Sign in to follow this  
wind.talker

One guy challenges Muqdisho natives

Recommended Posts

Ibrahim Shaawey - formerly named as Muqdisho mayor by Cabdiqasim's TNG - has recently said that he'll fight anyone claiming the title of Muqdisho mayor or who tries to implement his rule within the city.

 

For starters, Muqdisho isn't a city that can be governed by one entity. Even as Muqdisho mayor during Cabdiqasim's tenure, Md. Shaawey spent most of his time in or around Hotel Ramadan. Now, he's claiming he'll battle anyone who tries to do something about the security situation of the city. If Md. Shaawey is indeed the mayor of Muqdisho, why doesn't he express his power? A puppet and a mouthpiece trekking in dangerous waters, he is.

 

Now, Mareeg.com did an editorial piece about Md. Shaweey's words of war directed primarily at Dr. Max'd Xasan Cali Cadde - the official appointed by PM Ali Ghedi to hold the double post of Muqdisho mayor/Benadir regional governor.

 

LINK: http://www.mareeg.com/news/August/17_mudolood_murusade_yaa_ku_haboon_duq_magaalda_moqdisho.htm

 

Are the natives of Muqdisho really being challenged by the newcomers? This is undoubtedly an expression of the changing population dynamics in the post-1991 era in Somalia's Capital. But for the natives to be sidestepped, militarily challenged and denied the posts every other "government" in the past 15 years had naturally given them - this is a new development.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rag isku magacaabay Horjoogeyaasha Maleeshiyooyinka Xamar iyo Xamar daye oo sheegay in ay haboontahay Shaaweey in uu duqmagaalo ka noqdo Ceelbuur.

 

 

 

Shir Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay yeesheen rag isku magacaabay Horjoogeyaasha Maleeshiyooyinka Xamar iyo Xamar daye oo looga hadlayay arimaha Gobolka Banaadir ayaa shirkooda kadib waxa ay kasoo saareen war.

 

 

 

Nin Lagu Magacaabo Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo Maanta markii ugu horeysay sheegtay in uu yahay Guddoomiyaha Siyaasadda Xamar iyo Xamar daye ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay xaq u heleen Dadka Deegaanka Xamar iyo Xamar Daye.

 

 

 

Macalin Xaashi oo Maanta Saxaafadda ugu waramayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tahay hadal laablakac ah wixii Maalintii shalay kasoo yeeray Ibraahim Shaaweey, wuxuuna Macalin xaashi tilmaamay in hadalkaasi uu dhaawac ku yahay dadka qaar.

 

 

 

“ Xalay oo dhan waxaan laseexan weynay Hadalka Ibraahim shaaweey kasoo yeeray, waxaana mugga shaaweey u sheegeynaa in uu duq magaalo kasoo noqdo Ceelbuur oo halkaasi loogaga baahan yahay Mahaanna majirto cid uu jagadaasi u qaban karo, unuka waan ognahay xilliga uu Xamar soo galay iyo qaabkii uu kusoo galay†ayuu yiri Macalin Xaashi Mar uu Saxaafadda u waramayay kana hadlayay sababaha ay shirkaasi u qabteen.

 

 

 

Hadalka Kasoo yeeray Macalin Xaashi ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay uu Ibraahim shaaweey Xafiiskiisa ka sheegay in Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir uu u qaadi doono sida ay isbaarooyinka u qaadeen isla markaana uu isaga yahay Maamulka Sharciga ah ee Gobolka Banaadir.

 

 

 

Macalin Xaashi oo Maanta sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Siyaasadda Xamar iyo Xamar daye ayaa sheegay in aysan jirin cid isku dayi karta in ay dafiro Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir iyaguna ay taageersan yihiin Maadaama uu Prof.Geeddi kusoo magacaabay qaab awood qeybsi iyadoo la raacayo Sharciga Dowladda u degan Dowladdana ay tahay mid Federaal ah.

 

 

 

Dhanka kale Macalin Xaashi ayaa waxa uu sheegay in aysan suurta gal aheyn in Xubnaha Muqdisho kusugan ay ka dhinac dhawaaqaan Maamul Kale oo ka madax banaan midka uu iminka Guddoomiyaha U yahay Dr. Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde).

