Sign in to follow this  
General Duke

TFG bashers want to get PM job, why

Recommended Posts

Dowladda Mareykanka oo ugu baaqday DKMG in wada hadalo ay ka gasho kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho

 

Mogadishu 31, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda KMG ah ee Somalia in ay wada hadalo la gasho kooxaha ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ka hor inta aan lagu dhawaaqin Ra'isulwasaaraha cusub ee badalaya Ra'isulwasaarihii xilka iska casilay ee Cali Max'ed Geedi.

 

Sean Macckomack, Afhayeenka waaxda arimaha ee Mareykanka

Mareykanka waxa uu ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia in ay ka faa'iideysato fursadda is casilaada ra'isulwasaarihii hore ee Somalia Cali max'ed Geedi isla markaana ay furto albaabka wada hadalka ay la yeelaneyso kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka Sean Macckomack oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan dowladda KMG ah in ay ka faa'iideysato fursaddaan isla markaana ay wada xaajood la gasho dhinacyada la dagaalamaya dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho si loo helo jawi munaasab ah oo dib loogu soo magacaab karo Ra'isulwasaare cusub oo suurto gal ay tahay in kooxaha mucaaradka ah ay ku qancaan in ay xilka ra'isulwasaarenimo ee wadanka ay iyagu qabtaan.

 

Waxa uu intaasi ku daray baaq uu u jeediyay guud ahaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Somalia iyo waliba dhinacyada siyaasadda ee ka jira dalka in ay sii labo laabaan dadaaladooda ku aadan in ay dhaqaajiyaan wada hadal dhinaca siyaasadda ah isla markaana aaneey kabixin axdiga qaranka KMG ah.

 

Waxa uu sheegay Afhayeenka in wada hadal miro dhal leh iyo dib u heshiisiin ay aas aas u tahay in la damaanad qaado doorashooyin xor ah oo cadaalad ku saleysan oo sanadka 2009 ka ka dhaca dalka Somalia iyo waliba in dhidibada loo taago xasilooni iyo amaan lagu soo dabaalo dalka Somalia.

 

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay si aad ah ugu hanweyn tahay in booska Ra'isulwasaaraha uu ka baxay uu soo galo Ra'isulwasaare ay soo sharaxdaan kooxaha ku kacsan dowladda ee ka soo horjeeda dowladda, waxaana Baaqaan uu si toos ah ugu wajahan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed oo Mareykanka uu ku war galinayo in aanu la soo dag dagin magacaabista Ra'isulwasaare cusub ka hor inta aan wada hadalo la galin mucaaradka dowladdiisa ku kacsan gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya magaalada Muqdisho.

Click here to find shabelle news in English

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo ay arrintan jirto, inta ay socotey in Geddi is casili doono ama baarlamaanka codka kalsoonida weydiisandoono,ayaa waxaa shir ay isugu yimaadeen odayaasha beesha hintiro,oo ka digey haddii uu magacaabo Cali Mahdi aysan wax taageero ah siin doonin,iyagoo taa sabab uga dhigey in Cali

Mahdi uu ahaa Aabihii kalatagga beelweynta ******,haddana ay ku tilmaamey nin hub isugu dhiibey dhalinyaradda beelaha ,iyagoo warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha beesha ay kaga digeen xildhibaanada beesha in aysan sinaba u baneyn booskooda xildhibaannimo cid aysan ayaga ka warheyn ama la soo marsiin.ragga sida aadka ah ugu ololeynaya ayaa waxa ay sheegeen in arrinta cidda loo dhiibi lahaa xilka ra'isalwasaarenimo in si aad ah looga fiirsado.iyadoo arrintan dadka si aadka ah ugu ololeynaya ayaa ah Muddane C/laahi Sh Xasan. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Topnews today:- Madaxda u sharaxan xilka Ra’isulwasaarenimada iyo kaalimahooda wareega 1-aad

Baydhabo 31/10/2007 Octaber Waagacusub.com .

 

Proffeser Ismaaciil Maxamud Hurre buubaa ayaa noqday siyaasigga ugu hadal heynta iyo taageerada badan ee la sheegayo in loo magacaabayo xilka Ra’isulwasaarenimadda Xukumadda Federalka,waxaana qorshahiisa taageeraya Xildhibaano badan oo Madaxweynaha u gudbiyay talooyin ay ku bixinayaan inaan Ra’isulwasaarenimada laga dhigin mid ay xaq u leedahay beel gaara balse loo dhiibo mas’uuliyiinta u qalma sida Ismaaciil Buubaa oo mudo dalka Soomaaliya ka soo qabtay xilalka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga.

