Sign in to follow this  
Captain Warya

Breaking News: Ahlu Sunnah capture Balad Xawo

Recommended Posts

Ciidamo taabacsan culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljaamca oo saakay la wareegay degmada Balad Xaawo iyo Cabsi ka taagan degmda Luuq ee gobolka Gedo.

 

 

Ciidamo taabacsan culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljaamca ayaa saakay la wareegay degmada Balad Xaawo,iyadoo ay Cabsi ka taagantahay degmda Luuq ee gobolka Gedo.

 

 

 

Saakay waaberigii ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamo taabacsan Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo halkaasi oo yy horay ugu jiray Maamulka Islaami ah oo hoostaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

 

 

Ciidamadii taabaxsanaa Xarakatu Shabaabul Mujaahdiin ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada iyadoo aan wax dagaal ah ka dhacin,waxaan wararka qaar ay haatan tibaaxayaan in fariisimo dhowr ah ay ka sameysteen ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Magaalada Balad Xaawo.

 

Max'ed Aadan oo ka mid ah saxafiyiinta Madaxa banaan ee ku sugan degmada Balad Xaawo ayaa goordhow Barnaamijka Dabagalka ee Idaacada Shabelle u sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay isku faafiyeen gudaha Magaalada kuwaasi oo durbaba degay xarumihii ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

 

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu markii ay halkaasi soo galeen ay gudaha Magaalada ka taageen Calanka Buluuga iyagoo ka siibay calanka Madoobaa ee lagu Yaqaan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

 

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxaa la sheegay in ay wehliyaan ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia kuwaasi oo aan gudaha u galin gudaha degmda Balad Xaawo sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan degmda Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

 

Dhinaca Kale degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira Cabsi aad u xoogan kadib markii la sheegay in ay halkaasi u dhaqaaqeen ciidamo kale oo taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca halka ciidamada Xisbu Islaam oo horay halkaasi gacanta ugu hayana ay difaacyo ka samaysteen daafaha degmadaasi.

 

 

Arintaani ayaa imaanaysa xili mudooyinkii ugu dambeeyay Madaalada Balad Xaawo iyo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan Ciidamo taageersan dowladda KMG iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca inkastoo haatan aan la sheegin in ay la socdaan ciidamada dowladda.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii uu Illaah inoo Saamaxo.

 

http://shabelle.net/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this