 

 

 

Kuma eka ka hadalka arintani Macalin Xaashi waxaa sidoo kale ka hadlay rag ay Muuse suudi si weyn iskugu dhaw yihiin oo sheegay in aysan jirin Maamul ka madax banaan midka uu hogaaminayo Dr.Maxamuud oo ay ku dhawaaqi karaan xubnaha labada gole ee Muqdisho kusugan.

 

 

 

waa markii ugu horeysay ee Arintani ay ka hadlaan Horjooge yaasha Maleeshiyooyinka oo kala ah Macali Xaashi Maxamed Faarax, Shufaay Cabdi Xasan iyo Ninka kale ee isna lagu magacaabo Gudbaaye oo dhammaantoodba ah rag ay si weyn iskugu dhaw yihiin wasiirka Ganacsiga Muuse suudu yalaxow ay ku dhawaaqaan in ay si buuxda u taageersan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Bamaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde).

 

 

Maxamed Shidane Dabaan

 

Muqdisho. Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I think its all about positioning Mayor Cade a few days ago held a press conference in which he criticised the MP's in Mogadishu for becoming an obsticle to peace in the Banadir region. he comments did not go down well with Qaynyare and hence Shawiye making the infamous "I will fight" statement...

 

 

Macallin Xaashi guddoomiyaha Siyaasadda ee Xamar iyo Xamar daye“Ibraahim Shaaweeye waxba kama noqonayo Muqdisho " xaashi.jpg

 

Macallin Xaashi Max’ed Faarax guddoomiyaha Siyaasadda ee Xamar iyo Xamardaye ayaa maanta ka jawaabay hadallo ka soo yeeray Ibraahim Cumar Sabreeye “Shaaweeye†oo sii haye ka ahaa Duqa magaalada maamulkii Carte, wuxuuna Macallin Xaashi sheegay in uusan duq magaalo ka ahayn Ibraahim Shaaweeye magaalada Muqdisho isla markaasna uusan ka noqon doonin.

 

“Tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa Ibraahim Shaweeye haddii uu ka waantoobi waayo hadallada hanjabaadda ah ee maalmahan uu caadeystay†ayuu yiri Macallin Xaashi oo maanta u warramayey warbaahinta gudaha Soomaaliya.

 

“Duqa magaalada Muqdisho iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si sharci ah loo soo doortay waa Max’ud Xasan Cali Gaabow (Cadde), magacaabis Cabdalla-shiddeeye ahna meeshan kama socon doonto†ayuu yiri Macallin Xaashi oo sheegay in magacaabista Cadde ay tahay mid orginal ah oo sharci ku dhisan.

 

“Shaaweeye xaq kuma lahan meeshan, duq magaalo wuxuu ku leeyahay inuu ka noqdo Ceelbuur haddii uu ka helo†ayuu yiri Macallin Xaashi oo sheegay in isagu uu wakiil ka yahay dadka deegaanka Xamar, isla markaasna ay waajib ku tahay inuu difaaco.

 

“Beesheyda ma yeeli doonto in Shaaweeye loo magacaabo Duqa magaalada, isla markaasna Cadde wax ma ahan la dhaho, Ibraahim Shaaweyna waxaan u sheegayaa in indhihiisa ay qaac ka bixi doonaan haddii uu sii wad-wado hadallada uu maalmahan ka dhex hayo warbaahinta†ayuu yiri Macallin Xaashi oo sheegay dhinaca kale inaysan labada gole ee Muqdisho ku sugan aysan xaq u lahayn inay magacaabaan maamul gobol Banaadir.

 

Dhinaca kale waxaa shirkaasi jaraa’id oo uu qabtay guddoomiyaha siyaasadda Xamar iyo Xamar Daye Macallin Xaashi Max’ed Faarax goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Balcad Shufaay Cabdi Xasan iyo Nuur Ciise oo ka mid ah taliyaasha maleeshiyooyinka Deegaanka Xamar.

 

Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) Xuurshe114@hotmail.com

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Minister Aydeed throws in his support behind Cade...