 

 

 

Qaar ka tirsan culumadda ahlusunna Wal Jameeca ayaa Madaxweyne Yusuf kula taliyay inuu Ra’isulwasaarre u magacaabo Ismaaciil buubaa hadii uu doonayo inay Xukumadda federalka najaxdo oo mira dhasho.

 

Mashaa’iiqda Ahlu sunnah oo aan ka gaabsanay inaan magacooda xusno waxay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu ka fogaado shaqsiyaadka aan abshirta u ahayn,diinta,dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxda u sharaxan xilka Ra’isulwasaarrenimada oo sii kordhaya aya ku kala jira kaalima 1-aad ilaa 8-aad waxayna kala yihiin asaxaabtaan.

 

1-Proff Ismaaciil Maxamud Hurre buubaa,2- Proff Cali Jimcaale,3 Proff Cabdulahi Afrax,4-Dr Maxamed Cali Xersi ,5-Maxamed Maxamud Guuleed Gacmodheere,6-Cabdi Raxmaan Waare,7-Axmed Cabdi Sallaan, 8-Col Cabdulahi Warsame Nur.

 

Proff Cali Jimcaale oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal New york ayey ila wareedyadda Waagacusub saadaalinayaan inuu yahay ninka labaad ee loo saadaalin karo Ra’isulwasarenimadda Soomaaliya hasse yeeshee waxaa qiyaastaas mid qabaar mooga ku tilmaamay diblomaasiyiin badan,waxayna ka dhawaajiyeen inaan xiligaan Soomaaliya looga baahneyn nin cusub oo aan waxba kala socon baahiyadda jira.

 

Proff Jimcaale oo ay Ra’isulwasaarenimadiisa ku xiran tahay inuu Cali Geeddi kursiga u baneeyo ama baarlamaanka ansixiyo qodobka in dibada laga qaadan karo golaha Xukumadda ayaa u muuqdo daruur aan roob wadan oo mar dhaafa.maxaa yeelay hadii Cabdulahi Yusuf doonayo inuu Ra’isulwasaaraha ka magacaabi dibadda waxaa looga baahan yahay codka kalsoonida ee 189 Xildhibaan.

 

Inkastoo Proff Cabdulahi Afrax la geliyay kaalinta sedexaad hadana waxaa kaga dhaw baa la leeyahay Maxamed Cali Xersi oo ku fadhiya kursi aan sharciyadiisaba la ogayn balse Sheekh Aadan Madoobe sheegay in Xuseen Caydiid Xildhibaanimadiisii loo magacaabay Mudane Xersi

 

Maxamed Maxamud Guuleed Gacmodheere ayaa leh,kursiga uu baneeyay Geeddi,cidi igama xigto igamana mudno,laakiin jawaabtiisa ayaa iska noqon kareyso timirtii horeba deb u waysay oo u micnaa,Wasiirul daakhiligaa tijaabo kuugu filan.

 

Cabdi Raxmaan Waarre oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Hiiraan ,waxaa uu noqon karaa macquul laakiin isagana xisaabo ku aruuray ayaa seejin karo inuu laaco cadkii uu ka cararay Geeddi.

 

Col Cabdulahi Warsame oo ay heyb hoose wadaagaan Xaaji Muusse Suudi Yalaxow,warkiisa wuxuu ka dhamaan la yahay khilaaf,qaarbaa leh waa iska diiday xilkaas kuwa kalana waxay leeyihiin,wuxuu ku fool yahay Muqdisho.

 

Proff Cali Jimcaale ama Proff Buubaa ayey ku badan tahay fara fiiq fiiqa laakiin waxaa wada saaran calaamatu su-aal ku saleysan sida ay ku hanan karaan hogaanka sare ee Ra’isulwasaarrenimadda iyo halka ay geyn karaan gelbiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
audio Madaxweyne C/laahi Yuusuf Sidee buu u wajihi doona Siyaasada Cusub ee Somalia?!.Xil ka qaadistii Ray’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed oo beesha caalamku ku tilmaamtay fursad wax looga bedeli karayo xaalada siyaasadeed ee Dalka Somalia side buu u wajihi doonaa Madaxweyne Yusuf.Wed-31-Oct-2007

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Tell you what, you should be worried about this reports whom its contents you failed to comprehend. In other words it means those who orchestrated the expeulssion of Geedi are lining up someone who will catalyst the ending of the puppet Yeey. read between

the lines before you display yourself as 'tageero dhohaan'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So, I see Duke is still feeling high on his magic carpet ride.

 

Duke, what happened to your great hero, the Charles de Gaulle of Somalia, the one and only PM Geedi?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Dowladda Mareykanka oo ugu baaqday DKMG in wada hadalo ay ka gasho kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho

 

I thought all the terrorists were crushed and ran away!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this