Sign in to follow this  
General Duke

The clan courts wanted war, now want peace..this is not even funny..

Recommended Posts

Maxkamadihii Islaamiga sheegan jiray oo iyagoo dibad joog ah sheegay wada hadal nabadeed in ay oggolyihiin {Markii Hore Bootin Libaaxle-yaal markii dambena kuftin sagaarole-yaal}

 

Mogadishu, 26 Feb. (AKI) –Hoggamiye yaasha maliishiyooyinkii Islamiga sheeganjiray ee laga saaray dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay haatan doonayaan wada hdal nabadeed in ay la galaan dowladda federalka dalka Soomaaliya oo iyana sheegtay in aanay ba garanayn halka ay joogaan sidaa daraadeedna wax lala xajoodaba aanay dhamayn.

 

Haraadigii maxaakimtii Islaamiga sheegan jiray ayaa haatan waxaa ay wadan rabshado ay ku dhibaateynayan shcabka Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool iyagoo iska dhigaya dagal in ay kula jiraan millatariga Soomaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ee la ologga ah.

 

"Waxaanu doonaynaa in aanu wada hadal nabadeed la yelano dowladda federalka,maadama wada hadalka nabaddu uu yahay wadada keliya ee looga bixi karo mashakilaadka ka taagan dalka Soomaaliya"ayaa lagu yiri war murtiyeed kazoo baxay madax ka tirsan maxaakimtii baaba'ay ee Islamiga sheegan jiray,kaasoo uu shaaciyay TV-ga AlJazeera ee dalka Qadar.

 

Todobaadkii lasoo dhaafay aya madaxweynaha Soomaaliya C/llahiYuusuf Axmed Waxaa uu kasoo dabcay fikirkiisii hore waxaaana uu sheegay in ay dowaladdu wada hadal la yeelanayso masuliyiinta Moderete-ka ah ee maxaakimta ka tirsanaa kuwaasoo aan ku sii fogaan afkaraha argagixisanimada.

 

Maxkamadahan Islaamiga isku tilmaamay ayaa intii ay awoodda lahaayeen waxa ay diideen in ay xitaa is arkaan masuuliyiin dowladda ka tirsan maantana waxaa ay kubaaqayaan wada hadal nabadeed in ay oggolyihiin xilli aanba la garanayn halka ay joogaan oo loogu hagagi karo.

 

Bood boodkooda aya aad u badnaa waxaana ay arrintaasi ka tarjumeysa micnaha ay xanbarsanayd Oraah Soomaaliyeed oo lagala haray Oday waaya joog ahaa tasoo oranaysay {Dad waxaa ugu daran Marka hore Bootin Libaaxleh marka dambena Kuftin sagaaroole leh} Sidaas si la mida ah aya haatan ku dhacday maxkamadihii beelaha midoobay ee Islaamiga sheegan jiray.

 

Markii hore waxaa ay ismoodayen Libaax oo waxaaa ay u boodeen libaax sidiisii,lakin awooddooda yar awgeed waxaa ay u kufeen sidii sagaro ookale.

 

By Shamis

shamisfine@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bood boodkooda aya aad u badnaa waxaana ay arrintaasi ka tarjumeysa micnaha ay xanbarsanayd Oraah Soomaaliyeed oo lagala haray Oday waaya joog ahaa tasoo oranaysay {Dad waxaa ugu daran Marka hore Bootin Libaaxleh marka dambena Kuftin sagaaroole leh} Sidaas si la mida ah aya haatan ku dhacday maxkamadihii beelaha midoobay ee Islaamiga sheegan jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo sheegay inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Dowladda Somalia

Posted to the Web Feb 27, 06:04

 

 

Muqdisho (PP) – Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee Soomaaliya ayaa bayaan ay ka soo saareen kana sii daayeen Telefishinka Afka Carbiga ku hadla ee Al-Jaziira ku sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Dowladda Soomaaliya.

 

 

Bayaankaan ayay ku sheegeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa in jidkaas uu yahay jidka keliya ee ay Soomaaliya kaga bixi karto qalalaasaha iyo dhibaatooyinka soo jiitamayay muddada dheer.

 

 

 

Qoraalkaan oo ay ku saxiixnaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah oo caalaammadoodana ay ka muuqatay ayaa loo qaybiyay warbaahinta qaarkeed, iyadoo Telefishinka Al-Jazeera oo bayaankaas baahiyay uu sheegay in aad loogu cambaareeyay Qoraalka Dowladda KMG-ka ah, adeegsiga ay adeegsatay Ciiidammada Ethiopian-ka ah.

