Sign in to follow this  
BiLaaL

Sheekh Hasan Dahir Aweys's letter to the U.N.

Recommended Posts

BiLaaL   

Sh Xasan Daahir Uways oo ah Gudoomiya Golaha Shuurada ee Gollaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed (GMMIS) ayaa qoraal u diray Hay'ada Gaallada Midoobay kaas oo uu kaga waramayo waxqabadkii MMI oo uu ku tilmaamay Sheekhi inay mudan tahay in la siiyo Shahaadada Nabada Caalamka laguna mahadiyo dadaalkii ay sameeyeen. Sheekha ayaa ka hadlay arimo fara badan oo ay ka mid yihiin dhibaatada guud ahaan lagu hayo Muslimiinta. Wuxuu kale oo ka hadlay sida uu u arko xalka Soomaaliya.

 

Waraaqda Sheekha oo dhan waanu tarjunay iyada oo ku qoray Af Carabi waxayna u dhignayd sidatan:

 

Waxaan mar walba ka hadlaa (Sh Xasan Daahir ahaan) cadaalada, waxaan naftayda iyo dadka kalaba la jeclahay cadaalad, laakiin waxaan la yaabay markii uu nin ka mid ah (hay’ada) Qaramada Midoobay uu igu yidhi; waxaan ku arkay inaad mar walba cadaalada u fikirto, oo aad aad uga sheekayso cadaalada, laakiin waxaad ogaataa inuusan aduunkan oolin wax cadaalad ahi.

 

Waxay ii xaqiiqowday arintani kadib markii Maxaakimta Islaamku ay soo baxday oo ay qabteen wax ay ku mutaysan karaan abaalmarinta caalamiga ah ee (Nobel Peace Prize), wuxuuba mudnaa waxaan qabanay inuu noqdo tusaale caalami ah. Laakiin danbiga aanu galnay wuxuu ahaa Muslimiin ayaan nahay, waxa aanu dhisnayna wuxuu ahaa wax ku salaysan diinta Islaamka iyo shareecadeeda (Lagooma aargoosan inay Ilaahay rumeeyeen mooyee, Ilaahaasoo ah mid awood leh oo la mahadiyo; Surah Buruuj; aayad 8). (Nooga aargoosanaysid inaanu rumaynay aayadihii Ilaahay markay noo yimaadeen kadib mooyaane; Acraaf 126).

 

Waxaan maanta ogaaday inaan Muslimiinta loo ogalayn cadaalad iyo karaamo, inayna lahayn xoriyatu qawl oo ayna xataa lahayn xaq inay noolaadaan ah. Ma difaacayo (Muslimiinta) waxaan Ilaahay ahayn. Looma ogola inay is difaacaan Muslimiintu, is difaacaas ay karaamadooda ku difaacayaana waxaa loo yaqaanaa argagixisanimo. Bal eeg waxa ka dhacaya Falastiin. Dhulkoodii ayaa la dhacay, xoolahoodii ayaa la qaatay, dadkoodii ayaa la bara kiciyay hadii ay gumaysiga la dagaalamaana waa argagixiso!! Waxa ay samaynayso Israa;iil (Waxaa la yidhi waa ) difaacu nafsi!!!.

 

Ciraaq xageedana waa Yaabka Yaabkiis! Ciraaq waxay ahayd dawlad ka tirsan hay’ada Qaramada Midoobay. Waxaa ku soo duushay dawlad kale (USA) dariiq aan xaq ahayna ku qabsatay. Dadkii Ciraaq waa la laayay, maalkeedii waa la bililiqaystay, shacabkeedii waa la bah dilay, xataa aduunka kale (Wuu awoodi waayay) inuu inkiro ee waaba la sii badhi gantaalay (oo lagu garab istaagay Maraykanka). Waxaa la inkirsan yahay kuwa wax iska caabinaya! Afghanistan waa sidoo kale. Wadamada kale oo la nooca ahna waa badan yihiin.

 

Waxyaabaha ka dhacaya Caalamka Islaamka (ee duulimaadyada lagu qaaday ah) waa xalaal nadaamka aduunku dhistay sida Soomaaliya oo kale. Markii ay Ethiopia ku soo duushay iyada oo jabisay nadaamkii caalamiga ahaa waa lagu daba istaagay (Xabashida), iyada oo arinkani ka soo horjeedo xeerarka caalamiga ah iyo doonista shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu arinkasi dhaliyay in la dilo kumaankum, in la gawraco kumaankum. Waxaa la barakiciyay malaayiin. Waxaa la baab’iyay dhismihii wadanka. Waxay rumaysan yihiin in wixii ay hagaajiyeen Muslimiintu uu ahaa fasaad, waxa ay iyagu kharibeena waa wax fiican waana in la burburiyo waxa Islaamku dhistay, muraadna kama laha inay dib u dhisaan.

