Sign in to follow this  
garyare

DABBAAL-DEG PUNTLAND?: WAA WAXAAN LOO NOQON DOONIN!

Recommended Posts

garyare   

17/08/07

 

DABBAAL-DEG PUNTLAND?: WAA WAXAAN LOO NOQON DOONIN!

 

Hooyo ayaa waxaa laga wariyey in ay wiilkeedii ku tiri: Allow iga aamusi. Waa habaar culus ee ay hooyo ku tiraahdo wiilkeeda iyadoo la ogyahay in ay hooyo kastaa ay u ducayso wiilkeeda xataa haddii uu yahay wax ma tare oo waa tii la yiri: habari curadkeeda cay uma quurto (Haddii adan qisadan aqoon akhristow, fadlan waydii saaxiibkaa).

 

Puntland waxay ku dhawaaqday in ay tahay Dawlad Goboleed muddo hadda laga joogo 9 sannadood. Sannadkaan oo ay sagaal jirsatey ayaa waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 17 Agoosto 2007 degmada Camden ee London oo ah magaalo madaxda dalka Ingiriiska lagu qabtay kulan ay yimaadeen dad aan ku qiyaasay 60 ilaa 70 qof.

 

Kulanka oo cinwaan looga dhigay Dabbaaldegga Sannadguurada 9aad ee Puntland laguna faafiyey Shabakada Puntlandpost ka hor hal toddobaad, ayaa waxaa qabanqaabadiisa sheegtay koox wiilal badidood aad u dhallinyar iskuna magacaabay “Ururka Dhallinyarada Puntlan”.

 

Waxaa haddaba ugu horrayn is weydiin leh:

1. maxaa keenay in Puntland loo dabbaaldego kaliya sannadka 9aad ee aasaaskeedii:

 ma waxaan dalka ka jirin wax mudan in loogu dabbaaldego sannadkaan ka hor?

 Ma sannadkan ayuu dalku helay ama gaaray wax khaas ah oo mudan xusid dheeraad ah?

 Mise waxaa jirta ajendo inaga dahsoon oo laga leeyahay kulankan isaga ah?

 

2. maxaa dabbaaldegga loogu qaban waayey isla Puntland?

 

 

Imaanshaha shirka iyo noocyada dadkii ka soo qayb-galay

 

Ballanta bilowga shirku waxay ahayd 3dii saac ee galabnimo taasoo ku qornayd warqadihii casumaadda hase yeeshee waxaa shirkii la furay ka dib 7dii fiidnimo, micnaha 4 saacadood ka dib.

 

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii goobta tegey hase yeeshee aan haysan casumaad maadaama an sida badan tago goobaha kulammada ay isugu tagaan Jaaliyada London oo an ka mid ahay hadba intii aan ka gaaro, haddii uusan ahayn kulan cid u khaas ah.

 

Walow ka soo qaybgalayaasha shirku ay u badnaayeen dhallinyaro iyo da’ dhexaad rag iyo dumarba, haddana waxaa joogey tiro fiican oo ah dadka ay da’doodu ka weyntahay 50 jir una badnaa ragga, anigu waxaan ku jiraa qaybtan dambe ee gar-caddaha ah.

Waxaan shirka ka dhex aqooday tiro aqoonley ah.

 

 

Maxaa ka dhacay furitaankii shirka?

 

Shirkii waxaa furay wiil dhallin yar isla markaana ka digay in aan shirka laga oggolayn in lagu soo qaado ama looga hadlo “wax siyaasad ah, qadaf loo geysto dad iyo ammaan u jeedda cid khaas ah midna.

 

Dhallinyaradii waxay u yeereen dhowr qof oo ay ku sheegeen in ay yihiin marti sharaf khaas ah ayna fariisiyeen kuraasta mudnaanta ama miiska ka soo horjeeda dadweynaha.

 

Ka dib erayo furitaan iyo muqaddamo ah, waxay dhallinyaradii hadalkii mid-mid u siiyeen kooxdii marti sharafta lagu magacaabay, kuwaasoo badidood ammaanay Puntland hase yeeshee uusan midkoodna soo qaadin wax dhaliil ah ama dhibaato ka jirta dalka.

 

Waxaa shirka telefoon kula soo hadlay Janan Cadde Muuse oo hadda haya jagada madaxtinnimada Puntland iyo ninka u qaabbilsan guddoomiyaha baarlamaanka (parliament speaker) oo iyaguna shirka bogaadiyey. Walow aan si fiican loo maqlayn laynkii telefoonka waxaa ka mid ahaa erayadii aan ka maqlay Cadde Muuse: “waxaannu wadnaa mashaariic badan”; “ha dhegaysanina waxa ay dalka ka sheegayaan website/yadu” iyo “annagu waannu tagaynaaye dalka cid u soo dira”.

 

Ka qaybgalkii dooddii kulanka

 

Anigu waxaan waydiistey in la’ii oggolaado in aan hadlo waxaana lay siiyey 7 daqiiqo.

