Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Why did we fight Siyad Barre to get dictator Riyaale secessionist ponder

Recommended Posts

Wadadii Cadayd Cagta Saarnayoo Na Caraabisee, Haay Haay Udubay Hay

 

February 5th, 2009 Waxaa maanta lagu soo gebo gebeeyey caasimada Jamhuuriyada Somaliland shirkii golaha dhexe ee Udub garabka Riyaale, shirkaasi oo ka goblamiyey dhamaan wixii la odhan jiray dimquraadiyada qariibka ku ah Somaliland.

 

Hadii aynu in yar dib u jaleecno waxa loogu yeedho geedi socodka Dimquraadiyada Somaliland oo gebi ahaan isugu soo biyo shubatay xero madhan. Waxa waxbo la’aan laga joogay dhamaan doorashooyinkii aynu galay hadii ay yihiin qaar Gole deegaano, Madaxweyne ama Gole wakiileed kuwaasi oo inoo dhalay Goleyaasha fadhiidka ah degaanada oo aanay jirin Degmo mahadisay, :confused: Madaxweyne aynu cod ku dooranay oo carjuuqdheh,cajugleyn iyo aniga mooyee cidkale ma jirto yidhi, Xildhibaano debed wareeg iyo buuqa dhexdooda ka dhamaanwaayey lana xisaabtami Karin xitaa wasiirada iyo madaxda amniga qaranka. Sidoo kale waxa fadhiga ka kici la’ Seddexda xisbi qaran, ee dastuurka jahowareerka badini ku jiraa inagu jideeyey, haba sii kala daraadaane, oo Udubta maataanta X.H.K.S ee sankii 1976 dib ugu taraartay ha ugu hoosaysee.

 

Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Riyaale waxa dalka ka soo ifbaxayey raadad la mid ah kuwii xukunkii tababaray isaga iyo badiba wasiiradda:

 

Maxkamada Degdeg ah ee dalka ka jira oo xabsiga dhiga muwaadiniin badan.

lunsiga hantida umadda oo gaadhay heerkii ugu sareeyey ee cagliga Ibnu Aadamku cabiri karo.

Cadaalad daro, oo cadaalada dalkeena maanta waxa ku xidhantahay Hantidaada ama saaxiibadaada siyaadadeed ama inta aad qaraabo ku leedahay maamulka.

Maamul xumo maanta dalkeenu wuxuu gaadhay derejadii ugu saraysay ee maamulxumada aduunka.

Waxa hog lagu riday rejooyinkii umadda guud ahaa gaar ahaan dhalinyaradii taasi oo keentay inay isku guraan baddaha, badhna u badheedhaan kuna leedaan saxaaraha Africa.

 

Maantase waxa inbadan oo ay ka daahneyd u cadaadtay in aan Riyaale cidna u joojinay, saarayna cagaha wadadii cadayd ee Keligii taliyihii Maxamed Siyaad.Mar hadii ragbadan oo udubta kaadidooda u soo cabay sife sharciga xisbiga iyo xeerarka dalkaba baalmarsan, ay daba boodhka ka tunteen. Waxaa la duuduubay hamigii laga qabay in dalka ay doorashooyinka ka qabsoomaan, hadiiseba ay qabsoomaan waxa iminkaba la sii ogyahay maxsuulkooda iyo cawaagibka ka dhalankaraba.

 

Hadaba dadweynaha reer Somaliland oo hore uga gilgishay Keligii taliyihii waxa in la waydiiyo mudan horta maxaynu Siyaad Barre kula dagaalanay? Mar hadii kii dalka qabta iyo Noolow noolow, haay haay iyo qaar kaloo badan aynu la **** ciirayno, jiibta iyo sawaxankana aynu wada takhasus ku noqonay!!!!.

