Sign in to follow this  
Liqaye

Islah’s policies and views on contemporary issues [10 points we can all get behind]

Recommended Posts

Members of Islaax, it seems to me, are the only wadaado who are sufficiently well-educated in world affairs in addition of being a learned people of diinta. Teeda kale kama cararaan dhaqankooda Soomaaliyeed, oo dhaqan Carbeed kama daba ordaan, unlike the rest la yaqaano dhaqamo sisheeye mooday wax weyn (cue: abuuthis and abuuthat). And above all, seeflabood ma'aha, oo wax kuma deg degaan, oo ma dhahaan either my way or seefta ku taqaano. Waxna wey sugaan, oo tanaasul iyo waxaasna wey galaan.

 

Having said that all, dad macquul u egyihiin, oo wey dhaamaan xirta kale iska daba ordeyso.

 

C/qaasin Salaad Xasan in uu Islaax ahaa u maleynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Teeda kale kama cararaan dhaqankooda Soomaaliyeed, oo dhaqan Carbeed kama daba ordaan, unlike the rest la yaqaano dhaqamo sisheeye mooday wax weyn (cue: abuuthis and abuuthat).

Walaahi waa runtaa. Waa raggii Sayid Mohammed Cabdule Xassan

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Diinta allee usoo laabta.."

 

"Diintii sida loo waday oo loo waday, baa xagga la iska dhigay, 'takhfiif' 'takhfiif' kooxaha maanta jirra, ee sheega in aay u adeegan islaamka oo ka mid ah, hadda humallaah (ayaan leeyahay),maxaa yeelay in badan oo ka mid ah, 'takhfiif' 'adeyga dhaaf', aya sidii loo waday (ayaa diinti wax yar laga soo reebay)."

 

"Diintaan wa diin, aan takhfiif, iyo adeeyg u baahneyn, Meel adeyg ahna aan loogu talagalin, wa diin an takhfiif ninna ka rabin, wa diin dhexdhexaad ku socota, bani'aadamka maslaxadoodana taqaanta, halaga barto quranka iyo sunnada, oo Rabbi ha laga baqo, ha laga danbeeyo la badaas, hadii khayr la doonayo, hadii aan laga danbayn, ciriiriga waligii laga bixi maayo"

 

 

Alle ha unaxariisto sh. boqolsoon muxuu xaqqa ku hadley.

 

 

"moderates"--sh boqolsoon(rx),

 

 

http://uk.youtube.com/watch?v=P7xaYMMEvFs

http://uk.youtube.com/watch?v=ov--teuF3RE&feature=related

Share this post


Link to post
Share on other sites

it is intresting to read the short term startegy of al-islah in somali, please peruse this writing and comment on i think this guys are mature enough to lead our nation and they dserve our support as diaspora.

 

Hawlaha guud ee Islaax ay qabanayso marxaladan , ee ku aaddan la falgalka xaaladda Soomaaliya, waxaa hagaya siyaasaadkan:

 

1) Wadahadal iyo dibuheshiin Soomaalida dhexdeeda ah ayaa xal u ah dhibaatada Soomaaliya.

 

Soomaaliya dhibaato siyaasadeed ayaa ka taagan, waxaana halakeeyay dagaallo sokeeye oo sababay burbur guud. Waxaa la riday dowladdii dhexe ee kelitaliska ahayd Janaayo 1991. Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka dhacay dagaallo culus, waxaana xoogaystay tafaraaruq bulshada dhexdeeda ah. Dagaaladan sokeeye, oo ah fitno dhexmartay dad walaalo ah oo Muslim ah, cidina kuma guulaysan inay guulo siyaasadeed oo la taaban karo ku gaarto; mana keenin dagaaladani xal guud ee dhibaatada Soomaaliya.

Haddaba, Islaax waxay rumaysan tahay in wadahadal iyo dibuheshiin lagu gaari karo xallinta khilaafka siyaasadeed ee Soomaalida dhexyaal, isla markaasna dib loogu soo celin karo dawlad Soomaaliyeed oo awood u leh gudashada xilkeeda.

Dibuheshiisiintu (إصلاح ذات البين) waa waajib diini ah oo inna wada saaran, dalka iyo dadkuna waxay u qabaan baahi xoog leh.

