Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

A major war is underway in Mogadishu now!

Recommended Posts

Ilaahow adaan kugu haleynay Mujaahidiinta inaad guusha siisid, Yaaaaaaaaaa Rabbi, please help us against the enemy, aamiin.

 

____________________________

 

Saacada Muqdisho markay ahayd 6dii aroornimo ayuu ka qarxay agagaarka saldhiga Wardhiigley dagaal wayn oo xalay oo dhan loo diyaar garoobayay. Taangiyo ay wataan ciidamada Itoobiya oo kasoo baxay Villa Somaliya ayaa soo gaaray halkaas, kadibna dagaalyahanada xoraynta Somaliya ayaa ku bilaabay weerar, ciidamada halkaas marayay. Ciidamadii Itoobiya ayaa u weecday dhanka isgoyska Bar Ayaan kadib markii ay ku adkaatay inay horay ugu sii socdaan wadada Wardhiigley. Dagaalkuna hada wuxu ka socdaa Bar Ayaan.

 

Wali lama oga qasaaraha dagaalkas, maadaama uu goor dhow bilowday, waxaana la filayaa inuu noqdo dagaal wayn oo lagu kala bixi doono. Col. C/lahi Yusuf ayaa ku guulaystay inuu ka dhaadhiciyo Itoobiya in ********** Muqdisho 95% ay raacsan yihiin isaga, 5ta soo hartayna ay soo qabqaban karaan. Itoobiyaanka ku jira Villa Somaliya ayaa durbadiiba bilaabay inay madaafiic u ridaan afarta jiho, si ay u cabsi galiyaan shacabka. Dagaalka ayaa hada ka socda inta u dhaxaysa aaga Villa Somaliya guryaha Xamar-Billa. Wixi kasoo kordha dagaalkan cusub waxan idinkugu soo sheegi doonaa wararkeena dambe.

 

www.wadanka.com

 

[ March 29, 2007, 01:35 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 29, March.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo xoogan oo la isku adeegsanayo madaafiic iyo hub culculus ayaa saakay waabarigii salaadii subax ka dib waxa ay ka qarxeen qeybo ka mid ah caasimadda Somalia, iyadoo dagaaladaasi ay soo qaadeen ciidamada Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda.

 

Hugunka madaafiicda iyo rasaasta culus ayaa laga maqlayaa agagaarka wasaaradii hore ee G/dhigga iyo xaafadaha shirkole, iyadoo halkaasi ay soo galeen kumanaan ciidamo Ethiopian ah oo wata taankiyo fara badan, waxaana ay jiireen maleeshiyooyinkii ka soo horjeeday ee ku sugnaa halkaasi sida uu shabelle u sheegay Wariye Madax banaan oo la yiraahdo Max'ed Bashiir oo ku sugan halkaasi, indhihiisana ku arkayay xoogagga Ethiopian ka.

 

Ciidamadan Ethiopianka ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 2 kun oo aysan la socon wax Somali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isku sii balaarinayaan xaafadaha shirkole, iyagoo halkaasi kala kulmaya iska caabin aad u xoogan, waxaan rasaaas culus wali ay ka dhaceysaa deegaanka Shirkole.

 

Sidoo kale dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka qarxeen saakay wadada Xamar bile, halkaasi oo laga maqlayo rasaas xoogan iyo madaafiic ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Sida uu ku soo waramayo Wariye C/raxmaan Alcadaala oo ka mid ah shabakada warbaahinta shabelle, ciidamo Ethiopian ah oo aad u xoogan ayaa waxa ay la wareegeen wadada Xero Jarmalka iyo warshadii Caafi, ciidamadaasi oo wata taankiyo ayaa waxa jareen wadada isku xirta Towfiiq iyo Suuqa Bakaaraha, mana jiro wax gaadiid Bl ah oo wadadaasi ka shaqeynaya.

 

Dagaaladaan oo ilaa iyo wali soconaya ayaan la ogeyn qasaarahooda, iyadoo laga cabsi qabo in ay wada saameeyaan caasimadda Somalia.

 

Hub wali aan horey loo maqlin ayaa saakay la isku adeegsanayaa dagaalada ka soconaya caasimadda Somalia, iyadoo dadkii ka barakacay Muqdisho ee ku soo laabtay ay saakay xir xiranayaan alaabahoodii.

 

Dagaalkaan bilowday saakay ayaa jabiyay xabad joojintii horey uga jirtey caasimadda oo ay gaareen odayaasha Beelaha ****** iyo Saraakiisha ciidamada Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, saaxiibkeey, maxaa dhacay? Ducooyinkii maa hadana la baxsan weynay, widaayoow!

 

Duco interception lagu sameenaayo waligeey ma arkin walaahi, yaab iga dheh!

 

Raali ahowba, hoos hoos inaan u duceysano waaye marka, habaarkana aan suubis uga dhigno cadowga! lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 29, March.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha beelaha ****** ayaa ku eedeeyay ciidamada Ethiopia in ay duulaan ku soo qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana ay jabiyeen Xabad joojintii.

 

 

Nabadoon Axmed Diiriye

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka odayaasha Beelaha ****** ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku xadgudbeen xabad joojintii isla markaana ay duulaan qorsheysan ay ka soo qaadeen fariisimo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, wasaaradii hore ee g/dhigga, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaala caasimadda.

