Sign in to follow this  
Suldaanka

President Dahir Rayaale meets with UN SG Rep

Recommended Posts

Hargeysa (Halganews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa caawa ku qaabilay Madaxtooyada JSL Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Farcois Lonsensy Fall, wada hadalkaa ka dib warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland kuna seexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale ayaa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan

w7.JPG

 

 

"Waxaanu ka xunnahay in Jimicyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ay xaqiiqada ka jirta Somaliland ay indhaha uga qarsatay, Qaran aan jirin daraadii muddo 15 sanno ah, annagoo ahayn hooyadii Sabab Somaliweyn ugu biirtay Somaliyada nalagu cadaadinayo. Sidaasi waxa uu Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku yidhi Mudane, Farcois L. Fall oo ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo uu kulan la yeeshay casho sharaf uu u sameeyay ka hor caawa.

 

Madaxweynaha oo weftiga uga mahad celiyey imaatinkooda,waxa uu ugu horreyntii ka codsaday in imaatinkoodu aanu noqon sidii kuwii hore, xaqiiqo raadin ayaan u imid haddana Golaha Ammaanka oo aan waxba la gaadhsiin.

 

Madaxweynuhu, waxa uu ergayga si faahfaahsan ugaga warramay taariikhda Somaliland, sida:

 

1. In ay markii hore ahayd maxmiyad Ingiriisku uu dusha ka ilaaliyo oo xuduudaheeda caalamiga ah leh oo guumaysigu uga tagay oo ahaa Somali kuwii ugu horreeyay ee xor noqda, riyaddii Shanta Somaliweyna inay midoobaana doonista shacbigan ugu biiray Somalia oo talyaanigu uu xornimadooda siiyay dabadayo, taas oo caddeynaysa annagu inaanu ahayn hooyada in la helo Somali weyn ee aanay ujeedadu ahayn ku biiris Muqdisho iyo Midnimada muqadaska lagu sheegayo ee uu Butras Qaali Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay kaga tagay Xafiiska Qaramada Midoobay kaas oo aanu codsanayno in meesha laga saaro.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay, in Somaliland ay iskeed iyadoo ayna cidina taageerin u hirgelisay,

 

Dib-u heshiisiin illaa iyo heer hoose lagaga soo bilaabay, taas oo aasaaskiisu ahaa shirweynihii Jabhadda SNM ay beelaha Somaliland qaybahooda kala gedisan ku kulmisay Burco 1991, halkaas oo lagu go;aamiyey nabad la wada qaatay iyo in dib looga soo noqdo la midawgii Somalia, oo lagu dhawaaqo sidii aanu ahayn 1960 kuna eekaano xuduudahayagii caalamiga ahaa.

 

 

Waxa noo dhismay buu yidhi, qaran hay’adihiisii kala duwan ay u dhan yihiin, waxana noo suurta gashay hub ka dhigista iyo qaramaynta illaa 50’000 oo maleeshiyo ah, waxaanu axdi qarameed 1993 shirweynihii labaad ee lagu qabtay Boorame lagu sameeyay kadib markii Jabhadii SNM labadii sanadood ee loogu tallo galay oo ahayd mid taariikhiya ay ku wareejiyeen Beelaha Somaliland, laguna dhisay Hay’adihii hoggaaminta Dalka.

 

Intaa ka dib waxa noo suurto gashay, hubka dhigis, taas ooo keentay raga maanta sugaya nabadgelyada Somaliland inay yihiin kuwii hore isaga soo horjeestay oo ku walaaloobay Somaliland oo waliba hubkii ay iyaku lahaayeen ku ilaalinaya Nabadgelyada iyo Qaranimadooda, waxana noogu xigtay haykalkii Dawladnimo oo dhidibada loo taagay iyo shirweynihii 1997 lagu qabtay Hargeysa oo aanu ku ansixinay Dastoor, qaabkii beelaha loogaga gudbayo oo shacbigani ay ugu coddeeyeen 2001, 97% gooni isu taagga Somaliland waa lagama noqdaan.

 

 

Waxaanu ku dhaqannay dastoorkaasi oo noo suurto galiyey, markii Madaxweynihii hore uu geeriyooday alla ha u naxariistee sida uu qorayo Dastuurkaasi inaan ku qabto Jagada Madaxweynaha anigoo Madaxweyne ku xigeen ahaa, kadibna dib la iigu doorto 2003, waxa noo suurto gashay Doorashooyinkii Dawladdaha Hoose , tii Madaxtooyada iyo ta Baarlamanka oo ugu dambaysay, taasi oo aan ka dhicin Africa iyo wadamada soo koraya intooda badan.