 

Waxyaalihii aan shirka ku taartay (contribution) waxaa ka mid ahaa:

 

1) mas’uuliinta waxaa laga doonayaa in ay gutaan waajibkooda ee maaha in lagu ammaano ama loogu hambalyeeyo

2) dal iyo maamul dawli ah midna ma socon karaan haddii aan la dhowrin qawaaniinta loo jideeyey dalkaas anigoo tilmaamay in ilaha qawaaniinteennu ay yihiin:

 Mabaadii’da Shareecada Islaamka

 Xeerarka ay dejiyaan baarlamaanku, iyo

 Xeerarka dhaqanka ama caadada.

 

3) In shirka lagu xuso in ay Ethiopia qabsatay aanna ka xumahay in aan kulanka lagu soo qaadin Somalida lagu xasuuqayo Koofurta Somalia ayna ahayd in laga xumaado loona diro tacsi

4) In aysan dhallinyaradu ku daba lumin dariiqyada siyaasadaha khaldan ee ay ku hungoobeen nimanka sheegta siyaasiyiintu

5) In dadkii shirkaan ku aaddiyey 17ka Agoosto ay yihiin kuwo aan waxba kala socon maalmaha murugada leh ee soo mara Puntland sidii dhacdadii naxdinta xanuunka badnayd ee isla maalintaas oo kale 2002dii dil siyaasadeed loogu gaystey Madax-dhaqameed caan ah (Suldaan Axmed Hurre) iyo kuwo kale isla waqtiyaashaas.

 

Intaa ka dib nin dhallin yaro ah oo hadalka qaybinayey ayaa iigu geystey hadallo qadaf ah hase yeeshee waxaa taas iga raalli galiyey dad badan oo joogey kulanka.

 

 

Gunaanad

 

Aragtidayda, wuxuu kulankani iila ekaa mid ay ujeeddadiisu ka duwan tahay sida ay u soo jeediyeen wiilasha yaryari.

 

Waxaa wiilasha ka muuqdey calaamado laga garan karo in ay arrinta Dabbaaldeggu ahay fikrad laga leeyahay dan kale hase yeeshee iyaga loo soo dhiibtey oo ay ka dambeeyaan niman waaweyn oo iyagu diiddan in ay ilaa hadda dibedda isa soo dhigaan markaana wiilasha masaakiinta ah ka dhiganaya waxa loo yaqaan “yool-baar”.

 

Sida ay garan karto cid kasta oo caqli u saaxiib ahi, barnaamij loogu talo galay in loogu dabbaaldego dal, kaasoo waliba dhacay 9 sano ka dib curashadii dalkaas, waxaynnu ka filan karney in looga doodo arrimaha wajiyada badan oo uu dal leeyahay ee barnaamijyada horumarka sida: dhaqaalaha, arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, caddaaladda iyo siyaasadda, ammaanka/difaaca iwm. Iyo sidoo kale wixii dhaliilo ah ee ay la dhutinayaan arrimaha aan soo taxay.

 

Kulankaani wuxuu ahaa mid gebi ahaanba ka qaawan, aan loogu talo galin laguna xusin arrimahaas aasaasiga u ah nolosha bulsho meel ku nool.

 

Haddii uusan haddaba shirku ahayn mid ku shuqul leh “dabbaaldeg Puntland”, waxaa inoo soo baxaysa inuu ahaa mid laga leeyahay dan kale sida aan soo sheegay ama oohintu orgiga ka weyn.

 

Dan siyaasadeed?

 

Danta kaliya ee aan anigu saadaalin karaa waxay tahay mid siyaasadeed oo halkaas la gashay cidda wadata, amase xeel dagaal.

 

Sida aynnu la soconno, waxaa bilihii la soo dhaafay lagu hadaaqayey in ay Puntland ka dhici doonto doorasho xukuumad ama maamul cusub.

 

Waxaa dhici karta in uu shirkani yahay tartan (campaign) ay bilaabeen nimanka haddaba hoggaanka u haya Puntland amase kuwo cusub oo iyana hadd hunguriyeeyey madaxtinnimada dalka.

 

Si kasta ha ahaatee, waxay London oo dalkaas u jirta masaafo ka badan 10 kun oo mayl ay nasiib u yeelatay in ay noqoto halkii uu xilligan ka bilaaban lahaa tartanka taliska Puntland. Mase laga yaabaa in nin ka mid ah qaxootigeenna Jaaliyadda London uu nasiib u yeesho jagada u sarraysa Puntland markaana uu inaga caawino helitaanka sharciga degganaanshaha dalkan Britain isla markaana uu noqdo mid inooga dhego fudud inoogana xurmo badan kuwii isaga uga horreeyey jagada, mise wuxuu noqon doonaa mid haweystey meel rag u xiran oo hala rooruu run moodey ka dibna oran doonaa “anaaba kab geeyey”.

 

Arrintu si ay noqotaba, dabbaaldeg dambe ee Puntland wuxuu noqday dhabbe halaq maray iyo waxaan loo noqon doonin!

 

Maxamed Xirsi

hermoham@aol.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this