Sign in to follow this  
General Duke

UK: Anti-governemnt group summit a total failure..

Recommended Posts

Shirkii la filayey in lagu dhiso Urur Mucaarad ah Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska ayaa fashil ku dhamaaday

 

kadib markii lagu heshiin-waayey in Qaab mideysan la iskuugu raaco Urur mideeya Jaaliyadaha Dibada ee Mucaaradka ku ah Siyaasada Dawlada Federaalka Soomaaliyeed.

 

Aqoonyahanadii ka soo qayb-gashay kulanka ayaa watay fikrado kala duwan, iyadoo qaarkood soo jeediyay in la dhisi Urur Wadani ah oo ay ku mideysan-yihiin Jaaliyadaha Dibada, iyadoo qaarkoodna ay ku adkeysteen in loo wahajo Siyaasada Dawlada lagu mucaaradayo arin Qabiil, fikrada Qabiilka ayaa waxaa ka horyimid inta badan Siyaasiintii soo xaadirtay Kulanka.

 

Dood iyo fara-taag-taag kadib Waxaa miiska la soo saaray sharci lagu dhisayo Urur xornimo doon ah oo loogu magac-daray [/i](United Somali Islamic Congress)[/i] arintaas oo Dad badan oo uu Prof. Galaydh ka mid yahay ka caraysiisay, kadib markii ay ku doodeen in Ururkan uu yahay magacii Ururkii Beelaha ****** ku mideysnaayeen ee la oran-jiray (USC)oo lagu daray Magac Islaami ah, wuxuuna sheegay Professorku Dadkii soo alifay Magacaan inay doonayaan inay marin habaabiyaan ajandaha shirka waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “haddii Urur Qabiil la sameeyo inay dan oogu jirto Siyaasadaha Dawlada Itoobiya ee ku dhisan Xukun oo qeybi"

 

Shir-Gudoonka ayaa markii la isku mari-waayey Shirka Miiska soo saaray in la meel-mariyo Afar qodob midkood oo kala ah:

 

1-Qaab Qabiil in Ururka lagu dhiso

 

2-Qaab Diimeeed Urur ku dhisan in la qaato

 

3-Qaab Wadaniyeed Urur ku dhisan

 

4-Qaab Siyaasada Reer Galbeedka u jan-jareera in la qaato

 

Gaba-gabadii kulanka oo la sugayey in midka mid ah Qodobadan la qaadanayo ayaa noqday Hal bacaad lagu lisay, kadib markiii lagu guuleysan-waayey in meel dhexaad ah la iskuugu yimaado.

 

Dhinaca kale Fashilka ku yimid mar Labaad kulanka Mucaaradka ayaa loo aneynayaa Qodobadan:

 

1-khilaafaad u dhexeeya Proffessor Samatar iyo Galaydh

 

2-Reysal-wasaarihii Soomaaliya Cabdi-Risaaq Xaaji Xuseen oo ka cudur-daartay inuu ka soo qeyb-galo Shirka.

 

3-Ergadii Dalka Ingiriiska oo uu hogaaminayey Aqoonyahan Cabdi-Naasir Maxamuud Gureey oo ku gacan-sayray inay ka soo qeyb-galaan kulanka.

 

 

Dhinaca kale waxaa Shirka Birmingham ka soo qeyb-galay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Xubnahaan oo weligood mucaaradku ahaa Dawlada,taasoo keentay inaan Shirku wax miisaan ah yeelan.

 

Qaban-Qaabiyaasha Shirka ayaa eeda fashilka dusha ooga tuuray Sheekh Yariisoow iyo Sheekh Tayson, oo iyago ka mid ahaa Ragii soo qaban-qaabiyay kulanka,balse doonayey in la taageero Urur loo magac-daray (United Somali Islamic Congress).

