Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Intelligence Seize Portable Anti-Aircraft Weapons

Recommended Posts

RedSea   

Sir Culus:Itoobiya oo iska lahayd 10-kii gantaal ee Hargeysa,lana wareegtay gantaalihii.Warbixin. :D

 

StingerOLFI.jpg

 

http://static.howstuffworks.com/gif/stinger-missil e-launcher.jpg

 

Hargeysa-Warar aan ka helay magaalada Hargeysa oo ay na siiyeen qaar ka mid ah madaxda maamulka Somaliland ayaa noo xaqijiyey in 10-kii Gantaal ee dhowaan lagu qabtay magaalada Hargeysa ay iska lahayd dawlada Itoobiya,oo iyada loo soo iibiyey,uuna u soo iibiyey ganacsade reer Hargeysa ah,uuna ku wareejin lahaa xafiiska dawlada Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.

 

 

 

 

Hubkan ayaa waxa soo iibiyey nin ganacsade ah oo hubka u soo iibiya Itoobiya,kaasoo hubka ka soo qaada Muqdisho,hubkana waxaa keena ciidamada AMINSON ee ka hawlgala Soomaaliya.

 

Ninka Ganacsadaha ah ayaa kula heshiiyey Itoobiya in ay hubkaas ka siisan doonaan $100,000(boqol kun oo dollar),balse si lacagtaas aan loo siin,ayaa waxa meesha hubku yaalo u sheegay xukuumada Somaliland ciidamada sirta ee Itoobiya,kadibna waxaa hubkii qabtay ciidama amniga ee Somaliland,waxaana markaas kadib si sahal ah hubkii ula wareegay ciidamada sirta ee Itoobiya ee ka hawlgala Hargeysa.

 

Qaar ka mid ah Ciidamada sirta ee Somaliland iyo kuwa Itoobiya qaar ka mid oo si qarsoon u wada shaqaysta,ayaa waxay ku raad joogaan 2 nin oo kale oo ay ku sheegeen inay yihiin argagixiso,balse naloo xaqiijiyey inay iyaguna qorshaha hub iibinta ku jireen,oo ay hayaan fiyuusyadii qarxin lahaa gantaalaha,meel ay jaan iyo cidhib dhigeena aan la hayn.

 

Arintu si kastaba ha ahaatee waxa hubkii la wareegay ciidamada sirta Itoobiya,iyagoo sheegay inay leeyihiin lahaanshaha hubkaas,aana lagala hadli karin hubkaas.

 

Ciidamada sirta ee Itoobiya ayaa sidoo kale saraakiil ka tirsan lagu qabtay magaalada Boorame,dhowr bilood ka hor,iyagoo ku hubaysnaa baastooladaha ay ku xidhan yihiin qalabka dhawaaqa tira,waxaana markii ay ciidamada amnigu qabteen,amar lagu siiyey in la sii daayo,waxaana iyagoo la galbinayo la keenay xaruntooda.

 

 

 

Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Ciro ayaa ku tilmaamay gantaalahaa in laga keenay gobolka Galgaduud,ayna lahaayeen kooxo argagixiso,arintaas oo uu ka gaabsaday inuu soo bandhigo cadaymo muujinaya sida gantaalahaa loo soo geliyey Hargeysa.Mr Ciro ayaa sidoo kale ku eedeeyey in hubkaas laga keenay Ereteriya,wadankaas oo colaad dhextaalo Itoobiya,waxaana qorshahaas oo dhan iyo eedaynta Itoobiya ka soo shaqeeyey ciidamada sirta ee Itoobiya,waa sida ay noo sheegeen ilaha wararkuye.

 

Warkan ayaa waxa aan ka soo xiganay madax sare oo ka mid ah maamulka madaxweyne Rayaale,kuwaasoo naga codsaday inaan magacooda la shaacin.

 

Afnugaal News Desk.

------------------------

 

SL intelligence forces have done their job well for catching these weapons, unfortunately the weapons are back into the hands of the ethiopians. The guys were trying to do somethin in somaliland and blame it on alshabaab and others. Very disapointing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Yes, He is the SOL representative of Al Shabaab, so make a good relationship with him, in case things go out of control like Baidoa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this