Sign in to follow this  
Emperor

North America Somalis mass show up for the President + PICS

Recommended Posts

Emperor   

Soo Dhowayntii Madxwaynaha iyo Wafdigiisii- Washington, DC (Sawiro)

Posted to the MOL April 20, 2008, 4:40 pm

Waxa xalay lagu qabtay magaalada Washington, DC ee Caasimadda Maraykanka Xaflad aad u heer sareysa oo lagu soo dhoweeynaayo Madaxweynaha Dowladda Federaaliga ee Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdigiisii oo ka yimi New York.

Xafladda oo aad u qurux badnayd waxa lagu qabtay Hoteelka weyn ee Willard Intercontinental oo ku dhinacyaal Aqalka Cad ee Maraykanka,waxaana soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Metro Washington D.C

Waxa ka soo qayb galay dad weyne aad u fara badan oo soomaali iyo ajaanib ba leh oo uu ka mid yahay Ergayga Dowladda Maraykanka ee Somalia Ambassador John Yates kuwaas oo buuxiyey hoolkii xafladda loogu talo galay. Marti sharaftu waxay ka kala yimaaddeen dhammaan magaalooyinka iyo gobolo kala geddisan ee Maraykan iyo Kanada sida Minneapolis, Columbus, Boston, Maine, Chicago, Seattle, Atlanta, San Diego, New York, Toronto iyo Ottowa. Waxaa goobti ka tiriyeen gabayo, guubaabo, geeraro, buraanburo iyo heeso aad u macaan oo dadkii qiiro geliyey.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Cali Axmed Jaamac iyo Danjire Cilmi Duale ayaa warbixinno kooban kabacdi kusoo dhoweeyey makrofoonkii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Axmed.

Madaxweynuhu waxa uu aad uga warramay safarkoodii New York iyo wixii ay

kala kulmeen iyo barnaamijyada is barbar socda ee dawladdu haatan wado kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhameystirp hawlaha u dhiman dawladda ku meel gaarka ah. Waxa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf aad ugu celceliyey nabadda iyo sida dawladdiisa uga go/antahay in dibu heshiisiinta la dhamaystiro oo soomaali wada heshiiso dalkana loo diyaariyo doorashooyin xor ah iyo axsaab.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Yuusuf wuxuu kula dardaarmay Jaaliyadaha dibadda in ay iyaka laftoodu u baahan yihiin dib u heshiisiin dhexdooda ah si ay wdajir uga qaybqaataan dib u dhiska dalka.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay Casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Washington {Diplomaasiyiin Mareykan ah iyo saraakiil hore oo uu ka mid yahay Cali Samatar oo casho sharaftaa ka qeyb galay}

Munaasabad aad u balaaran oo ahayd casho sharaf ay jaaliyada Soomaaliyeed u sameeyeen madaxwewynaha Jamhuuriyada ayaa xalay ka dhacday magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykan ,waxaana madaxda Soomaalida ka sokow casho sharaftaa ka qeyb galay diplomaasiyin uu ka mid yahay wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya Mr Yates.

Munaasabada casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin matalayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika,waxaana ka qeyb galayaasha lagu qiyaasay in ka badan 1000 ruux oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin hore oo Soomaaliyeed uuna ku jiray Mudane Maxamed Cali Samatar.

Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa dad weynaha Soomaaliyeed ee uu la kulmay waxaa uu kaga war bixiyay xaaladaha guud ee dalka,socdaalkii uu ku tagay xarunta Qaramada Midobay kaas oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday guul u soo hoyatay umada Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay waxaa weydiiyay sababta ay ku dhacday in muddo 18 sanadood ah oo dalkka dagaalo ay ka dhacayeen loosoo gurman waayo Soomaaliya iyadoo gurmad hagar la’aaneed loo fidiyay dalal kale oo Afrikaan ah sida Liberia,Siraleane, Dr Congo,Rwanda iyo dalka Kenya oo qalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhacay ay beesha caalamku mar qura ku guuleysatay damintiisa,mise waxaad ka carooteen dagaaladii sanadku markuu ahaa 1993-kii lagu qaaday ciidamadii UN-ka ee Joogay Soomaaliya”ayuu madax weynuhu u sheegay bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika.

“Madaxda dalalka caalamka iyo Kuwa qaramada midoobayba waxaa ay garow sadeen in ay qalad ka galeen Soomaaliya oo ay ka jiifteen,waxaana hada ku kalsoonahay in ay dar dar xoogan gelin doonaan arrinta Soomaaliya ayna la imaan doonan wax qabad muuqda oo deg deg ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxweynaha oo la hadlayay bulsho weynta Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika xalay.

xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika oo caawa casho sharaf u sameynaya madaxweynaha Jamhuuriyada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika ayaa caawa munaasabad casho sharaf ah ugu sameynaya madaxweynaha Jamhuuiryada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed dhisme weyn oo ku yaala magaalada Verginia ee Washington.

