Sign in to follow this  
wind.talker

Ciidamada Qaranka are in Jowhar

Recommended Posts

Different takes on the arrival of combined militias from Puntland and Hiiraan into Jowhar, henceforth labelled "Ciidamada Qaranka." Mogadishu-based politicians have threatened before that the arrival of such forces in Jowhar is tantamount to a declaration of war. We'll see what happens, though.

 

FOR CONTEXT:

 

Originally posted by Johnny B:

It seems that the first bullet between Puntland malitias and USC militias have been fired in a USC town of Beledweyn

http://www.somaliaonline.com/cgi-bin/ubb/ultimatebb.cgi?ubb=get_topic;f=9;t=004371

 

 

Ciidamadii Dawlada FKMG-ah oo si fiican loo soo dhaweeyay

 

JOWHAR - Wararka naga soo gaaraya Caasimada KMG-ah ee Soomaaliya Magaalada Jowhar ayaa xaqiijinaya in Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed oo maalmahan tababaro ku qaadanayay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan,ay soo gaareen daqiiqado ka hor Xerooyinkii loogu tala galay.

 

Wasiirku-xugeenka Wasaarada Gaashandhiga Cumar Dheere iyo Talayiha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Ismaaciil Qaasim Naaji,ayaa ka mid ahaa wefdigii horkacayey,Ciidamada. Dadweyne farabadan ayaa iskuugu soo baxay Wadooyinka Magaalada si ay indhahooda oogu arkaan Ciidankii Mileteriga Soomaaliyeed oo gaashaaman iyagoo ku labasin dharkii ay caanka u ahaayeen Ciidankii Soomaaliyeed.

 

Hadaba waxaa meesha ka baxaya wararkii ay saaka soo tebiyeen qaar ka mid ah Warsidayaasha,oo sheegayey in Ciidamadii ku sugnaa Xerooyinka Gobolka Hiiraan ay faaruqiyeen goobtii ay deganaayeen, Wixii ku soo kordho warkan oo faahfaahsan kala soco Warsidaha Garoweonline.com.

 

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Garowe Online

 

VS.

 

Xaaladdii colaadeed ee ka jirtay xubnaha labada gole oo cirka isku sii shareertay galinkii dambe ee maanta kaddib markii ciidamadii Mustaxiil joogay ay soo gaareen magaalada Jowhar

 

September 06, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xaaladii colaadeed ee ka jirtay xubnaha labada gole ee dowladda federalka ayaa cirka isku sii shareertay galinkii dambe ee maanta kaddib markii ciidamo la hadal haayey oo ka tirsan maamulka Puntland maalmahan lagu ururinayey deegaanka Mustaxiil ay soo gaareen magaalada Jowhar.

 

Afartii galabnimo ee maanta ayaa waxaa dhammaan la damiyey Isgaariisnta Saddaxda shirkadood ee Hormuud Telecom iyo Nation link ee ka howlagaleysay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhaxe kaddib markii qaar ka mid ah ciidamo hubeysan oo ka yimid deegaanka Mustaxiil horena uga tirsanaa maamul goboleedka Puntland halkaas in muddo ah lagu ururinayey ay soo gaareen magaalada Jowhar.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamadaas gadiidka ay wateen uu ku dheganaa calanka dowladda Itoobiya.

 

Saansaantii colaadeed ee xubnaha labada gole u dhaxeysay ayey kor u sii qaadee arrinta ciidamada iyo guud ahaan Isgaarsiintii oo la waayey waxa ayna daba socotaa kaddib markii xalay ay soo galeen magaalada B/weyne ciidamo ku xareysnaa deegaanka Mustaxiil oo halkaas isku khilaafay markii ciidamad ka yimid gobolada Puntland la sheegay inay hubkooda qaadan karaan halka ciidamadii Reer Hiiraana hubkii laga xareeyey iyadoo ciidamadii reer Hiiran ay imminka ku sugan yihiin degmada B/weyne iyaga iyo saraakishii la socotay.