 

Madaxweynuhu, waxa uu intaasi ku daray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa maaha Hay’ad wax aqoonsata, waxase aanu ka rabnaa Caddaalad ku salaysan, xaqiiqada ka jirta Somaliland inaanay ku daboolin Qaran aan jirin, anakoo waliba ka xun kursigii aanu wada lahayn in la fadhiisiiyey Xukuumad meel ay xukuntaa aanay jirin, anakoo jirnana lanaga hortaagan yahay.

 

Ta labaad, waxaanu ku dulmannahay qiimeynta heerka nabadgelyadayada oo ka wanaagsan heerka wadamo badan oo xor ah, in haddana lagu qiimeeyo heerka afraad oo iska kaqyo hortaagaya horumarintii dalkani uu caalamka kaga qayb qaadan lahaa, taas oo aanu codsanayno in deg deg wax looga qabto.

 

Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waxaan kaa codsanayaa in Golaha Ammaanka ee aad tagi doonto iyo Xog-hayaha Guud in la is waydiiyo mar uun, ma jirtaa qayb ka mid ahaan jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ayaa wanaagsan oo shaqeynaysa oo aan ahayn meesha dib u heshiiya lagu kari waayay.

 

Waxaanu rajaynaynaa in aanan noqon qaran la duudsiyay ee Xaqiiqada ka jirta Somaliland la hor dhigo wadamada Caalamka ee iyagu aqoonsiga bixiya.

 

Ergayga Xog-hayaha Guud oo ka mahad celiyey soo dhaweyntii, waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa halkan iyo waxa wanaagsan ee uu ku arkay, anigoo horena u soo arkay, waxa ka jira Somaliya, waxay ii tahay fursad fiican inaan indhahayga ku arko xaqiiqada ka jirta Somaliland, waxaanan ku hambalyeynayaa guulaha aad gaadheen shacbiga Somaliland, Madaxweynihii hore ee geeriyooday iyo adiga Madaxweynaha Maanta ka ah.

 

Waxaanan kaa ballan qaadayaa Madaxweynoow, oo aan kuu xaqiijinayaa 09/11/05 kulanka ay golaha ammaanku ka yeelanayaan arrinta Somalia, inaan farriintaadu siday tahay aan ugu gudbiyo xaqiiqada ka jirta Somaliland-na ay siday tahay halkaa ugu bandhigo anigoo dhambaalkan xog-hayaha guudna gaadhsiin doona.

 

Ergaygu, wuxuu intaa ku daray, wax badan baanu dadku ka ogeyn in Somaliyana Talyaanigu xukumi jirey idinkuna aad ahaydeen Maxmiyad ingiriis guumaysan jirey, farriintaasna waxaan kaa ballan qaadayaa in aan golaha ammaanka gaadhsiiyo.

 

Wuxuu ergaygu ku nuuxnuuxsaday, warka laguu keenayo inay ka qiimo badan tahay arargtidu, haddii aan soo arkay Jawhar, Muqdisho iyo meelaha kale ee Somaliya, halkan Somaliland xaqiiqada aan ku arkay nabadgelyada ka jirta iyo wixii idiin qabsoomay, siday tahay ayaan u gudbin doonaa.

 

Waxa ugu dambayntii uu Madaxweynuhu ergayga u dhiibay dhambaal qoraal ah oo Xog-hayaha Guud ugaga waramayo qaddiyada Somaliland, waxa u qabsoomay iyo waxayunu ka tirsanayno Qaramada midoobay iyo waxaynu ka doonaynaba.

 

Intaasi ka dib waxa loo fadhiistay casho sharaf ay kala qayb galeen koo Wasiiro ah iyo xubnihii kale ee weftiga halkaasi oo ay ka mid ahaayeen, la taliyayaashiisa arrimaha siyaasadda iyo Militariga, is xogwaraysigii ku saabsanaa xaqiiqda ka jirta Somaliland. Casho sharaftaasi waxay ku dhammatay jawi wanaagsan".

 

reporter@halganews.com

 

Abdifatah Hassan Hargeisa Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nailah   

Originally posted by Tolstoy:

• We hope that the
UN
will respect the sovereignty of Somaliland which
97%
of it's population have opted for.

