Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Ra'isul wasaare Geeddi oo saacadaha foodda nagu soo haya lagu wado in uu gaaro Mog..

Recommended Posts

Ra'isul wasaare Geeddi oo saacadaha foodda nagu soo haya lagu wado in uu gaaro magaalada Muqdisho.

 

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaailya Md. Cali Max’ed Geedi ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in socdaal shaqo uu ku tago magaalada Muqdisho.

 

Safarka ra’isul wasaaraha oo qaadan doona muddo aan la cayimin ayaa lagu wadaa in uu ugu kuurgalo kuna soo kormeero xaaladda Magaalada Muqdisho isla markaana uu kulamo halkaas kula soo yeesho xubnaha ka tirsan dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

 

Sidoo kale safarka ra’isul wasaaraha ayaa ah mid uu ku booqan doono xarunta Villa Somalia oo haatan ah fariisinta xafiiska ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Md.Xuseen Max’ed Faarax Caydiid.

 

Dr. Cali Max’ed Geedi Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in safarkiisu uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumaddiisa ee dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalidda caasimadda Soomaailya ee Muqdisho, isagoona ugu baaqay xubnaha dowladda in ay meel ka soo wada jeestaan ayna ka sheqeeyaan sidoo dowladda ay guud ahaan si dhab ah u maamuli lahayd dalka Soomaaliya.

 

Ra’isul wasaaraha ayaa horay ku tagay magaalada Muqdisho booqasho todobaad ah, waxana intuu joogay magaalada Muqdisho uu kula kulmay xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo halkaasi ku sugnaa iyo siyaasiyiin waaweyn oo horay dalka xilka madaxweynaha uga soo qabtay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Mr. Cali Mahdi Max’ed iyo Dr. C/qaasim Salaad Xasan, isagoona booqday goobo fara badan oo ay ka mid ahaayeen dekadda magaalada Muqdisho, Airport-ka, jaamacadaha iyo schoolada sarsare ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo aad u fara badan, isagoo intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho la hadlay shacabka magaalada Muqdisho kalana hadlay Stadium-ka weyn ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku sigtay in uu naftiisa qaaliga ah ku waayo kadib markii Bam culus lagu qarxiyay goob in ka yar Hal miter u jirtay,taasoo qeyb ka ahayd amaan xumada ka jirta magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

According my dream, not yet.

 

Gheedi's and Aydid juniors trip to Moqadisho postponed due to bad weather. They were about to travel via plane although Jowhar is only 90km away from Moqadisho. They will be travelling tommorrow inshallah to Moqadisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

Midnimo Information Center

mic 06 - 11 - 2005 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo daqiiqado kadib khudbad

dheer ka jeedin doono Villa Soomaaliya

 

Baabuurta dagaalka oo aad u fara badan ayaa lagu marsiiyay Geeddi Suuq bacaad, isagoo markaasi ku sii jeeda Xarunta Villa Soomaaliya ee uu Maamula Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaarah oo socod dhinaca Baabuurka ku maray waddooyinka waa weyn ee Waqooyiga Muqdisho ayaa markii dambe waxaa u gudbay xarunta Villa Soomaaliya, halkaas oo loo diyaariyay inuu khudbad ka jeediyo, khudbadaas oo dadweynaha muqdisho wada sugayaan.

 

Cali Maxamed Geeddi oo ka soo degay Garoonka Cisaley ayaa waxaa uu soo maray Hotelka Ramadaan ,isagoo intii Hotelka ku soo socday qarax ku dhacay mid ka mid ah Baabuurtii lagu ilaalinayay, kaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 4 ruux dad kale dhaawac ka soo gaaray.

 

Geeddi oo hadda ku sugan Villa Soomaaliya ayaa goor dhaw waxaala filayaa inuu khudbadiisa bilaabo, wararka khubada Geeddi waa idin soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Ilaa iyo 4-Ruux ayaa la soo sheegaya inay ku dhinteen Qarax ku habsaday mid ka mid ah Baabuurtii ilaalinaysay Cali Maxamed Geedd

 

Gaari ka mid ahaa baabuurtii soo dhaweynaysay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa qarax dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ku habsaday sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ay ku sugan yihiin Saraakiisha Cali Maxamed Geeddi.

