Sign in to follow this  
SOO MAAL

Aqoonsigeena waxaa saldhig u ah inaan xuduudaha soo xidhano

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madax wayne ku xigeenka maamulka Gobolada waqooyi, Aqoon sigeena waxaa saldhig u ah xuduudaha oo la

Warkii 02-Jul-2006 iyo Qormadii: darwiishland

Munaasabad uu shalay subax nimadi ku qantay magaalada hargaysa Madax wayne ku xigeenka maamulka hargaysa ayuu kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin

 

 

Munaasabadan ayaa ahayd mid abaal marino lagu gudoon siinayay saraakiil ka tirsan maamulka hargaysa oo tabo bar ugu soo xidhmay wadanka Itoobiya saraakiishan ayaa ahayd difcadii labaad ee dawlada itoobiya tabo bar ay soo siiso

 

munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay madax weyne ku xigeenka maamulka hargaysa hadaladii Axmed yuufus Yaasiin ayaa waxay ku bilaabmeen sidan

 

Marka hore waxaanu u mahad celinaynaa dawlada Itoobiya oo uu goobjoog yahay wakiilka hargaysa u joogaa marka xigana waxaan halkan uga mahad celinayaa saraakiisha difcada labaad ee tabo barku u soo xidhmay saraakiishan ayaa u badan mujaahidiintii SNM ee la soo dagaalamay cadawgii siyaad barre waxaan ku dhiiri galinaynaa Saraakiishan khimrada dheeraadka ah soo qaadatay inay uga faa,Iideeyaan ciidamada kala duwan ee qaranka

 

Waxaa kale oo aan uga xog waramaya saraakiishan cusub iyo shacabka somalilandba in aqoonsigeena ay saldhig u tahay inaan xuduudaha soo xidhano isla markaana wadan walba oo aan aqoonsi waydiina wuxu shuruudo noodha dhigaa dadkan hadii la aqoon sado ma yihiin kuwo ilaashan kara xuduudo hooda sidaas daradeed waxaan u sheegayaa saraakiisha ciidamada kala duwan iyo shacabkama in la soo gaadhay xiligii aan ku ruqaan san lahayn xuduudaha somaliland isla markaana wax waliba diyaar inoo yihiin hada

 

waa in loo diyaar garoobaa hawlgalkas balaadhan ee lagu sugayo xuduudaha somaliland waxaanuna ku war galinaynaa shacabku meel uu joogoba inuu heegan u ahaado talaabooyinkaas aanu qaadi doono

 

Kuxigeenka Riyaale ayaa inta badan hadaladiisa waxaa muuqanaya inuu abaabulayo colaad horleh iyo dagaal ay ku qaadaan G/sool oo ay ayb ka mid ah si sharci daro ah ku joogeen maleeshiyaad koodu mudo 2 sanadood ah dhinaca kale mar aan soo indho indheeyey taliskii ciidankii qaranka soomaaliyeed oo hada fadhiisin u ah maleeshiyaadka Riyaale ka amar qaata ayaa waxaa ka muuqanaya abaabul iyo diyaar garoowyo gurmad ah oo ku wajahan dhinaca jiida hore ee Adhi cadeye waxaa indhahaygu qabanayeen raxan gaadiidka dagaalka ah oo isu diyaarinayay inay u ruqaan sadaan dhinaca G/sool gaadiidkan ayaa inta badan waxaa bixisay dawlada itoobiya oo iyadu caadaysatay isku dirka umada somaliyeed tan iyo markii taliskii dhexe meesha ka baxay 1991 kii

 

si kastaba ha ahaatee waxaan marnaba meesha ka madhnayn diyaar garoowga weerer ay ku qaadaan G/sool maleeshiyooyinka Riyaale ka amar qaataa

 

 

 

Afnugaal.com

 

hargaysa somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Md. Yaasiin, waxa uu sheegay in saraakiishan laga doonayo xuduudaha Somaliland, halkaas oo uu xusay in ay ka fulin doonaan hawlaha qaranka.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Ciidamada Qaranka ku Dar-daaray Xaaladaha Mandaqadda ka Jira

Hargeysa (Jam)- Xaflad abaal-marinno lagu guddoonsiinayey askar iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo soo dhammaystay koorsooyin waxbarasho ay muddo siddeed bilood ah ku soo qaateen dalka Itoobiya, ayaa shalay lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa.