If you want to make a case for seccession, then do so without distorting or falsifying your statistics. I don't care much for politics, but this is just ridiculous.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaaanka:

w7.JPG

And now, another online segment of: What Guulwade Riyaale is Thinking - "They fought, they bled and died. But I'm their Daddy." :D

 

I think he has a right to smile, afterall.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Collective Statement Of Somaliland's National Politital Parties Submitted To Ambassador Mr. Fracois L. Fall, Special Representative Of The Secretary General Of The United Nations(UN)

I'm honestly wondering whether this will go to the shredder or maybe not even that sensitive enough and will just make it to the recycle bin.

 

Tolstoy for a man that is so level headed when discussing the DKFMG and the international positions concerning it, you sure do become a "shameless cheerleader and mouthpeice" when it comes to secessionist region. Without resorting to personal attacks and changing the topic, just please explain to me why you bring a whole new meaning to "A Hope In The Unseen" even to the point of loosing touch with reality when concerning the secessionist region?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I remember you once had a signature which went like "buquuq baqaaq"

 

 

---------

SOMALIA: UN envoy commends Somaliland's stability

 

 

HARGEYSA, 1 November (IRIN) - The UN Secretary-General's Special Representative to Somalia, Francois Lonseny Fall, on Monday praised efforts by the self-declared republic of Somaliland to nurture democracy and enhance stability in the territory.

 

"The people of Somaliland are to be commended for the progress they have made towards security and true democracy," Fall, who visited Somaliland for talks with senior officials, political party leaders and civil society representatives, said.

 

Residents of Somaliland, he said, had "succeeded in rising above the conflicts that have stifled social progress and the peaceful aspiration of the vast majority of the Somali people for the past 14 years".

 

The visit was Fall's first trip to Somaliland, the northwestern Somali region that unilaterally seceded from the rest of Somalia after the collapse of regime of the late Muhammad Siyad Barre, in 1991.

 

The Somaliland president, Dahir Riyale Kahin, in a statement issued after meeting Fall expressed his dismay over what he alleged was a deliberate stand by both the UN and the international community not to recognise Somaliland's achievements.

 

He said the people of Somaliland believed they had been held hostage for 15 years, despite their desire to be separated from the rest of Somalia.

 

"In May 2001 the people of Somaliland reaffirmed their independence in a referendum in which more than 97 percent voted to maintain Somaliland as a separate state but still they are being kept hostage by the desire and designs of warlords....they view the UN ignorance as injustice," said Kahin.

 

Fall promised to report his observations to the UN Secretary-General.

 

"I am pleased to get this opportunity to see Hargeysa, listen, learn and discuss with leaders from diverse sectors. I will definitely report what I saw, heard and learnt here back to the UN Secretary-General and also to the UN Security Council session on Somalia on 9 November in New York ," he said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Simplicity:

quote:Originally posted by Tolstoy:

• We hope that the
UN will respect the sovereignty of Somaliland which
97%
of it's population have opted for.

If you want to make a case for seccession, then do so without distorting or falsifying your statistics. I don't care much for politics, but
this
is just ridiculous.
:D

No wonder you don't care for politics. This IS politics.

 

Numbers and figures can be looked on and interpreted in dozens of ways. Almost every single one of them (from a political point of view) can be accused of being distorted of falsified. Is it 97% of the people of Somaliland or is it 97% of those who voted? Would such a detail matter to anyone else other than those that DIDN’T vote?

 

It’s politics, my dear, politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

So let me this straight, hope is all you have going for you? Hope that you draw temporary self-contentment from and that gives you something to devote your time to right? Sooner or later I am confident you will face reality and by then I hope the depression and meloncholy is not too great. Oh well, I shant be brooding and party pooping realist here. Nabad galyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

97% isn't the only peculiar number in SL political history. According the results of the recent parliamentary elections, the people of Sool & Sanaag regions (which are, according to SL hardliners, part of "Somaliland") have eleven (11) representatives in the SL Parliament. Now, honestly compare that to the fourteen (14) representatives Reer Awdal gained in the elections. ;) No wonder a staunch SNM hardliner had the nerve to comment something to the effect of Reer Sool & Sanaag form 5% of the ideal population.

 

But congrats Riyaale, for he is doing a mighty good job upping his kinfolk. Also, in the new SL Parliament, there are no members from the Somali clan that's a majority in Djibouti (and has traditional lands in Awdal region). TOLSTOY, can you deny any of these facts?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this