 

" Wada hadalo ayaa inoo socday, xabad joojina waa la isku ogaa, laakiin waxaan u argnaa dagaalkaan mid qorsheysan oo nalagu qayaanay" ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye.

 

Nabadoonka waxa uu ku eedeeyay ciidamada Ethiopia in ay gumaad ka wadaan caasimadda.

 

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay wax ka qabato gardarada iyo gumaadka ciidamada Ethiopia ay ka wadaan caasimadda Somalia.

 

Hadalka Afhayeenka ayaa ka dambeeyay ka dib dagaalo qorsheysan oo ciidamada Ethiopia ay ku soo qaadeen saakay qeybo ka mid ah caasimadda oo ay ku la wareegeen deegaano hor leh, iyadoo wali rasaastu ay socoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 29, March.07 ( Sh.M.Network) Isku socodka gaadiidka xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa istaagay, iyadoo qeybo ka mid ah goobaha ganacsigana ay xiran yihiin.

 

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii dagaalo aan horey loo sii qorsheyn ay ka dhaceen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Wadada isku xirta Sanca iyo Bakaaraha ayaanu jirin saakay wax gaadiid ah oo ka shaqeynaya, marka laga reebo gawaari ka soo leexaneysa agagaarka Xararyaale, kuwaasi oo ka tagayay Isgoyska Bakaaraha.

 

Sidoo kal ma jiro wax gaadiid ah oo maraya wadada 30 iyadoo ay istaageen gaadiidkii isaga kala gooshi jirey wadada Suuqa Xoolaha iyo Bakaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

May Allah save the innocent women and children being slaughtered by these disbelievers. Its clear that their ceasefire was unfaithful. They simply used the time to re-group. This should serve as a lesson to all that there can be no negotiations with an occupying force. There can be no peace without first putting an end to the occupation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed, its a lesson for all of us, to know Gaalo has no faith in any promises they make, until they got an interest in it!

 

Ilaahey ha kaafiyo mujaahidiinta, aamiin, yaa rabi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MOGADISHU, March 29 (Reuters) - Fighting rocked the Somali capital on Thursday, breaking a shaky, days-old ceasefire between insurgents and Ethiopian troops allied to the government, a Reuters witness said.

 

"We are seeing smoke from explosions," said Reuters cameraman Farah Roble, who could not leave his office due to gunfire. "There are helicopters flying around. We have not seen them before."

 

In Mogadishu to help the government, the Ethiopians over the weekend agreed to a truce with the city's dominant ****** clan after a week that saw at least 20 people killed, soldiers' bodies dragged in streets, and a plane crash probably due to a missile.

 

That fighting was the worst since a war over the New Year to oust militant Islamists and put President Abdullahi Yusuf's interim government in the capital. The government is the 14th attempt at restoring central rule in the country since 1991.

 

The African Union has sent 1,200 troops to help pacify Somalia, but they have also been the target of attacks.

 

It was not clear who was behind Thursday's flare-up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Witnesses: Bombs dropped in Somalia

 

By MOHAMED OLAD HASSAN, Associated Press Writer

 

MOGADISHU, Somalia - Helicopters dropped several bombs Thursday near an insurgent stronghold in Somalia's capital, just hours after a gunbattle killed at least six people, witnesses said.

 

"Two helicopters flew over us. One was making a surveillance and the other one was dropping several bombs," said Qoje Omar Gesey, a resident of the capital. He said the bombs fell near a former market in northern Mogadishu.

 

Earlier Thursday, at least six people were killed in a fresh skirmishes between Ethiopian troops supporting the fragile Somali government and insurgents, residents said. The dead were believed to be civilians.

 

Khalid Mohamed Arabey, who lives near the Mogadishu stadium in the south, said the Ethiopian troops met with stiff resistance from a dozen gunmen, who used rocket propelled grenades, mortars and machine-guns. The Ethiopians responded with artillery and tank shells.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Mogadishu 29, March.07 ( Sh.M.Network) Diyaaradaha Helicopterska qumaatiga u kaca ee dowladda Ethiopia ayaa bar tilmaameedsanaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Labo Helicopter oo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ayaa duulimaadyo hoose ku sameynaya caasimadda Somalia, kuwaasi oo gantaalo la dhacaya meelo ka mid ah caasimadda.

 

Ilaa dhowr gantaal ayay ku tuureen meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen .

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dowladiid will be brought to their nees inshallah.

 

A Major war is needed.

 

Just like in hargaysa Helicopters had to be used.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^The people of Mogadishu and the Mujaahidiin will be the final victors. Don't forget that CIA financing and intelligence couldn't stop the last uprising in Mogadishu. The Ethiopian occupiers and their stooges will regret this ill-advised escalation. The resistance is more than capable of keeping the occupiers at bay. May Allah save the innocent women and children caught up in this conflict.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Just like in Hargeysa, tens of thousands of civillians have to be wiped out by a sadistic gaal clan dictator, right ? Only difference is, Siad Barre wasn't a scum-of-the-earth traitor.

 

Btw, who would you nominate to ethnically cleanse Mogadisho ? Perhaps Cousin Morgan ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this