 

Dhinaca kale, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq loogu diyaargarowayo arrimhaas iyadoo siyaasiinta ay wadaan kulamo ay arrimahaas uga tashanayaan maadaama ciidamo dheeraad ah oo ka yimid maamul goboleedka Puntaland ay qarka u soo fuuleen deegaanka Balcad ee gobolka Sh/dhaxe.

 

Sidoo kale degmada Balcda ayaa waxaa la sheegay in lagu xoojinayo ciidamo aad u badan kuwaas oo la doonayo haddii arrimahaas ay soo xoogeystaan uu halkaas iska horimaad ka dhici karo lana qiyaasi karo in arrintaas ay noqon doonto mid dhibaato hor leh u keenta xubnaha labada gole oo maalmahanba hanjabaadyo isu jeedinayey.

 

Tan iyo markii ay soo baxeen in ciidamadii joogay deegaanka Mustaxiil ee ka yimid dhanka Puntland soona gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa soconaya dhaqdhaqaayo aad u xoog badan iyadoo magaalada B/weyne oo HornAfrik ay la xiriirtay ay u sheegeen qaar ka mid ah siyaasiinta in ciidamada gaaraya magaalada Jowhar markii ay soo baxday uu isbadal ku yimid qaar ka mid ah siyaasiinta iyo odayaasha dhaqanka. Deegaankaas.

 

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in ciidamada maleeshiyooyinka ah ee dhinaca gobolka Hiiraan la siiyey Tuuto kaas oo lagu arkayey magaalada B/weyne ciidamada oo gashan hadana la dhex soconaya magaalada.

 

Mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ciidamadii uu watay waxa ay ku biireen ciidamada Puntland ee tagay magaalada Jowhar.

 

HornAfrik oo isku dayday inay la xiriirto shirkadaha kala duwan ee telfoonada si wax looga ogaado sababta keentay in inta badan telfoonada ay ka dansan yihiin magaalooyinka Jowhar, B/weyne iyo gobolada dhaxe ee Soomaaliya ayaa mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadahaas uu sheegay in markii la damin rabay ay la soo xiriireen mas’uuliyiintooda joogta magaalada Jowhar oo ay u sheegeen in lagu amray inay damiyaan telfoonada.

 

Dhinaca kale telfoonada gobolada dhaxe ayaa telfoonadooda shaqeeneen iyadoo mas’uul ka tirsan shirkadda Nation link uu sheegay in markii Jowhar laga damiyey ay xirteen Dish u gaar ah oo ay u suurtagashay in telfoonadooda ka shaqeeyaan gobolka Hiiraan hase yeeshee dhinaca Matabaan ilaa iyo Mudag ayuu sheegay in aysan heysan Dish-gan gaarka ah ee iyaga u saamaxaya in telfoonadooda awood u yeeshaan inaysan qadka ka go’in.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Badda ayaan ku daraa!!!

 

Daadkaa qaadaya!!!

 

Argagaxiso ayaa Xamar joogta!!

 

 

Cagtii joogsan weeyso mar beey ceeb la kulantaa!!

 

soo joog ninkii laga waayo, soo jiif aa laga helaa!!

 

Increase the peace!! Somalia needs no more senseless wars!

 

1500 ragtag militia-clansmen backed by Meles dilapitated military hardware cannot even dare to face ciyaal faay cali let alone 60,000 armed milita men!

 

 

ar yaa ka joog dhaho! walaaloow wixii lagu waayay waali laguma helo!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

We'll see what happens, though.