 

 

Xafladda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga, Taliyeyaasaha Ciidamada Milateriga iyo Booliska iyo marti-sharaf kale, ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, oo sheegay in xukuumaddu bixin doonto darajooyinkii ciidannimo inta aanu dhammaan sannadkani, sidaa awgeedna, loo baahan yahay in la helo ciidan dhisan oo aqoon leh una qalma darajada, isaga oo ka codsaday dawladda Itoobiya in ay labanlaabto koorasyada ay siiso ciidamada Somaliland, si loo helo ciidan tayo leh oo dhisan. Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu xusay in dhisidda iyo tayeynta ciidanka qaranku ay ka mid tahay shuruudaha ku xidhan aqoonsiga ay Somaliland raadinayso, isla markaana aanu dalna jiri Karin ama madaxbannaanaan Karin haddii aanu lahayn quwad ciidan. "Haddii aan ka warramo xaaladaha ku soo kordhay Geeska, innagu waxaynu ku noolayn nabadgelyo iyo degganaansho, markii aynu ka soo guulaysanay dhibaatooyin fara badan oo iskaashaday. Maanta waxa ku soo kordhay Geeska arrimo fara badan oo aad ka war-haysaan. Siday doonaanba ha ahaadaane, waa dad [soomaaliya] iyagu u dagaalamaya in ay helaan nabadgelyo, halkan [somaliland] ayaa la doonayaa in taa laga huriyo. Markaa waxaan leeyahay waar annagu [somaliland] degganaansho waanu haysanaa, isla markaana waxaanu haysanaa calankeedii, waxaanan leeyahay kuwa islaamnimada ku dhuumanaya annagaa ah Islaamkii dhabta ahaa," ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka, oo ka warramayey arrimo uu sheegay in ay ku soo kordheen mandaqadda Geeska Afrika.

 

 

Md. Yaasiin, waxa uu sheegay in saraakiishan laga doonayo xuduudaha Somaliland, halkaas oo uu xusay in ay ka fulin doonaan hawlaha qaranka.

 

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Maxamed Cali Yuusuf (Maydhax), ayaa sheegay in saraakiisa soo dhammaystay kooraska waxbarasho ay ka mid yihiin raggii ugu cadcaddaa halgankii lagu riday dawladdii Siyaad Barre, sidaa darteed, ay wasaarad ahaan ku kalsoonaayeen in ay ka gudbi karaan caqabad kasta oo ka hortimaadda muddada ay ku gudo-jiraan kooraska waxbarasho. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani, oo xafladdaa ka hadlay, ayaa tilmaamay saraakiisha kooraska waxbarasho soo dhammaystay in ay yihiin ragga ay ku dhaataan ciidanka qaranku ee joogay jiidda hore. Isaga oo intaa ku daray, in uu aad ugu faraxsan yahay soo-noqoshadooda oo uu xusay in ay ku soo beegantay waqti mandaqadda ay ka jiraan arrimo xasaasi ah.

 

 

Mr. Nuux Taani, waxa kale oo uu sheegay in ay saraakiishani yihiin difcaddii labaad ee koorso waxbarasho ku soo qaata dalka Itoobiya, isaga oo xusay in dhowaan filayaan ay timaaddo derajadii ciidanka, oo ay hore ugu gudbiyeen xukuumadda sare.

 

 

Cabdillaahi Ibraahim Maxamed, oo ka mid ah saraakiisha waxbarashada ku soo qaatay Itoobiya, ayaa sheegay in muddadii kooraska ku jireen ay qaateen aqoon tayo leh, taas oo uu tilmaamay in ay si weyn uga anfici doono hawlaha ciidan ee madaxda ka yihiin.

 

 

Ugu dambayn, sarkaalku waxa uu xusay in ay arrintani muujinayso taageerada iyo jaarnimada wanaagsan ee ka dhexaysay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

idamaale:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka lamagacbaxay Soomaaliland Daahir Rayaale ayaa loo diiday inuu tago Dalka Gaambiya oo uu ka dhacay shirkii Madaxweynayaasha Qaarada Afrika iyadoo ay talaabadaasina tahay mid xaqiijineysa Mowqifka AU taasoo ah inaaney Soomaali kala Go'i karin.

Posted to the Web Jul 02, 04:38

 

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka lamagacbaxay Soomaaliland Daahir Rayaale ayaa loo diiday inuu tago Dalka Gaambiya oo uu ka dhacay shirkii Madaxweynayaasha Qaarada Afrika iyadoo ay talaabadaasina tahay mid xaqiijineysa Mowqifka AU taasoo ah inaaney Soomaali kala Go'i karin.

