Sign in to follow this  
Suldaanka

Breaking news: Erigavo jubilant, as Sanaag beats Togdheer in Hargeisa

Recommended Posts

Congratulations to the Sanaag team, the 2004 champions of Somaliland regional soccer competition.

 

 

-------------

WAR DEG DEG AH OO NA SOO GAADHAY: SANAAG OO HANATAY KOOBKII KUBADA CAGTA SANDKA EE SOMALILAND

 

Sawirakani waa xulka Sanaag ee ku guulaystay

Koobka oo hada Hargaysa ku sugan Ceerigaabo oo looga dabaal degey koobka ay ku guleeysteen.

 

Ciyaartan oo bilabmatey 4:00pm ayaa waxaa aad logala socdey magalada Ceerigabo iyodoo lagu xoonsana meelaha telefoonada laga dirsado .

Ciyaartan oo ahayd mid aad iyo aad looga dareemay Ceerigaabo hore u maayarka magala madaxda Ceerigabo Ismaaciil Xaaji Nuur usheegey in uu udiyariyey casuumad heersare ah slamarkana loo dalxiisgeyn doono buurta daalo ee caanka ku ah dalxiiska.

 

 

Ka dib markii ciyaarta lasoo sheegey natiijadeedi ayaa waxaa magalada iskugu soo baxay kumaan kun oo qof oo baabuur watay oo u dabal degaya guusha ay xulka Sanaag ku hanteen koobka kubada cagta ee ka socdey caasimada Hargeysa JSL.

 

Maayarka magalo madaxda Ceerigabo ayaa u direy lacag baqshiish ah oo lagu qiyaasay ilaa (10,000.0000 SL. Shilin oo u dhiganta Shan Boqol oo Doolar ah Maayarka magalo madaxda Ceerigabo Ismaaciiil Xaaji Nuur ayaa Hanbalyo udiraya xulka gobolka Sanaag isagoo sheegey in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay guusha ay u soo hooyeen gobolksa Sanaag. ciyaartoodasi, kadib markii uu maqlay in kooxdii gobolkiisa ka socotay ay Koobka qaadeen oo ay ciyaarta badiyeen.

 

Mar nuuradiin maxamed diireye oo ka mid ah dadka ka faloda ciyaaraha kana tirsanaa xulka gobolka sanaag oo uqadan jirey nambarka 11 ayaa sheegey in uu hore usadaliyey in xulka gobolka sanaag usoo hanan doono koobka kubada cagta ee dalka JSL.

 

 

Mr C/risaaq C/laahi Shire ayaa isna sheegey in uu hanbalyo udirayo ina rajeynay sandaha danbena in ay koobka soo hanan doonan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
W.D.   

congrats to Sanaag. They have beaten a tough team!

 

according to my sources, the Sanaag team will receive a price money of $500 bucks from the mayor of Erigavo while Togdheer can kiss $1000 bucks goodbey.

 

 

ouch!

Share this post


Link to post
Share on other sites

440orodyahanno.jpg

 

Results in other sports:

 

-- results for 100 m --

1. Ayaanle Muuse Liibaan (00:13:05) Hargeisa

2. Mahamuud Ali Mohamuud (00:13:08) Togdheer

3 Jaamac Ali xaashi (00:13:44) Sool

 

442togdheer.jpg

[Togdheer runner]

 

-- results for 400m --

1. C/xakiin Mohamed Hussein (1:05:20) Saaxil

2. Axmed Abdi Mohamed (1:05:20) Sanaag

3. Mohamed Abdi Hoori (1:06:24) Saaxil

 

-- results for 800 m --

1. Mohamed Sh. Ibarahin 2:10:15 Hargeisa

2. Ali Mohamed Ali 2:22:26 Hargeisa

3. C/laahi Ibraahin X. Hussein 2:24:55 Sool

 

438hargeysa.jpg

[A runner from Hargeisa]

 

-- results for 1500 m --

1. Ayaanle Muuse Libaan (0:48:76) Hargeisa

2. Cali Mohamed Ali (4:55:29) Hargeisa

3. Khaalid Cali Nuur (4:57:40) Saaxil

 

-- results for Longjump --

1. C/xakiin Mohamed Hussein 5.07 Saaxil

2. Maxamed Abdi Mohamed 4.97 Togdheer

3. Mohamed Abdi Hoori 4.80 Sanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Ahhh well the champs have been beaten, at they played like real champs and got to the final ey

 

congrats to Sanaag!!!!!!!!!!as long rear hargaisa dont win it :D

 

The former Togdheer captain has recently been signed up by Sheffield United Under 19s Youth Team!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Ciyaarahax.jpg

 

Xaflad Sagooti ah oo Xusbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye u sameeyay labadii kooxood ee kala qaaday koobkii Tartanka Gobolada Dalka S/Land

 

 