Waxaa magaalada Verginia ee Washinton soo buuxdhaafiyey xubno aad u fara badan oo ka mida jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norh America,waxaana ay usoodiyaar garoobeen ka qeyb galka munaasabada casho sharafta ah ee caawa loosameynayo madaxweynaha Soomalaiya CabdullaahiYuusuf Axmed.

C/risaaq Qaawiido oo ku sugan magaalada Verginia ayaa arrintan ay wareysi kala yeelatay shabakada carmooyin.com waxaana uu sheegay in ilaa iyo shalay ay magaaladan soo gareen in ka badan 600 oo ruux hase ahaatee ay wali dadku soo garayaan magaalada gaar ahaana halka loogu talagalay munaasabadu in ay ka dhacdo.

Qabanqaabiye-yaasha munaasabada ayaa sheegay in ay badaleen hoolkii markii hore loogu tala galay in madaxweynuhu uu khudbada ka jediyo iyadoo sababtuna ay tahay dad aan lagu xisaabtamayn oo soo buux dhaafinaya magaalada.

Warar kale ayaa waxeey sheegayaan ilaa iyo maanta oo ay bishu tahay 19 ay wali shacabka soomaaliyeed ay kus oo qulqulayaan magaalada Verginia si ay ugu muujiyaan madaxweynaha soomaaliya taageerida ay u hayaan dowlada soomaaliyeed.

Jaaliyadaha sida badan usoo buux dhaafshey magaalada Verginia ee gobolka washinton waxaa ay ka kala yimaadeen Minisota, Ohio , Atlanta, Chichago , Boston ,Toronto Canada, iyo gobolo kale aanu halkaan ku soo koobi karin.

Waa markii ugu horeysey 18 sano jaaliyadaha North-Amerika oo isku duuban ay sidan ugu soo banaan baxaan dowlad soomaaliyeed madaxweynaheeda, waxaase shaqsiyaadka odorosa siyaasada soomaaliya ku tilmaamen in shacabka soomaaliyeed uu dowladnimo doonayo iyo wadankooda in ay nabad waarta ka dhacdo.

Habeenimada Caawa oo ay bishu tahay 19/04/08 ayuu madaxweynaha la kulmi doonaa jaaliyada soomaaliyeed ee North-Amerika ayagoo u sameynaya casho sharaf loo badinayo in ay ka soo qeybgalayaan ugu yaraan 1000 qofood oo soomaali ah oo haatan sida la sheegey 600 oo ka mid ahi ay xaadir ku yihiin magaalada Virginia ee gobolka Washinton.

Hadaba wixii ku soo kordha warkan iyo sida ay munaasabadu u dhacdo kala soco carmooyin.com goor kasta.

xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
Emperor   

Qabanqaabiye-yaasha munaasabada ayaa sheegay in ay badaleen hoolkii markii hore loogu tala galay in madaxweynuhu uu khudbada ka jediyo iyadoo sababtuna ay tahay dad aan lagu xisaabtamayn oo soo buux dhaafinaya magaalada.

Warar kale ayaa waxeey sheegayaan ilaa iyo maanta oo ay bishu tahay 19 ay wali shacabka soomaaliyeed ay kus oo qulqulayaan magaalada Verginia si ay ugu muujiyaan madaxweynaha soomaaliya taageerida ay u hayaan dowlada soomaaliyeed.

.... even the meeting hole has to be changed because of the high turn up

Share this post

Link to post
Share on other sites
Emperor   

Munaasabad aad u balaaran oo ahayd casho sharaf ay jaaliyada Soomaaliyeed u sameeyeen madaxwewynaha Jamhuuriyada ayaa xalay ka dhacday magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykan ,waxaana madaxda Soomaalida ka sokow casho sharaftaa ka qeyb galay diplomaasiyin uu ka mid yahay wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya Mr Yates.

Munaasabada casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin matalayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika,waxaana ka qeyb galayaasha lagu qiyaasay in ka badan 1000 ruux oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin hore oo Soomaaliyeed uuna ku jiray Mudane Maxamed Cali Samatar.

Pple from all states of America and as far as Toronto, many former Somali officials attended including former Somali vice President and Cheif of Staff, Marshal Maxamed Ali Samatar

Share this post

Link to post
Share on other sites
Emperor   

And... the one and only, the most talented female Somali singer... Amazing to see that she's still a shining beauty as her old days...

P1030101.JPG?imgmax=512

Saado Ali Warsame

P1030104.JPG?imgmax=512

... a true Somali lady

Share this post

Link to post
Share on other sites
Thankful   

Great Pics, the diaspora are a huge part of Somalia especially the TFG. It's nice to see our president meeting with his people.

It's sad that these kinds of threads generate no response by those that love to dwell on every bit of negative news. Our people that have been doing so since the 1960s. Anyways, great pics. Nice to see so many blue flags!!!!!! Hope he makes more tours.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this