Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Beligium's Ambassador returns to Somalia (Pictures)

Recommended Posts

Dowlada Bilgium Oo Si Rasmi Ah Xafiiskeeda Ugu Furatay Dalka Somalia!

 

Now even the former Ambassadors are returning. That's what makes me really proud! VIVA LA SOOMAALIYA

 

Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 1/12/05

 

Som_Biljem.jpg

 

Dalka Belgium oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa maanta si rasmi ah xafiis ugu furatay dalka Somalia xaruntiisa KMG ee magaalada Jowhar.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa gacanta loo galliyey kana aqbalay warqadahii dukumentiga ee dowlada Belgium oo uu ka gudoomay Safiirka dalka Belgium ee Somalia Mrs. Kristina Funes Nopper.

 

Saaka abaarihii 9:30am ciidanka Baanbayda ee Musikada waxa ay ka dhawaajiyeen astaanta Calanka Belgium waxaana la suray xarunta dowlada FKMG ee Somalia.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa gacan qaaday safiirka Belgium una sheegay in loo baahan yahay in ay gacan qabtaan dowlada curdunka ah ee u baahan in dhan walba laga taageero, isla markaana uu xafiiskan bulshada soomaaliyeed uu caawinaad u fidiyo.

 

Wasiiru dowlaha arimaha Dibada Ibraahin Shiikh Cali Xaafuun oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in ay tahay arintaani talaabo dimoqraadi oo ah waxqabsiga midowga Yurub.

 

Mrs. Kristina Funes Nopper oo ka hadashay ayaa tibaaxday inay ahayd 1988-dii safiirka Belgium ee u fadhiya dalka Somalia hadana ay nasiib u yeelatay inay markale safiir ka noqoto dalka Somalia.

 

Mrs. Kristina ayaa ku nuux nuuxsatay in 1988-dii dalka Somalia ay dowlad dhexe ka jirtay isla markaana xasiloonida iyo kala danbaynta ay wanaagsanayd balse hada ay ka baahi badan yihiin sidii ay markii hore ay ahaayeen, waxaana ay balan qaaday in dalkeeda ay wax u qaban doonaan isla markaana ay si wanaagsan ula shaqaynayaan dowlada lagu soo dhisay dalka Kenya.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxa uu ku kaftamay waagii ay safiirka ka ahayd dlka Somalia 1988-dii uu isaga jabhad ahaa balse hada uu yahay Madaxweyne.

 

Mrs. Kristina Funes Nopper iyo wafdigeeda ayaa maanta u anbabaxay dalka Kenya waxayna u sheegtay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf inay bisha Janaayo ay toos usoo degi doonto magaalada Jowhar, shaqadeedana ay bilaabi doonto wixii xafiiska looga baahnaa.

 

Som_Biljem1.jpg

Som_Biljem2.jpg

Som_Biljem4.jpg

Som_Biljem5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

Did someone Call for Ms. Uranium Belgium?

 

Considering that Belguim once controled the Uranium Market, Genocide in Rwanda, business in Congo...etc

 

Uranium in Somalia

 

http://minerals.usgs.gov/minerals/pubs/country/2000/et00.pdf#search

 

Hiroshima and Nagasaki bombs, tied back to Belguim Uranium.

http://bellaciao.org/en/article.php3?id_article=2487

 

Who are we kidding here -

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Thanks for the links. I was asking myself why Belgium would be coming there before the Italians showed up with their ambassador. It all makes sense.

 

And btw, A/Y refused to meet the UN representative after they disagreed on some policy issues. He wants a lift of the weapons ban while the UN rep disagreed with that. Nabad galyaa la sugaa kulahaa and they need the weapons. Now it is back to the drawing board again of "we will fight you if you come in with force, and no, we don't care, cause we will fight you regardless".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this