 

 

 

“Waa dambi aad u weyn iyo qiyaamo in ciidammo Ethiopian ah dalka la keeno, in ciidammadaas dalka laga saaranaya waa waajibka ugu weyn ee iska caabinta Qaran ee aanu wadno” ayaa lagu yiri bayaanka la sheegay inuu ka soo baxay Maxkamdihii Islaamiga ahaa ee laga itaalka roonaaday.

 

 

 

Qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan madaxda Dowladda waxay ku eedeeyaan Maxkamadihii xubno ka haray, waxaana sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf uu dhowr jeer oo hore sheegay inaysan wax hadal ah la galayn Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee laga itaalka roonaaday isagoo dhowr jeer ku celiyay oraahda ah: “Maxkamado aan la hadalno ma jiraan oo waa hore ayay baaba’een”.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mugadisho

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aduunku sida saaxadda ayuu u wareegayaa ,,,, shalay Alle u baahne ayaa farxad iyo qosolkiisa laga joogi waayay ,, maantana oohintiisa ayaa laga fadhiyi laýahay ,,,,,, General Duke wuu murugaysnaa maantana raynrayn buu ku jiraa ,,,, markaaa inay haddana xagga kele u wareegto waa wax dhici karta ,,,,,,,,,,,,,,

 

cimrigaagaa oo dheer geel dhalaaya aas ku tusaa ,,,,,,,,,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice to see you can find time to see the funny side of things JB.

 

Why do qabil loving nomads find dealing with reality so challanging?

 

Why is it so hard to admit that debunked traitor's murderous organisation called the TFG (F = Foriegn as someone so aptly coined)didnt winning nothing in this recent conflict?

 

And Now fearing the very population they are suppose to serve, the bombard and kill the very same people they are suppose to serve (at least in mogadisho), were i observe some of the dob ****'s and gaal raac's would like the government to "liquidate" the population to borrow one phrase.

 

Ethopian Soliders and Heavy Arteliry proped up by US Air support was the decisive force, in forcing a military defeat and a change in the nature of the conflict. Many suspected then, and we know this now as Fact with the recent Admission by the american's.

 

The TFG and its members have at best done the usual bidding to their masters in addis abbaba, and of course begged when possible on TV, Radio and in Fund Raising Trips

 

Why are the moderator's chosing to be so selective in their editing actions?

 

I saw a perfectly healthy question raised by a poster regarding the campaign of mis-information that has continued to be allowed on here and instead of having a debate about the purpose of this fourms in either accomodating, facilitating these ill conviced attaempts at convicing everyone and all with their Ctrl & C and Ctrl & V tacticsThe topic is Closed? lol citing a breaking of A rule as being the reason.

 

lol

 

If thats the way this place is run, i would argue that perhaps you should close down the Whole Politics forum, lest you by being passive give the already burgeoning impression of being a one sided Mouth Piece.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

The court men creatures had no clue. Their political strategy was nonexistent. They deserve every thing they got. I don’t think Yey should give them a chance at all.

 

BTW, I don’t believe this so called news posted by Duke here either.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Most website are reporting this, here is somaliweyn.com take,

blame the Duke on negative news

amadihii Midoobay oo sheegay inay diyaar u yihiin inay la hadlan Dowladda Soomaaliya

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 27/02/07

 

Bayaan ay soo saareen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee la eryay oo laga sii daayay Telefishinka Al-Jaziira ayay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in Dowladda Somalia iyo iyagu ay yeehaan wadahadal lagu dhameynayo khilaafaadka u dhexeeya, taasoo ay ku sheegeen inay tahay midda keliya ee dhibka jira looga bixi karo.

 

Bayaankaan oo lagu xardhay calaamada gaarka ee Maxakamdihii Midoobay ayaa loo qaybiyay warbaahinta caalamka qaarkeed, iyadoo Telefishinka Al-Jazeera oo bayaankaas baahiyay uu sheegay in loogu cambaareeyay Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

“Ciidammada Itoobiya in dalka laga saaro waa waajibka ugu weyn ee iska caabinta Qaran ee aanu wadno, waana dabi in ciidammo shisheye ah dalka Soomaaliya lagu qabsado” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

Bayaankaan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo ay soo saaraan Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka jiray Muqdisho, kaddib markii awood looga saaray dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Somali websites aren’t credible.

 

Sheeko kale ma haysaa saaxiib.

 

BTW, why is your signature so crowded? You have a lot going on with the SHAHAADA and the flying of the DEAD flag next to it among other things.... I SENSE some in insecurity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this