 

Waxaa xusid mudan ah Magaalada London oo aan booqasho gaaban ku soo gaaray, inay ka mid tahay Magaalooyinka laga huriyo colaadaha Soomaaliya, waayo Dadka ku dhaqan markaad aragto waxay faraha kula jiraan fidno iyo iska horkeenka Shacabka Soomaaliyeed, waxaan maqli jiray Dalka Ingiriiska waa Xarunta laga huriyo colaadaha Soomaaliya Walee hadalkaas been ma,aha, waayo Laba usbuuc oo aan hada ku suganahay, ayaan la yaabay hab-dhaqanka Soomaalida ku nool Dalka Ingiriiska

 

Xuseen Yaasiin Godo-Godo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir ay soo qabanqaabiyeen Soomaalida Qurba-joogta kana dalka dalka Ingiriiska oo isku khilaafay qodobo ay ka doodeen

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 08/04/07

 

Iyadoo xaaladda Soomaaliya ay gashay toddobaad ay ka dhaceen magaalada Muqdisho dagaaladii ugu weynaa muddo 16-sano ah kadib ayaa waxaa dhibaatooyinka ka dhashay oo saameynta ugu badan ay ka soo gaartay dadka rayidka ah, waxaa dalka dibadiisa ka bilowday dhaqdhaqaaq iyo abaabulo ay hormuud u yihiin Soomaalida qurba-joogta ah, taasi oo ay ku soo bandhigeen sida ay uga xun yihiin faragelinta Milateri ee ay Soomaaliya ku hayaan ciidamada Itoobiya.

 

Shir ay soo qabanqaabiyeen Soomaali ku dhaqan dalka Ingiriiska ayna ka soo qeyb galeen Aqoonyahano, xubin ka socotay Maxkamadihii laga awooda roonaaday iyo siyaasiyiin ka mida Dowladda Federaalka, waxaana xubnaha ka soo qeyb galay shirkan ka mid ahaa: Prof. Cali Khaliif Galleyr, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Yurub iyo Mareykanka.

 

"Ujeedada shirka wuxuu ku saabsanaa sidii dalka looga saari lahaa cadowga ku soo duulay ee Itoobiya, isla markaana hab siyaasadeed ka duwan midka haatan socda loo wajaho" ayuu yiri Prof. Cali Khaliif Galleyr oo sheegay in kulankooda ay ka soo saari doonaan war murtiyeed ku wajahan xaalada Soomaaliya.

 

Marka la eego jawiga shirka ay Soomaalida qurba-joogta ku yeelanayaan dalka Ingiriiska iyo xubnaha lagu casuumay oo ay ka mid yihiin Maxkamadihii Islaamiga iyo Dowladda Federaalka, waxaa muuqata in halkaasi ay isugu tageen dhammaanba kooxihii ka horjeeday howlgalada Milateri ee ay dalka ka wadaan Dowladaha Soomaaliya, hase yeeshee inkasta oo waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankan laga filan karo ayaa waxaa ugu horeeya inay cambaareyn ka soo saaraan dagaaladii Muqdisho ka dhacay, ku dhawaaqid urur ama xisbi mucaarad ah iwm.

 

Dhinaca kale shirka ka dhhacay magaalada Lister ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa xubnihii kale ee ka hadlay aanay isku mowqif ka noqon ujeedada kulanka loo qabtay, waxaana dooda ugu weyni ka timid Islaamka iyo siyaasadda oo uu sheegay Prof. Cali Khaliif Galleyr, "Haddii aad tagto xafiiska Midowga Yurub ma oran kartid waan jihaadayaa" ayuu yiri Prof. Cali Khaliif oo sheegay in lala yimaado isla markaana la adeegsado siyaasad furfuran, isagoo ku taliyay in la is waafajiyo Islaamka iyo siyaasadda.

 

"Dagaalka waxaa wada Maxkamadaha wayna sii wadayaan ilaa inta uu ka baxayo cadowga ku soo duulay" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow mas'uulkii Maxkamadaha u qaabilsanaa arrimaha dibadda, wuxuuna sheegay in Maxkamaduhu ay weli jiraan ayna taageersan yihiin shacabka Soomaaliyeed, "Shaatigii ay rabaan ha gashteen waxa Xamar ka dagaalamaya waa Maxkamadihii" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

 

Hadalka Ibraahim Xasan Caddow ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya hannaanka siyaasadeed ee ay doonayaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada qurba joogta ah inay uga qeyb qaataan dalkooda, iyadoo ay aad u adag tahay in shirkaasi ay ka soo baxaan go'aan ay u dhan yihiin dhammaanba ka qeyb galayaasha sida horeba u dhacday kulamadii ay yeelan jireen Soomaalida, tiiyoo ay aad u adkaan doonto sida ay Maxkamadihii laga awooda roonaaday ugu biiraan isbaheysiga ku shiraya magaalada Lister ee dalka Ingiriiska, iyagoo ka hor jeesan doona amaba aan la dhacsaneyn go'aanada kuwooda xasaasiga ah ee shirkaasi ka soo baxaya.