It seems we did not have to wait long sxb. I can't understand what Abdulahi Yusuf was thinking when he gave the order to his army to enter Somalia. Whatever his intentions were, it escalated the situation and now every strongman of one of Somalia's biggest Clan-families are yelling war. Dayniile is reporting Muuse Suudi has left the capital is encamped near Jowhar, where it has been reported Yusuf Indhacade will meet up with him. Cabdi Qaybdiid and Qanyare Afrax are out of the country, but have ordered their milities to gear up for war and are now enroute to Mogadishu. Combine that with the fact that all the milities in Xamar are on high alert and will probably be ordered to war by their local warlords. The situation is dire I tell you and there is absaloutely nothing we can do about it. The coming days and weeks in Somalia will lay a new leaf in Somalia's history, all we can do is wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think large scale war is going to happen if any at all. I think the government will at last prevail and not warlords. The only thing that the government has to do is to keep its nerve and wait patiently.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^Yep.! You are right sxb..! The government will prevail in this war with the help of the Ethiopian troops...and that is what you want. I just wish to be somewhere next to you when you get disappointed.

Words are over now, especulating is out of the window. Just promise me something that there want be any callcal in the end.

Somalida waxay ku maahmaahda 'ama afeef hore lahow ama adkeysi dambe'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

By Horn

It seems we did not have to wait long sxb. I can't understand what Abdulahi Yusuf was thinking when he gave the order to his army to enter Somalia. Whatever his intentions were, it escalated the situation and now every strongman of one of Somalia's biggest Clan-families are yelling war. Dayniile is reporting Muuse Suudi has left the capital is encamped near Jowhar, where it has been reported Yusuf Indhacade will meet up with him. Cabdi Qaybdiid and Qanyare Afrax are out of the country, but have ordered their milities to gear up for war and are now enroute to Mogadishu. Combine that with the fact that all the milities in Xamar are on high alert and will probably be ordered to war by their local warlords. The situation is dire I tell you and there is absaloutely nothing we can do about it. The coming days and weeks in Somalia will lay a new leaf in Somalia's history, all we can do is wait and see.

woooow what good analayies sxb horn are the once in kismaayo ready to attack ciidamada qaranka lol

couse jaamaca dheere is in jail in Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Mogadishu-wing supporters are saying the so-called "Ciidamada Qaranka" are not even Somali, but the Ethiopian army. Question to ponder over: Why was communication to Somalia's central regions cut off before the arrival of these militias into Jowhar? One possible reason is to keep the media (and the public) guessing as to the actual number of troops and armored vehicles that arrived. Well, since the dreaded "Ethiopians" are around, we must await the much-talked about upcoming "jihad" against them. Like HORN said, the next few days and weeks will be crucial to Somalia's future.

 

Maxaa ka jira in ciidamo Itoobiya iyo Puntland ka socda oo tiro badan ay shalay gaareen Gobolka Shabeelaha Dhexe?

 

Arbaco, 07 September 2005(HOL): Tan iyo shalay gelinkii dambe markii hawada laga waayay isgaarsiintii gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa soo baxayay warar is-burinaya oo sheegayay in magaalada Jowhar ay gaareen ciidamo aad u tiro badan oo ka socda Itoobiya iyo kuwo kale oo iyana tibaaxayay in ciidamadaas ay ahaayeen kuwii Puntland, inkastoo wararkaasi aysan ahayn kuwo sugan sabab la xiriirta isgaarsiin la'aan jirtay.

 

Haddaba Isgaarsiintii oo hawada ku soo laabatay saakay ayaa waxaa inoo suurtagashay in aan xiriir dhinaca Taleefoonka la sameyno wariyayaal ku sugan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo aan wax ka weydiinay waxa ka jira wararkaas is-burinaya.

 

Wariye ku sugan Jowhar oo diiday in aan magaciisa shaaciyo sabab la xiriirta dhinaca ammaankiisa ayaa wuxuu sheegay in wararka sheegaya in ay Jowhar tageen ciidamo tiro badan ay yihiin kuwo aan jirin, waxa Jowhar gaarayna ay kaliya yihiin saraakiil ciidan iyo ilaaladooda.