 

Warar laga helay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Hargeysa ayaa sheegaya inuu Rayaale ku fashilmay Codsi uu udirtay Midowga afrika oo uu ku doonayey inuu ku tago Gaambiya laakiin Madaxda Midwga afrika waxay sheegeen inuu Soomaaliya Metalo Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Md C/laahi Yuusuf Axmed oo shirkaasi ka qeybgalay.

 

Warar ayaa sheegaya in rag ka tirsan maamulka Rayaale oo ka mid yahay C/laahi Maxamed Ducaale ay Tageen Caasimada Gaambiya ee Banqul iyagoo isku dayey iney Madaxda Afrika ka dhaadhiciyaan in daahir rayaale shirka la keeno taasoo sharcidaro ah.

 

ma ha Markii ugu horeysay ee uu fashilmo qorshe uu wato Maamulgoboleedka Soomaalilad ee Waqooyiga Soomaliya balse dhawr jeer ayey tani dhacaday Waxaana jira iney jiraan shaqsiyaad shisheeye ahi iney Gacn siiyaan Maamulkaasi.

 

 

Cabdilaahi hilowle

 

Idamaale News,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Gaadhi wax ka weyn baa maalin walba adduunyada ka dhaca, muxuu sheegayaa inan yar oo gaadhi la baxsaday, ma inan yar oo gaadhi [hal baabuur] la baxsaday ayaa ciidan dhan wax lagaga sheegayaa," sidaa waxa ku jawaabay Madaxweyne Rayaale, mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay sida uu u arko baabuur tikniko ah oo askari ciidanka Qaranka ka tirsanaa dhowaan dhowaan ula baxsaday gudaha degaannada uu ka taliyo Maamul-goboleedka Puntland ee uu madaxda ka yahay General Cadde Muuse.

 

Sida ku cad jawaabta Md. Rayaale Madaxweyne ahaan miisaanka ay arrintani ku leedahay xukuumaddiisa iyo aragtidiisa shaqsi ahaan ee ku waajahan saamaynta dhacdadan, oo ah mid loo fasiran karo macnayaal wejiyo kala duwan yeelan karta.

 

Hase yeeshee, haddii aynu raacno hadalka Madaxweyne Rayaale, oo aanay jirin wax macno ah oo uu ku fadhiyo gaadhi tikniko ah oo ciidan jiid dagaal fadhiya lagaka baxsaday. Haddana su'aasha isweydiinta mudan ee meesha ku jirtaa waxay tahay, haddii aanay Madaxweynaha wax miisaan ah agtiisa ka lahayn baabuur ka mid ah saannaddii ciidankiisu dawladda iyo dalkaba ku ilaalinayey uu cadowgiisa u gacan-galay, waa maxay waxa kale ee uu qiimayn lahaa Madaxweyne xukuma dal cadowgiisu badan yahay? Xaggeese ayuu ka helayaa fursad uu bulshada ugaga warramo waxyaabihii uu kala soo kulmay safarro uu dalal ku tegay

 

Inkasta oo sida ka muuqata jawaabta uu Md. Rayaale ka bixiyey arrinta gaadhiga lala baxsaday ay u muuqato mid la odhan karo Madaxweynaha waxay ka ahayd in aanu lexejeclo ka qabin saannadda ciidankiisa, haddana marka la barbar-dhigo jawaabihii ay ka bixiyeen baabuurka lala baxsaday Madaxweyne-ku-xigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isagu markii uu falku dhacay sii hayey xilka Madaxweynimo ee dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga, oo labaduba hanjabaad iyo digniin culus u jeediyey masuuliyiinta Maamul-goboleedka Puntland. Sida la wada ognahay farogelinaha joogtada ah ee uu Somaliland ku hayo maamulka ******teeniya, oo isagu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay maamulkiisa uga mid noqon lahaayeen degaanno ka mid ah bariga Somaliland.

 

Sidaa awgeed, waxa aan shaki ku jirin in hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale in badan oo ka tirsan ciidanka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee gobollada bari u fasiran karaan laba arrimood, kuwaas oo kala ah; in aanay Md. Rayaale wax qiimo ah la lahayn haddiiba qaar kale oo ciidanka ka tirsani isku dayaan in ay la baxsadaan hubka iyo saannadda qaranka, iyo in aanu Madaxweynuhu dareensanayn hawsha uu ciidanku dalka u hayo.