Cid kasta oo is haysa wuxuu Ilaahay –SW- faray inay heshiiyaan

 

قال تعالى: ((فاتقّوا الله وأصلحوا ذات بينكم ، وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين)) الأنفال : 1

((Alle ka cabsada, wanaajiyana xaalka dhexdiina ah, Alle iyo Rasuulkiisana adeeca haddaad kuwo rumeeeyay tihiin)) Al- Anfaal: 1.

Dhinacyada is haya maahane, bulshada inteeda kale wuxuu Ilaahay –SW- faray inay ka shaqeeyaan siday dibuheshiin u dhex dhigi lahaayeen:

 

قال تعالى: ((إنّما المؤمنون إخوة ، فأصلحوا بين أخويكم ، واتّقوا الله لعلّكم ترحمون)) الحجرات :10

 

((Mu`miniintu waa walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Allena ka cabsada, waxaad u dhowdihiin inuu idiin naxariisto e )) Al- Xujuraat : 10

 

Sidaas darteed siyaasaadka Islaax ee marxaladan waxaa ka mid ah taabbagelinta dibuheshiin buuxda oo Soomaaliya ka hanaqaadda. Waayo dibuheshiisiintu waa meesha ugu danbaysa ee cid kasta oo dagaalantaa ay hawsheeda ku soo gebagebaynayso.

Islaax waxay aragtaa in la baajiyo waqti iyo xoog badan, hawshana laga bilaabo dibuheshiisiinta, halka markii la soo daalo dibuheshiisiinta loo soo noqon lahaa. Xarakaduna waxay kaalinteeda ka qaadanaysaa ka shaqaynta hawlaha dibuheshiisiinta.

 

2) Taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood leh.

 

Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay Janaayo 1991, waxaa bilawday iskudayo sidii dawladdaas dhexe dib loogu soo dhisi lahaa, tiro shirar dibuheshiisiineed ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagu qabtay.

Dawlad la`aan lama ilaalin karo danta guud ee dalka iyo dadka, waxaana halis gelaya qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliya.

Haddaba, iyadoo laga duulayo ahmiyada dawladnimada iyo dhibaatadii laga dhaxlay maqnaanshaheeda ayay xarakadu mudnaanta koowaad siinaysa wax kasta oo suuragelinaya taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood leh, iyadoo lala kaashanayo dhammaan qaybaha bulshada iyo dawladaha saaxiibka ama walaalaha la ah Soomaaliya.

 

3) Xoojinta midnimada bulshada iyo ka hortegidda waxyaabaha kala qaybin kara

 

Midnimadu bulshada waxay lama huraan u tahay wadanoolaanshaha iyo horumarka. Sidaas darteed waa in laga wada shaqeeyo ilaalinta midnimada ummadda iyo kobcinteeda. Waa in la abuuraa lana dhiirrigeliyaa waxyaabaha midnimada kobcinaya, sida: isjacaylka, iskaalmaynta, iskaashiga bulshada dhexdeeda ah.

Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kalaqaybinaya bulshada, burburinna kara midnimadeeda, sida qabyaaladda, eexda iwm. Waxaa lagama maarmaan ah in laga hortago lalana dagaallamo waxyaabahaas dhaawacaya midnimada iyo wadajirka bulshada.

Haddaba Islaax waxay rumaysantahay, kana shaqaynaysaa ilaalinta iyo kobcinta midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo la dhiirigelinayo waxyaabaha kor u qaadaya. Sidoo kale, waxay ka shaqeynaysaa in laga hortago waxyaabaha dhaawixi kara midnimada, wadajirka iyo wadanoolaanshaha bulshada.

 

4) Xoojinta bulshada Rayidka ah

 

Xarakadu waxay u aragtaa hay`adaha bulshada rayidku in ay muhiim u yihiin horumarka bulshada iyo mashruucyadeeda kala duwan ee nolosha sida:– caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontada iwm.

Ururada bulshada rayidku waxay qayb ka yihiin xoojinta iskaashiga iyo wax wadaqaybsiga bulshada dhexdeeda; iyo in bulshada ka qaybqaadato hawlaha danta guud.

Waxaa kale oo ay bulshada rayidku asaas muhiim ah u tahay dhisidda iyo dhowridda xorriyadaha, iyo kahortagga kalitalisnimo xagga maamulka iyo siyaasadda ah.

Sidaas darteed Islaax waxay aragtaa, kana shaqaynaysaa xoojinta bulshada rayidka ee Soomaaliya.