 

Laakin warar kale oo aan ka helnay isla magaalada Jowhar ayaa iyaguna waxay sheegayaan in ciidamo ka badan kuwii la sheegay in ay shalay halkaasi gaareen oo tiradoodana lagu sheegay ilaa 4000 ay galabta ku fool leeyihiin gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo sidii shalay dhacday oo kalena laga cabsi qabo in ay mar kale hawada ka baxdo Isgaarsiinta gobolladaas.

 

War kalena ayaa isna intaas in waxa la buun buuninayo ay yihiin ciidamo 1,500 Askari ah oo wata 36 gaari oo Tikniko iyo Gaadiid Xamuul isugu jiray, kuwaasi oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Wararkan ayaa dhamaantood waxay yihiin kuwo aan si rasmi ah u sugneyn, waxayna dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ku abuureen xaalad jaha wareer ah, iyadoo Idaacadaha Muqdisho qaarkoodna ay uga sii dareen kadib markii ay sii daayeen warar dhiillo xambaarsan oo qaabka loo diyaariyay uu yahay mid dhexdhexaad ahayn, waxayna taasi baqdin ku abuurtay dad badan oo u qaatay in xaalku faraha ka baxay, isla markaana waxa la filan karo ay kaliya yihiin dagaal

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jumatatu:

^^Yep.! You are right sxb..! The government will prevail in this war with the help of the Ethiopian troops...and that is what you want. I just wish to be somewhere next to you when you get disappointed.

Words are over now, especulating is out of the window. Just promise me something that there want be any callcal in the end.

Somalida waxay ku maahmaahda 'ama afeef hore lahow ama adkeysi dambe'.

Goverment troops are not there to attack to anyone but they will defend the temp. capital. Jowhar is not Kismayo nor Baidao and if war brokes out the warlords will lose out. No calacal whatsoever. whatever happens my loyalty will be with the goverment troops and i'm proud for their courage.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Let us see if A/yousuf can beat Morgan in the border crossing Marathon.

I bet 100 SEK on A/yousuf and his Puntland militia will last longer becouse of Mohammed dhere,

and morgan will retain his title as the champ.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ LOL If Morgan retains the gold, then Col Yeey might be going for the silver (now held by Riyaale the Runner :D )

 

Anyways, Hiiraan Online has confirmed reports that the militias which just arrived in Jowhar are mostly from Puntland, and not Ethiopian soldiers (as Caato was quick to say from - where else? - Nairobi). Mogadishu-wing has advised int'l aid agencies and airline companies to leave Jowhar because the city was in a state of "conflict." Some unconfirmed reports say businessman Bashir Raage, warlord Cabduqadir Beebe and the owner of Hotel Ramadan (in Muqdisho) have warned against an attack on Jowhar.

 

Xubnaha labada Gole ee Muqdisho oo Hay'adaha Samafalka iyo Shirkadaha Diyaaradaha ugu baaqay in ay Jowhar isaga baxaan

 

Arbaco, September 07, 2005(HOL): Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta uga digay hay'adaha Samafalka, Diblumaasiyiinta iyo shirkadaha Diyaaradaha in ay isaga baxaan magaalada Jowhar, iyagoo sheegay in magaaladaas tahay mid xiisad colaadeed ku jirta.

 

“Waxaa xaalad colaadeed ka abuurantay 24-kii saac ee la soo dhaafay gobolka Shabeelaha Dhexe magaaladiisa Jowhar, iyadoo laga go'doomiyay xiriirkii Isgaarsiin ee ay la lahayd dalka intiisa kale si loo aaso xogta xogta dhabta ah ee halkaas ka jirta, sidaas darteed waxaan ku wargelineynaa Hay'adaha Samafalka iyo kuwa Diblumaasiyiinta ah ee ku sugan magaalada Jowhar in ay kala baxaan shaqaalahooda maadaama ay xiisad colaadeed ka jirto, sidoo kalena waxaan qatartaas uga digeynaa Shirkadaha Diyaaradaha ee duulimaadyada ku taga Jowharâ€ayaa lagu yiri qoraalka ay maanta soo saareen Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

 

Kulan aan caadi ahayn oo ay soo saareen xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa waxay ku sheegeen in ay arrintaas u soo baxday kadib markii heleen warbixinno iyo xog ku saabsan in ciidamo Itoobiya ah ay tageen magaalada Jowhar.