 

Iyada oo ay jireen dad badan oo hore Md. Rayaale ugu dhaliili jiray in aanu daacad ka ahayn xal-u-helidda qaddiyadda gobollada bari. Waxa hubaal ah in hadalka Madaxweynuhu uu markhaati u noqon karo eedihii hore loogu jeedin jiray, waxaanay taasi muujinaysaa xilkasnimo-darro tii ugu sarraysay ee uu ku kaco Madaxweyne dal xukumaa.

 

Sidaa darteed, waxa la gudboon Madaxweyne Rayaale in uu raalli-gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeedhay iyo in uu go'aan ka adag kaga jawaabo falka gaadhigaas hadalladii Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Gaashaandhiggu ka bixiyeen, isaga oo tallaabadaas dhiirigelin uga dhigaya ciidamada dalkiisa iyo bulshada reer Somaliland.

 

Isku soo wada duuboo, Md. Rayaale waxa looga fadhiyaa in uu bulshada u qeexo mowqifkiisa ku wajahan qaddiyadda gobollada bari, gaar ahaan ciidamada jiidda hore .

 

 

Jamhuuriya Online

 

Printable version

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaale Kaahin Oo Runta U Sheegay Beelaha Waqooyi Ee Hanjabaada Dublamaasiyadda Mooday

 

Jul 03, 2006 By:Radiossc.net

Hargaysa(Radiossc.net): Hogaamiyaha Maamulka Goboladda Waqooyi ee ka ee fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa dhawaan runta u sheegay Beelaha Jibada iyo qiiradda aan fogeyni ku habsatay kadib, markii uu cadeeyey in aanu wax qiimo ah lahayn qori lala fakaday, isagoo u sheegay beelahaas in aanay Qudhaanjo isku jafin, uu hab siyaasadeed uga hortaagan yahay

 

Daahir Riyaale oo la hadlayey Beelaha Burco iyo Hargaysa Dawlada ka sameystay ayaa yidhi†Gaadhi wax ka weyn baa maalin walba adduunyada ka dhaca, muxuu sheegayaa inan yar oo gaadhi la baxsaday, ma inan yar oo gaadhi [hal baabuur] la baxsaday ayaa ciidan dhan wax lagaga sheegayaa,"

 

 

 

Daahir Riyaale waxaa uu intaas ku daray in aanay ilaawin xaaladda dhanta ah ee ciidankoodu uu ku joogo jiida Adhi-cadeeye, isagoo amuurtaasi ka hadlayana waxaa uu yidhiâ€Ciidanka Siyaasad aanu dhisnay ayey halkaas ku joogaan, ha moodina in ay xoog ku joogaan, idinkuna qori yar baad Diyaarad moodeen oo ilaa Idaacadaha caalamka ka sheegteen, ma sidaas baad doonaysaan in aad Riwaayada ku matashaan oo Ictiraaf ku heshaanâ€

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadalka Riyaale ayaa ka danbeeyey kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Maamulka waqooyi Axmed Yusuf Yaasiin,iyo ninka ugu sareeya Malayshiyada Riyaale ee boqol jirka ahi Gaas-macaawiye ay si qaawan oo aysan masuuliyadnimo ku jirin, Warbaahinta iskaga daba hadleen, iyagoo ka hadlaya Qori Tikniko ah oo labo askari ula soo galleen Ciidanka Daraawiishta Puntland.

 

 

 

Hadalkan uu sii daayay Riyaale ayaa dhabar jab weyn ku ah geedi socodka hanaanka ay Beelaha Waqooyi doonayaan inay wax ku maareeyaan, iyadoo intooda badani door bidaya in duulaan mideysan lagu qaado degaanadda uusan maamulkoodu gaadhin.

 

 

 

Radiossc.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

The internal position of the warlords of 'Somaliland' is bad thats why they need to create a diversion. The warlords from the triagle cities face allot of difficulties.

 

1. The SNM rebellion

2. The unfair distribution of power and wealth within the area and the clans

3. The corruption, nepotism and mismanagemnet of aid money intended for the poor by the current regime.

4. The stealing of 'police' salaries

5. The Islamic radicals of Burco that are stirring

6. The rampant unemploymentin within the region.

7. The economic catastrophe that this warlord regime has created by alienating all its neighbours. (Djibouti, SSC,Oga-denia,and even Yemen) thats why once bussy Berbera harbour operates way below capacity while Bosaso is getting richer everyday.

 

Well what better way to extend their rule then by starting a war smile.gif

 

They are not foolish enough to start a war but they will keep spitting venom and keep the people of the region on the edge.