 

5) Ka fogaanshaha adeegsiga xoogga si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed

 

waxaa laga dhaxlay nidaamkii milateriga ahaa, dersi lama ilaawaan ah kolkii uu u adeegsaday awood iyo maquunin ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, Natiijadu waxay noqotay kacdoon shacbi oo ballaaran oo riday nidaamkii burburiyayna dawladdii iyo haybadeedii, waxaana la burburay ilbaxnimadii iyo soojireenkii shacabka soomaaliyeed .

Dhinaca dagaaladii sokeeye ee bulshada dhexdeeda ahaa, waa la wada garanayaa khasaarooyinka iyo natiijooyinka foosha xun ee ka dhashay, iyo danbiyadii iyo dhibaatooyinkii argagaxa lahaa oo ay reebeen dagaaladaas.

 

Haddaba annagoo ka faa’iidaysanayna waayo-aragnimadaas dalka soo martay iyo kuwa caalamiga ahba; kana ambaqaadayna fahamka saxda ah ee Islaamka, ayaannu waxaan u aragnaa dhinac kasta oo raba inuu adeegsado xoog si uu u xaqiijiyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed in uu sii dheeraynayo dhaawaca shacabka dhibaataysan, burbur maahane faa`iido waartana ka soo hoynayn.

Waxaa inna soo maray muddo dheer oo aan dhadhaminay in nagu filan oo ah: xoog isu adeegsi, kalitalisnimo iyo ku dhaqanka hababka ku dhisan fogaynta, liididda & kugaboodfalka xuquuqda dadka kale ilaa aan ka waynay qaranimadeenii, dibna u dhacnay. Waa waayo-argnimo qaraar oo inna tusinaysa dhibaatada ay leedahay xoog isu-adeegsiga Soomaalida dhexdeeda ah.

Waayo-aragnimadani waxay ina xasuusinaysaa sida xooggan ee Diinta Islaamku innooga digtay dagaalada fitnada ah ee bulshada dhexdeeda.

Sidaas darteed, Islaax way diidan tahay, in xoog hubaysan Soomaalidu isu adeegsato si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed.

 

6) Adeegsiga habka nabadda iyo isqancinta si loo gaaro isbedel waara

 

Isbeddelka loo baahanyahay ee la tiigsanayo, waa isbeddel ka bilaabanaya dhisidda iyo barbaarinta qofka, kadibna u gudbaya bulshada iyadoo loo marayo dadaallo xoogan oo taxane ah si loo abuuro bulsho ku toosan manhajka Alle S.W. Isbeddelkani waa inuu gaaraa dawladda hay’adaheeda iyo waaxyaheeda kala duwan.

Hawshani waxay u baahantahay in la isu geeyo dadaallo badan, la isuna duwo qaybaha kala duwan ee ummadda iyo awoodahooda si loo gaaro ujeeddooyinkaas gogolxaarka u noqonaya helidda nabadgelyo, xasilooni iyo baraare, daawaynana dhaawacyadii dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii ay reebeen.

Xarakada Islaax kolkii ay soo if baxday 1978 waxay ku saleysay barnaamijyadeeda, siyaasadaheeda iyo aragtiyadaheedaba hababka degan ee ku dhisan isqancinta iyo wadahadalka, haba kala f******** aragtiyada iyo afkaarta la kala qabo e.

 

7) Inaan la garabsan dawlado shisheeye oo faragelin Soomaaliya ku sameeya

 

Laga bilaabo dabayaaqadii toddobaatameeyadii ee qarnigii tagay ayay samaysmeen jabhado Soomaaliyeed oo hubaysan oo mucaarad ah, waxayna gacan weydiisteen dawlado shisheeye oo qaarkood cadawga soomaaliyeed ahaayeen, si ay uga helaan kaalmo dhaqaale, hub & mid siyaasadeedba . Ridistii dowladda dhexe ka dib, waxay bilaabeen kooxaha Soomaaliyeed in koox kastaa garabsato awood shisheeye si ay uga adkaato dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay is hayaan. Waxaana tobaneeyo jeer isbadalay hadba dhinaca la safan cadawga, waxaad arkaysaa koox la safan cadawga, muddo yar dabadeedna ka so horjeeda. Mar labaad ama saddexaad, ama afaraadna ku noqonaysa meeshii hore. Habkanina waa mid ku soo noqnoqda hadba kolkii shucuubtu daciifto oo ay waydo awoodeeda dhabta ah.