 

Haddaba haddii ay Qaramada Midoobay oo ay dadku moodayeen inay masuul ka tahay ilaalinta xuquuqdooda ayna siiyeen kalsooni waa fog (Waa Muslimiintee) ay tahay mida dhiirigalinaysa in la weeraro wadamada Muslimka kolba mid, miyaanaan mudnayn inaan kalsoonida kala laabano? Miyaanaan mudnayn inaan xaqanagii doonano? Miyaanaan mudnayn inaan iska difaacno cadowga? Xaqu miyuusan ahayn midka mudan in raaco? Maxaa Xaqa kazoo hadhay oo aan baadinimo ahayn?

 

Qadiyada Soomaaliya

 

Qadiyada Soomaaliya waa mid siyaasadeed. Ma aha mid nabad galyo, ama bulsho ama dhaqaale. Soomaalidu waa hal ummad. Ma jiraan kala qoqob qawmiyadeed, ama diineed ama mad-hab. Waa hal qoys waxaase jira qabaa’il uu marar dagaal dhex maray kaasoon daa’im ahayn. Wuxuu dagaalkani ku dhammaan lahaa xal siyaasi ah waana dabeecada mujtamac qabyaaladeed. Mana aha mushkilad aad u wayn. Waxaa laga yaabaa in (dagaalkan sokeeye) keenay loolan loogu jiro kursiga madaxwaynanimada sidii dhacday sanadihii 1990aadkii. Loolankani ma ahayn mushkilad sidiisa ah haddii ayna dawladii (UNISOM) soo fara galin lahayn. Dawladahan faraglinta sameeyay ayaa kala qorsha duwanaa.

 

Soomaaliya waxaa la yidhaahdaa waa dawlad aan qaabilin danaha dawlada kale, xataa kuwa ku bahoobay mawqifka la iclaamiyay ee fara galinta (iyaga ayaa kala dana ah). Waxaa is diidan danaha tusaale ahaan Ethiopia, Maraykan, Yurub iyo Afrika. Dhammaan dawladahan waxaa isku dhacsan maslaxadooda marka ay timaado Soomaaliya.

 

Dhibaatada Soomaaliya waxay ku dhisan tahay oo sharaxday aayadan: ( Ilaahay ka baqa oo wanaajiya dhexdiina haddii aad tihiin Muslimiin Suuratu Anfaal). Qadiyadu haddaba waxaa weeye in Soomaalidu Ilaahay ka baqdo oo Ilaahay iyo Rasuulkiisa adeecdo. Waa inay Shareecada isku xukumaan wixii intaas ka soo hadha ma xalin karo mashaaakilka Soomaaliya.

 

Sababtu waxaa weeye Soomaalidu waa Muslim 100%. Cudur ma dawayn karo daawo aan tiisii ahayn. Dawada ku haboon cudurka Soomaaliyana waa ISLAAM. Hagaaga bulshada waa in la dhiso xukun caadil ah, waa in la waasiciyo maamul iska leh kalsooni shacbi. Waa in la sameeyo dad xikmad iyo garsoor wax ku maamula. Lama heli karo cadaalad ku filan (Soomaalida) oo aan ahayn Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka NNKH.

 

Dawlada Ajnabiga ah:

 

Dawladahan shisheeye haday yihiin Axmaaro, Afrikaan ama Quruumaha Midoobay waxba kama qaban karaan Soomaaliya. Sababtu waxaa weeye mashaakilka Soomaaliya ma aha mid amni ee waa mid siyaasadeed, maamul, waana mid mabda’a. Dawladna dawlad kale kuma faral yeeli karto waxayna rabin.

 

 

Xukuumada Ku Meel Gaadhka ah

 

Ma awoodo tani inay xaliso mashaakilka Soomaaliya. Sababtu waxaa weeye waa daciif mana laha wax awood ah iyo mabaadii. Shacabka (Soomaaliyeed) ma rabo, waana daba dhilif cadow. Sidaa awgeed loogama fadhiyo inay wanaag keento.

Waxaa intaas sii dheer in shacabkii uu si hor leh usii nacay oo ay beerantay cadaawad cusub. Waxaa kale oo ayna lahayn fikir siyaasi ah oo waasac ah oo midayn kara kooxaha Soomaalida.