 

Ilaa iyo hadda warar faahfaahsan lagama haayo waxyaabaha ka dhashay Qarax, laakiin wararka qaar ayaa waxay leeyihiin qaraxan waxaa uu ka dhashay Bam kuwa ka dhaca Qoriga Faalka Soomaalida u taqaano,halka warar kale ay leeyihiin waa Miino.

 

Wararka ilaa iyo hadda la helay waxay leeyihiin Qaraxan waxaa ku dhintay ilaa iyo 4 ruux, kuwa dhintay ilaa iyo hadda wax ay kala yihiin lama haayo, qaraxna waxaa uu ka dhacay meel u dhaw Hotelka Ramadan, gaar ahaan meelu dhaw Shaneemo Puntland.

 

3-dii May ayay ahay markii Geeddi lagu weeraray Bam isagoo khudbad ka jeedinayay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, qaraxaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 20 qof dad kalena ku dhaawacameen.

 

Wararka qaraxan wixii ku soo kordho wararkeena dambe ayaa si toos ah uga heli doontaan iyadoo ilaa iyo hadda wariyaasha ku howlan yihiin halka uu ka dhacay Qaraxa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

Wasiirkii ugu horreeyey oo sheegay in uusan Muqdisho ku soo dhoweyneyn Prof. Geeddi, lana kulmeyn inta uu joogo Muqdisho

 

 

Wasiirka ganacsiga dowladda federaalka Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in uusan Muqdisho ku soo dhoweyneyn ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Prof. Cali Max’ed Geeddi, isla markaana uusan la kulmeyn.

 

 

“Anigu kuma jiro dadka soo dhoweynaya Cali Max’ed Geeddi, kulamana kulmayo Muqdisho†ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in fikirkaasi ay jiraan wasiiro muhiim ah oo la qaba.

 

 

“Wasiirada Muqdisho ka soo jeeda waxaan ogahay in uu jiro hal wasiir oo keliya in uu soo dhoweynayo Geeddi, kuna fikir yahay†ayuu yiri Muuse Suudi oo dhinaca kale sheegay in xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ay ka soo horjeedaan in Jowhar ay kulan ku qaataan wasiirada arrimaha dibedda IGAD.

 

 

“Filim-ka waxaa atoore ka ah C/llaahi Yuusuf, Cali Max’ed Geeddi-na gadaal ayuu ka joogaa†ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in uusan necbeyn ninka maamula Jowhar balse uu C/llaahi Yuusuf yahay sida uu hadalka u dhigay oday 90 jir ah oo aan ka naxay wax dhashay & wax dhintay, wuxuuna intaasi ku daray in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uusan ka shaqeyneyn maslaxada ummadda Soomaaliyeed, uuna u adeegayo shisheeye.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

Geedi ayaa yiri http://dayniile.com/Nohenber/7Nofenber12.htm

 

“Haddii la maqli jiray waa lagu daneysanayaa, ciddii ku daneysata shacabiga ayaa marqaati ka noqonaya, siyaasada dowladda waxaa qeyb ka ah in la helo ciidan Qaran oo suga ammaanka dalka & dadka Soomaaliyeed, kana difaaca cadowga gudaha & dibedda, shakiga shacabka Soomaaliyeed nalaga geliyeyna aad baan uga xunahay, cidda dantooda wadana iyaga ayaa ogaan doona, howlaha aan u imid waxaa ugu horreeya in goleyaasha Muqdisho ku sugan aanu is-aragno oo aan ka tashano sidii aan u wada shaqeyn laheyn, una xoojin laheyn sidii loo soo celin lahaa ammaanka & kala dambeynta caasimada, sidaa daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhammaantood in ay ii yimaadaan laga billaabo wasiirada golaha xukuumadda ku jiro ee aan ra’isul wasaaraha u ahay, ilana shaqeeyaan haddii ay khilaafyo & kala aaraa duwanaani jirtay waxaan u imid in aan iyaga is aragno, kadibna ay miiska saaraan wixii afkaartooda ah oo ay qabaan, si aan uga wada-shaqeyno danta & maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, wax badan ayaan maqlayey iyadoo la iga been abuurayo oo la leeyahay ra’isul wasaaruhu ma ogola in uu golihiisa xukuumadda uu la kulmo, maantaba bulshada Soomaaliyeed in aan ugu yeerayo berri in ay ila kulmaan hal hal ama koox koox ama gebi-goodaba si danta dalka & danta ummadda aan uga wada-shaqeyno†ayuu yiri Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi.

 

 

 

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

 

Ku noqo beejka

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this