Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa : President Yusuf crushes his rivals will appoint a new PM.

Recommended Posts

news-graphics-2006-_627900a.jpgMadaxweyne C/laahi Yusuf Axmed oo xilkii ka qaaday Ra'iisal wasaare Nuur cadde.

 

(Mogadishu, Axad ,14,December, 2008,(Hornafrik Media)

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee soomaaliya C/Laahi Yusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtey Magaalada Baydhabo waxaa uu ku dhaawaqay in xilka uu ka qaaday Ra’iisal wasaare Nuur cadde islamarkaana wixii hada ka dambeeya uu soo dhisi doono xukuumad cusub.

 

Shirkan jaraa’id ee uu qabtey maanta Madaxweyne Yusuf oo ay ka qeyb galeen tiro xildhibaano ah oo ku fakar ah Madaxweyneha iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maxamed dheere ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo dhowr ah oo ku aadan xukuumada uu hogaaminayo Ra’isal wasaare Nuur Cadde.

 

Madaxweyneha oo goobtaasi ka hadlay wuxuu si cad u sheegay in xukuumada Nuur cadde uu hogaamiyo ay dalka burburisay islamarkaana ay wax musuq maasuqday.

 

Waxaa uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynuhu hadalo xukuumada uu ku dhaleeceeyay. Dhagayso shirka jaraa'id ee Madaxweyneha

 

Afhayeen u hadlay Madaxdaxweyneha oo saxaafadda u aqriyay hanaanka loo maray xil ka qaadista Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa aqriyay qodobadaasi. Dhagayso qodobada la aqriyay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa ay tani noqonaysaa dhabarjab wayn oo sii murjisa khilaafka u dhaxeeya Madaxweyneha dowlada KMG ah ee soomaaliya iyo Ra’iisal wasaareha.

 

Hadaba waxaa la laga war sugayaa kala fadhiyada Baarlamaanku uu ku yeelan doono Magaalada Baydhabo.

 

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo xilka ka qaadey Ra'isal wasaare Nuur Cadde

14 Dec 14, 2008 - 3:49:07 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llahi Yusuf Axmed oo shir jaraa'id ku qabtay Madaxtoyada Baydhabo saakay [Dec 14, 2008] ayaa sheegay in Ra'iisul wasaare Nuur Cadde iyo xukuumadiisu ay dhaceen.

 

Yuusuf, ayaa shirkiisa jaraa'id oo koobnaa ku sheegay in sharciyan ay dhacday xukuumada uu hoggaminayo Nuur Cadde, sidaa daraadeena uu ku dhawaqay xil ka qadistiisa, uuna soo magacaabyo Ra'iisul wasaare cusub.

 

"Mudo 3-maalmood gudahood ah ayaan kusoo magacabayaa Ra'iisul wasaare cusub, maadama ay xukumada uu horkacyo Nur Cadde ay dhacday sharciyan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

Ra'iisul wasaaraha xilka laga qaaday Nuur Cadde ayaa ku sugan Baydhabo, ayaa ganafka ku dhifte go'aanka Madaxweynaha xilka kaga qaadey iyada ee uu sheegey ineysan dastuuri aheyn.

 

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay heshiika Jabuti, isagoo shegay in heshiiskas uu taabacsan yahay, isla markaana uu sii soconayo, balse wuxuu carabka ku dhuftay inuu dhaliilsan yahay qodobo dhowr ah.

 

"Heshiiska Jabuuti waxaa ku jira qodobo yaryar oo ka horimaanaya dastuurka dalka u dagsan, waxaana rajeynayaa in qodobadaas laga saaro" ayuu yiri Yuusuf oo markii uu shirka jaraa'id qabanayay uu dhinac fadhiyay Max'ed Dheere.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in Madaxweyne Yuusuf ay miiska u saaran yihiin inuu xilkaas u magacaabo Max'edh Dheere iyo Gacamadheere oo ay si weyn isugu dhow yihiin.

 

Max'ed Dheere oo uu xilka ka qaaday Nuur Cadde ayaa sadex maalmood ka hor tagay Baydhabo isagoo kulamo ay albaabadu u xiran yihiin la lahaa Madaxweynaha Somalia iyo mudanayaal taageersan.

 

Baarlmaanka ayaa kulan ku leh xaruntiisa ADC ee Baydhabo, kaasoo ay kaga hadlayaan khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Yuusuf iyo Ra'iisul wasaaraha xilka laga qaaday.

 

Go'aanadii kasoo baxa fadhiga Baarlamaanka, waxaa lagu dhawaaqi doonaa isla maanta, waxaana idiin balanqaadaynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan idin kugu soo gudbino.

 

Garowe Online, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaarahii Hore Ee Xilka Laga Qaaday Nuur Xuseen Xasan Oo Safar Deg-Deg Ah Oogu Duulay Magaalada Nairobi Si Uu Taageero Siyaasadeed Ooga Raadsado Urrurada Caalamiga.

