Sign in to follow this  
Gabbal

Jinni Boqor oo Cabdullaahi Yusuf ku eedeeyey inuu dowladdii burburiyey

Recommended Posts

Gabbal   

Xildhibaano Shir Jaraa`id Ku Qabtay Nairobi, Cali Maxamed Geeddi oo U Baqooley Dhanka Itoobiya, Shariif Xasan Oo sheegey Inuu Sabtida Muqdisho Tagayo, Jinni Boqor oo Cabdullaahi Yusuf ku eedeeyey inuu dowladdii burburiyey

 

Xildhibaano gaaraya kontameeye Xildibaan ayaa maantay shir jaraa`id ku qabtay guriga Chaster house ee magaalada Nairobi, shirkaan jaraa`id ayey xildhibaannadaanni waxaa ay uga hadleen kulankii shalay uu yeeshay baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo uu gudoominayey Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xiggeen koowaad ee Baarlamaaka KMG ah.

 

Xildhibaanada ayaa ku tilmaamay fadhigii shalay ay yeesheen xildhibaanada baarlamaaku mid aan sharci aheyn oo khilaafsan axdiga KMG ah, xildhibaanadaan ayaa ku dooday in tirada xildhibaanadii ka qeybgalay kulankii shalay ah ahayeen 124 sidaasdareteedna aysan dhameyn tirada kooramka ee baarlamaanku ku furmi karay.

 

Dhanka kale xildhibaanada ayaa sidoo kale waxaa ay soo bandhigeen sharci ahaan inuusan gudoomiye ku xiggeen koowaad ee baarlamaanku gudoomin Karin fadhi uusan u wakiilan gudoomiyuhu ama sidoo kale aysan jirin cilad u diidaysa gudoomiyaha inuu gudoomiyo shirka noocaan oo kale sida inuu xanuunsan yahay, waxayna sheegeen inuusan gudoomiye ku xigeenku sharci ahaan ku dhawaaqi Karin go`aan baarlamaan gudoomiyaha oo jooga sidoo kalana uusan kullana baarlamaan iskugu yeeri Karin.

 

Xildhibanaadan ayaa soo bandhigay magacyada iyo meelaha ay kala joogaan in kabadan boqol xildhibaan oo ay ku tilmaameen inay ka maqan yihiin magaalada Nairobi waxaana ay meesha ka saareen inaan marbana aysan suurta gal ahayen inay tirade koorumku joogtay shirkaas. Xildhibanaada ayaa beesha caalamka ka codsadey inaan go`aankii shalay ay soo saareen Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood oo aan loo arag mid sharci ah maadama ayey yiraahdeen uu gabi ahaantiisuba khilaafsan yahay axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Adan gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqey in asaga iyo xildhibaano uu hogaaminayo ay maalinka sabtida ah ka degi doonaan magaalada Muqdisho tirade xildhibanada la filayo inay raacaan gudoomiyaha ayaa lagu sheegay 57 Xildhibaan, waxaana magaalada Muqdisho ka bilaabatay hadal hayenta waftiga gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheeekh Adan.

 

Ra`iisul-wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafti uu horkacayo ayaa maantay u baqoolay dhanka Itoobiya oo ay kaga qeybgalayaan shir ay la yeelanayaan gollaha nabadda iyo ammaanka ee midowga afrika oo war bixin ka dhagaysan doona ra`iisul-wasaaraha iyo waftigiisa si ay u soo saaraan go`aanadii lagu geyn laha ciidamo ka qeybqaata nabdda Soomaaliya oo ka yimaada dalal afrikaan ah, waxana waftiga ra`iisul-wasaaraha ka mid ah ra`iisul-wasaare ku xiggeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid iyo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Jurille.

 

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jinni Boqoor oo maantay ka mid ahaa Xildhibanaadii shirka jaraa`id ku qabtya magaalada Nairobi ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf inuu burburiyey natiijadii kasoo baxdey shirkii mudada dheer qaatay.

 

“ 124 Xildhibaan ayey ahaayeen xildhibaanadii shalay fadhiga yeeshay, Cabdullaahi Yuusuf na waxaa uu ku laabtay jabhadeyntiisii wuxuuna isku darsadey awoodii madaxwyenaha tii gudoomiyaha baarlamaanka iyo tii ra`iisul-wasaaraha, Soomaalidu qabiil iskuma hayaan maantay arragti siyaasadeed ayaa la isku hayaa anniga iyo Shariifku qabiil ma wadaagno ee waxaan isku si u arragnaa xalka iyo maslaxadda qaranka Soomaaliyeed†ayuu yiri Jiini boqor oo hadlayey.

 

“ Wixii la dhoodhobey waxaa burburiyey Cabdullaahi Yuusuf waana u dhamaatay asaga iyo xukuumaddiisii, annaguna sabtida ayaan Muqdisho tageynaa†ayuu yiri Xildhibaan Jini Boqor.

 

Gedonet.com

Lodon, Uk. .

Share this post


Link to post
Share on other sites

HORN -

 

If you knew the character of Jini-Boqor, you wouldn't even THINK of posting his name walahi sxb. The fact that the anti-Col Yeey/Ghedi group is using this guy to get across their political points shows a bit of desperation (not that desperation lacks on the other side either). But its all part of the game.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this