Sign in to follow this  
wind.talker

Col Yeey looses the women's war

Recommended Posts

Dagaal Fool Xun oo u dhaxeeyo qaar ka mid ah Haweenka Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta ka Dhacay Dalka South Africa

 

Haweenka ku jira golaha baarlamaanka fedralka ah ee Somaliya oo ka qeybgalayo saminaar uga socdo Dalka Koofur afrika ayaa waxaa maanta dhex maray dagaal ay gacanta isula tageen, ka dib markii sida la sheegay ay is afdhaafeen .

 

Haweenkan Xildhibaanada ah oo iyagu aragti ahaan kala taageersan Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in ay dhowr jeer intii ay joogeen Koofur afrika ay dhex martay dooda kulul oo sababi gaartay dagaal, ayaa maanta mar kale doodaasi waxa ay keentay in ay gacanta ay isula tagaan.

 

Gacanqaadka ayaa la sheegay in uu si toos ah u dhex maray Xildhibaanada kala ah Caasha Axmed Cabdalla oo si weyn uga soo horjeedo siyaasada Madaxweyne yuusuf iyo Fahmo Axmed Nuur iyo Khadiijo Maxed Diiriye oo iyaguna siyaasad ahaan ka soo horjeedo Shariifka, waxa ayna maanta arintaasi keentay in ay is xulufeystaan haweenkii isla markaana dagaal fool xun uu hlkaasi ku dhex maray, waxaana la sheegay in laga awood roonaaday haweenkii taageersanaa Siyaasada C/laahi Yuusuf Axmed. kix kix kix kix

 

Illaa iyo hadda Cadeyn rasmi ah lagama bixin qasaaraha soo kala gaaray , hase yeeshee waxaa hakad uu ku yimid saminaarkii loogu yeeray ka dib markii uu dagaalkani uu dhacay.

 

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegay in gacan ka hadalku uu ka dambeeyey markii Caasho Axmed Cabadala ay sheegatay in ay wafdiga hogaamnineysay, iyada oo ku eedeysay in ay saminaarka ay ku qeybisay warqado uu soo qoray Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan, taasina waxa ay keenay bay tiri in uu dagaal dhaco, iyada oo intaasi raacisay in uu jiro qasaarooyin labada dhinac soo kala gaaray.

 

Khadiijo Maxed Diiriye waxa kale oo ay sheegtay in la joojiyey saminaarkii isla markaana dib loogu soo kala noqon doono goobihii laga kala yimid.

 

MIDNIMO.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this