 

Xubnahan ayaa qoraalkooda waxay ku sheegeen in ay wax laga xumaado tahay in ay dalka ku soo xadgudbeen Ciidamada Dowladda Itoobiya oo ka soo tallaabay halka loo yaqaano Abeesaale oo ka tirsan deegaanka Ceel Barde ee gobolka Bakool, kadibna waxay uga sii gudbeen Deegaanka Dadbane ilaa ay ka gaareen Tuulada Ceel Cali oo ay uga sii gudbeen magaalada Jowhar.

 

Warar aan ka helnay ilo muhiim ah oo ku dhow dhow Xarunta Dowladda Federaalka ee magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaas aysan ahayn sida ay u sheegayaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, isla markaana ciidamadaas ay yihiin ciidamo ka soo jeeda deegaanada Puntland, kuwaasi oo tiradoodana ay dhan tahay 2000 oo Askari. Ishan wareed oo naga codsatay in aanan magaceeda shaacin ayaa waxay intaas ku dareysaa in ciidamadaas la dejiyay xero ku taala deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo aan weliba u dheereyn magaalada Jowhar, inkastoo ay ka gaabsatay in ay magacawdo halka ay ku taalo xeradaas sabab la xiriirta in ay tahay sir Mileteri.

 

Si kastaba arrintu ahaatee digniintan ay soo saareen xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay u muuqataa mid uga sii dareysa khilaafkii xubnaha Dowladda Federaalka u dhaxeeyay, iyadoo weliba ay ku soo beegantay xilli ay beesha caalamka dadaal ugu jirto xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

Faahfaahin Ciidankii Jowhar soo gaaray

 

Wararka naga soo gaaraya Xarunta KMG-ah ee Dawlada Soomaaliya Magaalada Jowhar ayaa xaqiijiniya in Cutubkii ugu horeeyay Ciidamadii Xogga Soomaaliyeed oo maalmahan tababaro ku qaadanayey deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ay soo gaareen gudaha Magaalada Jowhar ayagoo loo galbiyay Xerooyin ku yaal daafaha Magaalada oo lagu kala magacaabo Koongo iyo Mahadaay.

 

Ciidamadan ayaa waxaa horkacayey Taliyaha Ciidanka Xooga Somaliyed General Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Saraakiil sare-sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gashandhiga iyo dhaqan celinta Malesiyaadka.

 

Cutubyadan ayaa ka kooban Ciidamo laga keenay Gobolada Hiiraan,Galgaduud, Koonfurta Mudug iyo Puntland, kadibna la-isku shaanday lagana dhigay Ciidankii Qaranka Somaliyeed, tirada Ciidamada soo garay Xeroyinka, Koongo iyo Mahaday ayaa lagu sheegay 2100-Askari kuna hubeysan gawarida gaashaaman oo lagu buufiyay calanka Soomaaliya.

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Ciidamada Xooga Somaliyeed ay u gudbeen Xero ku taal Tulada Qurac-Joome oo ka tirsan Gobolka Bakol, Ciidamadan ayaa loo qorsheeyay in ay ku sugnaadaan barahooda inta loo dhameystirayo sahayda ay u baahan yihiin.

