Sign in to follow this  
Jalaato

Dadweynaha Muqdisho

Recommended Posts

Jalaato   

Dadweynaha Muqdisho oo ka cabanaya dhibaatooyin ay kala kulmaan Wadayaaasha gawaarida BL-ka ah iyo wiilasha ka shaqeeya ee loo yaqaano(Kirish-booy-yada)

Muqdisho

 

 

Tan iyo intii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya muddo 15 sanadood ka hor waxaa meesha ka baxay sharcigii iyo kala danbeyntii taasoo dhibaatadii ka dhalatay qof walba oo Soomaali ah ay taabatay, gurigiisana ugu tagtay, marka laga soo tago dhibaatooyinka dilka, dhaca, dagaalada iyo barakaca ku dhacay shacabka ayaa waxaa jira oo kale dhibaatooyin jaantaa-rogan ah oo ay maalin walba kala kulmaan adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin kuwaasoo ka dhashay fowdada iyo kala danbeyn la’aanta daba dheeraatay ee ku habsatay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dadka intooda badana ay hada laba qabsaeen xaaladaha adag ee dalka ka jira, halka kuwo kalana ay u cuntami la’dahay oo ay qaati ka joogaan tiiyoo aysan jirin meel kale oo ay uga wareegaan.

 

Gawaarida dadaweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa waxay ay ka mid yihiin adeegyada ugu badan ee ay dadku u baahan yihiin maalin walba, hase ahaatee dadku ay kala kulmaan dhibaatooyin badan marka ay raacayaan gawaaridaasi waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaas marka aad indhaha la raacdo goobaha Boosteejooyinka ah ee laga raaco gaadiidka waxay indhahaagu qabanayaan dhowr wiil oo Kirish-booy ah oo qof kaliya oo doonaya in uu gaari raaco iskula dhegan , iyadoo mid waliba uu doonayo in qofkaasii uu raaco gaariga uu isagu ka shaqeeyo, mararka qaarkoodna waxaad arkaysaa haddii aad alaab gacanta ku sidato in alaabtaaada iyo adiga laba gaari la idiin kala kaxeynayo iyadoo midka alaabtaaada sidaa uu doonayo in uu kugu cadaadiyo si aad gaarigiisa u raacdo maadaama uu alaabtaada sido, halka ka kalena uu dhinaca kale kuu jiidanayo, isagoo aan wax dan ahba ka laheyn alaabta kaa maqan oo ay u daran tahay isaga oo kaliya 1000-ka Sh.Soomaaliga ah ee uu kaa qaadayo marka aad gaariga raacdo, taasoo keenta in qofka rakaabka ahi ay ka lumaan alaabo badan oo qal-qalna uu ku dhaco.

 

Kuma koobna oo kaliya intaas dhibaatooyinka ay gaadiidleydu ku hayaan bulshada waxaana jira oo kale in dadka da’da ah ama waayeelka marka ay gawaarida raacayaan in in si aan xurmad lahayn ay ula dhaqmaan iyaga oo aan sugeyn inta uu ka fariisayo oo marka uu lugta saaraba uu wiilka Kirishboyga ahi leeyahay (SIIDAAYOO) iyadoo Darawalkuna horey ka dhaqaajinayo gaariga taasoo keenta in dad badan oo da’ ah ay dhibaatooyin ba’an ka soo gaaraan sida iyagoo mararka qaarkood gaariga ka dhaca oo dhaawacyo halis ahna ay soo gaaraan.

 

Xilliyada roobabaka ayaa waxaa dhaca in waddooyinka ay biyo fariistaan dadkuna ay doorbidaan inuu hadii uu xittaa meel dhow u socdaalayo uu BL-ka raaco si’uu uga badbaado dhiiqada iyo biyaha wadooyinka dhex waran, taasina ay keento in boostooyinku ay soo buux dhaafiyaan dad iyagu meel dhow iyo meel dheerba doonaya, iyadoo xaaladaasina ay ka faa’iideystaan gaadiidleydu kuna laba iyosaddex jibaaraan qiimihii caadiga ahaa ee lagu raaci jiray BL-ka, taasoo dadka danyarta ahina aysan awoodi karin inay iska bixiyaan lacagtaas adaga aysan ku soo talo gelin.

 

 

Dhibaatooyinka kale ee ay gaadiid laydu ku hayaan dadka ayaa waxaa ka mid ah iyadoo marka ay gawaarida kaxeynayaan si xawli ah ku wada, iyagoo aan u tureynin dadka gaariga saaran oo laga yaabo in ay kujiraan dad da’ah, Haween uurleh ama dad xanuunsan oo Isbitaal u socda, iyo haween iyo caruur ay dhici karto hadii uu gaarigu shil galo in dhibaatooyin kasoo gaaraan tiiyoo waliba ay jirto burburka ba’an ee ku dhacay iyo godadka waaweyn ee ka dhex sameysmay waddooyinka dhexdooda in darawalada gaadiidka oo u badan kuwo dagaaladii sokeeye wax ku bartay oo aan waxba ka aqoon shuruucda iyo waajibaadka darawalnimada ay ku sii daayaan godad kaasii iyagoo xittaa aan si taxadar leh u soconeynin waxaana marar badan dhacda oo kale in gaadiidlaydu ay ku kacaan falal ay ka mid yihiin, rakaabka gaariga saaran oo ay ku daadiyaan meel aan ahayn halkii uu gaarigu ku ekaa, iyagoo aan dheg la qabto lahayn ka dib marka ay lacagaha ka urursadaan, iyagoo u deg degaya in ay soo qaadaan dad kale oo ay ku soo arkeen meelo ay soo dhaafeen, waxaana dadkii horey u saarnaa ay maciin bidaan iyaga oo lacag bixiyey in ay hadana inta u dhiman cagtooda maalaan.

 

Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo ka fara badan oo gaadiidleydu ay ku hayaan shacabka, ayaa dadka ku nool Muqdisho ay u taag waayeen in ay wax ka qabtaan, iyadoo dadka qaarna ay ku macneeyeen Isbaarooyinka yaalla qaar ka tirsan waddooyinka Muqdisho ee maleeshiyooyinka hubeysan ay lacagaha baada ah kaga qaataan gaadiid leyda in ay tahay mid uu ALLE uga jaasinayo oo jawaab u ah dhibaatooyinka ay inta badan gaadiidleydu u geystaan shacabka dhibaateysan ee aan heysan meeley uga dacwoodaan.

 

Ugu danbeyntii gaadiidleyda qeybta ka noqday dhibaatada lagu hayo shacabka danyarta ah ee dhibaateysan ha ******** in maalin ay ahaataba lala xisaabtami doono sida loola xisaabtamayo kuwa kale ee iyaguna dhibaatada geysanaya,

 

oo ayna soo afjarmi doonto sharci darada ay ka faai’deysanayaan.

 

 

W/Q: Nasrudiin Caydiid Salaad(Diini)

 

E-Mail: diinicadde@hotmail.com

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this