 

Sidee loo xalin karaa qadiyada Soomaaliya:

 

Waxay ku xalismaysaa mushkilada Soomaaliya haddii la fuliyo qodabadan:

 

 

- In ciidanka Ethiopia laga saaro dhulka Soomaaliyeed sababtoo ah waa ciidan cadow ah oo aan ahayn saaxiibkano. Waa kuwii laayay shacabkanaga ee gumaystay dhulkanaga. Cadowgaaga lagama rajeeyo inuu wax kuu wanaajiyo. Cadowgu ma keeno kharaab iyo burbur waxaan ahayn.

 

- In la kulmiyo dhammaan cida danaynaysa qadiyada Soomaalida ee ka kala socda axsaabta kala duwan. Waa in lagu kulmiyo meel dhexdhexaad ah oo nabad ah. Waa in la fuliyaa waxa lagu heshiiyo waana inuu caalamku taageeraa. Waa inaan shuruudo dibada looga yeedhinin ka soo horjeeda maslaxadooda. Waa in markaas wadanka dib loo dhisaa waana in (ugu danbayn) la xaliyaa khilaafaadka u dhaxeeya Soomaalida iyo dawladaha dariska ah qaab dhinac waliba mahadin karo.

 

Waxaa qoray waraaqdan Gudoomiyaha Gollaha Wada Tashiga ee Maxaakimta Islaamka Sh Xasan Daahir Uways.

Waxaa waraaqda tarjumay KismaayoNews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nothing is new here ,,,,,,,,,,, the same old policy and news.

 

 

May the Sh. Hassan want it to be more official ,,,

 

 

where is he horta ????????

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^^It may be old policy news but the Sheikh earned alot of respect from many quarters, including many in the EU. The Sheikh was right about alot of things. The truth may seem odd but it remains the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidee loo xalin karaa qadiyada Soomaaliya:

 

Waxay ku xalismaysaa mushkilada Soomaaliya haddii la fuliyo qodabadan:

 

 

- In ciidanka Ethiopia laga saaro dhulka Soomaaliyeed sababtoo ah waa ciidan cadow ah oo aan ahayn saaxiibkano. Waa kuwii laayay shacabkanaga ee gumaystay dhulkanaga. Cadowgaaga lagama rajeeyo inuu wax kuu wanaajiyo. Cadowgu ma keeno kharaab iyo burbur waxaan ahayn.

 

- In la kulmiyo dhammaan cida danaynaysa qadiyada Soomaalida ee ka kala socda axsaabta kala duwan. Waa in lagu kulmiyo meel dhexdhexaad ah oo nabad ah. Waa in la fuliyaa waxa lagu heshiiyo waana inuu caalamku taageeraa. Waa inaan shuruudo dibada looga yeedhinin ka soo horjeeda maslaxadooda. Waa in markaas wadanka dib loo dhisaa waana in (ugu danbayn) la xaliyaa khilaafaadka u dhaxeeya Soomaalida iyo dawladaha dariska ah qaab dhinac waliba mahadin karo.

He didn't say who is doing all these ,,,,,,,

 

 

ha la yeelo, ha la sameeyo ,,, but who ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

It's just general advice to the U.N, as they claim to be protectors of the weak in the world. I am sure the good Sheikh(raximullah) will be back, bigger and stronger than before. I say there aren't many people like him in Somali politics. Matter of fact, there aren't many Somalis like him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote:Sidee loo xalin karaa qadiyada Soomaaliya:

 

Waxay ku xalismaysaa mushkilada Soomaaliya haddii la fuliyo qodabadan:

 

 

- In ciidanka Ethiopia laga saaro dhulka Soomaaliyeed sababtoo ah waa ciidan cadow ah oo aan ahayn saaxiibkano. Waa kuwii laayay shacabkanaga ee gumaystay dhulkanaga. Cadowgaaga lagama rajeeyo inuu wax kuu wanaajiyo. Cadowgu ma keeno kharaab iyo burbur waxaan ahayn.

 

- In la kulmiyo dhammaan cida danaynaysa qadiyada Soomaalida ee ka kala socda axsaabta kala duwan. Waa in lagu kulmiyo meel dhexdhexaad ah oo nabad ah. Waa in la fuliyaa waxa lagu heshiiyo waana inuu caalamku taageeraa. Waa inaan shuruudo dibada looga yeedhinin ka soo horjeeda maslaxadooda. Waa in markaas wadanka dib loo dhisaa waana in (ugu danbayn) la xaliyaa khilaafaadka u dhaxeeya Soomaalida iyo dawladaha dariska ah qaab dhinac waliba mahadin karo.

