Sign in to follow this  
Muruqmaal

Cadowga Puntland waayo?

Recommended Posts

YEY FARXAD GALINAYSAA IN PUNTLAND LA WAAYO?

 

Waa su’aalo mudan in si taxadar leh looga fikiro. Puntland cadow ma leedahay? Yey yihiin cadowga Puntland? Halkey joogaan? Su’aalahaas iyo in kaloo badan ayaa mudan inay sweydiiyaan shacab weynaha reer Puntland.

 

Ugu horeyntii waxaan shacabka Puntland ugu baaaqayaa inay dhidibada u aasaan nabada Allena ugu mahad celiyaan nimcooyinka uu ku manaystay, kuna dadaalaan sidii ay nimcadaa u xijisan lahaayeen. Ogaada ummad waa waxuu dalku ku dhisanyahay. Ummad la’aan waa dal la’aan. Dal kasta wuxuu ku hormaraa ama ku dib-dhacaa hadba sida ay ummaddisu u dhaqanto. Dalalka horey u marey waxay ku horumareen waa dadaalka ummaddooda, iyo iyadoo qofkastaba u tartamo inuu dalkiisa u qabto inta ugu badan ee awooddiisa garsiiso, iyo inuu la dagaalamo wax kasta oo dalkiisa burburinaya.

 

Cadowgiina raali kama ahan inaad gaartaan horumar, barwaaqo iyo isku filaansho. Xaggee ayuu idinka soo galayaa cadowgiina, hadaad noqotaan ummad isku xiran oo aad u feejigan, kana digtoon dalaabooyinka cadowga ku burburnayo dalkiina. Hadaydaan isku tashan oo aydaan garan qatarka muuqata iyo waxa laga dhaxlayo, ogaada maalin aydaan waxba ka qaban karan ayay gaaraysaa. Wanacuudu bilaahi..

 

Guud ahaan dalkeena Somalia waxaa ku habsaday abaar, gaajo, colaad, dil, dhac, boob, darxumo, daryeel la’aan, biyo la’aan, gaadiid la’aan iyo daawo la’aan. Aafooyinkaa waxaa laga dhaxlay burburkii qarankeenii waxuuna keenay ceeb ku habsata ummada soomaaliyeed. Aduun weynaha waxay u arkaan somalida dad ka liito xoolaha oo wada waalan qarankoodii gubay shacabkoodana gumaadaya, iyadoo ay ceebtaa somali oo dhan saameysay hadana waxaa jira dad somali ah oo maskaxdoodu fiyow dahay una shaqeenayso sida umadaha kale oo nidaam iyo system dowlad yeeshay shacabkooda badbaadshey magaca somalina jecel inay sharaftiisa soo celiyaan waxaana ugu horeeya Puntland ee gaad dheer iyo mid gaaban u kortay inay sharaftaa iyo maamuuskii ay beri samaad lahayd somali ay dib ugu soo celiso caalamka. Dowlad goboleedka ee Puntland waxay ka mid tahay Somalia. Indho xumada Somalia haysata Puntland wey danqinaysaa weyna saameynaysaa. Puntland Alle ka badbaadiyey aafooyinkaa waxayna noqotay goob boqolaal kun somali ah ugu qaxaan si ay naftooda u badbaadiyaan. Shacabka Puntland waxay gacmo furan, qalbi furan iyo gacal ehelnimo ku soo dhoweeyeen dadkii u soo barakacay waxayna ugu baaqeen nabad iyo inay Puntalnd tahay dalkoodii hooyo cidna ku dulmin karin. Balse xaalku waxuu noqday sidaan kugu lisey iguma aadan hambeyn. Laguma wada shaabadeen karo dadkii u soo wada qaxday, balse qeybo ka mid ah ayaa wada qaska lagu burburinayo Puntalnd.

 

Puntland waxay madaxa la gashay xaalad adag oo aan la dhayalsan karin, waxaana looga fadhiyaa sidii ay u furdaamin lahayd qorshooyinka cadowgeedu u maleegayo. Waa hubaal ah in ay Puntland cadow badan leedahay noocyadey doonaan iyo shaararkey doonaan ha soo xirteen, balse waxaa ka sii yaab badan cida la rabo in la burburiyo oo cadowgaas u soo feysanayo mindida inay iyaguna waa reer Puntland ay ku jiraan dhohanaan ayna ka muuqato kala daad sanaan dhexdooda ah walina garan la’yihiin in Puntland lala damacasan yahay god madow in lagu hubsado aysan dib dambe uga soo bixin. Alle ayaanu ka magan galaynaa sharta cadowgu maleegayo.

