Sign in to follow this  
Xoogsade

Cabdullaahi Yuusuf oo shir beeleed ku qabtay Mareykanka Khudbadii uu ka jeediyey

Recommended Posts

Xoogsade   

Cabdullaahi Yuusuf oo shir beeleed ku qabtay Mareykanka & Khudbadii uu ka jeediyey oo uu ku sheegay in Itoobiya ay hubka uga dhigeyso ******(Warbixin sir ah)

 

 

Waxaa maalnimadii shalay shir ku yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka shaqsiyaad ay Cabdullaahi Yuusuf jifo hoosaadkiisa ah, waxaana kulankaasi uu ahaa mid shaqsiyaadkaasi ku heybta ah ay ku weydiinayeen su'alo fara badan oo ku saabsan waxa ilaa haatan u qabsoomay dowladiisa & rajada uu ka qabo in dagaalada Muqdisho & gobolada dalka ka dhacaya ee u dhexeeya Itoobiyaanka & xooggaga muqaawimada in ay istaagaan.

 

 

Kulankan ayaa intii aanu furmin mid ka mid ah xubnihii soo qabanqaabiyey uu sheegay in kulanku ahaa mid beeleed, isla markaana madaxweynuhu la shirayo jifadiisa, waxaana lagu wargeliyey in ay raali ahaadaan oo hoolkii shirka lagu qabanayey ay isaga baxaan xubno uu ka mid ahaa xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo madaxweynaha ku wehliyey socdaalkiisa, ahna xildhibaan ka soo jeeda Afgooye.

 

 

Mid ka mid ah xubnihii kulankaasi beel ahaanta uga qeybgalay, si weynna uga soo horjeeda qorshaha Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in hadalo faan & digasho ah in uu Cabdullaahi Yuusuf madasha shirkaasi ka soo jeediyey, waxaana qodobada uu ka hadlay ka mid ah, dagaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay kuwo guul ku dhammaan doono waqti dhow.

 

``Cabdullaahi dadkii wuxuu ula hadlay sida dad ajnebi ah oo aanan dalkii-ba ka warqabin, qaar ka mid ah dadkii shirka fadhiyey ayaa intii uu shirku socday Soomaaliya laga soo wacayey, loona sheegayey halka uu xaal marayo, Cabdullaahina sawiro aan meesha oolin buu bixinayey.

 

 

`Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, Itoobiyaanka waan ku daneysaneynaa, ****** haddaan hubka la inooga dhigin ma anagaa xukumi karna, sow ma ahan in marka hore hubka laga dhigo, haddii kale waa ina buuranayaan sow ma ahan``

 

 

Qaar ka mid ah xubnihii kulankaasi ka qeybgalay ayaa weydiiyey su'alo kala duwan waxaana su'alihii la weydiiyey ka mid ahaa, (Xabbad & dagaal joogta ah sida taariikhdu warineyso ma ahan wax xal lagu gaaray, qorshaha ma kuugu jirtaa inaad hanaan wadahadal ku dhisan oo xaqiiqo ah in aad u wajahdo xaalada) waddaad kale oo ka mid ahaa xubnihii shirka ka qeybgalaya ayaa su'al kale dhiibtay oo yiri (Dad badan baa marka ay warbaahinta hadaladaada ka maqlaan ka carooda sida aad u hadleyso & erayada aad isticmaaleyso, sow ma haboona in aad si nabadoonimo ah u hadasho oo aad ka maagto faanka & digashada),

haweeney ka mid aheyd ka qeybgalayaasha ayaa su'al ay weydiisay ku sheegtay ``Waxaan filayaa in maanta xaaladu aaney joogin qabiil wax la yiraa & Hawiyaa lala dirirayaa, ****** waa dad walaalahaya oo Soomaali ah, oo aynaan sinaba u kala maarmin, Soomaaliduna waxey tiraa (Af-xumo nabad waa kaa geysaa, colaadna wax kaagama tarto), Cabdullaahiyoow armada duriyada ********** ceeb u soo jiidaa oo taariikhda danbe aad ********** ka dhigtaa (tuke cambaar leh) oo dadka kale ka duwan, sababtuna waxey tahay Soomaali oo dhan baad dooneysaa inaad Xabashi ku gumaado, qolo aadan godob ka gelinna ma jirto, adigu bil sii dhaceysaad tahaye awlaada aad ka tegeyso miyaadan u tureyn in berri ummadda laga takooro.

 

 

Wuxuu kaga jawaabay suiasha hore ``Horta waa sax oo xabbadi xal ma keento, laakiin mid baan idiin sheegayaa annagu xabbada waa nalala soo goobtay ee ma aynaan billaabin, nimankaan shabaabka la leeyahay wax ay ku qancayaan oo aan aheyn in ay dalka awoodiisa la wareegaan oo ay dowlad islaami ah ka hirgeliyaan wax aan ka aheyn oo ay xal u arkaan ma jirto, annaguna wax badan baan ka faaidnay, oo waa kaa shaabad la daba taagan oo ku sunteyna Al-Qaacida & argagixiso, teeda kale, fursad waxaan helnay aan ****** ku kala qeybineyno, oo waa inaga waxgaradkoodii ku shaqeysaneyna inta aan isugu darnay lacag & xil)

 

 

 

 

 

Jawaabtii uu ka bixiyey su'ashii labaad (Adeer annagu hadal jilicsan & baryo weligeey ma baran, haddana xaaladu hadal jilicsan ba joogto oo marya dhiigleh baa la kala furanayaa, Xamar war ma u haysaa, waxaan awoodi la´nahay in aan madaxtooyadii ilaa garoonkii dayuuradaha aan nabad ku imaano, oo ammaankeenii baa qalqal ku jira, meel kasta miinaa lagu aasay, maxaan annaguna reebaneynaa)

 

 

Kulankan ayaa ahaa mid si weyn loogu kala aaraa duwanaa, waxaana ugu danbeyntii ka hadlay mid ka mid ah culumaaudiinka ay isku jifada yihiin Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna soo jeediyey in maadaama uu aad adigu tahay madaxweyne, waxaa aakhiro wax lagaa weydiin doonaa dhammaan dadka Soomaaliyeed xaaladdaha ay ku sugnaayeen muddadii aad xilka haysay, waxa dalkii ka dhacay, ama ka dhacaya iminkana waan la soconaaa.

