in uu ka soo bixi waayey howlihii loo egmaday waxna ka qaban waayey amaan xumida ka jirta magaalada Baydhabo.

 

A/Cawaale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

waxaa ay u sheegeen in is casilaa doodu ay ku salaysan tahay iyadoo magaalada Baydhabo aysan ka jirin wax nabadgelyo ah amaanka magaala dana uu ka soo darayo maalinba maalinta ka danbaysa waxaan ay eed dusha uga tureen madaxda sare ee Maamulka Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Mr Oromo Roobow Abu Munaafiq iyo Sheikh Adan Madoobe haka dabaashaan. U diyaar garooba long food lines like this...

 

ctc_04_img0996.jpg

 

I hope Roobow's jihad feeds these kids...

baidoa_somalia_92.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by dhulQarnayn:

^^^Mr Oromo Roobow Abu Munaafiq iyo Sheikh Adan Madoobe haka dabaashaan. U diyaar garooba long food lines like this...

 

ctc_04_img0996.jpg

 

I hope Roobow's jihad feeds these kids...

baidoa_somalia_92.jpg

Gaajada iyo colaadda ma waxaa la moodey inay dad gaar ah la dhalatay? Haddii shalay ay Bay dhibaato ka dhacday...Ilaah hannaga hayee oo mar kale nooma soo cesho ee laga yaabee meel aad adigu isleedahay dadkaad ka xigtaa inay ka dhacdo.

 

Waa yaab maxaa belaayada loo saadinayaa? Haddii adeeryaal laga ceyriyey shaqadii Itoobiyaanka ay u hayeen oo Itoobiya baxayso...tolow danaha Soomaalida dhan ma ceel ku rid baa...

 

Yaa dad is mahdiyey u sheega inaysan Soomaali kala fiicnayn kalana qiimo badnayn ummadduna siman tahay.

wax macno ah ma tarayso dhegahadal iyo dhibaato iyo colaad abuur hadallo ah oo lagu hadaaqaa ee wanaagga iyo nabad in lagu wada noolaado oo la is walaalaysto ayaa dani ku jirtaa.

 

WAXAA CAJAA'IB AH IN NACAYB IYO QABYAALADI MAANTA AY HALKAAS DAD GAARSIISEY.

 

SOOMAALIDU WAXAY TIRAAHDAA NIN GURI MURAAYADA KU JIRA DHAGAX TUUR MA BILLAABO.

 

ILAAHOOW DALKA NABAD NOOGA DHIG KUWA SHARTA U OLOLAYNAYANA NAGA QABO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Mr Miskiin:

 

Tacsida noo taala maalin dhow waanu ka kici doonaa, ee adigu weli miyaad ku fakartay inaad xooga doolar ah ugu sadaqaysid hayadaha samafalka ah-- oo waa dhow-- si aan caadi ahayn, uga shaqa-gali doona Baidoa iyo cariga la siman. Hadaadan wali waxba aadan donate-garayn, bal halkaan riix oo xogaa nimanka u tuur! Lord knows, howl aan caadi ahayn ayaa kusoo fool-leh, ee ina-adeerow haka bakhiilin arintaan! ;)

 

Wabilahi Tawfiiq

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Since when did starving somali kids became a political or partisan?

 

People have no shame. Just admit people you've lost the war. you wanted somalia to be Ethiopian puppet, but thank God to its sons like AbuMansuur for not letting that happen.

 

The old man ran to Gorowe, I am wondering what are his mouth pieces still be doing here? Go hide in shame like your old man.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Abwaan, hala yaabin dadka qaarkood, duqa. Tacsi iyo ciil ayaa waxaas ka keentee. Their mind ma joogo, time sii tacsida ugu baxaan. Forty days mee ahayd asaayda?

loooooooooooooooool..........you really made me lough and I will leave them alone and give them some time to mourn for their loss which truelly is a victory for the rest of peaceloving Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Mujaahid: Red Sea:

Since when did starving somali kids became a political or partisan?

 

People have no shame. Just admit people you've lost the war. you wanted somalia to be Ethiopian puppet, but thank God to its sons like AbuMansuur for not letting that happen.

 

The old man ran to Gorowe, I am wondering what are his mouth pieces still be doing here? Go hide in shame like your old man.

loooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by dhulQarnayn:

^^^
Mr Miskiin
:

 

Tacsida noo taala maalin dhow waanu ka kici doonaa, ee adigu weli miyaad ku fakartay inaad xooga doolar ah ugu sadaqaysid hayadaha samafalka ah-- oo waa dhow-- si aan caadi ahayn, uga shaqa-gali doona Baidoa iyo cariga la siman. Hadaadan wali waxba aadan donate-garayn, bal
oo xogaa nimanka u tuur! Lord knows, howl aan caadi ahayn ayaa kusoo fool-leh, ee ina-adeerow haka bakhiilin arintaan!
;)

 

Wabilahi Tawfiiq

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Hayeba. Laakiinse inkaarta iyo habaarka beeraleyda waxba galabsan aad u saadaalineysid adiga lee yee kugu soo noqon, oo Kalifoorniya kugu imaan iyadoo dab ah meeshaas dabkeedaba badanee these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Dhulqarneyn you're not really making a point with those pictures ...ciyaal yar yaro masaakin ah ayaad meelaha la wareegeysaa ...RAG ISKA DHICI AYAA KUGU JIRTO ee ciyaalka masakinta ah Weapon haka dhigan... This Kid is So Lame

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this