 

The warlord regime of triangle cities has a carrot and a stick.

 

Carrot= recognition and after that EVERYYYYYYTHING WILL BE ALRIGHT

 

Stick= remmember 1988 how we where slaughtered if we give them another chance they will kill us all, because of what we also did to civilians from other clans in 1988 and 1991.

 

So I can not blame the poor civilians of the triangle cities. They are held hostage.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Mr. Me does it hurt if you just look at the situation in little more healthier way rather blowing things out of proportion.

 

Sidaan anigu u arko xaalada:

waxa weeye, mr. Dahir Riyaale iyo Yaasinba xaq uma leh mana karo in uu isku diro laba dad oo walaalo ah oo is dhalay, abti iyo ilmaabtiba ah. Labada dhinacba waxa ku jira dad aan wanaagsanayn oo siyaasiyeen ku sheeg ah, kuna shaqeeya una sheeqeeya dantooda. Ma aha in ay dadku raacaan una hadlaan kuwa dhibta ka dhex aloosaya umada Somaliyeed kuwaas oo ah Siyaasiyiinta ku sheega. Hadii ay dhib ka dhex aloosaan umada walaalaha ah ee ku dhaqan dhulkaa isaga ah ayaan saamaxayn maalinta qiyaamaha.

 

Dhinaca kale:

 

hadii aan eego dhinaca kale, ayana aad ayey u litaan dadka madaxda looga dhigay marka laga reebo Garaad Jaamac oo isagu si sharaf leh dadku ay u doorteen. Laakin isagu way iska yar tahay wuxuu ka qaban karo xaalada iyo awood xayuubista iyo cadaadiska ay Puntland ku haysa umada reer Sool. Markaa hadii ay noqon lahayd in ay meesha ka taliyaan madax dhaqameedyo, taana siyaasi xun oo kaliskii talis ah ayuunbaa lagu salidayaa, waana ta ka jirta Sool iyo meelkastaba.

 

Dadku:

 

dadku mar walba waa walaalo, nimaka siyaasiyuuntu waxay doonan ha ku hadadaqaan eh.

 

Meesha loogu baahanyahay in aad ka istaagto:

 

Qof walba oo Muslim ah siiba Somali ah waxaa looga baahan yahay in ay meel uga soo wada jeestaan danbiilayasha qabiilkasta ha ka tirsanadaneh. Dhinac baan raacayaa oo dhinaca kale ayuunba canaanaya meelna kuma gaynayso. Haday yihiin kuwa jooga Somaliland,Puntland, ama koofur Somaliya waxa weeye, waa in meel la iska wada taaga oo aan la siin wax taageerasho ah haba yaraatee, haday tahay mid niyada iyo qalbiga, ama haday tahay mid afkaba ah.

 

Assalamu calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Salaam Red sea

 

Waad ku mahadsantahay in aad fahansantahay in dadka somaliyeed ey yihiin dad muslim ah, walaala ah, wada dhashay,oona wadadaga wax badan sida diin, luqad, taariikh, dhul, iyo badan oo kele waayo waa hal ummad oo isku mida

 

Nimanka siyaasiyiinta ayaa uun wax qasaya si ey danahooda qaar ka ah u fuliyaan

 

Dhinac kasta wey ku jiraan dad yar oo dhibta ka shaqeeya, lakiin waxaa la garan la’ yahay meeshey salaadu iska qabsan la’dahay, meeye majority ga fiican, waayo in yar oo siyaasiin isku sheegaya baa uun wax wa laaqaya

 

Waa runtaa red sea, waa saad dheegtay sida keliya ee dhibta looga bixi karo waa in dadka soomaaliyeed oo dhan meel uga soo wada jeestaan nimanka dhibta wada,lakiin inta ey shacbiga soomaaliyeed ku daba feelanyihiin warlord turned politicians waxba ma hagaagayaan, maaha in danbiilayaasha la kala xigsadu, danbiile waa mujrim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Me my friend theirs no warlords in Somaliland last time i checked never heard of the infamous is-baaro in neither Puntland and Somaliland and the administrations that exist in those states waxey ku joogaan rabitaanka shacbigooda unlike the ex mogadishu warlords and these men with the new shaati-wahabbism ey dadka usoo xidhen.

 

 

Red Sea walaal waxaad iishegta cadaadiska eey Puntland saarto shacbiga SSC????

Share this post


Link to post
Share on other sites

This episode I touched on an earlier post. The Secesiblesonists made a real mess out of nothing.