Mudooyinkaan waxaa saxaafada somalida qabsadan warar aan hore looga baran in Puntland laga maqlo sida Dilal qorshaysan oo lagu ugaarsanayo masuulyiinta iyo indheer garadka, iyo qaraxyo lagu doonayo in Puntland sumcada looga dilo, laguna sasiyo maamulka cusub iyo hay’adaha caalamiga ee ka howlgala gayiga Puntland. Maamulkan cusub waxuu ku dadaalay in indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo Puntland siday ugu heylan tahay inay horumar ku talaabsato kana dhiidhido mowqifkeeda ku aadan hirgalinta barnaamijkeeda ay kor ugu qaadayso horumar la taaban karo. Waxaa kaloo jira qeyb ka mid ah hay’adaha la soo baxay dadaalka xoogan ay ku wada doonayaan (Puntland iyo Hay’adaha) inay hirgaliyaan barnaamijka dalka lagu horumarin karo. Waxaa hubaal ah haday cabsidu intaa ka badato in hay’adihii caalamiga ee gacansiinayay shacabka iyo qorshooyinka quruxda badan uu maamulka cusub ku doonayo horumarinta dalka lumi doonto hadaysan shacabka hadda mowqif cad ka qaadan tabandaabyadaa lagu wiiqayo horumarkooda.

Hadab yey yihiin kooxaha isku bahaystay burburinta Puntland. Aan tilmaamo ka bixino kooxahaas iyo ujeedooyinkooda qarsoon. Shan kooxood ayaan ku soo qaadayaa xulka cadowga Puntland.

 

1. Shabaab waa ka qeyb weyn ayay ka ciyaaraan burburinta Puntland waayo waxuu damacoodu yahay inay dalka Somalia wada qabsadaan, iyagoo xoog ku raadinayo riyadooda. Mabda ay aaminsan yihiin kama mid ahan wada hadal, dib u heshiisiin iyo nabad lagu gaaro badbaadinta dhiiga muslimka. Waxay ku gacan seyreen dadaalkii ay wadeen culimada soomaaliyeed ee qadarinta mudan, loogana dambeeyo aqoonta dheer ay u leeyihiin Diinta Islaamka.

 

2. Somaliland qeyb libaax ayay ka tahay burburinta Puntland, waayo waxay u aragtaa haday Puntland cagaheeda isku taagto horumarna gaarto ay qalqal galinayso jiritaankeeda iyo aqoonsiga ay ku daaleen gacantoodana ka baxayso Sool, sanaag iyo Ceyn. Sidaasna ay ceel dheer uga dhacayso aqoonsiga lafta dhuunta u gashay.

 

3. Galmudug raali kama ahan mana jecli inay arkaan Puntland oo cagta saarta jidkii horumarka. Waxay dadaal ugu jiraan inay raadshaan qaabkii loo soo dadajin lahaa burburinta Puntland si ay koonfur ula sinaato.

 

4. Dad maangaab ah oo u dhashay Puntland ayaa qeyb aan la malaysan karin ka ciyaaraya burburinta Puntland. Waxuu damacoodu yahay hunguri iyo xukun ku gaara burburkaa. Waxaa adeegsada cadowga Puntland si reer Puntalnd la isugu jabiyo. Waa wax magarad aan garanaynin shirqooolka cadowga la maagan yahay dalkooda.

 

5. Qaar ka mid ah Hay’adaha gargaarka keena ma rabaan, raallina kama ahan inay Puntland gaarto isku filaansho iyagana ay shaqadooda waayaan oo toos maamulkaa gacanta loogu galiyo mucaawinada la siiyo. Hay’adaha ma jecla horumar waayo waxaa imaanaysa in lala xsiiabtamo, laakiin markuu dagaal iyo dib u dhac jiro waxaa u sahlan inay lunsadaan deeqaha loo soo dhiibay.

Kooxahaas ayaa isku biirsaday dubinta Puntland. Mid kastooo ka mid waxuu leeyahay ujeedo u gaar ah, balse waxaa mideynaya waa naceybka ay u hayaan Puntland iyo jiritaankeeda.

 

Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Puntland midnimo, wadajir iyo taxadar badan inay yeeshaan ayna gacmaha isku qabsadaan sidii ay uga guulaysan lahaayeen cadowgooda wajiha badan ee halaagooda ka shaqeenayo.

 

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu shacabkeena, madaxdeena iyo mas’uuliyiinteenaba waafijiyo dariiqa toosan ee uu raalliga ka yahay, ummaddeenana uu tuso wanaaga iyo wax qabadka, kuna abuuro deggenaan, kalsooni iyo daacadnimo. Ilaahay waxaan kaloo ka baryeynaa inuu nabad kheyr qabta keeno, ummad is-jecel oo wax isu oggolna oo wax wada qabsaneysa naga dhigo. Aamiin, aamiin yaa Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Muruqmaal mahadsanid sxb, waa maqaal aad u fiican oo iftiiminaya cadawga puntland iyo kuwo jecel burka puntland. nasiib wanaag laakin ummadda puntland waa mideysantahay meel ayeyna uga soo jeedaan cadowgooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this