 

Ciidamadan soo gaaray Gobolka Shabelada Dhexe ayaa waxaa jawab deg-deg ah ka bixiyay Wasirka Hawlaha Guud iyo Guriyenta Cismaan Caato, isagoo ugu baaqay Shacabka ku sugan Magaalada Muqdisho in ay u diyaar-garoobaan sidii Magaalada Jowhar loo xoreyn lahaa,hadalka ka soo yeeray Wasiiirka ayaa waxaa ku gacan-seyray Xubno ay ka mid yihiin C/qaadir Beebe, Bashiir Raage Shiiraar,Ganacsade Eenoow iyo Mulkiilaha Hotel Ramadan Abuukar Cadaani iyagoo wacad ku maray kooxdii isku dayda in ay weeraraan Gobolka Shabeelada Dhexe in ay la kulmi doonaan dhabar-jabin iyo dharbaaxo kulul.

 

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaar ka tirsanaa Ciidamadii ay isku beesha ahaayeen Wasiir-ku-xigeenka Gaashandhiga Cumar Dheere ay gadodeen ayagoo ku andaconaya in beesha ay ka soo jeedaan loo kordhiyo tirada Ciidamada,Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhiga Cumar Dheere ayaa balanqaaday in uu wax ka qaban doono cabashada ay muujiyeen Ciidamada ay isku beesha yihiin.

 

Taliyaha Ciidamada Xooga Somaaliyeed General Ismaaciil Qaasim Naaji oo la hadlayey Ciidamada soo gaaray Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa u balanqaaday in mardhaw la bilaabi doono mushaarkii ay xaqa u lahaayeen,warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qofkiiba loo qorsheeyay Masruuf dhan 220-Dolar.

 

Sidoo kale waxaa galabta ka hadlay Xeryaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Qaranka Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Shiidaalka Abaadir Saalax iyo Xildhibaan Gaa-gaale oo labadaba laga soo doorto Gobolka Hiiraan.

 

Guntii iyo Geba-Gebadii Ciidamadan soo gaaray Gobolka Shabeelada dhexe waxaa caro ka muujiyay Xubnaha Wasiirada Mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo balanqaaday inay ka xoreyn-doonaan Magaalada Jowhar Ciidamo ay ku sheegeen Itoobiyaan inkastoo wararka ka imanaya Magaaladaas ay xaqiijinayaan in Ciidamadani yihiin Soomaali la qarameeyay.

 

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

What I cannot apprehend is the "mass hysteria" and fear that suddely struck our fellow countrymen in Moqadisho.

 

The media went crazy, it is second to none to the famous "British Tabloid" phenomanan that surpised me most.

 

I believe that Abdullahi certainly does not have any chance against the mighty USC and allies because I believe that the USC is full of resources such as weaponary, manpower and other military and finachial hardware and support.

 

Abdullahi must be dreaming to think that he can take Mog doesn't he know that there are 60.000 armed milita men in the town who are armed to the teeth?

 

Juma don't worry brother, you don't have to run around like headless chickens like your friends of Dayniile.com, Onkod, Hornafrique, Hobyo and Waagacusub just relax because at the end you will gain the upper hand sooner rather than later inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abduallhi Yusuf beat the so called mighty USC and allies at a time when they had the upper hand in his home town. What makes you guys think he would lost when now he has the upper hand over them. If anything does happen I do not think any USC will be left.

 

Abduallhi Yusuf has never lost a Real War. This men is Ready for everything Reer Muqdisho are to throw at him. Why do you think he give the order? This is the time I have been wating for.One person must get the upper hand in Somalia and that would be the winner of this up coming War.

 

Don't you guys think. There is to Much powerfull War-lord in Somalia, their power must be taken away. That's what the President is ready to do,Somalia is with him on that.. and so am I

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the time I have been wating for.One person must get the upper hand in Somalia and that would be the winner of this up coming War.

I sincerely hope that it will not come to war bro. Let not the Moqadisho spin doctors fool you.

In whose interest is it to wage a new war or in soomaali a "dagaal cusub oo ahli ah"? I believe no one.

 

Mog gangsters have to act because literally they've got a gun on their neck. It is them who makes this fuss and no one else.

 

Let them deal with it, I believe that they've "the brain", logistics and military manpower to overwhelm and overpower some 2100 soldiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this