Sign in to follow this  
ansaar17

TFG looses more ground in today's fighting

Recommended Posts

ansaar17   

They were trying to stop a large tribal meeting scheduled for tomorrow.

 

they briefly held ramadan hotel before being over run and loosing it and kaah hotel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Muqdisho 11 Abriil 07 (Beerdhiga ) Abaarihii 7:00 aroornimo ayaa ciidamada DFKM ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay leeyihiin xoogaga muqaawamada agagaarka Hotel Ramadan. Dagaalku hada waa qaboobay waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo u badan is toogasho labada dhinac ah.

 

Ilo ku dhow dhow xoogaga muqaawamada ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in muqaawamadu ay la wareegeen gacan ku heynta Hotel Kaah iyo daafahiisa ka dib markii ay jabiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday oo iyagu markii hore gacanta ku haayey agagaarka Hotel Kaah; Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha gaaray ciidamada DFKM laakiin waxaa la sheegayaa dhaawacyo badan oo ka tirsan ciidamada DFKM oo la dhigay isbitaalka Keysaneey halka muqaawamada uu ka shahiiday 1 qof halka 4 kalana ay ka dhaawacmeen.

 

Dagaalkan wuxuu ku soo beegmaya xilli mar kale dib u dhac ku yimid kulankii xabad joojinta ee u dhexeeyey odoyaasha Beelaha ****** iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya.

 

Weerarkan oo diyaar garowgiisii xalay la ogaa wuxuu daba socday mid shalay ay soo qaadeen isla ciidamada saaka weerarka soo qaaday; waxayna arrintan la xiriirtaa abaabulo dagaal oo uu beeshiisa ka dhex waday wasiirka ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo horey u sheegay in uu beeshiisa ka rabo ciidan laga horgeeyo xoogaga muqaawamadu oo uu tilmaamay in ay beel yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

^^ Hmm. So are you guys gonna hold the Guriceel tribal meeting in Villa Somalia? I'm sure you can over run it just like you overran the hotel. LOL.

 

The funny thing about ICU supporters is not their tribalism and clannism, but it's their sheer inanity and idiocy. Been hadaad sheegaysi been run u eg baa la sheegaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Dagaal culus oo ka socda agagaarka isgoyska Fagax iyo hotel Lafweyn ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Posted to the Web Apr 11, 11:11

 

 

Muqdisho:-Dagaalkii saaka ka qarxay deegaanada Juungal iyo Ramadaan ayaa ku soo fiday goobo hor leh oo ku dhaw xaafadahaasi ayadoo lagu soo warramayo in ciidamada DF lagaga itaal roonaaday dagaalkii saaka halkaasi ka qarxay, waxa uuna haatan dagaalka ka socda hareeraha isgoyska fagax iyo hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho.

 

 

Dib u soo cusboonaashada dagaalada ayaa timid kadib muddo 10 maalmood ah oo magaalada ay ka dhaqan gashay xabad joojin caga adag aan ku taagneyn oo u dhaxeysay ciidamada Ethiopia iyo odayaasha beelaha ****** ayadoo dib u dhac uu ku yimid kulamo lagu waday in uu dhex maro labada dhinac.

 

 

Dagaalka oo saaka ku bilowday si goos goos ah ayaa barqanimadii maanta xoogeystay, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada DF ay ka soo baxeen hotelka Kaah oo horey u joogeen, waxa ayna usoo gurteen dhinaca isgoyska Fagax iyo agagaarka hotelka Lafweyn inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in xitaa isgoyska Fagax ay ka baxeen isla markaana laga qabsaday gaari Zuu ah.

 

 

Sidoo kale dagaal aan sidaa u xoog badneyn ayaa ka socda deegaanka Jamhuuriya halkaasoo ay isku hor fadhiyeen ciidamada DF iyo kooxaha kacdoonka, hayeeshee dagaalka Jamhuuriya ayaa ka qafiifsan dagaalka ka socda agagaarka hotelka Lafweyn iyo isgoyska Fagax.

 

 

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DF ayaa bilaabay in madaafiicda BM-ka ay ka soo tuuraan xarunta Villa Soomaaliya ayadoo dhawr madfac ay ku soo dhacday xaafadaha Juungal iyo Ramadaan oo dagaalka qaraar uu maanta ka dhacay, lamana garanayo khasaaraha uu gaystay dagaalka saaka ka socda magaalada Muqdisho.

 

 

Dagaalada ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu isku badalo dagaal toos ah oo dhex mara ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda kaasoo haddii uu dhaco sababi kara sidii kii hore dhimasho,dhaawac iyo barakac baahsan oo soo food saara dadka rayidka ah.

 

C/qaadir Osman

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this