Hargeis 24/09/04,(TogdheerSports.com),Xisbiga Mucaarika ah ee kulmiya ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyay magalada hargeisa labadii Kooxood ee kala qaaday koobkii tartankan gobolada dalka somailand, labadan kooxood oo kala ah Sanaag iyo Togdheer oo Sanadkii labaad iskugu yimid kalintan oo kale balse halka uu sanadkii hore Gobolka Togdheer ka qaaday sanadkan waxa Qaaday Gobolka Sanaag, hadaba sida caadiga ahba Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Sanadkii horena waxa uu u sameeyay qado sharaftan oo kale, hadaba maanta oo ay ka soo qaybgaleen qado sharaftan lagu sii sagootiyay labadan kooxood ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye oo uu horkacayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Mr Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo iyo xubno kale oo sarsare Xaga Wasarada Ciyaarahana waxa ka socday Wasiirka Maxamuud Siciid maxamed iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta , C/risaaq maxamuud , Gudoomiyha Garsoorka khadar jiilal iyo ciyaaryahanadii labada Gobol ka kala socday, ugu horayntii waxa khudbad gaaban oo ku saabsan ciyaaraha halkaa ka akhriyay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxana hadaladiisii ahaayeen sida tan;

Waxan halkan mahad naq uga soo jeedinayaa wasiirka wasarada dhalinyarada iyo ciyaarha Somaliland masuuliyiinta, Madaxda,Tobabarayaasha, Sidhiwadayaasha iyo Ciyaartoyda halkan iskugu timid, halkan isku maan taagin in aan khudbad dheer ka idhaahdo waxan jecelahay in aan idhaahdo waxanoo sharaf ah inaanu xus kooban u sameyno Tartankii Gobolada Dalka uga socday Casimada Somaliland iyadoo aanu sanadkii horena u sameynay labadii kooxood ee koobka kala qaaday,

 

 

454452qadadii.jpg

 

 

Gudoomiyaha Xusbiga kulmiye waxa uu Hanbalyo balaadhan u jeediyay dhamaan kooxihii Tartanka ka qayb galay iyo Masuuliyiintoodi iyo Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Cidkasta oo Gacan ka gaysatay Abaabulka Ciyaaraha, Gudoomiyuhu isagoo ka cudur daaranaya in uu lixda kooxoodba iskugu keeno Xaflad tan oo kale ah waxa uu yidhi: Waan ka xunahay in ay noo suuragaliwayday in aanu xaflad u sameyno dhamaan kooxihii ka qaybgalay Tartankan balse waxan uga jeedaa in la kobciyo Ciyaarha iyo horumarinta isports ka, Gudoomiyuhu isagoo ka hadlay qiimaha isports ku leeyahay waxa uu yidhi: Qiimaha uu sports ku ugu fadhiyo Dalkeena, Dadkeen, Umadeena iyo dhalinyarada soo koraysaba, aduunyaduna maanta waxyaabaha ay aadka u qiimayso ayaa uu ka midyahay sports ku waxan qabaa in uu inaka qiimo gaar ah inoo leeyahay, Gudoomiyuhu isagoo ka hadlaya dhibaatooyinka uu mukhaadaraadku ku hayo Dalka waxa uu yidhi: Waxa jirta in wakhtigan la joogo ay dad badani nooga jabeen xaga Mukhaadaraadka (Jaadka & Sigaarka), waxa aynu kaga bixi karnaa oo kaliya inagoo dhiiri galena Sports ka oo aynu ku guubabino dhalinyarada soo koraysa in aan laga hadhin arintaasi waa Sports kee, inteena cuslaatay ee maanta aan ciyaarta gali karayn ee isha ka dawata ama sheeda ka jecel in aad horumarkaasi halkaa ka sii wadaan ayaan idinku hanbalyaynayaa.

Gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyay gacan qaad uu gacan qaaday Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo hanbalyo uu u soo jeediyay Xukumada iyo Cidkasta oo ka shaqaynaysay Tartankan.

 

Waxa isna Gudoomiyaha ka dib khudbad gaaban ka soo jeediyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mr Maxamuud Saciid Maxamed, waxana hadaladiisii ka mid ahaa Waxa marka ugu horaysa aan salaamayaa Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, Masuuliyiinta Xisbiga kulmiye labada Kooxood ee ku guulaystay Tartanka Gobolka Sanaag iyo

Gobolka Togdheer Tobabarayaasha, Siidhi wadayaasha, waan idin salamayaa, Waxan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa Gudoomiyaha iyo Dhamaan Xisbiga kulmiye oo danaynaya arimaha

Ciyaaraha iyo Wax ka qabadkooda , ma aha arimaha sports ku wax ka qabadkiisu wax siyaasad gala ee waa wax loo bahanyahay mucaarid iyo muxaafidba in laga wada shaqeeyo oo aynu gacanta isku qabsano, si ilmaheena mustaqbal kooda u haagaajino, run ahaantii aad iyo aad ayay ugu mahadsanyihiin sanadkii horena xaflad tan oo kale ah ayay u sameeyeen sanadkii labaadna waa maanta run ahaantii waxa nasiib u helay sanadkii hore iyo sanadkanba labadan kooxood ee ka kala socda Sanaag iyo Togdheer, Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay in ay samayn doonan Kooxaha heerka kowaad ee dalka Tartankoodana laqaban doono sanad walba si looga mashquulo mukhaadaraadka (Jaadja iyo Sigaarka ), waxana uu mahad naq u jeediyay labdii Gobol waxana uu ku dardaaray labadii kooxood in ay dadaalka halkaa ka sii wadaan,

 

C/rashiid Haybe Cabdi

Wariyahayaga Hargeysa

Email : chcssc@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this