Sign in to follow this  
me

Safarkii Isimadda SSC ee Dhalaama Cune Jiida hore Ee Widhwidh (Sawiro)

Recommended Posts

me   

Isimadda SSC ee ku sugan magaaladdan Buuhoodle ayaa socdaal hawleed maanta ku tegay jiida hore ee Dhalaama Cune isla markaana halkaas kula kulamay Ciimadda Xoogaga ee SSC..

 

Waxaa socdaalkan Isimadu uu ahaa u guur galid xaaladda Ciidamadda, niyad dhis iyo waliba kormeer guud, waxana Isimadani ay cagta soo wada mariyeen dhamaanba goobaha ay fadhiyaan Ciidamadda SSC ee Jiida hore Widhwidh.

 

Isimadda maanta booqday jiida hore waxaa ka mid ahaa Garad Jama Garad Cali, Garad Jama Garad Ismaaciil, Garad Cali Buraale, Ugaas Faarax dheere, Garad Ibraahim Baaruud.

 

Iyada oo ay safarka ku waheliyeen Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise, Madax Maaliyadda Osman Xaaji Cali iyo Gudoomiyaha Khusuusiga iyo xubno ka mid ah Khusuusiga iyo waxgarad kale oo badan.

 

Taliyayaasha Ciidamadda SSC ee jiida hore ayaa Isimadda uga Xog waramay xaaladda ay ku sugan yihiin waxana ay dhaar ku mareen in ay dhiig u daadinayaa difaaca dhulkooda .

 

Isla markaasna duruufkasta oo ku timaadda aysan waxba u arag inta ay dhulka SSC ka xoraynayaa beelaha ku soo duulay iyagoo soo bandhigay dhoolatus heer sarre ah.

 

Isimadda ayaa aad u amaanay Ciidamadda SSC ee ku jira sidii ay dhulkooda u difaacan lahaayeen isla markaasna u sheegay in ay garab taagan yihiin xoogan kana ilaalinayaan Dayac iyo niyad xumo, shaqaduna ay tahay mid u kala qaybsan oo Isimaduna ay Waajibkooda ka soo baxaan Xooga SSCna waajibkooda au gudan doonaan.

 

dhalamocune8.jpg

 

dhalamocune2.jpg

 

dhalamocune11.jpg

 

dhalamocune6.jpg

 

dhalamocune3.jpg

 

dhalamocune4.jpg

 

dhalamocune5.jpg

 

dhalamocune7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this