He didn't say who is doing all these ,,,,,,,

 

 

ha la yeelo, ha la sameeyo ,,, but who ???
The things he mentions need to be undone by those who did them. Eight months ago, Somalia was not occupied but today it is.

 

The Sheikh is urging the engineers behind this disaster to take some responsibility. The ICU put alot of energy into building friendly relations with both the UN and the EU. The Sheikh has just demonstrated his political astuteness with this letter to the UN. More than anything else - he is rebuking the UN for their poor stance in relation to the flouting of key U.N. resolutions by the U.S. and Ethiopia. The ICU placed their confidence in the U.N. as a fair arbiter but the U.N. failed them miserably.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Originally posted by Geel_Jire12:

I say there aren't many people like him in Somali politics. Matter of fact, there aren't many Somalis like him
.

Very true. The Sheikh has earned my respect. May Allah preserve him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Bilaal, was the letter translated before it was sent or it was sent in Somali? If it was translated, maybe having it in this topic would be wonderful. There are many groups that browse this section of the forum with little or no knowledge of the Somali language. I tried to find a translated version but with no success. If you can, that would be helpful.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^The letter was written in Arabic and sent to the U.N. in that format. The copy i've found was translated from Arabic into Somali. I haven't come across the letter in English, but if i do i'll post it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

What the good sheekh is asking is doable. He is not advocating Iraq-style insurgency. He wants Somali problem to be solved through dialogue held in a neutral arena outside Somalia and attended by all concerned parties.

 

He is addressing the UN and wants it to take the lead in pressuring the TFG to endorse this peace proposal.

 

I hope TFG takes up this rare opportunity and makes a deal with him. Replace the Ethiopian troops with Arab contingency, appeal to the AU to keep their word on African troops, leave Somaliland alone, talk to Uways, resolve the Kismayo problem peacefully, and we will have arrived.

 

Encouraging news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Disregarding the fact whether Sheikh Aweys is actualy a player now in the Somali Politics, dont you assume that this recent letter is bit late coming from him. Soomaalida waxy ku maahmaahda "shaley o aan xoog lahay taalo maheyn - mantey o aan taalo hayana xoog ma hayo".

When yesterday we were all praying that he could engage in any form of dialogue with the TFG he labeled them as 'dowlada taagta daran'. Now that he was wrong in his assumption but we all knew that the TFG was not the opponent in here but they were a shadow to a bigger force that was determined that ICU was harboring more than they were claiming.

At this moment the moderate ICU's were trying to furnish the demands posed by the International World and prove that they were a better alternative for the Somalis with their field work being a good example - peace and stability from Galkacyo to Kismayo.

The humble Sheikh Aweys now was then gearing up for more and undermining the moderate voice of the ICU- his lieutants were decalaring Jihaad left and right, tilting and risking the enormous achievement they made in such a short time by the Grace of Allah SWT.

Though it is history now - it is however beyong argumentative that Sheikh Aweys reliance on the power force behind the ICU made him stubborn and arrogant and as a result blind to the predicatable reality - the speedy self destruction of the ICU, cause of his stance- aggresive, aggresive and aggresive.

In the last two meetings of Khartoum the ICU delegation refused to negotiate with the TFG cause they had axmaro in Baydhabo - well there is axmaro everywhere now.

If only at that time they sat with the TFG and horned some sort of negotiation - though the TFG themselves were the mouth piece of external forces - at least the shift of blame for the conference failure would have not been upon the ICU.

Plus the fact if the ICU had had accepted the arrival of AMISOM troops as peace keepers - am sure the ICU would have had the upper hand and still control areas which they pacified - but the tone was nothing but 'no askar gaala ah'

which brings me to another maahmaah 'dantada maqar ey wa logu sexda'.

ICU lacked compromise and are paying the price now - now whether this is due to the leadership of Aweys might to some of you be argumentative , but to me the Sheikh lacked the tact, capability and resolute when it mattered, and as some who knew him in his days from Bosaso and Bakool will tell you - he never had it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Juje, there was never really anything to agree on. Both sides were demanding thngs that were deemed unacceptable by both the other.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looking forward to Geedi's response (Via Melez of course).

Question is will the be a respone at all or will we see another quest speaker like the dude on Al Jazeera!

 

In any case i have a lot of respect and time for people like Sheik Dhair, i can't same the same for any of the TFG members and i guess the same is true apart from its constituant suppoters where the case is viceversa i guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this