Cadaw la garabsadaana waa danbi aan la dhaafi karin, waana khiyaano & dayacaad la dayaco dalka, dhinacna libintu ku raaci mayso garabsigaas.

Dhinacyadan Soomaaliyeed ee kaashanaya awoodda dalalka dibaddu marna guul ku gaari maayaan, dalkooda iyo dadkoodana dhibaato hor leh ayay u sii gaysanayaan, qaranimadii Soomaaliyana way sii wiiqmaysaa.

Haddaba, waa in dhammaan laga waantoobaa in la kaashado awoodda dalalka shisheeye si looga adkaado dhinaca kale ee Soomaaliyeed, taas oo faragelin ku ah arrimaha dalka, isla markaasna aan ka qaybqaadanayn xallinta dhibaatadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by B_G:

It seems like they want to unite and respect everything from Sufism, Democracy,Secularism, Nationalism, etc.

:D:D:D ... exactly ! ! !

 

 

The Young Ottomans, a group of Istanbul writers in the 1860’s, were perhaps the first group of Muslims to claim that Shari’ah was compatible with modern democracy.
In fact, the Young Ottomans went further, claiming that Islamic law, correctly understood, required some form of constitutional government. They argued for a return to the spirit of classical Islam, which recognized the sovereignty of the people and the principle of government by consultation.

Inaalillaahi ! ! ! :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

it seems they are really thinking, what looks like is they want find apolotical philosophy that can harmonise our sopmali and islamic identity. on the other side they appreciate and acknowledge the importance of understanding the concept of nation state, they want formulate aphilosophy which is compatible with all of these identities. They may not have the solution but the alternative is dark and clannish ghettos or radical and puritanic understanding of the religion, i think they can be stepping stone towords enlightment and govermant that can harmonise our identities.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaal wa inaan diinta sideeda u qaadano.

 

Nabiga (saw) qureysh ayaa mar talo ula timid. waxay ku dhaheen billo illaahaga aan caabudno, adiguna sanamyaalkeena mar caabud, markaas buu illaah soo dajiyay suurada loo yaqaano qulyaa ayahul kaafiruun.

 

Marka sheekadu weey iska cadahay, in intii wax la isku qaso, diina lagu sheego xal ma ahan.

 

Runtii dadka waxyaalahan oo kale aaminsan, fikirkoodu asal ahaan wuxuu ku daba wareega sidee gaalada caalamka u raali galina oo diinta ugu qurxiina, runtiina in uu qof muslim ah saa u fakaro ma ahan, waayo waxaa laguu abuurey in aad Allehii ku khalqay in aad raali galiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

saxiib in diinta iyo risaalada islaamka la qurxiyo waa waajib diini ah. in ummad walba waaqiceeda la fahamana waa daruuro. islaax waxa kaliya oo ay rabto waa in islaamka si sax ah oo aan ka badbadin ahayn loo fahmo. waxay rabtaa dadka in aqoonta casriga ah iyo diintaba la baro. waxay diiday in dadka bani'adamka ah dhiigooda si sharci darro ah loo daadiyo. waxay dadka u kala saartaa waxa diin ah waxa dhaqan carbeed ah, sida in gabdhaha la yiraahdo wax ma baran kartaan, ma shaqaysan kartaan, iyo wax mas'uliyad ah ma qaban karaan.

 

Saxiib in dad la baro cilmi , loo kaalmeeyo ka miskiinka ah la heshisiiyo dadka dagaalami haddi ay faddiidnimo tahay , waxaad shaqo u taqaanaa dadka in magac diineed lagu laayo, in lagui daydo usaama oo afqaanistaan buurahooda ku dhuumanaya, soomaliya ha noolaato Al-islaax iyo inta soomalinimada aaminsana ha noolaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

saxiib diintu marnaba ma fool xumayn , lakiin qaabka loo gudbinayo waa in si quruxbadan loo soo gudbiyaa. si sax ahna waa in loo fahmaa oo quluu waxa loo yaqaanana ahayn. si dhexe oo waa in loo soo gudbiyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

somali citizen: it is intresting to read the short term startegy of al-islah in somali, please peruse this writing and comment on i think this guys are mature enough to lead our nation and they dserve our support as diaspora

Absolutely. I am not Islah, but by God their propositions truly spell out the return of good sense and reason to what has thus far been the mad playground of ruthless warlordism and sentimental struggle. As such the Islah are part of the solution and not the problem. A very welcome political stance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this