 

 

www.dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Best parts:

 

Kulankan ayaa ahaa mid si weyn loogu kala aaraa duwanaa, waxaana ugu danbeyntii ka hadlay mid ka mid ah culumaaudiinka ay isku jifada yihiin Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna soo jeediyey in maadaama uu aad adigu tahay madaxweyne, waxaa aakhiro wax lagaa weydiin doonaa dhammaan dadka Soomaaliyeed xaaladdaha ay ku sugnaayeen muddadii aad xilka haysay, waxa dalkii ka dhacay, ama ka dhacaya iminkana waan la soconaaa.

 

 

haweeney ka mid aheyd ka qeybgalayaasha ayaa su'al ay weydiisay ku sheegtay ``Waxaan filayaa in maanta xaaladu aaney joogin qabiil wax la yiraa & Hawiyaa lala dirirayaa, ****** waa dad walaalahaya oo Soomaali ah, oo aynaan sinaba u kala maarmin, Soomaaliduna waxey tiraa (Af-xumo nabad waa kaa geysaa, colaadna wax kaagama tarto), Cabdullaahiyoow armada duriyada ********** ceeb u soo jiidaa oo taariikhda danbe aad ********** ka dhigtaa (tuke cambaar leh) oo dadka kale ka duwan, sababtuna waxey tahay Soomaali oo dhan baad dooneysaa inaad Xabashi ku gumaado, qolo aadan godob ka gelinna ma jirto, adigu bil sii dhaceysaad tahaye awlaada aad ka tegeyso miyaadan u tureyn in berri ummadda laga takooro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ brilliant lady .... mashalaah

 

the old fool thought he would get a free pass from his clansmen ... little does he know that true patriots put somalinimo before reer hebel ... nacala tulaa calayk dheh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade,

I think you are out of control with this qabiil thing. Quoting clan trash tabloid Dayniile is not going to help your cause. You are opposing A/Y only because of qabiil that, my friend, comes through with your frequent rants here. Tone it down and stick to the Ethiopia is occupying us through the TFG which include your own clansmen such as Mohamed Dhere, Gen. Cabdi Qaybdiid and many others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^If I were you I'd be careful with the cry-baby defamations. I succinctly remember Xoogsade furnishing a post from 2004 after c.yuusuf was elected in which he supported him. So, if as you say he opposes c.yuusuf for his clan, why would he support him back then?

 

Anyways, I wouldn't waste a minute's worth on c.yuusuf. He's stooge of Melez who has done nothing of worth for his country in his entire life.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

The tabloid might be lying. But the content is something i heard from the supporters of the old man time after time. I know that is what motivates him! Qabiliste!Shame

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Sometimes you hear the truth and wise words from the unlikelist of sources. i beleive them on this one.

by the way, what about Allpuntland and carmooyin, widhwidh etc. Are they not qabiil-centered if not more? Just for your information.

Abdullahi Yusuf has consistently shown he puts tribe before nationhood.

JB

any doubts on this story?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by Socod_badne:

^If I were you I'd be careful with the cry-baby defamations. I succinctly remember Xoogsade furnishing a post from 2004 after c.yuusuf was elected in which he supported him. So, if as you say he opposes c.yuusuf for his clan, why would he support him back then?

 

Anyways, I wouldn't waste a minute's worth on c.yuusuf. He's stooge of Melez who has done nothing of worth for his country in his entire life.

I wish I could pull those past posts of mine out. I am not expert in SOL's "search" options. I might bookmark such past posts of mine if I locate them by chance so I can silence colaadaction and her crew every time they try to pull the clan one on me LOL.

 

As for dayniile, they are like all other clan owned websites, they report mixed information, some truthful others exaggerrated or outright lies. Give me a website who doesn't engage in such reporting. Anyone? Some have good standards like Beerdhiga, GaroweOnline, others serve clan audience they know love to read their stories.

 

With this story, Dayniile does a good service to A/Y's clan who would be maligned collectively. Now people can see the good among the bad and Dayniile should be commended for this reporting.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, Itoobiyaanka waan ku daneysaneynaa, ****** haddaan hubka la inooga dhigin ma anagaa xukumi karna, sow ma ahan in marka hore hubka laga dhigo, haddii kale waa ina buuranayaan sow ma ahan``

What happened hadana? I thought odega indicated a willingness to soften his stance and negotiate. Kala hadalka xaa keenay hadane?

beer-ka cunuga oo ku dhex jiro aa ku dhex dheedheelooyo aan u maleenaa!

 

Well..force has been tried, how well has that worked for him? Maybe diplomacy will help, it's not like they disappear from the map by disarming them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xoogsade again, you are on it, get your head out of the clan syndrome, Ooh you will never, Soomalibaa horay uturi "Waano Abuuris baa ka horaysay".... to my avail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this