 

Inj.Xuseen Ceydiid oo Sheegay in ay Muhiim Tahay in Dhisidda Maamulka G/Banaadir loo Madaxbaneeyo Gudoomiyaha G/Banadir ee uu R/wasaare Geeddi u Magacaabay kol hore

Posted to the Web Aug 17, 15:40

 

 

Muqdisho:-(PP)R/wasaare ku xigeenka Dowladda FS ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Inj.Xuseen Maxamed Faarax ceydiid ayaa sheegay in ay muhiin tahay in maamul u sameynta Gobalka Banaadir loo madaxbaneeyo Gudoomiyaha Cusub ee G/banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow,kadib kulan ay maanta ku yeesheen Howgiisa.

 

Kulankaan oo ahaa mid looga wada hadlayey sida ugu haboon ee maamul loogu sameyn karo G/Banaadir iyo sida ay uga wada qeyb qaadan karaan labada dhinacba ayaa Inj Xuseen Ceydiid waxaa uu halkaasi ka sheegay in ay muhiim tahay in maamul dhisidda G/Banaadir loo madaxbaneeyo Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow oo ah Mas’uulka uu R/wasaare geeddi jagadaasi usoo magacaabay.

 

Xuseen Ceydiid mar uu ka hadlayey Guddigii 15-xubnood ka koobnaa ee shalay ay magacaabeen ayaa waxaa uu sheegay inuu ku kooban yahay oo kaliya Magacaabistii shalay oo aanu howl bilaabin,waxa uuna tibaaxay Injineerku in Qabiilka uu yahay mid aan horrumar laga gaari Karin .

 

Maxamuud Xasn Cali Cadde Gaaboow oo isna kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay bilaabayaan dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay wax kaga qabanayaan maamul la’aanta ka jirta G/banaadir,islamarkaana ay ka howlbilaabayaan xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Ceydiid,oo ay ku shaqeyn doonaan amaradiisa,oo ay fariisinna ay ka dhiganayaan xafiiska uu isagu ka howlgalayo.

 

Hadalkan Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ku aadan ah in Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir,ahna Duqa Magalaada Muqdisho, loo daayo Maamul u sameynta G/Banaadir ayaa waxaa uu jawaab u noqonayaa hadalkii maalinimadii shalay aheyd kasoo yeeray Ibraahim Shaaweey ee ahaa in haddii uu maamulkaasi uu R/wasaare Cali Maxamed Geeddi uu magacaabay uu isku dayo inuu howlo ka bilaabo G/banaair uu dharbaaxo kulul ku dhufan doono.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceel)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

"Ibraahim Shaaweyna waxaan u sheegayaa in indhihiisa ay qaac ka bixi doonaan haddii uu sii wad-wado hadallada uu maalmahan ka dhex hayo warbaahinta†ayuu yiri Macallin Xaashi oo....."

 

:D:D Waxa soo xasuustey bootadi aan sameyn jirney marka bacaadka la iskugu tago: Waa kaaga dhejinaa ama caro maanyo aan kusiina..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

“ Xalay oo dhan waxaan laseexan weynay Hadalka Ibraahim shaaweey kasoo yeeray, waxaana mugga shaaweey u sheegeynaa in uu duq magaalo kasoo noqdo Ceelbuur oo halkaasi loogaga baahan yahay Mahaanna majirto cid uu jagadaasi u qaban karo, unuka waan ognahay xilliga uu Xamar soo galay iyo qaabkii uu kusoo galay†ayuu yiri Macalin Xaashi Mar uu Saxaafadda u waramayay kana hadlayay sababaha ay shirkaasi u qabteen.

 

 

loool, goormee iigu dambeysey such nice accent spoken around me, macallinkeygii dugsiga quraankaan soo xusuustey maanta may Allah have mercy on him and forgive him.

 

The xaashi man in the picture looks pious person, unfortunately, somali politics corrupt everyone as they are based on pure pre-islamic tradition of tribalism. Waa dhibaato haddii kii munafaqnimada wejiga kaga taalley iyo kii calaamadda mu'minnimada ka muuqatey isku dhaqan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this