 

Gebo gebadii abwaan reer Somaliland ah ayaa beri yidhi:

 

Arlo dhabaqdaybay s-tii meel ka dhurantaa ye, Intay arintu dhaw dhawdahaa dhego adagaygtaanee……………

 

Mohamed Ali

 

London..Fake name and in a safe location :D

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirudowlihii iscasiley - Aadan Ruush - oo ku tilmaamay shirkii Garabka UDUB ee xukuumiga ah Inqilaab lagu sameeyey Dimuqraadiyadda

February 5th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Wasiirudawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud ee dhawaan xilkaasi dhawaan iska casilay Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush), isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiintii shaaciyay in ay u taagan yihiin jagada musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa sheegay in xisbigii UDUB fadeexad wayni ay ku dhacday ka dib markii la laabay xeerkii iyo sharcigii xisbiga.

 

Aadan Ruush waxa uu sheegay in isaga loo diiday ka qayb-galka shirkaasi, waxana uu sheegay inuu u arko dhacdadaasi inay ahayd inqilaab lagu sameeyay dimuquraadiyadda dalka, ciddii ka qayb gashay shirkaasi oo uu ku tilmaamay mid fawdo ah, ee taageertay khaladkaasna aanay taariikhdu saamixi doonin.

 

Aadan Maxamed Diiriye (Ruush) waxa uu sheegay in aanu ka baxayn xisbiga UDUB, balse ay ka baxayaan ‘ayuu yidhi’ ciddii lagu doortay sifaha sharci darrada ah. Waxaanu taageeray oo uu sheegay in uu ka qayb galayo shirka ay ku baaqeen musharaxiinta iyo guddida fulinta ee UDUB, haddii lagu saxayo ‘buu yidhi’ shirkii la marin-habaabiyay.

 

Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba dadweynaha reer Somaliland oo hore uga gilgishay Keligii taliyihii waxa in la waydiiyo mudan horta maxaynu Siyaad Barre kula dagaalanay?

LOOL, These people just wokeup from their MARQAAN coma.

 

In another way they are asking them selves, why did we fight Siyaad, if another outsider is ruling us so long?. Its HABAR KUULEEY AND HABAR MAANO'S TURN THIS TIME. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Igaleexda igaleexda, seen uqoslaa? Kix kix, mise kax kax, mise looool, mise gwaaaaaaaax gwaaaaaaaaaaax, mise gagagagagagaaaa?

 

General Duke, stop teasing yaah! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Nabadoow, with my right mind and "fly-by-night-gone-by-day" night school education level maa ka xanaajinaayo Ooda? Maya maya taas makujiri ani...The guy has formal education, ma maqlin miyaa? :D Ma'anaa kabaxo saacadaan kalmado aan fahmeen in la'igu tuur tuuro? :D:D

 

Still, loooooling and kix kixing and kax kaxing though...Hope qosolkeyga qurxoon ineysan dad kuguban... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Nimankaan innaba caadi ma ahan, darraadna mid baa lahaa meesha Shankaroon baan ubixinaynaa :D

 

Maantana waa kanoo wasiiru-dowlo ayaa iscasilay and is questioning why we fought Siad Barre :D

 

All these are not made up stories but real and all facts... Marqaana kadaran tan wallee :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Oodweyne:

Silly as ever, indeed...

Shortest Oodweyne post ever...running out of ink? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol.

SHANKAROON WAS VERY COMICAL SUGGESTION, THAT WAS THE FIRST TIME THE MAD DOG AKA WARAABE OF SAKHRAANLAND WAS CREATIVE. HE EVEN TRIED TO STEAL THE GREAT NAME OF PUNTLAND. HAHAHA, THATS WHAT THEY CALL CAQLI LIXSAAC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is an election year and as the election nears daggers will be drawn, dirt will hit the fan and it will get very ugly. The William Ayrs and the Keating 5s of Somaliland will be openly thrown at each other. The equivalent of "Balling with Terrorists" and "Joe the plumber" will come out. :D

 

In other words, it is going to be a cut-throat election. But as they say about fools: Doqontu halkii lagu xifaaltamo in lagu kala tago ayay mooda. icon_razz.gif

 

At the end of the elections, hands will be shaked and the winner gets on with work. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this