 

Ra'iisul Wasaarahii hore ee DFKGS ee xilka laga qaaday Mudane Nuur Cadde ayaa la sheegay in safar deg-deg ah ee uusan horey u shaacin oogu duulay magaalada Nairobi si uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaalle ooga helo shaqsiyaad iyo urruro caalami ee ka soo hor jeeda, taabo galka dowlad dhexe ee hanata dalka in aysan Soomaaliya ka hir gelin.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo ay la socdaan xubno aan ka badneyd 7 xildhibaan ayaan waxaan la garaneyn waxa uu kala kulmi doono hey'adaha caalamiga ah ee daneeya danaha Soomaaliya, iyadoo la ogsoon yahay in Mudane Nuur Cadde isku dayi doono in uu ku eedeeyo Madaxweynaha iyo aqlabiyada Baarlamaan ee taageersan in ay ka soo horjeedaan shirka nabadeynta ee Jabuuti lagu gaaray, taaso lawada ogsoon yahay in aysan beelaha Soomaaliyeed u wada dhameyn.

 

Muwaadin Nuur Cadde, Ahmed Cabdisalaan, Sheekh Shariif ayaa waxaa lafilayaa in ay isku mowqif ka qaataan go'aanka samato bixineed ee uu Madaxweynaha qaatay iyada oo ay goob joog u ahaayeen in ka badan 150 xildhibaan goobta shirka ka dhacay. Muwaadin Nuur Cadde ayaa lagu wadaa in howlahiisa samato bixineed ee laanqeyrta cas in uu dib oogu laaban doono, kol haddii uu ku fishilmay hogaanka iyo horumarka waddan dhibaatooyin badan aafeeyeen, adduunka intiisa kalena saameyn xoog leh ku yeeshay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Yuusuf oo shaaca ka qaaday inuu xilkii ka xayuubiyey R/wasaare Nuur Cadde oo dawladiisiina ay Dhacday

 

Baydhabo (WNT)-Madaxweynaha DFKMG saakay shir jaraaid ku qabtay xaruntiisa magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in ay dhacday sharci ahaan Xukuumadda uu R/wasaaraha ka ahaa Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) isla markana uu 3 maalmaad gudohood ku soo magacaabayo Ra'isul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad cusub.

 

 

 

M/weyne yuusuf ayaa sheegay in shariyan ay dhacday xukuumadii uu R/wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuuseen sidaas awgeedna uu doonayo inuu soo magacaabo R/wasaare Cusub muddo 3 maalmood guddohood ah.

 

 

 

Dhinaca kale ka hadlay heshiiskii ka dhacay dalka Jabuuti oo sheegay inuu waafaqsanyahay wallow dhianca kale uu sheegay inay jiraan qodob u baahan in heshiiskaas laga saaro oo aan waafaqsanayn axdiga ku meel gaarka ah.

 

 

 

Waxaana uu intaas raciyey inuu shirka sii anba qaadi doonaan maadaama ay gashay xukuumadii dhacday.

 

 

 

Mudadii ugu danbaysay ayaa waxaa si adag isaga soo horjeeday M/weyne Yuusuf iyo R/wasaare Nuur Xasan Xuseen iydoo khilaafkoodu gaaray meel aan horay loo arag.

 

 

 

Weli ma cadda cidda uu M/weyne Yuusuf u magacaabi doono R/wasaaraha Cusub waxaase maalmihii ugu danbeeyey kula sugnaa saakana ku wheliyey shirkiisa Max’ed Cusmar Xabeeb M/dheere.

 

 

 

Dawlada FS ayaaintii ay dhisneed waxaa soo maray laba R/wasaare ,waxaana labada M/weynaha ay ku kala tageen colaad keentay khatar ah inay qarka u fuusho inay bur burto dawlada FS intana ay soo fara geliyeen bulshada caalamka iyo weliba dawlada Ethiopia.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

I dont know right now. But things will change thats all one can say. The free ride the clowns had will end with the new admin and the TFG transition will go beyond 2009.

 

Insha Allah..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

I dont know right now. But things will change thats all one can say. The free ride
the clowns
had will end with the new admin and the TFG transition will go beyond 2009.

LOL... :D

 

Once upon a time there was a clown in Baidoa who made the naysayers laugh and laugh.

 

He made them laugh in the morning, laugh in the afternoon, laugh in the evening, laugh at night.

 

One day he died or in this case was shot by the president.

 

Poor naysayers, who will make them laugh now? Who will they put all their hopes in, now that Nuur Cade will return to the Red Cross? ;)

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

 

P.S

I believe we can kill two birds with one stone if the President named AfricaOwn as the new PM. Hadii saas ey dhacdo waxaad arki doontaa AfricaOwn oo Garowe amaanayah...LOL :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Yey has dug himself his own grave. I think, he would be lucky if he doesn't only get sanctions on him and his closest stooges but also taken to Arusha to face war-crimes charges.

 

Odeygii waa asasaqay. Siyaasadii waa ka dhacay hogii lala rabayna si fiican ayuu ugu jiraa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

He should have done it long ago. The naive PM has tried to form a government within a government but the president has to swiftly act and sack him just to save the TFG from a complete collapse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this