 

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa laga soo saaray ilaa iyo 18-qodob oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxayna xubnaha shirkaasi ka qeyb galay isku aragti ka ahaayeen tallaabada Milateri ee ciidamada ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoo ku sifeeyay in lagu soo duulay dalka, sidaas darteedna ay waajib tahay in laga saaro dalka.

 

Bayaanka ay soo saareen xubnahan ayaa waxay ku cambaareeyeen beesha caalamka sida ay isaga dhega tirtay waxa ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay ku tilmaameen inay tahay xasuuq loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo qoraalka lagu xusay in la magacaabo guddi 11-xubnood oo diyaariya howlaha shirka iyo tallaabooyinka kale ee xigi doona.

 

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

jabra@somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Dagaalka waxaa wada Maxkamadaha wayna sii wadayaan ilaa inta uu ka baxayo cadowga ku soo duulay" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow mas'uulkii Maxkamadaha u qaabilsanaa arrimaha dibadda, wuxuuna sheegay in Maxkamaduhu ay weli jiraan ayna taageersan yihiin shacabka Soomaaliyeed, "Shaatigii ay rabaan ha gashteen waxa Xamar ka dagaalamaya waa Maxkamadihii" ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mr Godagodo amaba Duke aanba iska iraahdee waxba boorka ha isku qarine, magaalooyinkii ingiriiska iyo magacyadii dad aad lahayd masabido sidaad u khaladday ayaa caddaynaysa been aad soo uruursatay.

 

bal waa su'aale shirku ma wuxuu ka dhacay Birmingham mise Leicester, who is Tyson? And xitaa saaxiibkeey C/Naasir Gurey oo sida aaminsahay nin qiimo leh oo Soomalinnimada iyo islaannimadu kala weyn tahay qabyaaladda.oo aad adigu ku sheegtay inuu ergo hoggaaminayey baad ka been abuuratay.

 

Duke sideey kaa noqotay? Awalba waa kugu aqaaney inaad cut and paste intaad magacyo iyo qoraal inta meel ka soo uruuriso aad wax ku darto aad SOL soo dhigto. Don’t abuse the facility here plz….lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Duke sxb..the sooner you get out of this baby-sitting job, the chance of regaining your sharpness will look brighter. Am certainly sure if you checked twice the resource of your story you would have realised how shamble it is.

What is happening with your work permit in the States, it is not coming through? Or you did not meet the minimum qualification requirement?

Anyways wish you luck. From Tarzan to Tyson..lol... :D:D . Am just wondering what would have been a mistaken identity for 'Caddow'...'cowboy' may be.. :D:D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, typical you could not hide your identity and your friend Abwan here who was complaining about rape rushes in head long.

 

Your response highlights there was a problem with this silly meeting, could you kindly elaborate on what took place.

 

Godegode made some points regarding the meeting all you have done is made some comments against Duke..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

And who is Goda-gode if I may ask you as there is no title, proffesion or some sort proper source info Mr Duug? Plus would one just cut and paste anything that is on the net without looking at it carefully?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Again you have attacked the messinger and not addressed the message.

 

You never heard of Gode-gode?

 

Why did this meeting fail, tell us Mr Abwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mr Duke I haven't heard of Gode Gode, does he work for Idamaale and took over Xuuc-sireed's (Bal magacaan malla yaabeen, Sirta dahaar or cover-keeda) job and you are ashamed to include that?

 

Duke, You are the one who is telling us it failed but I don't think it has failed. I think it has brought together many Somalis who oppose the Ethiopian occupation unlike you and some others and I am sure that you cannot deny that they come from different parts of the Somalia community; Academics, women, elders, Sheikhs, Youth. Many who might not have sat together beofre in order to discuss on Somali issues.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this