Sign in to follow this  
General Duke

Villa Somalia: President, PM and cabinet hold meeting

Recommended Posts

bersada_villasomaliya.jpg

 

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaraha Jamhuuriyada oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Somalia.

 

Warar ku dhow dhow kulanka labada masuul ayaa sheegaya in Ra’isulwasaarha Soomaaliya Dr Geedi uu madaxweynaha jamhuriyadda Mudane C/llaahi Yuusuf u gudbiyay qoraal muujinaya xilka qaadista xeer ilalaiyaha guud ee qaranka Dr C/llahi Daahir Bare iyo ku xigeenkiisa.

 

Waraaqda uu ra’isul wasaaruhu gaarsiiyay madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa wararku sheegayaan in ay ku cad yihin qodobada kala ah .

1- in xornimadoodii shaqsi ahaayeed dib loogu soo celiyo guddoomiyaha maxkamadda sare Dr Yuusuf cali Haaruun iyo garsoore sare Dr Mxamed Nuur Sheegow.

 

2- In Madaxweyne Yuusuf uu saxiixo go’aanka golaha wasiirrada Soomaaliya u xilka kaga qaday xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr C/llahi daahir Barre iyo ku xigeenkiisa Dr. Cali maxamed Yuusurf (Cali yare)

 

Qodabadaaasi ayaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’isulwsaaraha Soomaaliya ay maanta kaga hadleen kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya.

 

Lama garanayo ilaa iyo iminka in labada masuul ay arrinkan ka qaateen go’aan mida,hase ahaatee saaacdaha soo socda ayaa la filayaa in war cad oo arintaa ku saabsani uu soo boxo.

 

Xfiiska warqabadka shabaakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobadii looga hadlay Kulankii ka dhacay Villa Somaliya ee Mas'uuliyiinta DFKMG

Last Updated::2007-09-25 18:52:24

 

Muqdisho:- Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay Xarunta Villa Somaliya ee Muqdisho ayey ka qeyb galeen

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG.

 

Kulankan ayaa ahaa mid labo waji lahaa, ayadoo qeybtii hore ee kulamadan ay Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ay kulan u gaar ah yeesheen.

 

Kulankaasi ayaa la sheegay in uu horudhac u ahaa kulamo ay labada mas'uul ka yeelanayan sidii ay meel isula dhigi lahaayeen xal u helida khilaaf soo kala dhexgalay labadaasi mas'uul oo la xariira dhinaca maamulka iyo waliba dhaqaalaha Dowlada Federaalka.

 

Kulankaasi ayaa la shaacin wixii kasoo baxay, ayadoo kulan labaad oo isla maanta ka dhacay Xarunta Villa Soomaliya ay si wadajir ah uga qeyb galeen Madaxweyne Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi, kulankaasi labaad ayey ku wehliyeen Guddiga Amniga Qaranka.

 

Kulankaasi ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga dalka, gaar ahaan weerarada ka dhaca gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ee lala beegsado Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiyaanka ah.

 

Sidoo kale kulankaasi ayaa lagu soo qaaday dagaaladii todobaadkan ka dhacay xadka u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi oo kulan shir gaar ah yeeshay maanta { 25 Sep 2007}

 

waxaa la daabacay Tue 25 Sep 2007 10: 14: 44

Waxaa maanta kulan gaar ah oo albaabada u xeran yihiin ku yeeshay xarunta Villa Somalia Madaxweyne dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi kaasoo looga hadlayey xaaladaha ugu danbeeyay ee arrimaha Soomaaliya.

 

Kulanka labada mas’uul ayaa ah kii ugu horeeyay ooo gaar ay u yeeshaan tan iyo intii uu soo kala dhex galay mugdi siyaasadeed iyo kala duwanaansho fikirka ah oo la xiriira dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka sida heshiiska kooxaha ka horjeeda dowladda iyo awooda maamul goboleedyada.

 

Kulankan oo aan wax war ah aan laga siin warbaahinta ayaa ilo ku dhow dhow xarunta madaxtooyada ay sheegayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen oo meesha looga saari lahaa khilaafka dhinaca fikirka ah isla markaana ay waqtiyada dhow ay gaari doonaan xarunta Baarlamaanka Baydhabo kuwaasoo codsaday in ay soo kala dhexgalaan mugdiga kala fikir duwanaanshaha ah ee ku yimid Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

 

Kulankan maanta ayaa u muuqda mid bilow u ah sidii uu u dhamaan lahaa khilaafka soo kala dhexgalay labada mas’uul kaasoo maalmahan gaaray heerkii ugu sareeyay markii xabsiga la dhigay Guddoomiyihii maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo markii golaha wasiirada ay xilka ka qaadeen xeer ilaaliyihii guud ee qaranka Md. Cabdullaahi Daahir Barre.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Faahfaahin Ku saabsan Shirkii Madaxweyne Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi.

26. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Maalintii Shalay ahayd waxaa shir ku yeeshay Vila Soomaaliya Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaarihiisa Prof: Cali Maxamed Geedi.

 

Shirkaasi oo Saxaafada loo diiday ayaa warar ay heshay Shabakada AllPuntland faahfaahin dheeri ka bixinayaan dhamaanba waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda dowlada Soomaaliya.

 

Ilo ku dhow dhow shirkaasi ayaa sheegay in waxyaabaha sida weyn lays kula soo qaaday ay ka mid ah tahay Xariga gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya oo ku xiran Xabsiga magaalada Baydhabo ,Khilaaf dhinaca Fikirka oo soo kala dhexgalay labadan Masuul iyo xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wararku sheegayaan in uu usheegay raysal wasaare Geedi in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xaaladaha dalka Soomaaliya isla markaana howsha masuul walba uwado sidii Umada Soomaaliyeed uga bixi lahayd dagaalada ragaadiyey Soomaaliya 17 sanno.

 

Waxa ay kaloo wararku sheegayaan in Madaxweynuhu raysal wasaare Geedi usheegay in looga baahan yahay Xukuumada Soomaaliya waxqabad muuqda isla markaana ay kor uqaada howlaha kala duwan ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga ee dalka.

 

Ilo ku dhow dhow raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in raysalwasaaruhu usheegay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed in ay Xukuumadiisu howlo balaaran ka wada guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan gobalada Koonfureed intooda badan kuwasoo uu Cali Maxamed Geedi ku tilmaamay kuwa mudan ku dayasho.

 

Shirkan shalay ku qabsoomay Vila Soomaaliya ee dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaaraha dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi kaasoo inta badan aan faahfaahin balaaran laga siin Saxaafada gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa dibada toona.

 

Todobaadkii ugu danbeeyey waxaa isoo tarayey wararka sheegaya in khilaaf xoogan udhaxeeyo Madaxda dowlada Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaaraha dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ,inkastoo labada masuul midkoodna uusan wali Cadeyn uu jiro khilaafkaasi.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Any outcome from any meeting these gangs hold will be subject to Zenawi's approval... aren't you being a little precipitous duke? The least you could do is wait for Zenawi's response.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof.Geedi oo ka warbixiiyey kulankii uu la yeeshey madaxweyne C/lahi Yuusuf

 

Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Max’ed Geedi ayaa xaley wuxuu u sameeyey afar sharaf odoyaal dhaqameed ka soo jeeda beelaha ******* & ****** kuwaasi oo ka mid ahaa odayaashii ka qayb galey shirkii dib u heshiisiintii beelaha Soomaalida ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, isla markaana wadanka Sacuudiga dhawaan booqdey, xiligii ay halkaasi booqanayeen madaxda sar sar ee Dawlada Federaalka KMG ah.

 

Kulankan oo ahaa mid saxaafada aan la sii ogeysiin ayaa waxaa la xaqiijiyey in si weyn loogu lafa guray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha & ra’isalwasaaraha iyadoo duqeyda dhaqanka ay soo jeediyeen in wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya madaxda dawlad lagu xaliyo si Soomaalinimo ah, taasi oo ay isla garteen Odayaal dhaqameedka iyo Cali Max’ed Geedi.

 

Ra’isalwasaaraha oo uga warbixinayey Odayaashii & waxgaradkii uu la kulmay kulankii uu shaley dhexmarey isaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in kulankaasi ay isku afgarteen in la dhameeyo wixii mad madow ah ee jira taasi oo uu sheegay inay ku heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Socod-, a man who is living in "comfort" in the West has no impact or right to criticise the only functioning governemnt for the Somali's since 1991.

 

Melez, Ethiopia and so on are just a smokescreen put up by the defeated groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You must be having a laugh. There's no government in Somalia. But there is something resembling Scorcese's Gangs of New York.

 

You are doing egregious injustice to the word government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer, there is a governemnt of Somalia after 17 years. The indexes many are providing on SOL proves it. The worst government in Africa. Better than no governemnt huh...

Share this post


Link to post
Share on other sites

You must have warped understanding of Government. I see no government in Somalia. Instead I see a collection of warlords, gangs, scoundrels, oppurtunists... the same men who destroyed Somalia and kept it ungovernable for nearly a decade. That you see salvation in them shows have far in the twilight zone you drifted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. You do protest way too much. Somalia has a government, a weak one, a transitional one but never the less a national government recognise by the world. It is laying the foundations for security, peace and prosperity.

 

Though I have come accustomed to the converted and thus no need preaching to you is there?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, are you competing for this year's Non Sequitur of the Year award?

 

And don't blame me for your inability to articulate your position or convince me of why I should support the gangs and warlord outfit you call government. If you wanna convince me and others, you first have to start talking sensibly. Second, stop squaring a circle. TFG being a legit government deserving of any Somali's support is a circle that can't squared.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this