It highlighted their weak point in terms of both brains and muscle.

 

Some comedian here, tries to get emotional I loved the part about Garad Jama, but really when a clan claims anothers territory and then uses the colonial past as the very reason for its existance. It creates problems. Stop trieng to break up the nation. Get out of SOOL, and there will be no trouble and no episodes of this nature.

 

When we all go back and live in our regions, we will all get along...

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Wow, I have never agreed with so many people on this forum smile.gif

 

Mr.Red Sea your kind words, your brotherlyness and your respect for fellow Somali & muslim brothers and sisters have touched me deeply. Your views are refreshing and I welcome them. I my short live I have seen allot and met many people. One of the funniest people I have ever met tried to convince me that there was a differnece between the so-called reer sland and reer xamar and that they are differnet on many levels. To teh point that they are two distinct peoples. For example reer somaliland call an egg (beed) while reer 'xamar' call it (ukun). smile.gif with this example the brother tried to convince me that our languages are different so we do not have one language. And culturally we are different because we were colonized by teh British ( I deny this, we were never colonized) and they were colonized by the italians.....hmmm try to argue with that:)

 

To this day I do not get why the term reer xamar is applied for all non-isqs.

 

Your ideas are refreshing when compared with the simplistic views of the over zealous if not exentric soldiers of the Sland cause.

 

My question to you is ina'adeer. What is your view on Somali unity? If we Somalis are as you have already said, brothers, cousins, uncles and are all inter linked, that we have the same faith, the same culture, the same physical traits, the same language and a shared history. Why would it be wrong to have a state for us all, a state that is just. A state in which we are all equal participants.

 

I agree with you on your point on the lack of good leadership. Us Somalis need visionary leaders that give us hope, that show us the right direction, leaders that have the Somali peoples intrest at heart.

 

Traditional leaders have inspired many of us and have shown that our Somali traditions are the way forward for us.

 

On your point of the occupation of SOOL by Pland, well what should I say? let me ask you a question....what is your view on the Sland Soldiers that have come beyond caynabo?

 

Why don't all clan militias stay in their own regions since we are all brothers, cousins and uncles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

cadaadiska ay Puntland ku haysa umada reer Sool

Red Sea walaal, cadaadisla ay Somaliland ku haysu ummada north central (Sool sanaag iyo cayn)

 

maxaad u illowday? ma xaq baa iin dhinac uun la eedeeyo

 

marka ey xaqiiqdu tahay, puntland inay rabtu kaliya xukun reer sool, puntland waa dowlad goboled mana rabaan inay xuduud dhex dhigaan dadka walaalaha ah ee reer laascaanood iyo reer burco, puntland calankii soomaaliyeed uun bey wadataa

 

Somaliland waxey rabtaa inay xukumaan reer sool sidoo kale, lakiin intaa waxaa dheer in reer sool ka badlaan nationality, calanka, xuduud caalami ah na dhex dhigaan dadka walaalaha ah ee reer laascaaanood iyo reer garowe

 

marka waxaad moodaa in arrinka somaliland sii qoto dheeryahay haddii daacad la noqdu

 

Personaly, as a somali from Laascaanood I do'nt support no clan-states like Somaliland and Puntland

 

anuu waxaan qabaa in somaliland iyo Puntland inay labaduba iskaga baxaan north-central, waxaad mooda in somaliland iyo puntland ku hishiiyeen inay qaybsadaan north central

 

labada ciidan isku horfadhiya aricadeeye wax badan buu u dhimay nabadgalyada iyo hurumarka Laascaanood iyo guud ahaan north-central (Sool sanaag iyo cayn)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Cadaadiska ay Somaliland ku hayso reer Sool waad iska garanaysaa, laakin Puntland dadka sida General Duke ma oga in ay Puntland cadaadis ku hayso. Cadaadiska aan ka hadlayo waxa weeye, reer Sool way isxukumi karaan hadii loo amaan galiyo dhulkooda, umana baahna Somaliland iyo Puntland toona. Sool aad ayey uga danbaysaa meelaha kale waayo waxay noqotay meel loo soo dagaal tago (battleground). Somaliland iyo Puntland waan in ay ka baxaan, Sool loo daayo Garaadkeeda in uu xukumo waxna ka qabsadaan.

 

Somaal, hadii aad ka soo horjeedo Somaliland iyo Puntland, maxay kula tay haday Sool is xukunto iyadu lafteedu oo local government ay samaystaan?

 

salaam calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this